Ayanle Dalmar Capitano

Ayanle Dalmar Capitano broadcasting And media Production Campany
(2)

Sheekh xabiib. waa Fanaan h**e Ex (FJ Xabiib) oo caan ku ahaa heesaha raabka ,maantana wa daaci diinta faifiya Sii faafi...
08/22/2024

Sheekh xabiib. waa Fanaan h**e Ex (FJ Xabiib) oo caan ku ahaa heesaha raabka
,maantana wa daaci diinta faifiya

Sii faafi khayrka siloogu daydo wanaaga

Jaamacad ayuu ka qalinjebiyay waliba darajo aad u sareysa balse waxuu dhib kala kulmay siduu shaqo ku heli lahaa, dadaal...
08/13/2024

Jaamacad ayuu ka qalinjebiyay waliba darajo aad u sareysa balse waxuu dhib kala kulmay siduu shaqo ku heli lahaa, dadaal dheer kadib maalin ayuu joornaalka ku arkay shaqo banaan loona baahanyahay qof ka shaqeya beerta xayawaanka.

Codsi dirasho iyo isdiyaarin kadib waxaa loogu yeeray waresyi shaqo (interview), waxaana loo sheegay sida tan " beerteena waxaa h**ey u joogi jiray danyeerka nooca gorillaha loo yaqaano balse waa naga dhintay dalxiisayaashana aad bey u jeclaayeen waxaan rabnaa inaad booskiisa gasho"

La yaab ayay la noqotay balse mishaarka ayaa ahaa mid soo jiidasho leh waana aqbalay, maalinti kowaad dhar u eg maqaarka gorilaha ayaa loo geliyay waana u boodbooday dadkii, maalinkii xigtay asagoo boodboodaya ayuu si kedis ah ku galay qeybta libaaxyada nasiib xumase Aw- libaax ayuu la kulmay! Inta is hilmaamay ayuu qeylo ku dhuftay " war I caawiya, war I caawiya" balse libaaxii ayaa inta soo orday ku yiri " war heedhe naga aamus waa saxiibkaa cali ee aad isku fasalka aheydeen, wadankaan shaqo k**a jirto xitaa yaxaaska halkaas biyaha ku jira waa xasan oo shaqeysanaya hana fashilin😂😂

Maxey kula tahay adiga?

08/11/2024

Masha Allah khayrka faafi

Cashir halaga Barto inad wakhtigaaga sugto siduu kugu soo maraba Tamirat Tola: oradyahanka reer Itoobiya  laba isbuuc ka...
08/10/2024

Cashir halaga Barto inad wakhtigaaga sugto siduu kugu soo maraba

Tamirat Tola: oradyahanka reer Itoobiya laba isbuuc kahor kuma uusan jirin liiska tartamayaasha Olympikada. Hadana wuxuu qaatay bilada dahabka tartanka orodada dheer.

Waxaa dhaawac ku baxay xiligi isdiyaarinta sxbkiis ey isku wadanka ahaayeen kadibna wuxuu nasiib u yeeshay in loo yeero, ugu dambeyna tartanki ayuu ku guuleystay.

Dunidan waxaa ku nool dad badanoo jaanis kaliya u baahan si ey guul u gaaraan.

Xasan carab

“Waa ballan,dib ayeynu u dhisi doona”Wa fariimaha ku xardhan guryaha burburay ee gaza.Naftii ku dhimatay Janno iyo naxar...
08/10/2024

“Waa ballan,dib ayeynu u dhisi doona”
Wa fariimaha ku xardhan guryaha burburay ee gaza.Naftii ku dhimatay Janno iyo naxariisti Alle ba sugaysa,guryihi dumayna dib aya lo dhisi doona.
Alle dhibka haka dulqado rer falastiin.

Sii faafi

Xaalada degmada Qubi ee Gobolka Erar oo ay biyo la aan baahsani kasoo yeedhayso.Kadib markii Booyadii biyaha udhaaminays...
08/08/2024

Xaalada degmada Qubi ee Gobolka Erar oo ay biyo la aan baahsani kasoo yeedhayso.

