Ogaal news

Ogaal news Xiisaha wararka

02/13/2025
02/11/2025
01/23/2025

𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-0047/012025 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;


Markii aan tixgeliyey: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyihiin, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontooda, Kartidooda, naf-hurnimadooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo, isla markaana ay hanan karaan waajibaadka & mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚;

1. In Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale (Cabdi Dheere) uu ahaado, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Sarreeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi, uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland.





𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡

________________________________________
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

01/07/2025

Somaliland

01/03/2025

Madaxweyne Cabdiraxmaan cirro oo dedaal ugu jira inuu Muuse Biixi kala wareego ciidamada uu ku haysto Arabsiyo iyo beertiisa waqooyiga Hargeysa ayaa qaaday talaabooyin uu culays ku saarayo madaxweynihii h**e.

Madaxweyne Cirro waxa uu amray in baadhis qoto dheer lagu sameeyo shirkado uu qaarkood leeyahay Muuse Biixi kuwaas oo ay ku jirto mida shiidaalka ee TRIFAGURA.

Wasiirka ganacsiga oo fulinaya qorshaha madaxweynaha ayaa magacaabay guddi baadhis ku samaysa shan shirkadood oo kala ah.

1. Trifagura
2. Haamaha Kaydka shiidaalka
3. Shirkadda Bad-qabka badeecadaha
4. Shirkadda ARDMORE managementa
5.shirkadda Shaybaadhka shiidaalka.

Lasoco bogan wixii danbe.

Address

Kansas City, MO
B139EB

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ogaal news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ogaal news:

Videos

Share