Top Tv Official

Top Tv Official male

05/17/2024

Deg deg shirka wadatashiga qaran noqolkii la soo baxay daawo
Follow like dhac kusiiya asxbta

05/04/2024
09/16/2023
09/15/2023

Madax weyne qor qoor oo markale soo hanjabay

Deg deg degaanada laascaanood oo saakay   dib uga qarxay dagaal aad u culus qasaaraha oo u badan 2 dhinac oo ku dagaalam...
07/18/2023

Deg deg degaanada laascaanood oo saakay dib uga qarxay dagaal aad u culus qasaaraha oo u badan 2 dhinac oo ku dagaalamy halkaas
Fadlan like iyo shere dhaha asxabta

07/14/2023

Deg deg madaxweynaha xasan shiikh mahamuud ayaa yiri maanta cararin haddii aadan tuug ahayn

02/10/2023

Waxa magaalada muqdisho lagu qabtay maanta munaasabad 58 ee ka soo wareegatay ciidamada badda ee dalkeena

02/02/2023

Toogashada saakay la fuliye ayaa lagu fuliyey 4 wadatirsanaa ciidan dowladda togashada ayaa kawada dhacday school p/siya ee magalada muqdisho

02/01/2023

Shirkii maanta ay marti galisay dowladda soomaliya nuqulkii ka soo baxay waa kan
daawasho wacan asxbtadana lawadaag

01/15/2023

Maxkamadda oo maanta xukun ku riday ninkii minishiibiyada ka tirsanaa oo 5 Kun sh/somali ah u dilay nuuraani
Lawadaag asaxaabtada

01/05/2023

Shikii wadatashiga ee wasiirrada xukumadda federalka ee soomaliya iyo madaxweynaha ayaa 5 qodob oo muhiim ah Loogaga hadlay waa kan afayeenka xukumadda farhan maxamed jimcaale
Liketa iyo fllow hanaga hilmamina asxbta

Gudoomiyihii h**e Golaha shacabka  Barlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa loo qaaday Dalka Turkiga...
10/06/2022

Gudoomiyihii h**e Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa loo qaaday Dalka Turkiga,
Prof:Jawaari ayaa maalmahaanba ku Xanuunsanaa Muqdisho waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagu Daweynayay.

xalay ayaa Gudoomiye Jawaari laga Qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Lama sheegin nooca xanuunka ee sababay in Gudoomihii h**e ee Golaha shacabka loogu Qaado dalka turkiga.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalaya  shirka golaha wasiirada oo ka dhacay xafiiska ra'iisulwasa...
10/06/2022

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalaya shirka golaha wasiirada oo ka dhacay xafiiska ra'iisulwasaaraha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynaha oo shir gudoomin doona kulanka golaha oo lloga hadli doono arino xasaasi ah.

DOORASHADII HOGAANKA SARE EE KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA OO MAR KALE DIB LOO DHIGAY
10/05/2022

DOORASHADII HOGAANKA SARE EE KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA OO MAR KALE DIB LOO DHIGAY

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiq...
10/04/2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaqo joojin ku meel gaar ah ku sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey) ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha ku eedeeyay qodobada 8aad iyo 10aad ee Sharciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay Mareeyaha iyo Wasaaradda in aysan dhax oolin wada shaqeyn wanaagsan, taas uu ku sababeeyay shaqo joojinta.

“Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).” Sida lagu yiir Qoraal ka so baxay Wasaaradda.

Shaqada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa waxaa si ku meel gaar ah u sii wadi doona ku xigeenka Maareeyaha Guud, ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝘆'𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝗹𝗹𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗺𝗶𝗶𝗻 𝗙𝗼𝘂𝗻𝗱𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗼𝗼 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆𝗮𝗻𝗮 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗯 𝗶𝘀𝘁𝗮...
10/01/2022

𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝘆'𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝗹𝗹𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗺𝗶𝗶𝗻 𝗙𝗼𝘂𝗻𝗱𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗼𝗼 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆𝗮𝗻𝗮 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗯 𝗶𝘀𝘁𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗿𝘂𝘂𝗿𝘁𝗮 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗾𝗮𝗯𝗮.

𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟬𝟭 𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿 :- Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) oo ah Aasaasaha iyo guddoomiyaha hay'ad maxali ah oo la dhaho Yaasmiin foundation oo gacanta ku haysa dhowr goobood oo ay wax ku bartaan ubadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir Xil Mohamed Bare Mohamud iyo Danjire Maxamed Cali Nuur Americo ayaa ka sheekaystay duruufaha ay ku nool yihiin dhalinyarada iyo ubadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo sida uu u hooseeyo wacyiga bulshada ee ku aadan daryeelka ay mudan yihiin.

Wasiirka ayaa Danjire Maxamed Cali Nuur Americo uga mahadceliyay wakhtiga fiican uu geliyay taageerada iyo u qareemidda ubadka iyo dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba isagoo caddeeyay in wasaaraddu hay'adda Yaasmiin foundation ku garab istaagi doonto caawimaadda dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay inay miisaaniyadda sanadka soo socda codsadeen in lagu daro caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba si ay u sahlanaato caawintoodu.

