GURE MEDIA

GURE MEDIA Waxad halkan kahelikarta warar sugan oo kusalesan xaqiqada dhabta ah oo kadhaca dunida dacaladeda

04/20/2023

BREAKING NEWS: The Crescent for the month of Shawwal 1444 was SEEN today in Tumair and Sudair subsequently tomorrow i.e Friday, 21st April 2023 is the day of Eid Al Fitr

DEG DEG: Maxkamadda waxa ay si aqlabiyad leh meesha uga saartay dacwaddii Raila Odinga ka gudbiyey natiijadii doorashadi...
09/05/2022

DEG DEG: Maxkamadda waxa ay si aqlabiyad leh meesha uga saartay dacwaddii Raila Odinga ka gudbiyey natiijadii doorashadii 9-kii ee agoosto.

Waxa ayna xeerisay in William Ruto yahay Madaxweynaha dooran ee Kenya.

13-ka bisha sebteembar ayaa la dhaarin doonaa.

Biikole iyo Gacalisadiisa Anfac Ayaa Caawa ku Aqal galay Magaalada Kismaayo.Hambalyo soo dhaha.
09/01/2022

Biikole iyo Gacalisadiisa Anfac Ayaa Caawa ku Aqal galay Magaalada Kismaayo.

Hambalyo soo dhaha.

Madaxweyne Siyaad Bare ka Dib, Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa Baydhabo ka hirgeliyey Wadooyin C...
09/01/2022

Madaxweyne Siyaad Bare ka Dib, Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa Baydhabo ka hirgeliyey Wadooyin Casri ah.

Mahadsanid Madaxweyne

Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo l...
09/01/2022

Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Hamza Abdi Barre, ayaa waxa uu kaga warramay socdaalkii uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mohamed Abukar Zubeyr, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda safaaradda ...
09/01/2022

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mohamed Abukar Zubeyr, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda safaaradda Finland oo uu hoggaaminayay Madaxa Iskaashiga Safaaradda Finland ee Nairobi Mauri Starckman.

Kulanka waxaa ku wehliyay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Dib-u-habeynta iyo horumarinta Arrimaha Bulshada, Xakiim Cadnaan, waxaana looga wada hadlay dardargelinta Iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee dowladda Finland ay ka wado Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA OO XAFIISKIISA KU QAABAILAY KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE ARRIMAHA BANI'AADAMNIMADA Madaxweynaha Jamhuuriya...
09/01/2022

MADAXWEYNAHA OO XAFIISKIISA KU QAABAILAY KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE ARRIMAHA BANI'AADAMNIMADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani'aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah OCHA Mudane Martin Griffiths.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani'aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalkeenna iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in si wadajirka ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer Caalam intaba.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ahmiyadda siinayaan ka jawaabidda baahiyaha deg deg ah ee bulshada iyo barnaamijyada ku saleysan hiigsiga fog, si xal waara loogu helo caqabadaha soo noqnoqday ee ay ka mid yihiin abaaraha iyo isbeddelka cimilada, isagoo hoosta ka xariiqay in diirradda la saaro xilligan sidii gargaarka bani'aadamnimo loogu saleyn lahaa shaqo abuur qaran, maalgashi, hannaan ka tarjumayo isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani'aadamnimo ee ka dhashay.

Dhankiisa, Mudane Martin Griffiths Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani'aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta yeelan doono kulankooda 2-aad tan iyo markii la dhisay, waxaana shirkaan la fila...
09/01/2022

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta yeelan doono kulankooda 2-aad tan iyo markii la dhisay, waxaana shirkaan la filayaa in maanta lagu magacaabo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo taliyaasha ciidamada.

Xogo hordhac ah ayaa sheegaya in maanta uu dhici doono isbadal wayn oo dhinaca ciidanka iyo maamulka gobalka Banaadir ah kaasoo in muddo ah la sugayay.

Labada shaqsi ee loo saadaalinayo in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab iyo Madaale.

Sidoo kale Taliyaha Booliska waxaa la filaya in midkoob la magacaabo Xaamud iyo Bashiir Americo.

DEG DEG: Maamul goboleedyada ayaa xariirka u jaray wasaarada maaliyada ee dowlada Federalka Soomaliya. Waxay maamuladu k...
08/30/2022

DEG DEG: Maamul goboleedyada ayaa xariirka u jaray wasaarada maaliyada ee dowlada Federalka Soomaliya. Waxay maamuladu ku eedeeyeen inay wasaarada baalmartay heshiisyadii lagu wada shaqaynayay shantii-sano ee lasoo dhaafay.

