IMC Channel

IMC Channel medical Student

12/09/2024
18/10/2023

Wixii madaxda kaa dhigay
Waa la isku haystaa
Waxaad geysatoo idil
Waa la isku haystaa
Waayeelkiyo caruurtii
Waa la isku haystaa
Dad weynaha xaqiisii
Waa la isku haystaa
Ehelkii wacnaana
Waa la isku haystaa
Dhaaxaad waylaysee
Waa la isku haystaa
Wixii madaxda kaa dhigay
Waa la isku haystaa.

Yahuud iyo yahuud kalkaalba
Ilahay halaag haku rido

Duni waxaynu joognaa Damiirkii dhintayooDiirnax jirinooDuwaag sidiisiiDadka u diirtee Daneyste mooyeeDaacad ruux ah uusa...
18/10/2023

Duni waxaynu joognaa
Damiirkii dhintayoo
Diirnax jirinoo
Duwaag sidiisii
Dadka u diirtee
Daneyste mooyee
Daacad ruux ah uusan jirin

Dunuub qofaan gelin
Daahirna ka ah dambiyada
Dunida guudkeed
Door Kuma lahan

Ilahayoow waxay mareysaa halkii ugu dambeysay ee adoomadaada reer Falastiin u gargaar adiga kufilane🤲.

Qofka marka uu dhinto miisaankiisa maxa ku dhaca?A. Waa yaraadaaB.Waa BataaC. Isma bedelaayoIsku jawabta.⤴️
16/10/2023

Qofka marka uu dhinto miisaankiisa maxa ku dhaca?
A. Waa yaraadaa
B.Waa Bataa
C. Isma bedelaayo

Isku jawabta.⤴️

1. HaKa Xiirin Caruurta Madaxa Marka Ay Cambaar Ka Gasho Sababto Ah Cambaartu Way Faaftaa Marka Madaxa La Xiiro Ka Dib.2...
15/10/2023

1. HaKa Xiirin Caruurta Madaxa Marka Ay Cambaar Ka Gasho Sababto Ah Cambaartu Way Faaftaa Marka Madaxa La Xiiro Ka Dib.

2. Ha Isku Shidin Marwaxad, Mukayf iyo Kuwa La Midka Ah Marka Aad Dhididayso, Jirku Xilligaas Wuu Wada Furan Yahay, Cudurka Xasaasiyada Ayaana Kugu Dhici Kara.

3. Ha marsan kareemyada wajiga xilliga caadadu soo dhawsahay sababatoo ah finanka xiligaas yimaada waxay hordhac u yihiin caadada, wayna baxaan dhiiga caadada ka dib.

4. Ha Cabin Cabitaanada Ash*tada Ah Sida Coca-cola iyo Kuwa La Midka Ah Marka Dhiiga Caadadu Kuusoo Dhawyahay Waxay Wajigaaga Kasoo Bixinayaan Nabaro iyo Finan.

5. Dhar Suuf Ah Xiro Ama U Xir Caruurta Marka Xasaasiyadu Ay Ku Kacdo, Meel Qabow Ahna Seexi Waayoo Kulaylka Iyo Dharka Adag Waxay Kiciyaan Xasaasiyad.

6. U Mari Caruurta Adigana Marso Saliid Qumbo Marka Xasaasiyada Maqaarka Aad Isku Aragtaan, Saliid Qumbaha Waxay Ka Takhalustaa Cuncunka Maqaarka.

🖋Drwaahin Sabriye

Walalaheen reer Falastiin Allaha ka bixiyo dhibaatadaan aan dhamaadka lahayn🤲
13/10/2023

Walalaheen reer Falastiin Allaha ka bixiyo dhibaatadaan aan dhamaadka lahayn🤲

Dhageysiga heesaha waxa ka dhasha wax yaabo badan qaar kamid nala wadaag⤵️.
03/10/2023

Dhageysiga heesaha waxa ka dhasha wax yaabo badan qaar kamid nala wadaag⤵️.

