Somali Freedom

Somali Freedom Somali Freedom was created to entertain, to engage, and to develop connections with people through news, media and motivational videos.
(1)

The focus will be to influence and encourage all people with different aspects.

11/20/2021
10/07/2021

CIA-da oo lumisay basaasiin badan oo ay dunida ku lahayd.Sidee ayey wax u dhaceen? (Warbixin)

09/15/2021
08/23/2021

Xasan Sheekh “Shalay waxaan diidnay haddii ay aheyd kororsiimo iyo sharci darro, maantana waa diideynaa, berri waa diidi doonaa haddii ay timaado”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta magaalafa Addis Ababa kula kulmay Taliyaha Ciidanka ...
08/23/2021

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta magaalafa Addis Ababa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya Gen Birhanu Jula.

Jen Odawaa ayaa safaro ku tagay dalalka Masar iyo Turkey oo uu kula soo kulmay Taliyeyaasha Ciidamada.

08/21/2021

Uhuru Kenyatta iyo hindisihiisii BBI in ay daaqadda iskala bixi doonaan ayey u muuq egtahay kadib go'aankii Maxakamadda racfaanka.

08/20/2021

Madaxweyne Farmaajo "Walaalaheenna Turkigu waxa ay inoo soo gurmadeen, xilli aan ku sugneyn mid kamida waqtiyadii ugu adkaa ee Taariikhdeenna nasoo mara"

08/19/2021

Ethiopia oo rejo ka qabta xal nabadeed oo uga yimaada Turkiga keddib wadahallo Ankara ku dhexmaray RW Abyi Ahmed iyo MW Erdogan.

08/08/2021

Mid kamid ah mucjisooyinkii kubadda cagta Leo Messi oo gabi ahaanba macsalaameeyay Barca.

Allaha u naxariisto Nicmatullaah Khaliil Ibraahiim Yort oo ahaa Daaci in ka badan 100kun oo qof gacantiisa ku islaamihay...
08/04/2021

Allaha u naxariisto Nicmatullaah Khaliil Ibraahiim Yort oo ahaa Daaci in ka badan 100kun oo qof gacantiisa ku islaamihay intii uu dacwada waday dadkaas oo u badnaa shacabka dalka Japan.
Daacigan reer Turkey ayaa dhisay kumanaan masaajid oo daafaha dunida ku kala yaal.
Wuxuu ku geeryooday sheekhu dalka Turkey ga gaar ahaan magaalada Istanbul.

Alle qabriga beer janno ha uga dhigo

Wasiirka arrimaha dibedda ee Shiinaha Wang Yi iyo koox ka socota Talibaan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa ku kulmay mag...
07/28/2021

Wasiirka arrimaha dibedda ee Shiinaha Wang Yi iyo koox ka socota Talibaan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa ku kulmay magaalada Tianjin, waxayna ka wadahadleen arimaha la xiriira amaanka labada dal, xaaladaha hada ka jira Afgaanistaan iyo sidii shiinuhu u taageeri lahaa geedi socodka nabadda ee afgaanistaan.

Literature is neither sold nor bought, but rather it is a nature in the heart of everyone raised, it is not the poor who...
07/25/2021

Literature is neither sold nor bought, but rather it is a nature in the heart of everyone raised, it is not the poor who lost gold, but the poor who lost morals and literature.

- Imam Ali bin Abi Talib.
Facts

Ciyaaryahanka reer Brazil Marcelo ayaa noqonayaa Captankii ugu h**eeyay ee Spain aan ahayn oo Kooxda Real Madrid Captan ...
07/24/2021

Ciyaaryahanka reer Brazil Marcelo ayaa noqonayaa Captankii ugu h**eeyay ee Spain aan ahayn oo Kooxda Real Madrid Captan u noqdo muddo laga joogo 117-sanno.
🇧🇷❤️

Strong girl. Believe in you. The country is proud of you.
07/23/2021

Strong girl. Believe in you. The country is proud of you.

Ramla, Somali boxer, carrying the   flag at the    opening ceremony.
07/23/2021

Ramla, Somali boxer, carrying the flag at the opening ceremony.

Kuuriyada Woqooyi dadka internet-ka isticmaala waxaa lagu qiyaasaa 600 oo qof oo ay ku jiraan qoyska hogaamiyaha Kim you...
07/11/2021

Kuuriyada Woqooyi dadka internet-ka isticmaala waxaa lagu qiyaasaa 600 oo qof oo ay ku jiraan qoyska hogaamiyaha Kim young-un, saraakiisha ciidanka iyo dadka tirada yar ee kunool dalkaasi.

