02/04/2025
: Ugu yaraan 4 qof ayaa ku qudh baxday Galbeedka Gojjam oo ka tirsan Gobalka Axmaarada . Kadib markii Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay aw dhex maray iyo maleshiyaadka ;
Dadka deegaanka ayaa sheegay in wiil 14 jir ah, uu ka mid yahay dadka ku dhintay Dagaalka
Iska horimaadkan watay dhimashada ayaa ku dhex maray 31-kii Januari 2025 ciidamada dawladda iyo maleeshiyada deegaanka Jimat Enkokma Kebele, oo u dhow magaalada Jiga ee Galbeedka Degaanka Axmaarada ee ,
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay jireen maallihii u dambeeyay "dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda," mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa isna sheegay in milatarigu ay "roondo ku sameynayaan aaggaasi… Xaalada ayaana cirka isku sii shareertay markii maleeshiyada Fano ay “soo qaadeen weerar,” taasoo keentay dagaal culus oo la,isku adeegsaday madaafiic.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in wiilka yar iyo qof kalr oo madani ah lagu dilay rasaas habow ah, halka “laba nin oo kale oo dhalinyaro ah ay guryahooda kala baxeen ciidamada ammaanka dowladda”. Iska horimaadku waxa uu sidoo kale khasaare baaxad leh u geystay dhul beereedyo, iyadoo qof ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay, "duqeymo hoobiyeyaal ah oo sababay dab aad u baahsan oo qabsaday Beeraha ka ag dhawaa meesha aw dagaalku ka dhacay ... Dalagyadii Deefka oo si buuxda loo beeray iyo qaybo kale oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dalagyada gallayda ayaa gebi ahaanba la baabi'iyey." Dhowr qof oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in falkaas kadib xabsiga loo taxaabay, iyadoo magaalada Jiga ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada, walaw ay deegaanada ku xeeran ay weli ku sugan yihiin maleeshiyada Faano.
Deadly clash in Amhara’s West Gojjam Zone kills four; residents report 14-year-old boy, monk among victims Addis Standard News -