Warbaahinta Wararka

Warbaahinta Wararka Warbaahinta Wararka N-Xoriyada Waa Warbaahin dhexdhexaad ah oo aan u afduubneyn urur.Xisbi.qabiil.ko

01/06/2025

Raysalwasaraha Somalia Xamse Cabdi Barre oo Dhagax dhiggay xarunta golaha Culimada Soomaaliyeed.

Kulan hordhac ah oo loogu sii gogol-xaadhayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo oo furmay saaka.Fagaarahan wada xaajoo...
01/06/2025

Kulan hordhac ah oo loogu sii gogol-xaadhayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo oo furmay saaka.

Fagaarahan wada xaajoodka hoggaaminta Xisbiga Barwaaqo oo halku-dheg looga dhigay "Dhaqan ka sarreeya weedh ama fikir", oo loogu gogol-xaadhayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo ayaa ka qabsoomay madasha kulamada ee Mac'hadka Maareeynta iyo Adeegga Shacabka DDS.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ka hadlay fagaarahan ayaa si qoto-dheer uga warramay waxqabadka taabo'galay ee xisbiga talada Dalka haya ee Barwaaqo iyo jihooyinka hadda la raacayo iyo Qorsheyaasha Miiska Saaran

01/05/2025

Odayaasha Beesha Baho garxajis iyo reer is ahaan oo Si buuxda u taageeray Shirkii Nabadgelyada ee aware ka dhacay iyo Baaqii Nabadgelyo ee Madaxnaha DDS. Mudane Mustafe Muxummed Cumar u direy shacabka walaalaha ah ee Dacawalay

01/04/2025

Raysalwasaaraha itoobiya oo Si heer sare ah loogu Soo dhoweeyey Caasimada deegaanka somalida jigjiga

01/04/2025

Khilaafkii u dhexeeyey itoobiya iyo Somalia ee soo Bilowday 1/1/2024. oo Heshiis iyo Saaxiibtinimo ku Soo dhamaaday Bilowga Sanadka Cusub 1/1/2025. iyo Faankii iyo Fashilka Axmed Macalin Fiqi oo Fajac iyo Fadeexad ku Soo dhamaaday

Waxaa la daah-furay mashruuca waraabka galbeedka Godey oo lagu sameeyay, dayactir, balaadhin iyo dib-u-dhis, ayna ku bax...
01/03/2025

Waxaa la daah-furay mashruuca waraabka galbeedka Godey oo lagu sameeyay, dayactir, balaadhin iyo dib-u-dhis, ayna ku baxday ku dhawaad 3 Bilyan oo Birr.

Raysal wasaaraha JDFI, Dr. Abiyi Axmed Cali, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Joogiisu hooseeyo, Dr. Abraham Belay ayaa daah-furay mashruucani oo ay hirgelisay wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee JDFI.

Mashruucan waraabka galbeedka Godey ee degmada Beercaano ayay dayactirka iyo dib-u-dhiska lagu sameeyay mashruucu sahlaysaa in la beero dhul beereed dhan ku dhawaad 10 kun oo Hiktar. Waxaana hadda beeran 3000 (saddex kun) oo hiktar oo isugu jira wax-soo-saarka kala duwan ee dalagga beeraha.

Mashruucani ayaa kamid ah mashaariicaha waaweyn ee ay xukuumadda fadaraalku ka hirgelisay Deegaanka Soomaalida, waxa uuna wax badan ka badali doonaa nolosha bulshada beeralayda ah ee gobolka.

Raysal wasaaraha , jamhuuriyada Fadaralka itoobiye Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa soo gaadhay maagalada Godey.Madaxweynaha DDS,...
01/03/2025

Raysal wasaaraha , jamhuuriyada Fadaralka itoobiye Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa soo gaadhay maagalada Godey.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiin heer deegaan ah, odayaal-dhaqameed, kooxaha: Fanka iyo baambayda ayaa raysalwasaaraha iyo wafdigiisa Si Diiran ugu Soo dhoweeyey isla markaanka ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey.