Bilyaneerkii ugu h**eeyay oo hawada sare u duulay si uu fursado dalxiis uga soo raadiyo.- Richard Branson, wuxuu u dhash...
07/11/2021

Bilyaneerkii ugu h**eeyay oo hawada sare u duulay si uu fursado dalxiis uga soo raadiyo.

- Richard Branson, wuxuu u dhashay Ingiriiska, waana ganacsade Bilyaneer ah, wuxuu maanta u anba-baxayaa safar hawada sare ah si uu fursado dalxiis uga soo raadiyo.

- Bilyaneerka labaad waa aasaasaha Shirkadda Amazon Jeff Bezos oo asna 20-ka bishaan july u anba-baxayaa safar hawada sare si uu asna uga soo raadiyo fursado dalxiis.

- Haddii ay labadaan u kala kacdo waxaa asna u socda Elon Musk oo bilyaneer kale ah.
- Haddii ay seddexdooda u kala kacdo, dadku waxay u dalxiis tegi doonaan hawada sare.

~ Isaaq Macalim

Madaarka Hargeysa 1959 iyo 2021.(62 Sanno).
07/11/2021

Madaarka Hargeysa 1959 iyo 2021.
(62 Sanno).

اللهم أهله علينا باليُمن والإيمان🤲
07/11/2021

اللهم أهله علينا باليُمن والإيمان🤲

Sannadkii 1990, 23 sanno kaddib markii uu xilka si dimuqraadi ah ku wareejiyay, ayaa waxa uu daawan kari waayay dalkii u...
07/11/2021

Sannadkii 1990, 23 sanno kaddib markii uu xilka si dimuqraadi ah ku wareejiyay, ayaa waxa uu daawan kari waayay dalkii uu gumesytaha ka xureeyay, dhidibadii ugu h**eeyay ee dowladnimo casri ahna uu u taagay oo baaba’ iyo dagaal sokeeye lugaha la sii galaya.

Markii uu ciidanka sida sharci darada ah dalka ku qabsaday Oktoobar 21, 1969, Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ahaa muwaadin aan xil sare hayn; hase ahaatee ciidamadii dimuqraadiyadda af gembiyay way xireen ayagoo ka baqaya in uu sharci boobkooda ka hor yimaado.

23 sanno kaddib markii uu xilka ka degay oo 21 ka mid ah kelitalis la hoos joogay ayuu haddana halgan badbaado qaran ah hormuud u noqday. Wuxuu hor kacay in ka badan 100 qofood oo madax h**e, xurriyad u dirir iyo waddaniyiin ahaa oo runta u sheegay taliskii ciidanka si dalka looga badbaadiyo dagaal sokeeye. Aadan Cadde wuxuu rabay in inta hartay la daba qabto!

Asagoo 75 jir ayaa xabsiga loo taxaabay asaga iyo qaar ka mid ah waddaniyiintii kale.

Wuxuu la diriray gumeyste, wuxuu soo hoggaamiyay xisbi xurriyad doon ah, wuxuu noqday madaxweyne taariikhda gala oo doorasho looga adkaaday xilka si nabad ah uga degay. Halkaan kuma hakan, oo wuxuu ka hor yimid in dalka uu ciidan sii heysto oo kelitalis laga dhigo.

Lacag isku ma daabacin, hees loo qaaday nama soo gaarin, meel uu “aabihii garadhada” ha la i yiraahdo ku yiri ma arag, meel uu waddaniyad ku sheeganaayo ma arag, taallo ma dhisan, meel uu dad kale ku aflagaadeynayana ma arag!

Garoonka Muqdisho waxaa magaciisa loo bixiyay June 2007 markii uu AUN geeriyooday. Waddo yar oo Warta Nabadda ku taalla oo marna magaciisa lagu sheego, marna beeledna waan maqli jiray.

Marka aad aragto sida madaxdii jaalka la ahayd ee Africa ay waddo walba iyo meel walba magacooda iyo taallooyinkooda ugu xardheen, waxaad ogaanaysaa qofka uu ahaa Aadan Cadde.

Xil uma dagaallamin, magac uma dagaallamin, isla weyni kuma jirin, waxaase uu noloshiisa u huray Soomaaliya oo leh dowlad dimuqraadi ah!

~Hassan Aden Hosow

Taariikhda maanta!Maanta waxay ku beegantahay 26 sanno-guuradii kasoo wareegtay xasuuqii Srebrenica taas oo in ka badan ...
07/11/2021

Taariikhda maanta!

Maanta waxay ku beegantahay 26 sanno-guuradii kasoo wareegtay xasuuqii Srebrenica taas oo in ka badan 8-kun oo muslimiin Bosnian lagu laayay sannadkii 1995-tii.