Kadib markii Booyadii biyaha udhaaminaysay degmada Biyaha Toga kadhaxbixi wayday,waxa usoo gurmatay booyad kale oo ay degmadu lahayd tiina dhaxda ayay kuxumaatay.

Qubbi oo markii h**e wado la aan godoon ahayd markana waxa ugu darsantay biyo la aan .degmada Qubbi male wax ceel Riig ah .

Qubi gumad bay ubaahan tahay .

Wado la aan + biyo la aan 🔏

Sii faafi share garee ,si meelwalba ugaadho loona darmeemo dhibatada haysata shacab waynaha reer Qubbi

08/02/2024
Messi waxba lagama qaban karo , koobwalba wa ku raaxaystay goat ka dhabta ah🎊
07/15/2024

Messi waxba lagama qaban karo , koobwalba wa ku raaxaystay goat ka dhabta ah🎊

Sheekh Maxamuud Maalinguur (1960)Xoghayaha Guud SYLAllaha u naxaristo isaga iyo dhamaan gobonimo doonka SYLSource Hanad
07/14/2024

Sheekh Maxamuud Maalinguur (1960)

Xoghayaha Guud SYL

Allaha u naxaristo isaga iyo dhamaan gobonimo doonka SYL

Source Hanad

Waxaa  dhisaynka gurigan naqshadeyay midka mida ardayda wax kabarata jaamacada jigjiga Üniversity culunta engnerninada w...
06/21/2024

Waxaa dhisaynka gurigan naqshadeyay midka mida ardayda wax kabarata jaamacada jigjiga Üniversity culunta engnerninada wuxuu kasoo xaroday Magalada Fiiq .

Dhalin tan Hal abuurka leh ee magalada Fiiq aya aad usoo badanaya waxay ubaahan yihiin garab istaag iyo Gacan qabasho

Usame Abdi Kalif guuleyso Engner✌🏽

HAMBALYO walaal Nouman A. Ahmed oo ah gudoomiye kuxigeenka Taakulo Charity kana mid ah aas-aasayaashi Dallada Ardayda Go...
06/15/2024

HAMBALYO walaal Nouman A. Ahmed oo ah gudoomiye kuxigeenka Taakulo Charity kana mid ah aas-aasayaashi Dallada Ardayda Gobolka Erer, ayaa ku guulaysatay inuu kamid noqdo golaha dhalinyarada codkooda la maqlo ee Midawga Yurub uqaabilsan Itoobiya (EU-Ethiopia Youth Sounding Board).

Golahan dhalinyarada ee midawga yurub kumatalaya Itoobiya waa 20 xubnood, Nimcaan ookaliyaana Soomaali ka ah.

Sawiradan waa kulankii koobaad oo Addis Ababa ku galeen todobaadkii h**e.

Horay usoco walaal , guulo badan iyo meelo halkan kasarraysana waan kuurajayn Inshaa'Allaah, aqoonteedii iyo kartideediina waad leedahay.

Abdulahi Abdi ali

Bandhigii buugii uhiili ilamaaga oo ay bulshada fiiq sfcn iga soo qayb galeen Bulshooy buugaas hamoogaanina
06/13/2024

Bandhigii buugii uhiili ilamaaga oo ay bulshada fiiq sfcn iga soo qayb galeen

Bulshooy buugaas hamoogaanina

Quruxdu waa xijaabka
06/12/2024

Quruxdu waa xijaabka

Ebirr dhaleecayn iyo warar been abuur nina h**ey waxba uga qaadi Waa ,Ebir kaafi wa adeg marwalba garab iyo gaashaan u a...
06/11/2024

Ebirr dhaleecayn iyo warar been abuur nina h**ey waxba uga qaadi Waa ,Ebir kaafi wa adeg marwalba garab iyo gaashaan u ah shacabka deeganka iyo dalka ba waxay soo garab istaagtay wakhtiyadi adkaa jiritaanka ebirr waxay sahashay waxyaabo loobaahnaa muwadinintuna siwayn uga faaiideen.