  Tartan iyo loolankii loogu ka mid noqoshada hawlgalka Nabad ilaalinta Dalka Somalia oo lagu kala baxay isla markaana l...
12/30/2024

Tartan iyo loolankii loogu ka mid noqoshada hawlgalka Nabad ilaalinta Dalka Somalia oo lagu kala baxay isla markaana lagu kala Calaf Qaaday 1.itoobiya oo liiska dalalka la diiwaan geliyey iska dhex weyday. 2.Masar oo Liiska Dalalka Ciidanka Loo Qoondeeyey iska dhex weyday. 3.yuqaandha.kenya.jabuuti iyo Burundi oo liiska Cusub balse wey Saluugtay Qoondada la Siiyey Wasiir Fiqi wararkii uu Faafiyey ee Laab la kaca ahaa oo waxba k**a jiraan Noqoday xuseen macalin iyo Cali balcad oo soo bandhigay xogta Rasmiga iyo Damaca DFS. iyo dawlada Fadaralka Somalia oo ku guulaysatay inay hawlgalka Cusub nabad ilaalinta Somalia jihayso isla Soo ceshatay saaxiibkeedii h**e ee itoobiya iyadoo saaxiibada kale Eritrea iyo masar ugu laab qaboojisay inay is dejiyaan oo heshiiska Ankara uu yahay mid barakaysan

Tartan iyo loolankii loogu ka mid noqoshada hawlgalka Nabad ilaalinta Dalka Somalia oo lagu kala baxay isla markaana lagu kala Calaf Qaaday 1.itoob...

12/29/2024

Tartan iyo loolankii loogu ka mid noqoshada hawlgalka Nabad ilaalinta Dalka Somalia oo lagu kala baxay isla markaana lagu kala Calaf Qaaday 1.itoobiya oo liiska dalalka la diiwaan geliyey iska dhex weyday. 2.Masar oo Liiska Dalalka Ciidanka Loo Qoondeeyey iska dhex weyday. 3.yuqaandha.kenya.jabuuti iyo Burundi oo liiska Cusub balse wey Saluugtay Qoondada la Siiyey Wasiir Fiqi wararkii uu Faafiyey ee Laab la kaca ahaa oo waxba k**a jiraan Noqoday xuseen macalin iyo Cali balcad oo soo bandhigay xogta Rasmiga iyo Damaca DFS. iyo dawlada Fadaralka Somalia oo ku guulaysatay inay hawlgalka Cusub nabad ilaalinta Somalia jihayso isla Soo ceshatay saaxiibkeedii h**e ee itoobiya iyadoo saaxiibada kale Eritrea iyo masar ugu laab qaboojisay inay is dejiyaan oo heshiiska Ankara uu yahay mid barakaysan https://youtu.be/2v1p0l5Y8JA?si=w8LdYCwbjGGt5jzK

Komishineerka Guud ee Booliska Federaalka dalka, General Demelash Gebremichael, ayaa booqday ciidamada dufcadda 25-aad e...
12/28/2024

Komishineerka Guud ee Booliska Federaalka dalka, General Demelash Gebremichael, ayaa booqday ciidamada dufcadda 25-aad ee uu tababarku uga socdo Kulliyadda Tababarka Booliska ee DDS.

Ciidanka ayaa soo bandhigey xirfadaha kala duwan ee ay baranayaan, waxaana uu ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iidaystaan tababarka si ay u yeeshaan xirfad iyo anshax sare oo boolisnimo. Sidoo kale, wuxuu ammaanay habka tababarka iyo heerka aqoonta ay ciidanku qaadanayaan. Dufcada 25aad ee ciidanka deeganka iyo federal Policeka oo kuxaraysan kuliyada tababarka ee duleedka caasimada DDS. ee jigjiga waa waa cudud Qaran oo u taagan inay cagta mariyaan Cadowga gudaha iyo dibada

Wafdi ka socday Maamulka Somaliland oo lagu Qanciyey in arimaha Nabadgelyada Xuduudaha iskaashiga labada dhinac kala had...
12/26/2024

