Hagarlaawe

Hagarlaawe Hagarlaawe Media Network

  Wasiirka Xafiiska maaliyada DDS Mudane. Cabdiraxmaan Axmed Xassan ayaa sheegay in Shirweynihii 2aad ee xisbiga Barwaaq...
02/08/2025

Wasiirka Xafiiska maaliyada DDS Mudane. Cabdiraxmaan Axmed Xassan ayaa sheegay in Shirweynihii 2aad ee xisbiga Barwaaqo aay kasoo baxeen jihooyin istaratiijiyadeed oo horumarka dalka sii xoojinaya.

Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xassan, wasiirka Xafiiska Maaliyada DDS oo wareysi siiyay Warbaahinta dalka iyo deegaanka ayaa xusay in Xisbiga Barwaaqo uu qaatay jihooyin horumarineed mid Amni iyo mid dhaqaale si loo xaqiijiyo Barwaaqo bulsho oo dhameystiran.

Wasiirka ayaa intii oo saxaafada u waramayay xusay in jihooyinka cusub ee xisbigu qaatay ay kaalin wayn ka qaadanayso sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka mustaqbal dalka iyo deegaanadiisa.

Wasiirka ayaa xusay in Jihooyinka mustaqbalka ee Xisbiga Barwaaqo ee dhinaca dhaqaalaha ay diirada saareyso hirgalinta Dhaqaale adkeysi uleh xaaladaha isbad badalaya ee dunida kajira oo ay qeyb ka tahay isbadalka cinilada, kor uqaadida wax soosaarka dalka ee dhinacyada beeraha, warshadaha iyo xoolo dhaqatada.

"Aragtida siyaasadeed ee xisbiga Barwaaqo waa in la xaqiijiyo fulinta adeegbixin hufan oo ay bulshadu ku qanacsan tahay" ayuu yidhi mudane. Cabdiraxmaan Axmed Xassan wasiirka Xafiiska Maaliyada DDS.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in siyaasada xisbiga Barwaaqo ay tahay sugida xoriyada Hadalka iyo tan saxaafada lana Soo dhaweynayo isla markaana la dhiira galinayo cid kastaa xadaarad saxaafadeed deegaanka kusoo kordhinaysa iyadoo maanka lagu haynayo u hogaansanka shuruucda saxaafadeed ee dalka lagana hortagayo cid kastaa oo Amni daro abuuraysa lidna ku ah wadajirka bulshada.

Ugu dambayna wasiirka ayaa tilmaamay in shirwaynihii 2aad ee xisbiga barwaaqo lagu xaqiijiyay in deegaan ahaan matalaad buuxda lagu yeesho dalka taasina ay ku timid isku duubnida shacabka deegaanka iyo dadaalada xoogan ee ay xukuumadu ka gaysatay.

KATIB SIYAASADEED !!Mar walba qori JIGRE ah oo Hal keliyaale ah ayaad la ordaysaan , isna wu idin ka KATIBA .Ka warama h...
02/08/2025

KATIB SIYAASADEED !!

Mar walba qori JIGRE ah oo Hal keliyaale ah ayaad la ordaysaan , isna wu idin ka KATIBA .

Ka warama hadaan qorigan xun meel iska dhigna oo aan sugno doorashada danbe , oo la hubo in ay iyadana ku guuleysan doonaan!!

Mise dowladaha Jaarka qaarkood ayaan Dhufeys afar wajiila ah ka soo gala oo aan Jigraha Hal keliyaalaha ah dhowda kaga soo guraa,inago ku dhawaaqeyna BUURTA KU DHAC !!
Katib siyaasadeedna waa halkiisi !!

Wax Qoray Dr Doolaal Halhali

02/08/2025

Adiga Maxuu ku taray qabiilkaagu?

02/07/2025

Ciyaarta Waa Dhammaatay: Gunaanad iyo Gorfeyn! 👀👁️

02/06/2025

Abaalmarindii Shaqaalaha iyo Hoggaaminta MM Wajaale Ee Shaqo Wanaaga Hufnaanta iyo Hawlkarnimada Muujiyeey oo laa Maamusay!

Hambalyo! Oradyahan Zadam Malapleh oo ka socday dds ayaa kaalinta 3aad ka galay tartankii orodaada da’yarta dalka, Subay...
02/06/2025

Hambalyo! Oradyahan Zadam Malapleh oo ka socday dds ayaa kaalinta 3aad ka galay tartankii orodaada da’yarta dalka, Subayr ayaa isna kaalinta 2aad galay ka tartankii bootinta ee dalka. Waa guul weyn oo lagu farxo! Guushaani ha noqoto mid bilow u ah Waxaan idiin rajaynayaa guulo ka si badan intaase horay u sii socoda
Saxiibyaal. Hambalyo mar kale!