Jeebka muwaadininta deeganka wa Ebirr kaafi .

Waxan hambalyo udirayaa kooxda kubada Cagta gobolka Nogob oo markan iska soo xaadiriyay final koobka horyaalka gobolada ...
06/07/2024

Waxan hambalyo udirayaa kooxda kubada Cagta gobolka Nogob oo markan iska soo xaadiriyay final koobka horyaalka gobolada deganka somalida ,
Waxay noo tahay farxad in final iska soo xaadiriso koxda xidigaha Nogbed sanadkan waxa lasoo dhisay koox dhamaystiran oo guusha lasaaxiiba waxana wata macalin heer sare ah ciyaartoy na soo ahaa 🎊🎉

Sanadan koobka Garbo ,Sagag ilaa Qari-jiqood indho usocda ayu lehay.

Xulka Gobolka Erar iyo Xulka Gobolka Nogob oo iska xaadiriyay semi finalka Koobka Gobolada deganka somalida Sanadan koob...
06/05/2024

Xulka Gobolka Erar iyo Xulka Gobolka Nogob oo iska xaadiriyay semi finalka Koobka Gobolada deganka somalida

Sanadan koobka Erar iyo Nogob ayay dad badan usaadaalinayan in koobka kuguuleysan karaan kadib markii ay soo bandhigen ciyaaro cajiiba awood buuxdana ku yimadan semifinalka

Ma og tahay —-maalinta ay Taarikhdu tahay   16/ 06 /2024 G.C ama  9/10/2016 E.C  Waxaa  mudo 3sano aha ka dib   la qaban...
05/31/2024

Ma og tahay —-

maalinta ay Taarikhdu tahay 16/ 06 /2024 G.C ama 9/10/2016 E.C Waxaa mudo 3sano aha ka dib la qaban doonaa doorashadii maamulka magaalada jigjiga ,waa isla doorashadii 2021 Degaanka ka dhacdey maadama natijadii la qaadacay kadib dacwad ka timid meelo kala duwan
Iyo musharixiintii sida shaqsiga aha u sharaxnaa

hadaba waxaa musharaxiinta tartamaysa ka mid aha mudane cabdirisaaq sheekh maxamud ( Abdurezak Adari) waa aqoon yahan kulan sadey Dadnimo ,firfircooni iyo daacadnimo
waxan ka codsan haynaa muwaadin kasta oo degan Magalada jigjiga in aad codkaaga siiyo xildhibaan Abdurezak Mahamud .

Lawadaag Asxatada oo share gare 👍

✍️ Ayanle Dalmar Capitano

hambalyo maalinta shaaha adunka 🧋
05/21/2024

hambalyo maalinta shaaha adunka 🧋

Fik Somali State
05/12/2024

Fik Somali State

Munaasibad Casho-sharafeed ah ayaa loo sameeyay xulka kubada cagta degmada Gol-jano oo ku guulaystay tartankii 11 aad ee...
05/03/2024

Munaasibad Casho-sharafeed ah ayaa loo sameeyay xulka kubada cagta degmada Gol-jano oo ku guulaystay tartankii 11 aad ee horyaalka kubada cagta ee degmooyinka gobolka Faafan.

Hambalyo Gol-jano champions 🏆 2024

Toga Erar
04/22/2024

Toga Erar

Waxan hambalyo dhalasho udirayaa wall Sayid iyo marwadisa oo wiil ugu dhashay  magalada Fiiq .Dhalasho wacan 👑🌹
04/15/2024

Waxan hambalyo dhalasho udirayaa wall Sayid iyo marwadisa oo wiil ugu dhashay magalada Fiiq .