Xasuuqan oo ahaa kii ugu xumaa oo Yurub ka dhaca tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii 2aad ee adduunka ayaa waxaa gaystay maleeshiyaad Serbiyaan ah kuwaas oo kasoo horjeeday madaxbannaanida Bosnia &Herzegovina rabayna inay kasii mid ahaadaan Serbia waxaana xasuuqan uu dhacay iyada oo ay daawanayaan ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta u joogay halkaas.

Booshnaaqa oo ah magaca loogu yeero muslimiinta ku nool Bosnia & Herzegovina ayaa xasuuq fara ba'an la kulmay intii lagu guda jiray dagaalkii Bosnia ee socday intii u dhaxaysay 1992-1995 waxaana ku dhowaad laga dilay 100kun oo qof halka 1Milyan oo kamid ah la barakiciyay.

Dhanka kale Turkiga ayaa aad looga xusayaa dhacdadaas xasuuqa Srebrenica waxaana dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee dawladdu ay ka tacsiyaynayaan xasuuqaas.

07/07/2021

Hardanka aan dhammaadka lahayn ee lahaanshiyaha xuquuqda biyaha webiga Niile xaggee buu ku biya-shuban doonaa?

Deegaanka Goobweyn duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ee Somalia 🇸🇴
07/02/2021

Deegaanka Goobweyn duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ee Somalia 🇸🇴

Madaxda Qaranka ayaa Tiyaatarka uga qayb galay munaasanadda Xuska 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo...
07/01/2021

Madaxda Qaranka ayaa Tiyaatarka uga qayb galay munaasanadda Xuska 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna,Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna🇸🇴

 'kan dadka sugi kari la' maku jirtaa?
06/30/2021

'kan dadka sugi kari la' maku jirtaa?

Aasaasayaalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Aabayaalkii Xoriyadda. Sharaf iyo qadarin ayey naga mudan yihiin.Hambalyo 1d...
06/30/2021

Aasaasayaalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Aabayaalkii Xoriyadda. Sharaf iyo qadarin ayey naga mudan yihiin.

Hambalyo 1da Luulyo.

Hambalyo 61 guuradii ka soo wareegatay midnimada iyo madaxbanaanida Dalkeena.
06/30/2021

Hambalyo 61 guuradii ka soo wareegatay midnimada iyo madaxbanaanida Dalkeena.

06/30/2021

Muuqaaladan waa July 1960, wejiyada dadka waxa ka muuqda farxad, rejo iyo yididiilo ah inay heleen dowladnimo iyo midnimo. Waxa ka dhexmuuqda madaxweyne Aadan Cadde.
Qofka Soomaaliga ah ee rejadaasi qabay runtii marnaba muu arkin wixii uu filanayey oo 9 sanno oo wixii u badnaa ee lagu xasuustaa uu ahaa eex iyo musuq ayaa u bilawday, ka dib waxa xigay 21 sanno oo kelitalisnimo iyo nidaam milatari ah. Ka dibna dagaal iyo dawlad la’aan (anarchy situation), sidaas ayeyna ku socotay ilaa ay soo gaadhay labaataneeyo sanno oo kale.
61 sanno ka dib waxaan rejaynayaa dal iyo dowladnimo ka fiican middii inaga ama ay aabayaasheen markhaatiga ka soo ahaayeen

San Deigo magaalo dhacda galbeedka dalka Mareykanka, gaar ahaan dhanka xeebta badweynta Paasifiga ee gobolka California....
06/27/2021

San Deigo magaalo dhacda galbeedka dalka Mareykanka, gaar ahaan dhanka xeebta badweynta Paasifiga ee gobolka California.

San Deigo waxaa ay kamid tahay magaalooyinka caanka ku ah xeebaha wanaagsan, beeraha lagu nasto, dhaqanka oo ay madxafyo kala duwan u sameysteen iyo cimillada kulul ee ay reer galbeedku aadka u raadiyaan.

Magaalo ahaan San Diego waxaa ku nool hal milyan iyo 400,0000 oo qof balse San Deigo County ama San Diego iyo nawaaxigeeda waxaa ku nool saddex milyan. iyo 100,000. Sidaas ayey ku tahay dhulka labaad ee ugu dadka badan 58da deegaan ee uu gobolka California ka kooban yahay, iyo deegaanka 5-naad ee Dalka mareykanka ugu dadka badan.

Address

Rochester, MN
55904

Telephone

+254722201811

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Freedom posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Freedom:

Videos

Share



You may also like