1. Marka aas isticmaasho dhagaha taleefanka maalintii wax ka badan 30 daqiiqo waxaa yaraan doona xusuustaada iyo maqalka...
02/10/2023

1. Marka aas isticmaasho dhagaha taleefanka maalintii wax ka badan 30 daqiiqo waxaa yaraan doona xusuustaada iyo maqalkaaga waxaana badan doona hilmaamshahaaga sababtoo ah dhagaha telku waxay dhaawacaan neerfayaasha maskaxda iyo maqalka

2. Marka aad u cunto basasha si maalinle ah waxaa dhiigaaga ka bixi doona infakshanka, waxaa badan doona dhacaan iyo dhareerka jilbahaaga sababtoo ah daraasado badan oo la sameeyay waxaa la ogaaday in cunista basasha ay furfurto dhiiga, waayeelka Romatisamka qabana u wanaagsan tahay

3. Shaaha marka aad si joogta ah u cabto waxaa is badali doona midabka ilkahaaga sababtoo ah caleenta iyo kafeega waxaa ku jirta maado badasha midabka ilkaha sidaa darteed cab shaaha caleentiisu yar tahay ama ilkhaaga caday mari shaaha marka aad cabto kadib

4. Bacaha biyaha lagu xiro marka dib loo baaray waxaa la xaqiijiyay inay sabab u yihiin cuduro badan oo dheefshiidka ku dhaca waxaana cuduradaas kamid ah kansarka dhuunta sidoo kale ceelasha oo cagaarta iyo tubooyinka oo daxalaysta ayaa sabab u noqon kara kansarka dhuunta oo aad ugu soo batay dalkeena

5. Marka jamaacu dhamaado gabar haka istaagin goobta jamaaca sidoo kale ha fidin lugahaaga muddo 30 daqiiqo ah hadii aad daasho iyaga oo luguhu kuu laaban yihiin isku gaddi dhanka aad rabto sababtoo ah lugaha oo la fidiyo iyo dhakhsi in laga istaago goobta jamaaca waxay sabab u noqon kartaa inaadan uur qaadin madama macdantu soo daadanayso

🖋Drwaahin Sabriye

_🤱𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐥𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐍𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚🤱_Cᴜɴᴛᴏᴏᴏʏɪɴᴋᴀ ᴋᴏʀᴅʜɪʏᴀ ᴄᴀᴀɴᴀʜᴀ ɴᴀᴀsᴋᴀ Hᴏᴏʏᴀᴅᴀ.Hooyo walba oo naas-nuujinayso waxay i...
01/10/2023

_🤱𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐥𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐍𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚🤱_
Cᴜɴᴛᴏᴏᴏʏɪɴᴋᴀ ᴋᴏʀᴅʜɪʏᴀ ᴄᴀᴀɴᴀʜᴀ ɴᴀᴀsᴋᴀ Hᴏᴏʏᴀᴅᴀ.

Hooyo walba oo naas-nuujinayso waxay is waydiinaysaa nooca cuntada ay ubaahanyahay inay qaadato si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha uu ubahanyahay iyo nafaqo ku filan.
Naas-nuujintu waa habka ugu wanaagsan Ee ilmuhu kuhelo nafaqada aasaasiga.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨𝐝𝐚 𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐬𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:
1. Khudaar cagaaran Ee caleemaha leh : khudaarbtaan waxay qani ku tahay fiitaaminada : vitamin A, vitamin C, folate, vitamin K, iyo macdanta : magnesium, calcium, iron iyo potassium waxayna daruuri u yihiin hooyada nuujinayso si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha iyo nafaqada u ubaahanyahay .
2. Sareenka iyo cuntada baalka leh : waxa kubadan macdanta iron tasoo qaybka ah unugyada dhiigga muhiimna u ah hooyada si looga hortaga dhiig yari oo keeni karto soosaarista caaanaha oo yaraado.
3. Toonta :waxa kujiro qaybaha kaladuwan ee nafaqada sida fiitamiinada Vitamin C , Vitamin B6 , Thiamine (B1) iyo macdanta : Calcium, Magnesium , Phosphorus , iyo Iron waxayna kamidtahay khudaarta ugu waxtarka badan sida la ogaaday
4. Babaayga cagaaran : khudaartaan waxay ka qayb qaadataa soo saarista dheecaanka layiraah oxytocin oo keento in murquhu isku soo ururaan si loohelo awood caanaha lagu soosaari karo.
5. Karootada : waxay kamidtahay khudaarta qaniga ku ah vitamin A oo muhiim u ah hooyada xiliga naas-nuujinta vitamin A wuxu daruuri u yahay korniimada ilmaha.
6. Biyaha : caanaha xaddiga ugubadan waxay ka koobanyihiin biyo hooyada nuujinayso waa inay cabtaa maalintiiba ugu yaran labo litir (2 liters) oo biyaa.
7. Duxda layiraah omega-3 oo laga helo kalluunka iyo ukunta waxayna aasaasi u tahay korniimada maskax ahaaneed ee ilmaha.

S𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan.

Dr faris Al attas

Calamadahan Waxay Muujinayaan in Caafimaadkaagu Halis Aan lska Indha Tiri Karin Ku Sugan Yahay1. Daal joogto ah iyo mada...
30/09/2023

Calamadahan Waxay Muujinayaan in Caafimaadkaagu Halis Aan lska Indha Tiri Karin Ku Sugan Yahay

1. Daal joogto ah iyo madaxa dhinac kaa xanuuna
2. Ciddiyaha geesahooda oo ku fiiqma
3. Marka is xogto in dhiig kaa yimaado maqaarkaagu inusan adkaysi badan lahayn
4. Cirid dhiiga iyo barar gowsaha geeskiisa ah
5. Wajigaaga inuu boor iyo cadcad yeesho
6. Lafa xanuun iyo daal inaa jiifka ku dareento
7. Dhiigaagu inuu mar kasta yar yahay
8. Kaadi badan inaa darento xitaa adigo sokor qabin ama biyo badan cabin
9. Daganaanta maskaxda iyo farxadu inay kugu yar tahay ama hurdada aadan ka dhargayn

Astaamahan 3 ama 4 ka mid ah hadii aad leedahay waxaa u baahan tahay inaa si degdeg ah dhakhar ula xariirto sababtoo ah jirkaagu khatar aan la iska indha tiri karin ayuu ku sugan yahay

🖋DrWaahin Sabriye

"Ducada waalidka waxad ku muteysan kartaa JANADA"Waalidkaa marka uu kuu noolyahay waa geed weyn oo aad harsaneyso hooski...
29/09/2023

"Ducada waalidka waxad ku muteysan kartaa JANADA"

Waalidkaa marka uu kuu noolyahay waa geed weyn oo aad harsaneyso hooskiisa tusaale hadii aad wax kasta haleyso ayaga ayaa lala xaajoonayaa oo adiga cidna kuumaba baahna waayo ayaga ayaa difaac kuu ah maalintii aad ayaga waysana waxay ka dhigan tahay in aad weysay ama uu dumay geedkii weynaa ee aad harsaneysay hooskiisa dhibkasta markaas ayaa dareemeysaa waayo difaacii wax kasta kaa celin jiray ayaa meesha ka baxay.

Waalidka waxa uu kamid yahay wax yaabaha sababtiisa JANADA iyo NAARTA lagu galo
(والعياد بالله)
oo hadii aad baari u tahay waalidkaa waxa dhici karta inaa baarinimadaas JANADA ku muteysato iyo cagsigeeda

●Waalidkaa hadii uu kuu noolyahay ka duceyso kana warqab marwalba oo sii wixi aad u awoodo naftoodana ka hormari midaada waayo maalin waxa jirtay aadan waxba qabsan karin oo ayagoo baahan adiga wax kasta ay ku siin jireen mar hadii aad adiga u jiifatana ay ku farxi jireen duruuf kasta oo ay dareemayaan waxayna dadaal kasta ku bixin jireen sida aad u noqon lahayd qofka dadka ugu fiican oo xitaa hadii aad noqoto qof weyn kaama harayaan oo way ku garab taagan yihiin,

waalidkaa qofna haku halaynin waxan ula jeedaa hadii aad walaalo badan tihiin mas'uuliyada waalidkaa adiga qaado oo ha is dhihin
hebel/heblaayo ayaa ku filan taas bedelkeeda kasoo qaad inay kaligaa ku dhaleen si ay masuuliyad wadareed u noqoto waalidkana uu u helo daryeel dhamaystiran.

●waalidkaa hadii uu dhintayne Eebe ha unaxariistee 🤲 waxa uu kaaga baahan yahay waa duco joogto ah inta aad ka dambeyso.

Qiimaha waalidka ma ahan mid qoraal lagusoo koobi karo ee aan ku dadaalno hadba inta karaan Keena ah si aan ducada uga reebano taas oo sabab inoo noqon karta inaa JANADA ku muteysano.

