Xogta Media

Xogta Media Waxaanu Nahay Mutadawaciin Wakhtigooga u huray in ay dadkooda usoo gudbiyaan dhamaan waxa ka daafaha dunida iyo dalka gudihiiba.

waa page aad kala socon doontaa wararka gudaha iyo kuwa dibada.

 : Weerar ku bilowday Qaraxyo ayaa lagu qaaday Guriga martida ee M/Baardheere oo uu deganaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo.Gud...
03/14/2023

: Weerar ku bilowday Qaraxyo ayaa lagu qaaday Guriga martida ee M/Baardheere oo uu deganaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Gudaha halka la weeraray waxaa wali laga maqlaa dhawaqa rasaas xoogan, lamana oga qasaaraha rasmiga ah.

03/08/2023

DAG DAG: Culumaau'diinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa eedo waaween usoo jeediyay Wasiirka Awqaafta iyo Arr Diinta Soomaaliya "Ninkii shalay qabriyadii culimadii Soomaaliyeed qodayay oo masaajidda iyo mowlacayda Nagu qarxinayay in Diinta lagu aamino raali k**a ahayn Ee madax weynaha ayaa Ku ixtiraamaynay".

BEEN ABUUR. Wasiir muqtaar roobow oo bilaabay inuu Ku been abuurto wasiir Kuxigeenka owqaafta isagoo adeegsanayo kooxo i...
03/08/2023

BEEN ABUUR.

Wasiir muqtaar roobow oo bilaabay inuu Ku been abuurto wasiir Kuxigeenka owqaafta isagoo adeegsanayo kooxo isaga uu Ku Siiyay lacag.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arr Diinta Soomaaliya oo hada aan laxariirnay ayaa noo cadeeyay in warqadaan ayna kasoo bixin xafiiskiisa.

Bayaan si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii h**e Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi h**e, Xasan Kheyre, Cumar C/rashii...
03/08/2023

Bayaan si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii h**e Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi h**e, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii h**e Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

"Somaliland haddi Heeso iyo Jaas la abaabulay qiimo u yeelayso 32 Sano ayaa loo Heesaayay! waxa loo baahan yahay Hoggaam...
03/07/2023

"Somaliland haddi Heeso iyo Jaas la abaabulay qiimo u yeelayso 32 Sano ayaa loo Heesaayay! waxa loo baahan yahay Hoggaamin aragti leh, ummad isku wad leh, wadajir iyo wax wada lahaansho aaminsan. Muxaafidka Qarannimada halbawlaha jaray ee dhiig joojinta intan ka dhigayaa ha ogaadaan in jid halisa ay Somaliland mariyee maanta loo baahanyahay talo midaysan iyo isbedel !"

Xoghaye Maxamed Sadiiq Dhamme

Waraysi Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa siiyay Telafeeshinka Aljazeera qeybta Carabiga ayuu uga hadlay arrimo muhiim ah...
03/07/2023

Waraysi Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa siiyay Telafeeshinka Aljazeera qeybta Carabiga ayuu uga hadlay arrimo muhiim ah oo ka mid ah dagaalka Al-Shabaab, siyaasadda iyo Arrimaha Dibadda.

Qodobo si gaar Al Jazeera uga soo qaadatay ayaa waxaa ka mid ah afartan qodob:

1- Waxaa jira dhaliilo iyo gaabis maamulidda dhaqaalaha guud ee Soomaaliya marxaladda kumeel gaarka ah ee lagujiro awgeed.

2- Dalalka aanu walaalaha nahay ee Carabta iyo Midowga Afrika taageero ayay u fidiyaan dalkeena, waxaan leenahay hab maamul oo isku xiraya dardar galinta taageeradaas.

3-Ma dooneyno in dagaal dibadda laga soo raray la keeno dalkeena, mana ogolaanayno in Soomaaliya loo adeegso in lagula dagaalamo dalal kale

4- Xukuumadda Soomaaliya waa xukuumad midnimo, waxayna ka shaqaynaysaa midnimada dalka, waana mabda’ aan abid laga tanaasulaynin

Waxaa magaalada muqdisho kubgeeriyootay Allaha  u naxariistee Nuurto Aweys Maxamed oo ahayd xaaska walalkeen YouTuber Id...
03/07/2023

Waxaa magaalada muqdisho kubgeeriyootay Allaha u naxariistee Nuurto Aweys Maxamed oo ahayd xaaska walalkeen YouTuber Idriiska Ii taabo.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan Aagga Goojacade ayaa galabta burburiyey xarunta shirkada biyaha Nugaal Inc oo ku taal du...
03/07/2023

Ciidanka Somaliland ee ku sugan Aagga Goojacade ayaa galabta burburiyey xarunta shirkada biyaha Nugaal Inc oo ku taal duleedka Laascanood, waxaanay halkaas ka afduubteen laba kamid ah shaqaalihii shirkadaasi.