Danjire Maxamed Cali Nuur Americo ayaa isna dhinaciisa ku bogaadiyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud muhiimadda goonida ah uu siinayo dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba maadaama intii uu xafiiska joogay oo koobnayd uu shan jeer la kulmay qaybo kala duwan oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY FURITAANKA MEERTADA 77-AAD EE GOLAHA QARAMADA MIDOOBEYNew York, Sebteembar 20, ...
09/20/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY FURITAANKA MEERTADA 77-AAD EE GOLAHA QARAMADA MIDOOBEY

New York, Sebteembar 20, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

DHAMMAAD

Mowqifka Dowladda Puntland ee Arrimaha Shidaalka.
09/15/2022

Mowqifka Dowladda Puntland ee Arrimaha Shidaalka.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAASHA IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEENADA DEGMOOYINKA BOOSAASO, GAROOWE IYO GAALKACYO. Gar...
09/15/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAASHA IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEENADA DEGMOOYINKA BOOSAASO, GAROOWE IYO GAALKACYO.

Garoowe: 15 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

T. Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.

2. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.

T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.

3. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa War Murtiyeed ka kooban 11 qodob ka soo saaray shir uga socday mag...
09/13/2022

Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa War Murtiyeed ka kooban 11 qodob ka soo saaray shir uga socday magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa isku raacay in 50% kabka Miisaaniyadda ee qeybsiga yabooha Bankiga Adduunka loo isticmaalo horumarinra arrimaha Bulshada iyo Maamul Wanaagga, sida arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada.

In 50% kabka Miisaaniyadda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.

Qodobkan ayaa ahaa midka si weyn la isugu hayay oo dood adag laga yeeshay.

DHUSAMAREEB 13/09/2022: GOLAHA BAARLAMAANKA DAWLAD GOBALEEDKA GALMUDUG AYAA MAANTA YEESHAY  KULANKIISA 9-AAD EE KALFADHI...
09/13/2022

DHUSAMAREEB 13/09/2022:
GOLAHA BAARLAMAANKA DAWLAD GOBALEEDKA GALMUDUG AYAA MAANTA YEESHAY KULANKIISA 9-AAD EE KALFADHIGA 5AAD

Guddoomiyaha Golaha Dr Maxamed Nur Gacal ayaa shir guddoomiyay kulanka maanta ayna ku wehlisay Gudoomiye ku xigeenka labaad Marwo Faadumo Cabdi Cali.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa:
1. Dooda Waxka-beddelka Qodobo Dastuuri ah.
2. Bandhiga iyo Akhrinta Warbixinta Xisaab-Xirka 2020/2021.

Ugu h**eyn 29 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha ayaa Mooshin wax looga beddelayo Qodobada 32, 42, 49 iyo 54 usoo jeediyay Golaha, kana codsaday in Goluhu u codeeyo wax ka beddelka qodobadaas!

Golaha ayaa ka dooday muhiimadda ay wax ka beddelaka Qodobadaas u leeyihiin Galmudug si ay u hesho xasilooni siyaasadeed, mid amni iyo mid bulsho iyo in loo baahanyahay kordhinta muddo xileedka Hay'adaha Dastuuriga Galmudug si loo gaaro Hay'ado Dastuuri ah oo ku yimaada doorasho Qof iyo Cod ah, Xor iyo Xalaal ah, Lagana guuro nidaamka hab qeybsiga beelaha Galmudug.

Kadib Golaha ayaa cod aqlibayad ah ku ansixiyay in Hay'adaha Dastuuriga Galmudug muddo xileedkoodu noqdo 5 sano.

Sidoo kal Wasaarada Maaliyadda ayaa horkeentay Golaha Baarlamaanka Xisaab Xir-Sanadeedka Maaliyadda Galmudug ee 2020/2021.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Galmudug M.ne Cabdirahiim Xasan Cabdullaahi ayaa Golaha ka hor aqriyay Warbixinta Xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2020/2021.

Ugu danbayntii, Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Maaliyadda Golaha Baarlamaanka Galmudug M.ne Mahad Kilic Warsame ayaa u gudoomay Baarlamaanka Warbixinta Xisaab-xirka 2020/2021.

# # # DHAMMAAD # # #

Madaxweynaha Jamhuriyadd Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada N...
09/12/2022

Madaxweynaha Jamhuriyadd Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaadabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya. Isla caawa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay khadka telefonka ku wadahadleen Madaxweynaha cusub ee la doortay William Ruto, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, uuna jiri doono kulan gaar ah oo labada Madaxweyne dhex mari doona.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nair...
09/12/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si berri caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu uga qeyb galo.

09/12/2022

Hadal jeedinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl kuwaasi oo ah goleyaashii deegaan ee ugu h**eeyay ee Shacabku kusoo doorto hal Qof iyo Hal cod.

09/12/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa ka hadlay khatarta macaluusha ku soo wajahan kumannaanka qoyska ee la tacaalaya abaarta ka jirta gobollada dalka.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu bogaadiyey baraarugga iyo kacdoondka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah ee Alshabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaas uu shir guddoominayay Madaxw...
09/12/2022

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaas uu shir guddoominayay Madaxweynaha JFS Hassan Sheikh Mohamud.

Garoowe: 11 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hab-ka Fogaan araga ee (...
09/11/2022

Garoowe: 11 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hab-ka Fogaan araga ee (Zoom) uga qeybgalay Shirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Muqdisho.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriy...
09/11/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA

Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Top Tv Official posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Top Tv Official:

Videos

Share

Category


Other TV Channels in Minneapolis

Show All

You may also like