Wq:- Saedi Abas Ali

Kulan lagaga arinsanayay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ardayda iyo natiijida imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12...
02/06/2025

Kulan lagaga arinsanayay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ardayda iyo natiijida imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12 aad ayaa kaqabsoomay xafiiska maamulka magaalada Tog-wajaale.

Xafiiska Duqa Maamulka Magaalada Tog-wajaale waxaa kaqabsoobay kulan lagaga arinsanayay heerka baasitaanka xadiga ardayda dugsiga sare ee maamulka magaalada Tog-wajaale ee u fadhiisanaysa imtixaamka fasalka 12 aad ee sanad dugsiyadeedka 2017 T.I .

Kulankan oo uu shir gudoominayay Maayar kuxigeenka anha kusimaha Duqa Maamulka Magaalada Togwajaale Injineer Axmed Daahir Bade ayaa waxaa kasooqaybgalay gudiga waalidiinta iyo xubno kasocday xafiiska waxbarashada DDS oo maamulka magaalada Togwajaale kalashaqaynaya dadaalada loogu jiro kor u qaadista Tayada waxbarashada iyo natiijada ardayda sanadkan iskudiyaarinayso imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12 aad, si loo kordhiyo tirada ardayda kubiiraysa jaamacadaha dalka. .

Fursad Waxbarasho 📚🎓
02/05/2025

Fursad Waxbarasho 📚🎓

📌𝗦𝗰𝗵𝗼𝗹𝗮𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽 𝗔𝗹𝗲𝗿𝘁 𝗶𝗻 𝗧𝘂̈𝗿𝗸𝗶𝘆𝗲 🇹🇷,
Türkiye Burslari Scholarship waa deeq waxbarsho oo ay bixiso dawlada wadankaasi turkiye, waana mid u furan ardayda kasoo jeeda qaarada afrika iyo dhamaan caalamka intiisa kale.

TBS waa mid kamida deeqaha waxbarasho ee ugu caansan ee ay bixiso dawlada wadankaasi 🇹🇷, Guulaystayaasha deeqdani waxay heli doonaan kafaala-qaad lagaga dabarayo dhamaan qarashaadka, Jiifka, Cunnada, Caymiska caafimaadka iyo Waxbarasho free ah. Deeqdan waxbarasho waxa sanad kaste ka faa’iidaysta qiyaastii 5,000 arday.
Sidokale deeqdan waxbarasho waxay ka kooban tahay darajoyinka Bachelor degree, Master degree, PhD iyo waliba Research programs.

FiiroGaara👇🏿:
•Haddii aad codsanayso degree ga koowaad waa in da’daadu tahay ugu badnaan 21 jirr.
•Haddii aad codsanayso degree ga 2aad[Master degree] waa in da’daadu tahay ugu badnaan 30 jirr.
•Haddii aad codsanayso heerka PhD da waa in da’daadu tahay ugu badnaan 35 jirr.
•Haddii aad codsanayso qaybta daraasaadka kaliya [Research program] waa in da’daadu tahay ugu badnaan 50 jirr.
•Inaad haysato caddaynta shakhsiyada sida passport, national ID IWM.
-Shahadoyinkaaga waxbarasho ee cadaynaya heerka waxbarashadaada

🇹🇷Country: Türkiye
⏰Deadline: February 20, 2025.
🔗Apply here: https://www.turkiyeburslari.gov.tr/
——————————————
Lawadaag saaxiibo badan, Sidokale kusoobiir kanaalka telegramka: https://t.me/Fursadaha_Dhalinyarada

02/05/2025

Coming soon: Waa Film Cusub oo wacyigelin ah jileyaalna ka yihiin Dhalinyarada TikTok-riska ah ee DDS 🎯

02/05/2025

Gabadhan oo lagu magacaabo Kowsar oo aad badankiinu wada taqaanaan, waxa ay shalay xadhiga ka jartay ceel-biyood ay ka hirgelisay kaam ku yaala magaaladda Jowhar. Waxa ay qabatay hawl aad loogu farxay, iyada oo boqolaal qoys u suurogelisay in ay helaan biyo macaan.

Dadka jaadkan ah ee u diyaarka ah in ay nolosha dadkeena waxa ka bedelaan waxa ay inaga mudan yihiin duco iyo garab istaag. Muuqaalka oo dhamaystiran faalladda koobaad ka daawo, channelkeeda na ‘Subscribe” u saar.

02/05/2025

MA ADIGAA MIISAANKA WANAAGGA AH?!

Haddii aad u aragto in qofka ku xumeeyaa, xun yahay; ka ku wanaajiyaana wanaagsan yahay.

Qofka wax ku siiyaa deegsi yahay, ka aad ka weydaana bakhayl yahay.

Dulmiga jiritaankiisana garwaaqsato, maalinta adiga uu ku taabto.