Dhalasho wacan 👑🌹

  sualo iyo jawaabo diini ahhalaga faidesto asxaabta:• S - Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan w...
04/02/2024

sualo iyo jawaabo diini ah
halaga faidesto asxaabta:

• S - Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
• J - Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).
• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
• J - Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.
• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
• J - Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.
• S - Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
• J - Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
• J - Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
• J - Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
• J - Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
• J - Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
• J - Waa Sacad bin Mucaad (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
• J - Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku (SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
• J - Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).
• S - Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
• J - Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.
• S - Waxaad sheegtaa Magaca Abi-bakar Sadiiq?
• J - C/laahi binu Qaxaafa .
• S - Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
• J - Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.
• S - Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu h**eeyey?
• J - Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.
• S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu h**eeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
• J- Cismaan bin Cafaan R.C.
• S - Waxaad sheegtaa waxa ugu h**eeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
• J - Waa Salaada.
• S - Waxaad sheegta qofka ugu h**eeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
• J - Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).
• S - Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?
• J - Waxaa ugu horgelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.
• S - Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?
• J - Waa Ubaya bin Khalaf .
• S - Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?
• J - waxuu ahaa Xudeyfah.
• S - waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?
• J - waxuu ahaa Tamiimuddaari
• S-waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israiil+
• J-waa nabi ciise
• S-2 nabi oo walaalo ah oo iskumar dhintay
• J-waa nabi muuse iyo nabi haaruun.
Kheirka faafi walaal inu Allah ka ajar siyee

Fadlan share gareeya oo faafiya
✍Dalmar Web TV

Samafale Cabdulahi Cabdi Cali aya qoraalka qoray Waxaan Saaka tagay magaalada JIGJIGA waxaana Aabaha iyo Hooyada dhalay ...
03/27/2024

Samafale Cabdulahi Cabdi Cali aya qoraalka qoray

Waxaan Saaka tagay magaalada JIGJIGA waxaana Aabaha iyo Hooyada dhalay gabadha yar eexanuunsanaysa FAADUMO ku wareejiyay lacag 164,468 birr (boqol lixdan iyo afar kun afar boqol lixdan iyo sideed birr) ah oo kusoocaawiyeen dad muxsiniin Soomaliyeed ah oo kala jooga dalka dibadiisa iyo gudihiisaba.

Waalidka gabadha yar aad bay ugu farxeen sida Ay ugusoo danqadeen dadka Soomaaliyeed , wayna uduceeyeen dadkaas muxsiniinta ah.

Allaha ka ajirsiiyo qofwalba oo soo caawiyay gabadhan, sadaqadana haka aqbalo.

Qofwalba oo muxsin ah oo raba inuu caawiyo ilmahan yar wuxuu ugu soo hagaajinkaraa taleefanka hoos kuqoran.
➡️+251915059315(Cabdulaahi Cabdi Cali)
🔷️Sahay
🔷️Helocash
🔷️E-Birr
🔷️E-Sahal
dheh walaal oo siigaadhsii dadka Soomaliyeed ee Muxsiniinta ah siay usoocaawiyaan ajir baad kaheli Inshaa'Allaah.

UGU HOREYN WAA BIL RAMADAANE AAN U DUCEYNO WALAALKEEN IN ALLE WEYNE CAAFIMAAD TAAM AH SIIYO:Qisada Dulqarnayn.Cabdi qani...
03/27/2024

UGU HOREYN WAA BIL RAMADAANE AAN U DUCEYNO WALAALKEEN IN ALLE WEYNE CAAFIMAAD TAAM AH SIIYO:

Qisada Dulqarnayn.

Cabdi qani axmed diihaal oo Bulshadu ugaran ogtahay ( Dulqarnayn ) waxa uu muddo badan kunoolaa Dalka Maraykanka waxa uuna ahaa nin shaqaysta oo caafimaad qaba sida sawirka h**e idiinka muuqda

Cabdiqani isagoo ku sugan dalka maraykanka ayaa waxaa Dalka canada 🇨🇦 lagu dilay walaalkiis Rashka axmed. Kadib isaga iyo Walaashiis oo la oran jiray Nadiifo axmed diihaal ayaa aaday Tacsida isla iyagiina Shil Tareen ayey galeen waxaana halkaas ku geeriyootay alle ha unaxariistee nadiifo.

Cabdiqani wuxuu waayey labadiisii garab waxaana ku dhacay laba geeriyaad oo xanuun badan, 2018 ayuu dalka kusoo laabtay kadibna wuu xanuunsaday. Cabdiqani wuxuu haatan kunoolyahay Magaalada Laascaanood ee SSC - KHAATUMO.

