Mohamud Gaacir

Muqaalka cusub youtubekayga kasoo daawo:πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡Fadlan channelkayga soo daawo subscribe na dheh:
16/01/2025

Muqaalka cusub youtubekayga kasoo daawo:πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡

Fadlan channelkayga soo daawo subscribe na dheh:

Fadlan channelka subscribe dheh:

Degaanka iyo Xoolaha Soomaaliyeed waa Hanti Nool oo Qiimo BadanXoolaha iyo degaanka waa labada tiir ee ugu waaweyn dhaqa...
13/01/2025

Degaanka iyo Xoolaha Soomaaliyeed waa Hanti Nool oo Qiimo Badan

Xoolaha iyo degaanka waa labada tiir ee ugu waaweyn dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Waa hanti nool oo soomaalida ku tiirsan tahay, kana dhex muuqata dhaqankeena, dhaqaalaha, iyo jiritaanka guud ahaan bulshadeenna. Laakiin maxay tahay sababta xooluhu iyo degaanku u yihiin laf-dhabarka ummadda Soomaaliyeed?

Xoolaha Soomaaliyeed waa ab kasoo gaar aan dhamaan
Xoolaha nool ee Soomaaliya, sida geela, lo'da, iyo ariga, waxay astaan u yihiin nolol maalmeedka iyo dhaqaalaha. Soomaaliya waa mid ka mid ah waddamada ugu sarreeya ee dhoofiya xoolaha nool, iyadoo xoolahaasi si toos ah u tagaan suuqyada Carabta iyo kuwa caalamka.

Geela: Geelu waa astaanta Soomaalinimada; waxaan ka helnaa caano nafaqo leh, hilib,dhaqaale markii aan gadno.
Lo'da: Lo'du waa isha caanaha, hilibka, iyo dhaqaalaha iyadoo faa'iido weyn u leh qoysaska iyo suuqyada gudaha.
Ariga: Arigu waa xoolo loogu talagalay dhoofinta degdegga ah, maadaama uu yahay mid is-beddel u leh xaaladaha suuqa.
Xoolahaasi ma ahan oo kaliya dhaqaale; waa dhaqan, oo xoolaha ayaa lagu qiimeeyaa qofnimada iyo haybadda Soomaalida.

Degaanka: Hodan aan laga Hodmin
Soomaaliya waxay leedahay degaan dabiici ah oo qani ah, oo ay ku jiraan dhul daaqsimeedyo, webiyo, bad iyo keymo yaryar. Laakiin degaanka waxaa ku socda culaysyo, sida:

Biyo la'aan: Saameynta isbeddelka cimilada ayaa hoos u dhigtay helitaanka biyo.
Daadad iyo abaaro isdaba-joog ah: Waxay hoos u dhigeen awoodda dhulka uu ku sii jiro midho-dhal.
Dhir jaris: Waxay keentay xaaluf iyo nabaad-guur ku yimaadda dhulkeenna dabiiciga ah.

Maxaynu Ka Baran Karnaa?
Soomaaliya waxay leedahay fursado badan oo degaanka iyo xoolaha la xiriira. Haddii aan ilaalino degaankeena oo aan xoolaha aan uga faidaysano sida habboon waxaan noqon karnaa ummad qani ah.
Waxaan kordhin karnaa dhoofinta xoolaha iyo wax-soo-saarka kale.
Waxaan yareyn karnaa saameynta cimilada iyadoo la abuuro barnaamijyo keyd biyo iyo badbaadin degaan ah.
Waxaan ilaalin karnaa mustaqbalka jiilasha soo socda.

Waa Maxay Doorkaaga?
Haddii aad tahay qof xoolo-dhaqato ah hagaaji nidaamka daryeelka xoolahaaga.

Ma waxaad tahay qof dawladda ama hay'adaha ka shaqeeya? Ku dhiirrigeli ilaalinta degaanka iyo qorshayaal waara.

Ma waxaad tahay qof dhalinyaro ah? Baro muhiimadda xoolaha iyo degaanka oo hormariso ilahaaga aqooneed.

Xoolaha iyo degaanku waa hadiyadda ugu qiimaha badan ee Alle inoo siiyay. Aan wada ilaalino si aan mustaqbalka u helno Soomaaliya cagaaran oo hodan ah! 😊🌿πŸͺ

10/01/2025

Geelaydii meeye? Geelaas ayaan baadi goobaynaa maanta, ee cid meel ku sheegta?