Waa dharbaaxo wayn oo ku dhacday dowlada dhexe waana bilowga qilaaf la filayay inuu ka dhex qarxo maamulada & dowlada dhexe. Waxay maamuladu hada qorshaynayaan shir garoowe ka dhaca oo ay uga tashadaan siday dowlada dhexe ugu midoobi lahaayeen!!

Arintaan waxay si wayn u saamayn kartaa qorshihii dayn cafinta ee mudada badan socday. Waxana sii xoogaysanaya musuqa ka dhex jira dowlada dhexe ee uu hogaaminayo Hassan sheikh & kooxdiisa

Hadaba Maxaa kaaga baxay talaabadaan ay maamuladu qaadeen? Maku taageersantahay mise waadku diidantaahay?

War hadda soo dhacay Madaxweyn ku xigeenkii h**e jubbaland Fartaag oo ah saxiibkii ugu dhawaa Madoobe, wasiirkii h**e ee...
08/22/2022

War hadda soo dhacay Madaxweyn ku xigeenkii h**e jubbaland Fartaag oo ah saxiibkii ugu dhawaa Madoobe, wasiirkii h**e ee amniga jubbaland Janaan iyo siyaasin kale oo ka hor yimid muddo kordhinta Madoobe ayagoo cilaamiyay dagaal ka dhan Axmed madoobe.

DEG DEG:- Qarax kale oo dhawaqiisa aad looga maqalay qeyb kamid ah magaalada oo gaar ahaan isgoyska Taleex ayaa hadda ka...
08/20/2022

DEG DEG:- Qarax kale oo dhawaqiisa aad looga maqalay qeyb kamid ah magaalada oo gaar ahaan isgoyska Taleex ayaa hadda ka dhacay Aaga xaafada Taleex ee dagmada Hodan.

08/20/2022

DEG DEG: Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka, Janaraal Farxaan Qaroole, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Xubin ka tirsan Kooxdii weerartay hoteelka Xayaat uu isku dhiibay Ciidamada amaanka.

Weli waxaa socda howlgal ay wadaan Ciidamada amaanka, kaasi oo la doonayo in lagu sooo afjaro weerarkii lagu qaday hoteelka Xayaat.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib u dhigay kula...
08/19/2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib u dhigay kulankii berrito oo sabti ah ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

La-taliyaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Xasan Idiris oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu dib u dhigay kulankii berrito ee Golaha Shacabka, sababo jiro awgood.
“Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shirkii berri ee Golaha Shacabka BJFS dib u dhigey Sabab jira awgeed!” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris oo faah faahin intaas ka badan ka bixin sababta keentay dib u dhigista kulankii Xildhibaanada.

Ajendaha koowaad ee kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa dhaarinta Madaxweynihii h**e ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqonaya Xildhibaan Abadiya.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa lagu waday in lagu dhaariyo Dahir – Xubin Guddiga Madaxa banaan ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Dib u dhigista kulankii lagu dhaarin lahaa Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyada oo Caawa Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan.

08/19/2022

Koox hubeysan ayaa Weerar iyo Qaraxyo wada socda ku qaadday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, rasaas ayaa ka socota agagaarka Hotelka
Aagga weerarku ka socdo oo u dhow Isgoyska Mashquulka badan ee KM4 ayaa waxa ku yaal hotelo iyo xarumo ganacsiga!

Xog waxaa soo dhammaaday latashiyada xil ka qaadista iyo magacaabista taliyaasha xoogga iyo lugta.Waxaana illa hadda saf...
08/19/2022

Xog waxaa soo dhammaaday latashiyada xil ka qaadista iyo magacaabista taliyaasha xoogga iyo lugta.

Waxaana illa hadda safka h**e ee magacaabista taliyaasha kala duwan ka muuqda General Indho Qarsho, Karonta iyo General Diini.

Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta barito loo dhaarin doono xildhibaan Abadiyan Ah.
08/19/2022

Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta barito loo dhaarin doono xildhibaan Abadiyan Ah.

Allaha u naxariisto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), qabrigana Allaha u waasiciyo, dembigiisana Allaha dhaafo...
08/18/2022

Allaha u naxariisto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), qabrigana Allaha u waasiciyo, dembigiisana Allaha dhaafo. Samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo. Innaa lillaahi wa’innaa ileyhi raajicuun.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed ka baxay tiir weyn oo udub dhexaad u ahaa isirka Soomaaliyeed oo jiil walba leh.

Asluub iyo aqoon aduunyo waad ku siisayee, Allahayow Aakhiro Jannadii Firdows ugu dar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Go...
08/15/2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo magacyadda Xildhibaanada ka mid noqanaya Guddiyadda kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.

Address

Minneapolis, MN

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GURE MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share