Sheekada Salma Yariisey
Salma Maxamed (Yariisey) waxay gacmaheeda ku weyday qarax ka dhashay miino ay ku ciyaaraysay. Salma waxay haatan leedahay bog TikTok oo ay ku xiran yihiin 750 kun oo qof.
Trump oo ku hanjabay masaafurinta malaayiin..
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu dalka masaafurin doono malaayiin qof oo sharci-darro ku jooga. Haddaba sidee arrintan u saameyneysaa Soomaalida aan sharciga haysan? Waxaan ka wareysanay Aadan Bataar oo madax ka ah hay'ad dib u dejin qaxooti, kuna sugan Utah.
Mandhera oo ku guuleystay tartan caalami ah
Qurba-joogta Afrikaanka ah iyo doorashada Mareykanka
Mareykanka oo mamnuucay qalabka Shiinaha ee baabuurta
Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield
SHEFFIELD —
Booliska gobolka Yorkshire ee dalka UK ayaa xaqiijiyey dilka wiil Somali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield ee gobolkaas.
Booliska ayaa magaca wiilka la dilay ku sheegay Sacad Cali, waxaana korkiisa ka muuqday dhaawacyo toorey, sida ay sheegeen.
Wariyaheena Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa ka waramaya arrintan.
https://www.voasomali.com/
MARAYKANKA
Trump iyo Biden oo guulo ka gaaray doorashooyinkii Super Tuesday
WASHINGTON —
Malaayiin ka mida shacabka Maraykanka oo ku kala nool 16 gobol iyo Jaziiradda American Samoa oo hoostimaada Maraykanka, ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada is reeb-reebka.
Doorashadan ayey dadweynaha u diiwaangashan xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ay ku doortaan musharaxa xisbigooda ku meteli doona doorashada madaxtinimada ee dhacaysa bisha November ee sannadkan.
Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha xilligaan Joe Biden ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki Talaadadi.
Warbixin gaar ah oo uu doorashooyinkan ku saabsan waxaa inoo diyaariyay wariyaha VOA-da Ismacil Xusen Farjar oo Washington jooga.
https://www.voasomali.com/
MUQDISHO —
Kulan ballaaran oo dhallinyarada looga wacyi-gelinayo daroogada iyo si xun u siticmaalka baraha bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Daroogada iyo si xun u siticmaalka baraha bulshada ayaa saameyn taban ku yeeshay aadaabta da'yar badan oo Soomaaliyeed sanadihii dhowaa.
Kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen maamulka Gobolka Benaadir, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fahmi lahaa dhaqan bur-burka ku socda dhallinyarada.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa soo diray warbixin arrinntaasi ku saabsan.
Soo Booqo Barteena https://www.voasomali.com/
ALGIERS —
Dalka Algeria ayaa Axaddii shalay ahayd xariga ka jaray Masaajid-ka ugu weyn Afrika oo ku yaalla xeebta Mediterranean ka kadib sannado badan oo carqalado siyaasadeed oo u rogay mashruucan inuu dib u dhac iyo in kharash fara badan uu ku baxo.
Warbixin ay qortey wakaaladda wararka ee Associated Press waxaa soo koobaysa Sahra Cabdi Axmed.
Soo Booqo barteena
https://www.voasomali.com/
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay sida ay u socoto doodda xildhibaanada Soomaaliya ee ku aadan dib u eegista iyo wax ka-beddelka dastuurka dalka.
Wxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Soo Booqo barteena https://www.voasomali.com/