Wafdi ka socday Maamulka Somaliland oo lagu Qanciyey in arimaha Nabadgelyada Xuduudaha iskaashiga labada dhinac kala hadlaan Dawlad deegaanka Somalida DDS. ayaa Hada soo gaadhay magaalada Jigjiga.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D) iyo masuuliyiin heer deegaan ah oo weheliya ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Somaliland oo ay kamid yihiin; Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaan Dhiga iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Masuuliyiinta labada dhinac ayuuna hadda shir uga socdaa gudaha xafiiska Madaxweynaha DDS.

Jawiga Saaka iyo Wararkii u Dambeeyay DacawaleyWax Dagaal ah k**a Jiro labadii aag ee dagaalka ka dhacay shalay.Waxa Soc...
12/26/2024

Jawiga Saaka iyo Wararkii u Dambeeyay Dacawaley

Wax Dagaal ah k**a Jiro labadii aag ee dagaalka ka dhacay shalay.

Waxa Socda shir wadajir ah oo ay ku kulmeen Wasiirka Amniga gudaha Somaliland Abdale Arab, wasiirka Madaxtooyadda DDS Xusseen Qaasim iyo Taliyaha Booliska Ethiopia General, Demelash Gebremichael.

Somaliland oo Diiday inay La Fadhiisato Maamulka Deegaanka ayaa lagu Wargaliyay In Deegaanku Dawlad Leeyahay Wixii Deegaanka ka Dhacayana waajib tahay in iyaga La danbeeyo

Shirkan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Madaxtooyada DDS Xuseen Qaasim, iyo Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya General Demelash, oo isku dhinac ah iyo dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Go'aanka dowladda dhexe iyo Maamulka Deegaanka Soomaalida ayaa ah in Somaliland si deg-deg ah u joojiso hubka ay gudaha u soo galinayso Deegaanka Soomaalida, sidoo kalena ay joojiso faragelinta. ay ku hayso arimaha gudaha ee deegaanka Somalida isla markaana

Wixii wada hadal iyo nabadayna si wada jir ah looga qayb qaato dadkana laysku soo dhaweeyo oo colaado la sii hurinin

Mas'uuliyadda xallinta wixii ka dhex jira DDS waxay masuuliyad ka saaran tahay Maamulka Deegaanka Somalida DDS iyo Dowladda Dhexe ee fadaralka itoobiya oo wadajir ah

12/20/2024

Heshiiskii Ankara ku dhexmaray Somalia iyo Itoobiya Maxay labada dhinac ku heshiiyeen Maxaase keenay oo Sabab u ahaa khilaafka hada laga heshiiyey iyo dhinacyada heshiisku dhexmaray iyo turkiga oo heshiiskan gadhwadeenka ka ahaa maxay ka faa,iidi doonaan heshiiskan iyo heshiiskan hadii uu dhaqan galo dhinacyada uu dhurbaaxo ku noqon doono Heshiiskii Ankara ku dhexmaray Somalia iyo Itoobiya Maxay labada dhinac ku heshiiyeen Maxaase keenay oo Sabab u ahaa khilaafka hada laga heshiiyey iyo dhinacyada heshiisku dhexmaray iyo turkiga oo heshiiskan gadhwadeenka ka ahaa maxay ka faa,iidi doonaan heshiiskan iyo heshiiskan hadii uu dhaqan galo dhinacyada uu dhurbaaxo ku noqon doono https://youtu.be/4v6HrvLjD-8?si=Ly8_91QT5ZNYhaX5

12/16/2024

Qaaciido ama Sune Siyaasadeed Waqatigan lagu Noqdo Madaxweynaha Somalia iyo Raysalwasaarihii lagu Sheegay in Xoghaye ama Marxuum yahay oo Hadana lagu sheegay inuu yahay Geesi keligii qaatay oo madaxweynihiisii gacan dhaaf ku sameeyey oo Raaskanbooni ku duulay oo lagu soo jabiyey isla markaana yahay danbiile khayaano qaran galay oo mudan in xilka laga xayuubiyo waa Fariin ka timid puntiland iyo jubaland oo ku socota villa Somalia iyo madaxweyne xasan sheekh maxamuud https://youtu.be/Pt1TLQoeTmU?si=LeMXm31b5Ftt3SZf