Ujeedada qoraalka:
Waalidkeena aan ka warqabno waxan jaanis haysanaa inta ay noolyihiine gaar ahaan xiliyada aan hada joogno waxa latuuray ama yaraaday ixtiraamkii waalidka.

Like saar Follow dheh

1. Daawooyinka la iska qaato neerfaha ayay dilaan: hadii si maalinle ah aad u cunto daawooyin sida kaniinyada xanuun baa...
28/09/2023

1. Daawooyinka la iska qaato neerfaha ayay dilaan: hadii si maalinle ah aad u cunto daawooyin sida kaniinyada xanuun baabi'iyaha ah waxaa neerfayaashada soo gaari kara dhaawac sidoo kale dadka kaniiniyada aan dhakhtarka soo qorin iska cuna maalin kasta Cagaarshowga Beerka iyo midka dhiiga raaca ayaa si fudud ugu dhaca

2. Dhidid la'aanta madax xanuun ayay keentaa: hadii aad isku aragto madax xanuun joogta ah oo soo noqnoqda iyo hargab aan bixin waxaad u baahan tahay inaad samayso orod iyo socod dheeraad ah sababtoo ah dadka aan dhididin ama dhididkoodu yar yahay waxaa ku badan madax xanuunka, difaaca jirkooduna aad ayuu u daciifaa

3. Kaadida oo go'goaysa kilyaha in dhibaato ka jirto ayay tilmaamaysaa: hadii aad isku aragto marka aad saxarada iska dhaqdo kadib in kaadi yar oo kulul kaa imaanayso oo waliba go'goaysa waxay u badan tahay in kilyaha shaqadoodi gaabis ka jirto sidaa darteed cab ugu yaraan 5 galaas oo biyo ah maalintii si shaqada kilyahaagu ugu soo noqdaan caadigoodii

4. Saliidu difaaca maqaarka ayay xoojisaa: hadii maqaarkaagu sii adkaanayo amaba aad dareento in qalayl iyo cadcad yeeshay waxaa qasab ah in isbuucii 2 aad jirka dhan mariso saliid gaar ahaan macsarta inta aadan qubaysan kahor sababtoo ah saliidu waxay maqaarkaga ka dhigaysaa liishe waxayna ka ilaalinaysaa jeermiska iL ma aragtada ah

5. Saacadaha iyo katiinadaha qaar xasaasiyad ayay kiciyaan: hadii aad qabto xasaasiyad maqaarka ah marka katiinad ama saacad ama wax la mid ah aad xiratana aad dareento cuncun, jooji isticmaalka waxyaabahaas sababtoo ah dadka qaar jirkooda waxaa ku jira maado diidaysa waxyaabahaas sida saacadaha iyo xitaa mooska oo dadka qaar aad u neceb yihiin.

DrWaahin Sabriye

Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto1. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabta, xil...
27/09/2023

Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto

1. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabta, xilli h**e quraaco

2. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto cab kafeega subaxdii oo kaliya

3. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto, dhagayso Quraan

4. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto xilli h**e seexo

5. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto qofna hala doodin

6. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto waxa aad qabanayso joogtee

7. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto filashadaada yaree

8. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto, waqti ha ku lumin waxa dadka kale kaa sheegayaan

9. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto, ka ilaali naftaada raaxada

10. Hadii aad doonayso in aad yeelato maskax caafimaad qabto, waxa kuu fiican aduun iyo aakhiraba sameee

~DrWaahin Sabriye

Nabigeena MUXAMED Nabad gelyo iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee waxu nasoo gaarsiiyay Diintaan quruxda badan oo aan ad...
26/09/2023

Nabigeena MUXAMED Nabad gelyo iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee waxu nasoo gaarsiiyay Diintaan quruxda badan oo aan addun iyo aakhiraba ku badbaadeyno hadii aan si dhab ah ugu dhaqano, inta badan waxan u dabaal degnaa maalmo loo asteeyay waxyaabo gaar ah ama muhiimad badan aanan lahayn,
Nabigeena NNKH in aan u dabaal degno dhalashadiisa waa waxa ugu kheyrka badan

Saliga Nabiga aan badino marwalba
❤️أللهم صل وسلم على نبينا وحبيبنا محمد❤️.