Ciidamadan ka amar qaata Hargeysa waxay rasaas la dhaceen oo dab qabad siiyeen dhammaan muushiinadii iyo agabkii kale ee shirkadu ku shaqayn jirtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii h**e Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan dowladda...
03/07/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii h**e Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan dowladda Qatar ay dib u dejin ugu sameysay dalkeeda.

Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixiyay Farmaajo xaalada dalka, dagaalada iyo howlgalada xoreynta ee ka socda dalka oo deegaano fara badan looga saaray Al-Shabaab.

Waa kulankii u horreeyay oo fool ka fool isku arkaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne h**e Farmaajo, kaddib markii uu Farmaajo xilka ku wareejiyay bishii May 2022.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee Wada...
03/07/2023

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee Wadamada soo koraya ( ) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa hadal jeedintiisii diiradda ku saaray isbadalka hannaanka maamulka maaliyadda oo dowladda Soomaaliya ay xil wayn iska saartay sidii looga miro-dhalin lahaa sugnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalkeenna.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la qaatay Maamulaha guud ee shirkadda OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha deyn-cafinta maadaama OPEC ay ka mid tahay hey’adaha deynta ku leh Dowladda Soomaaliya.

03/07/2023

DAG DAG: Guddomiyaha golaha Sare Ee culimada Soomaaliyeed Shiikh aadan Macalin sugow oo ka hadlay magacabista gudiga xajka oo shalay uu magacabay wasiir roobow

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjir...
03/07/2023

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra'iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go'an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Guddiga Arimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskood...
03/07/2023

Guddiga Arimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah iyo Qorshaynta Aqalka Sare ee BFS, Senator Maryan Farah Kahiye, ayaa u jeedadiisu ahaa turxaan bixin iyo ka jawaabista su'aalo dheeraad ah oo xubnaha guddigu ay uga baahdeen Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

Culumadda Soomaaliyeed Ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Abaabulaya  banaabaxyo waa wayn oo lamid ah midkii looga ceeriyay m...
03/07/2023

Culumadda Soomaaliyeed Ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Abaabulaya banaabaxyo waa wayn oo lamid ah midkii looga ceeriyay muqdisho Xiligii Sheekh Umal Looga Joojiyay Muxaadaradda ayaa ka socdo Maanta muqdisho kaas oo looga Soo horjeedo magacabista gudiga xajka oo caawa uu Soo saaray wasiir roobow.

Hey'adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA Ayaa gargaar raashin ah ka qeybisay degaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa ...
03/07/2023

Hey'adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA Ayaa gargaar raashin ah ka qeybisay degaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa ee Gobalka Shabeellada Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Mucaawinadaan oo isugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka ayaa waxaa ka faa'iidaystay qoysas gaaraya 1,000 qoys.

Qoysaskan gargaarka la gaarsiiyey ayaa ah qaybaha ugu nugul ee bulshada ay saamaysay abaaraha iyo colaada.

Alshabaab ayaa weerar qaraxyo kubilowday ku qaaday deeggaanka Janaa-Cabdala ee Maamul Goboleedka Jubbaland oo ciidanka D...
03/07/2023

Alshabaab ayaa weerar qaraxyo kubilowday ku qaaday deeggaanka Janaa-Cabdala ee Maamul Goboleedka Jubbaland oo ciidanka Dowlada ay fariisin ku leeyihiin. Khadka telefoonada ayaa go’an, weyna adag tahay in warar badan la helo.

Diyaarad ku sii jeeday dhinaca Koofur Galbee ee Mreykanka ayey qasab ku noqtay in ay degdeg ku degto ka dib markii shimb...
03/06/2023

Diyaarad ku sii jeeday dhinaca Koofur Galbee ee Mreykanka ayey qasab ku noqtay in ay degdeg ku degto ka dib markii shimbiro ay ku dhaceen mid ka mid ah matoorada diyaaradda .