Waxaan geerida naxdinta leh uga tacsiyaynayaa qoyska Marxuumad Farxiyo iyo walaalkay Dayax Dalnuurshe oo illahay uga bar...
08/01/2025

Waxaan geerida naxdinta leh uga tacsiyaynayaa qoyska Marxuumad Farxiyo iyo walaalkay Dayax Dalnuurshe oo illahay uga baryayo samir iyo imaan.
waxaan Illahay marxuumada uga rajaynayaa janooyinkiisa iyo in qabrigeeda uga dhigo beer beeraha janada ka mid ah.

Somali Youth Development Organization
07/01/2025

Somali Youth Development Organization

03/01/2025

Sanadka cusub Intaan xooga saar hadaad lacag rabtid.

#2025

Waxaan bogaanimayaa Ciidanka Geesiyaasha ah ee Puntland kuwaas oo saaka cashar lama ilaawan ah u dhigay kooxaha Argagixi...
31/12/2024

Waxaan bogaanimayaa Ciidanka Geesiyaasha ah ee Puntland kuwaas oo saaka cashar lama ilaawan ah u dhigay kooxaha Argagixisada ku dhumalaysanaya buuraha calmiskaat ee gobolka Bari.

waxaa saaka qarax lagu soo xiray ajaanib dalkayaga uso aaday inay shacabkayaga ku dhibateeyan balse Illahay mahadi saaka iyaga ayaa lagu jihaaday.

Waxaan ummada soomaaliyeed dhamaanteed ugu baaqaya in cadowga diinteena suurad xumeeyay laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

27/12/2024

Xirfadahaan ayaa u baahantahay inaad baratid sanadka cusub 2025.

Indhawayd oo Soomaalidu aad isku xasuuqday dhacdadii igu foosha xumayd waxay ahayd mida aan maanta aan arkay oo ahayd mi...
25/12/2024

Indhawayd oo Soomaalidu aad isku xasuuqday dhacdadii igu foosha xumayd waxay ahayd mida aan maanta aan arkay oo ahayd mid ka fog dhaqan wanaag, Islaamnimo iyo wada dhalasho soomaalinimo in degaan la gubo dad rayidka ah la laayo walibana maamulku si bareer ah ugu tilmaamo dadkaas uu xasuuqay isaga oo aan u meel dayin argagixiso waa gaf iyo meel ka dhac waana dulmi cad iyo mahadho uu gaystay maamulka ina Cagjar Liiyu boolis taarikhiyan ba waxay caan ku ahayeen dulmiga iyo in loo adeegsado dhibataynta shacabka Soomaaliyeed tan maantase waa mahadho.

Dulmi ama xoog hadii cid lagu haysan karo Muuse Biixi ayay u suurtagali lahayd balse ugu dambayn Lascaanood barqo cad laga carsaday.

17/12/2024

Subax h**e iyo roob golaha geela muqaal dhamaystiran daawo.

Xogtaan oo dhamaystiran kasoo daawo youtube channelka hoos yaala fadlan subscribena saar.πŸ‘‡πŸ‘‡https://youtu.be/M2qDaTgLLH0.
16/12/2024

Xogtaan oo dhamaystiran kasoo daawo youtube channelka hoos yaala fadlan subscribena saar.πŸ‘‡πŸ‘‡
https://youtu.be/M2qDaTgLLH0.

Sidee lacag looga sameeya cryptocurrency.

Casharkaan muhiimka ka soo daawo youtube channel kinkiga hoos yaala.
13/12/2024

Casharkaan muhiimka ka soo daawo youtube channel kinkiga hoos yaala.

Sidee lacag uga samayntaa kartaa crypto

Waxaa la yaab leh Abiy Ahmed ila hada k**a hadlin wax uu Xasan kala hadlay iyo xitaa inu ka kulmay halka Xasan oo shalay...
12/12/2024

Waxaa la yaab leh Abiy Ahmed ila hada k**a hadlin wax uu Xasan kala hadlay iyo xitaa inu ka kulmay halka Xasan oo shalay sheegayay in uusan la fariisan doonin, Itoobiya waligeed cadow ah ila shalay ka hadlayay inu la heshiiyay waliba uu bad siin doona ciidanka Itoobiyana yihiin halyeeyo ummada Soomaaliyeed waligeed garab taagna.

Bal Adba yaa waalan Ma Xasankii shalay mise Xasan Bil ka dib maanta!!

04/12/2024
30/11/2024

Awr ganlaynaya wali ma aragtay?

29/11/2024

Hawd oo roobsaday iyo qurxda dhulka ila daawo.

Address

7th Street
Sisli
00100

Telephone

+254701801446

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamud Gaacir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamud Gaacir:

Videos

Share