Cunista miraha calool madhan waxay noqon kartaa hab caafimaad leh oo lagu bilaabo maalintaada sababtoo ah guud ahaan way...
26/09/2023

Cunista miraha calool madhan waxay noqon kartaa hab caafimaad leh oo lagu bilaabo maalintaada sababtoo ah guud ahaan way fududahay in la dheefshiido oo waxay bixiyaan tamar degdeg ah oo ay la socdaan fiitamiinnada muhiimka ah, macdanta iyo fiber

Waxaa kamid ah cuntadaas qudaarta muuska iyo tufaaxa:-

1. Muuska waa il wanaagsan oo potassium ah, kaas oo kaa caawin kara dheellitirka elektrolytka iyo taageeridda shaqada muruqa. Sidoo kale way fududahay in la dheefshiido.

2. Tufaaxa waxaa ku badan fiber waxayna kaa caawin kartaa nidaaminta heerarka sonkorta dhiigga. Fiberka milmay ee tufaaxa ayaa kaa caawin kara dheefshiidka oo kor u qaadaya dareenka buuxa.

Haddaba ku bilow subaxdaada qudaarta gaar ahaan muuska iyo tufaaxa!!!

Dr.Dayib Abdulkadir

Taxanaha Caafimaadka:1. Xilliga ugu badan sokortu kacsan tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya H...
25/09/2023

Taxanaha Caafimaadka:
1. Xilliga ugu badan sokortu kacsan tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya Hormanada qaar sida Adrenalin, Cortisol iyo Glucagon marka cabir sokortaada habeenka aadan ku cashayn wax bur ka samaysan, baasto iyo bariis

2. Sida ugu fiican looga hortagi karo in hormonadaasi kiciyaan sokorta waa in qofku casheeyo maqribka ka hor ama uu sameeyo jimicsi cashada kadib, cashada cishaha kadib waxay qofka usoo dadajisaa cudurada halista ah sida sokorta iyo dhiigkarka

3. Sababta ugu badan dadka xusuustooda yaraysa ama badisa hilmaanshaha waa cunista waxyaabaha macaanka ah ama sokortu ku badan tahay. Macaanka in qofku cuno waa halis waxaase ka halis badan qofka inuu wax macaan aad u cuno isagoo aan samaynayn wax exercise ah dhididna uusan ka baxayn

4. Dadka ugu badan ee ka badbaada cudurada lala noolaado sida sokorta, dhiig karka iyo kalastaroolka waa dadka qabta shaqooyinka gacanta laga qabto sida dhisida guryaha ama sameeya socodka 60 daqiiqo xiriir ah

5. Farqiga u dhaxeeya Beerka qofka sokorta aadka u cuna iyo qofka sokor cunistiisu yar tahay waa midka sawirka kaaga muuuqda. Beerka qofka sokorta aadka u cuna waa beerka madow sawirka kore nadiif ma noqdo qofkaas beerkiisa. Sidaa darteed macaanka inta aad iska yarayn marto yaree si beerkaaga uusan ugu samaysmin dufan

Xigasho:DrWaahin Sabriye

-Habeenkii marka aad seexaneysid biyo badan ha cabbin,hana seexan kaadi haysta oo kaadi ka buuxda cafimaad ahaan ma fiic...
23/09/2023

-Habeenkii marka aad seexaneysid biyo badan ha cabbin,hana seexan kaadi haysta oo kaadi ka buuxda cafimaad ahaan ma fiicno soo kaadi dhoor jeer ilaa aad iska weynesid kaadi.

-U seexo dhanka midig akhriso adkaarta isna mari quraanka sida fataxada ilaa qulwale

-Is weydii maanta wax aad qabatay ama waxa ku suurta galay hadii aad wax fiican qabatay Allah ku shukri haddii kale oo aadan waxba qaban ka shaley oo berri waqti sameyso.

-Isku day in aad cafisid umadda oo dhan seexo adigoo faraxsan marna ha soo xasuusan qof hadal xun ku yidhi.

-Xasuuso waalidkaada una ducee hadii ay dhinteen iyo hadii ay nool yihiin markasta adiga ayey ku baahanyihiin.

Dr liibaan

Address

100. YIL MAH. 1004. Caddesi
Karabük
78050

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when IMC Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to IMC Channel:

Videos

Share