Waxaad miisaanka nolosha ka dhigtay NAFTAADA, inta aad miisaankaas xun nolosha saaraysana waxa aad la noolaan doontaa; calool-xumo, saluug, hibasho iyo gocasho. Sababtuna waa in aan dunida loo abuurin rabitaankaaga.

Haddaba, si dhaqankaas xun "egoism" la innooga dabiibo diinteenna wanaagsani, waxay dhiiri-gelisay in qofku wanaagga uu naftiisa la jecel yahay, walaalkii u hibeeyo.

Si khaladka qof kale xaggiisa kaaga yimaaddaa aanu kuugu weynaanna, culimada tarbiyadda naftu waxay ina xasuusiyaan: in gefku dhaqan bini'aadmi yahay, oo adiga ba kaa dhici karo xilli kasta.

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham
Hagarlaawe

Sawirro: Dhismaha Jaamacadda Islaamiga ah ee Raaso University oo si wanaagsan u socotaJaamacaddan Islaamiga ah, oo ah mi...
02/04/2025

Sawirro: Dhismaha Jaamacadda Islaamiga ah ee Raaso University oo si wanaagsan u socota

Jaamacaddan Islaamiga ah, oo ah middii ugu horreysay ee noocaada ah ee gudaha dalka laga hirgaliyo gudahan, waxay ku timid kuna dhismaysaa isku tashi bulsho.

Hambalyo Dhamaan Xubnaha lagu doortay Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo Gaar ahaan  Xubnhaha Golaha wakiilada Xisbiga...
02/03/2025

Hambalyo Dhamaan Xubnaha lagu doortay Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo Gaar ahaan Xubnhaha Golaha wakiilada Xisbiga Barwaaqo iyo Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga Barwaaqo.

Liistaduna waa sida hoose:-

1. Mudane Aadan Faarax Ibraahim
2. Mud. Mustafe Muxumed Cumar
3. Mud. Axmed Shide Maxamed
4. Mud. Ibraahim Cusmaan Faarax
5. Mud. Cabdiraxmaan Ciid Daahir
6. Marwo Ayaan Cabdi Maxamed
7. Mud. Eng. Mohammed Shaalle Isaaq
8. Marwo Saxarla Cabdilaahi X/ Bahdoon
9. Marwo Hibo Axmed Cumar
10. Mud. Cabdiraxmaan Axmed Xasan
11. Mud. Dr. Xuseen Xaashi Qaasim
12. Mud. Dr. Cabdiwaasac C/laahi Bade
13. Marwo Xaliimo Xasan Maxamuud
14. Mud. Maxamed Aadan Ismaacil
15. Mud. Maxamed Aadan Daahir
16. Mud. Maxamed Faatax Maxamed
17. Marwo Khadra Bashiir Maxamuud
18. Mud. Maxamed Cumar Axned
19. Mud. Maxamed Naaji Maxamed
20. Mud. Dayib Axmed Nuur
21. Mud. Faysal Rashiid Cumar
22. Mud. Ibrahim Yuusuf
23. Mud. Ibraahim Xasan

Shir Lagaga Hadlayay Ladagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah iyo Horumarinta Ganacsiga Sharciga ah oo Ka Dhacay Tog-Wa...
02/02/2025

Shir Lagaga Hadlayay Ladagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah iyo Horumarinta Ganacsiga Sharciga ah oo Ka Dhacay Tog-Wajaale

Shirkan uu hoggaaminayay Ku-simaha Duqa ahna Duq Kuxigeenka Maamulka Magaalada Tog-Wajaale, Eng. Axmed Daahir Bade, ayaa ka dhacay magaalada.

Shirka waxa ka soo qayb galay madaxa Jibriga laanta Wajaale iyo ganacsatada magaalada, iyada oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagula dagaallamayo ganacsiga sharci-darrada ah (Kootarabaanka) iyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga sharciga ah.

Masuuliyiinta iyo ganacsatada ka qayb gashay shirka ayaa isku raacay in la dardargeliyo dadaallada lagu xakameynayo ganacsiga sharci-darrada ah, lana dhiirrigeliyo ganacsiga xalaasha ah si loo horumariyo dhaqaalaha magaalada iyo danaha ganacsatada.

01/30/2025

"Madaxtooyaadad jeceshihiin mana taqaanane, Madaafiicda waad huri taqaanan, waanad ku madhataane. Waxii Qaabbiil madiga ka dhigay waa midnimo diid." – Ustaad Muxyadiin.

01/29/2025

: Meelaha Ay Tolkeen Joogaan & Xaaladooda Ustaad Wasiir Muxyadiin.

01/28/2025

Kurka Sare Haddii La Idin Jaro, Kubaabka Meer Meersha" Ustaad Muxyadiin.

01/28/2025

"Dhuxiiyo laftiyo wax dhiiga loo hurro oo loo dhiinta tihiinee.."

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hagarlaawe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hagarlaawe:

Videos

Share