Talo soo jeedin: dadka ninkan muuqaalada ka duubaya haka dhaafaan, wuxuu ubaahanyahay garab istaag iyo in caafimaadkiisa wax laga qabto. Ilaahay ha caafiyo isagana, amen amen🤲

Xigasho Zakariye Gantaal

Haayada RDV( Relief and Development for vulnerable) yaa Kaga qaybqaadatay xaalada xanuunka shubanka degmada XAMARO ee Go...
03/22/2024

Haayada RDV( Relief and Development for vulnerable) yaa Kaga qaybqaadatay xaalada xanuunka shubanka degmada XAMARO ee Gobolka Erer 100,000 birr. lacagtaas oo 85,500 birr Cadaan ah iyo 14,500 birr oo ay ku soo iibiyeen 2 khashaafadood oo laydh iyo tuumbada biyaha lagu dhaamiyo.

Ilaahay caafimaad hasiiyo inta xanuunkaas haleelay, dadka kalana haka badbaadiyo.

Sii faafi si Masjidka cid caawisa loo helo jazakallah khayr share garee Waa Masaajid ku yaala Magalada Sagag ee gobalka ...
03/17/2024

Sii faafi si Masjidka cid caawisa loo helo jazakallah khayr share garee

Waa Masaajid ku yaala Magalada Sagag ee gobalka nogob gaar ahaan Xafadaha Seerbi Waxay Shalay Dabayl Ka Qaaday Jiingadii iyo Qayb kamid ah Saqafka Sare Waa gurrigii illahay Wuxuu sugayaa walalaha Musliiminta ah Meel Walba ooy Joogaan
Qofkasta oo khayrka jecel wuxuu awoodo hakaga qayb qaato illaahay ha u gar gaaro qofka guriga illaahay wax kusoo darsada

Numberka (0991747573)
Shariif C/laahi shariif

Waa lanbarka masaajidka wax
loogu dirayo cidii awoodo

Wiilkan magaciisu waa aamiin axmed Cabdi Muxumed dhuux waa wiil ree godey ah. wuxuu  tahariibay .2015 kii waxaa oogu war...
03/11/2024

Wiilkan magaciisu waa aamiin axmed Cabdi Muxumed dhuux waa wiil ree godey ah. wuxuu tahariibay .2015 kii waxaa oogu war danbaysay faransiiska mudo hada laga joogo 4 sano wax war ah ehel kiisii k**a hayaan.

Waxaa aad u murugaysan aabihii oo baadi doon ku jira 😢hooyadii na way geeriyootay allaha u naxariisto ee

Waxaa lasheegay in uu wadankaa ku joogay magaca Usaama, ..................please u share garee......

Aabihii axmed cabdi muxumed dhuux iyo abtigii mustafe xasan ayaa bulshada soomaaliyeed ee dagan france🇲🇫 waxay si naxariis leh uga codsanayaan in hadii uu jiro qof kawar haya wiilkaa dhalinyarada ah ee mudadaa oo dhan warkiisa lala'yahay uu la soo xidhiidho

Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan

Siman Cilmi +251905022646 whats up

Allaha soo dhaweeyo uso duceeya wll

Hambalyo walaal  Amin Shukri & Marwadiisa  Boqorada Qari Joqod  Rabi reerka aad dhisteen ha idiin barakeeyo awlaad baari...
03/03/2024

Hambalyo walaal Amin Shukri & Marwadiisa Boqorada Qari Joqod Rabi reerka aad dhisteen ha idiin barakeeyo awlaad baariyana ha idiin ku arsaaqo Aamiin.

Baarakalaahu lakumaa wa baaraka Calaykumaa wa Jamaca Baynikumaa fii khayr.

Address

Shakopee, MN
55379

Telephone

+251920438378

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayanle Dalmar Capitano posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ayanle Dalmar Capitano:

Videos

Share


Other Broadcasting & media production in Shakopee

Show All

You may also like