01/12/2025
Shalay waxa la magacaabay badhasaabo iyo ku xigeenno. Kuwii h**e u joogay, miyay is-casileen? Miyaa la eryay? Miyay dhinteen? Mise waa lagu dul magacaabay oo gobol waliba laba badhasaab ayuu yeelanayaa?
Wasiiradu waxa ay si toos ah (automatic) u raacaan madaxwaynaha magacaabay oo haddii u dhaco way la dhacaan. Madaxda intooda kale waxa ay xilka ku waayi karaa is-casilaad, eri, geeri, ama si kale oo xeer jideeyay in xilku ku banaanaado. Meel aan qofkii joogay xilka laga eryin, qof kale looma magacaabo.
Laba mid uun baa la yeelaa:
1. Waraaqda masuulka cusub lagu magacaabay ayaa lagu tilmaamaa habka uu ku banaanaaday xilku; ama
2. Waraaq kale ayaa lagu eryaa ama lagu tilmaamaa habka uu xilku ku banaanaaday.
Inta aan ogahay madaxdii h**e arinka labaad ayay isticmaali jireen. Waraaqda eriska ah iyo ta magacaabistu way soo kala bixi jireen, inta badan isla hal mar.
Garyaqan Guuleed Dafac