Diyaardda ayaa ka soo duushay Havana kuna si jeeddayFloridawaxaana ka buuxsamay qiiq ka dib isku dhaca wax yar ka dib markii ay kacday maalinimadiishalay subaxnimadii.

Ma jirin cid wax ku niqitay shilkaasiiyadoo labada duuliye ay diyaaradda dib ugu celiyeen Havana halkaa oo dadkii la sovday laga dejiyey .

Dadka diyaaradda saarnaa ayaa ragagaxaycarruurtuna wey ooyayayeenmarkii diyaarddii oo dhan uu gudaha qiiq u soo galay.

“Dadkii wey neefsan waayeen “ ayuu yiri mid ka mid ah rakaabka

Diyaaradda pp nooceedu ahaa Boeing 737 ayey saarnaayeen 147 qof oo rakaab ah iyo lix shaqaale ah.

Shirkadda ayaa ka cudurdaaratay dhibaatadaas dhacday waxayna sheegeen in mararka qaar ay sidaas shimbiruhu Qatar u galiyaan diyaaradaha rakaabka

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la mag...
03/06/2023

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la magacaabay ku tagay Magaalada Kismaayo Ee Caaimada Ku meelgaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku tilmaamay sumeyn xiriir ah oo lala beegsanayo Gabdhaha du...
03/06/2023

Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku tilmaamay sumeyn xiriir ah oo lala beegsanayo Gabdhaha dugsiyada dhigta ee dalka Ira in ay tahay dambi aan la cafin Karin sida uu yiri.

Hadalkiisii ugu horreeyey ee meel fagaare ah u ka jeediyo kuna saabsan arrintan ayuu ku sheegay in aan la cafin doonin cid kasta oo lagu helo in ay mas’uul ka tahay.

In ka badan kun gabdhood iyo haween dhigta dugsiyada iyo jamaacadaha ayaa arrin sumeynta ah la dhibaatoonaya tan iyo markii sumeyntu ka bilaabantay magaalada Quum bishii Nofember.

Boqolaal gabdhood ayaa cisbitaada la dhigay iyadoo arrintani keentay in waalidiinta qaarkood ay ardayda ka saaraan dugsiyadaiyagoo ashkatooyin u diray mas’uuliyiinta .

Masuuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Puntland ayaa kormeeray goobta ay ka socoto isdiiwan gelinta codbixiyaha ...
03/06/2023

Masuuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Puntland ayaa kormeeray goobta ay ka socoto isdiiwan gelinta codbixiyaha ee deegaanka Reemanti.

Wafdiga oo ay qayb ka yihiin Wasiir Dawlaha Madaxtooyada Puntland ,gudoomiyaha Gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale, ayaa safar shaqo ku mara deeganada dhinaca Howdka gobolka Nugaal ee hoosyimaada Caasimada Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa h...
03/06/2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee la doortay Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay hoggaaminta baarlamaanka dalkaas, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto masuuliyadda culus ee loo idmaday. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in la xoojin doono xiriirka wadashaqeyn ee labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DFS ayaa ku wargaliyay dhammaan hay’adaha dowladda inay si buuxda u dhaqangaliyaan talooyi...
03/06/2023

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DFS ayaa ku wargaliyay dhammaan hay’adaha dowladda inay si buuxda u dhaqangaliyaan talooyinka uu Xafiisku horay ugu soo saaray warbixinnada sanadlaha iyo kuwa gaarka ah.

Sidoo kale, Xafiiska ayaa ku dhiirigaliyay Guddiyada Maaliyadda ee Labada Gole ee Barlamaanka FS inay qaataan doorkooda korjogtaynayd ayna la xisaabtamaan hay’adaha dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah...
03/06/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar, Ali bin Ahmed Al Kuwari. Shirka ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Dhiggiisa Dowladda Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

" Waxa aan maanta magaalada Doha ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari.

Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

Taliyaha Ciidanka Haramcad Gaashaanle Abdihamiid Abdullaahi maxamad Fanax ayaa xarunta Gen  Farxaan Mohamoud Qaroole wax...
03/06/2023

Taliyaha Ciidanka Haramcad Gaashaanle Abdihamiid Abdullaahi maxamad Fanax ayaa xarunta Gen Farxaan Mohamoud Qaroole waxa uu kula kulmay Wafdi Ka Socda Dowladda Turkiga Gaar ahaan Saraakiisha ciidanka Ozel Harekat, Waxaana ay kulan Mirdho-dhal ah la qaateen Hoggaanka Ciidanka sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad

Taliyaha Ciidanka Haramcad Gaashaanle Abdihamiid Abdullaahi maxamad Fanax ayaa Dhankiisa u mahadceliyay Dowlada Turkiga gaar ahaan Mr. Müdür Kadir, kaalinta wanaagan ee ay Dowladda Tukriga ku ledahay tababarada ciidamada Soomalaiya Gaar ahaan Harmacad, oo Tababaro wanaagsan ku soo qaadatay Turkiga, kuna guuleystay Howlgalo nafhurid ah oo ay boqolaal jeer sameeya

DAG DAG:Wasiir Kuxigeenka wasaaradda owqaafta oo ka horyimid warqadda caawa uu Soo saaray Wasiir roobow  sheegana inuusa...
03/06/2023

DAG DAG:Wasiir Kuxigeenka wasaaradda owqaafta oo ka horyimid warqadda caawa uu Soo saaray Wasiir roobow sheegana inuusan waxba ka ogayn wasiirka warqadda uu Soo saaray

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) wuxu sannadkii 2010 kii ka mid noqday golihii wasiirrada ee xukuumadda madaxweyne ...
03/06/2023

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) wuxu sannadkii 2010 kii ka mid noqday golihii wasiirrada ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Isaga oo noqday wasiirkii Boostaha iyo Isgaadhsiinta.

Waxaana uu wasiirnimada ka dib noqday nin si weyn uga hawl gala dhinaca ganacsiga isaga oo noqday madaxdii ugu sarraysay ee shirkadda HASS Petroleum.

Sidoo kale Ataash ayaa sannadkii 2021 kii ka mid noqday xukuumadda madaxweyne Biixi isaga oo noqday Wasiirkii Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Balse xilkaas ayuu iska casilay isla sannadkii h**e isaga oo markaas ka ku biiray siyaasiyiintii furtay ururadii siyaasadda ee muranku ka dhashay.
Ataash ayaa guddoomiyey urur u ugu wanqalay Waaberi oo ka soo gudbay labadii marxaladood ee sharciga ahaa.

Siyaasigan oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa maanta ku dhawaaqay in gebi ahaanba uu iskaga fadhiistay siyaasaddii Somaliland isla markaana uu ku laabanayo hawlihii Ganacsiga ee h**e ugu jiri jirey.

Waa siyaasigii labaad ee ka soo jeeda gobolka Sool isla markaana iskaga hadha hawlihii ururada iyo guud ahaan wax la wadaagistii Somaliland.

Iyada oo sidoo kale dhowaan ay ahayd markii uu siyaasi Xaglotoosiye iskaga tegay guud ahaan Somaliland.

Tan ayaa la aamisan yahay in ay wax u dhimi karto hawlihii ururada siyaadda ee dalka ka socday.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka somaliland Ali Hamud Jibril ayaa Habmlayo udiray, Gudoomiyaha Cusub ee loo do...
03/06/2023

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka somaliland Ali Hamud Jibril ayaa Habmlayo udiray, Gudoomiyaha Cusub ee loo doortay Baarlamanka Dalka DJabuuti.

Goobaha Diiwaangelinta Doorashadda Caasimada Puntlan ee Garoowe.
03/06/2023

Goobaha Diiwaangelinta Doorashadda Caasimada Puntlan ee Garoowe.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa walaalkiis Ibraahim Roobow Cali- kudaray gudd...
03/06/2023

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa walaalkiis Ibraahim Roobow Cali- kudaray guddiga Tartanka Xajka, kana dhigay xogheynta guddiga, ninkaan h**ey waxaa loogu magacaabay bilo kahor Taliyaha NISA ee Bakool, waxaase diiday Koonfur Galbeed oo ku eedeeyey in uusan si buuxda uga bixin kooxda Al Shabaab.

03/06/2023

Wasiir roobow oo jameecada Ictisaam u magacaabay gudiga arrimaha xajka.

Address

1314 N 48TH Avenue
Omaha, NE
68132

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogta Media:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Omaha

Show All