12/12/2024

Maxaa Sabab u ahaa guusha Ciidanka axmed madoobe iyo guuldarada ku Dhacday Ciidanka DFS. iyo ciidanka Xooga dalka Somalia oo geesinimo dhiiranaan muujiyey oo khasaare culus u geystay maleeshiyaadkii axmed madoobe balse aakhirkii dagaalka looga awood Roonaaday & shacabka Somaliyeed oo dareenka murugo ka muujiyey jabka ku dhacay ciidanka XDS. Isla markaana muujiyey in falkan ismiidaaminta ah ee axmed madoobe uu noqon doono dhamaadkii maalmaha madow iyo afduubka shacabka dulman ee jubaland https://youtu.be/TGcW83_V_fk?si=_TIf2AdCIGLAk8ze

12/11/2024

Wararkii u danbeeyey ee dagaalka Raaskaambooni Magaalada Kismaayo waxaa hada la geeyey 40 dhaawac ah oo ciidanka Jubbaland ah iyo sarkaal magaciisa lagu sheegay Yaxbul oo kamid ah saraakiisha ilaalada Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa isna dhaawac daran ah sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay baadi, kana tirsan Nabadsugida Jubbaland.

Xaalad adag ayaa ka taagan degaano ku dhaw Raaskambooni oo dagaalada ay ka dhaceen, sidoo kale waxaa xiriirkooda la weysan yahay saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada Faderaalka.

 ~Dagaal xoggan ayaa laga soo warinayaa in uu dhexmaray maleeshiyaadkii taabacsanaa axmed madoobe iyo ciidamada xooga da...
12/11/2024

~Dagaal xoggan ayaa laga soo warinayaa in uu dhexmaray maleeshiyaadkii taabacsanaa axmed madoobe iyo ciidamada xooga dalka ee fadhigoodu ahaa Raaskanbooni

Dagaalkan u dhexeeya ciidamada dawlada iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa Waxaa dagaalka soo qaday Maleeshiyaadka uu hogaamiyo axmed madoobe maleeshiyaadkan werarka soo qaaday Waxaa la xaqiijiyey in ciidanka dawladu ay gacanta ku dhigeen maxaabiis faro badan oo la qabtay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa dagaalka oo ka dhacay
Manarani oo 37km u jirta raaskanboni

Gadiid dagaal oo ay kusoo dagaal galeen maleshiyadkan ayaa inta la ogyahay lagu gubay goobta dagaalku kasocdo waxaana lagubay gubay afar suug iyadoo dhanka kalena ayjiraan maxaabiis iyo hub tiro badan maleshiyaadka soo weerar tagay laga laga qabsaday
Maxaabista Ciidanku soo qabteen ayaa tiro ahaan lagu sheegay in ay ka badan 68. lagu hayo 68

12/10/2024

isku Caano shubkii axmed madoobe oo Noqday Hal Bacaad lagu Lisay & Axme madoobe oo Qorshaynaya inuu Weerar ismiidaamin ah ku qaado Raaskambooni oo hada Noqotay Saldhiga difaaca Qaranka iyo maxaad ka ogtahay Xogta Qarsoon xaqiiqada biyo k**a dhibcaanka ee ku saabsan khilaafka sadex geesoodka ah ee u dhexeeya 1.xasan sheekh maxamuud 2 xamse cabdi bare iyo Axmed madoobe? Muxuu Salka ku hayaa khilaafkaasi? https://youtu.be/SDCQTsp5DFQ?si=jDTINFcK54_HiAt9

Address

Minneapolis, MN
55404

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warbaahinta Wararka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warbaahinta Wararka:

Videos

Share