Amiir C/Kariim Amiir Maxamuud C/Raxmaan Amiirka guud ee Beelweynta Aadan Cabdalle (Hinjiille) oo ka mid ah Golaha Isimada SSC-Khaatumo ayaa maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyey Isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo . Garaad Salebaan Buraale Oo ka hadlay
Amiir C/Kariim Amiir Maxamuud C/Raxmaan Amiirka guud ee Beelweynta Aadan Cabdalle (Hinjiille) oo ka mid ah Golaha Isimada SSC-Khaatumo ayaa maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyey Isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo . Garaad Salebaan Buraale Oo ka hadlay
Garaad C/Kariim Cali Nuur oo bogaadiyey Amiirka Beesha Aadan Cabdalle (Hinjiille) Amiir C/Kariim Amiir Maxamuud oo ka mid ah Golaha Isimada SSC-Khaatumo ka dib Kulan Hadhimo Sharafeed maanta uu u sameeyey Isimada SSC-Khaatumo.
Qalab Caafimaad oo la keeney Cusvbitaalka guud ee Laascaanood.
Hay’adda Badbaado Organization iyo Ha’ayada Dan Somala oo kaashaneysa Ha’yada DRC ayaa Qalab Caafimaad gaadhsiisey Cusbitaalka Guud ee Laascaanood .
Qalabkan Caafimaad ayaa ah Mashiino kala Duwan oo loo adeegsanayo Howlaha Caafimaad ee Cusbitaalka Kuwaas ay baahi u qabeen cusbitaalku horeyna uusan u oo lin qalabkan cusbitaalka .
Qalabkan la keeney Cusbitaalka ayaa ka mida :
-CBC Mechine,
-Chemistry Analyzer,
-I-Chroma, Incubator,
-All Culture Requirements,
-Tallaagada Dhiiga lagu keydiyo (Blood Bank) iyo Qalabkoo kale oo Lamida oo Casri ah, Waxaana masuuliyiinta Hay’addani ay ku wareejiyeen agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud ee Laascaanood Dr .Axmed Maxamed Xasan .
Dhinaca kale , Hay’adda Badbaado ayaa horey tiroba illaa 4 Jeer u keentay Cusbitaalka Qalab Caafimaad, iyo Mashariic kale oo ay ka fuliyeen Cusbitaalka.
Agaasimaha Cusbitaalka ayaa uga mahadnaqey Hay’adani sidey u garab taagan tahay mar walba Cusbitaalka , iyadoo uu sheegey inay horey u qalabaysay Qaybaha Sheybaadhka ee Cusbitaalka walow ay qalabkaasi ku bur bureen cusbitaalka xilligii Cadowga Somaliland ay duqeeynayeen Cusbitaalka.
Dhinaca kale , Shirkada Human Care ayaa fududeysey inay soo iibiso Qalabkan tayada leh ka dib markii Tartan shirkadeed ay ku guulaysatay in ay qalabkan ka dalabto shirkadaha qalabka Caafimaadka.
Daqiiq
Laascaanood - Warshada daqiiqda ee LAANTA BARI oo Laantii 2 aad ka Furatay Laascaanood .
Warshadan oo ah Warshad wadani ah taas oo soo saarta daqiiq tayo leh, isla markaana Qiimeheeduna macquul yahay dadkii isticmaalayey mudada ay furnayd ay mahadiyeen tayadeeda.
Ganacsatada iyo Bulshada SSC-Khaatumo meel walba oo ay Joogaan waa inay dhiiri geliyaan wax soo saarka dadkooda isla markaana ay isticmaalaan burkan.
Daqiiqdan ayaa laga sameeyaa Qamadi , Waxaa maanta lagu soo bandhigey Caasimasa SSC-Khaatumo ee Laascaanood .
Laascaanood :Waaxda Sayidka oo 390 Geed Gudoontay.
Laascaanood :Waaxda Sayidka oo 390 Geed Gudoontay.
Dawlada Hoose
Dowlada Hoose ee degmada Laascaanood oo maanta ku Wareejisey Waaxda Sayidka (8 Xaafadood) ee Bariga Magaalada Laascaanood 390 oo Geed oo loogu talagalay in Waaxdaa Lagu Beero si Xafaadaasi ay u noqoto mid Cagaaran.
Maayara ku xigeenka Caasimada Axmed Kowte ayaa ku wareejiyey geedahan gudoomiyaha Waaxda Sayidka , Waxaana uu farey in dhamaan xubnaha guddiga Waaxdan oo ka kooban 39 qof in qof walba laga rabo inuu beero 10 geed iyo inay gaadhsiiyaan guri walba oo xaafadahaasi ku yaalla isla markaana dabagal ku sameeyaan dhirtaasi beeristeeda waraabinteeda iwm.
Dhinaca kale , Dowlada Hoose ee Caasimada ayaa Qorsheysey in Shanta Waaxood ee Caasimada lagu beero 15000 oo geed Sanadan cusub si Caasimadu u noqoto mid cagaaran qorshaha beeristeeda ay diyaarisey.
Guddiga Waaxda Sayidka ayaa ka mid ah Guddiyada ugu fir fircoon ee magaalada Laascaanood ka shaqeeya iyaga oo qabtey shaqooyin badan oo xaafadaasi khuseeya .
Dhibaatada Tahriibta Qeybtii 2 aad Aqoonyahan Mahdi Warsame
Dhibaatada Tahriibta Qeybtii 2 aad Aqoonyahan Mahdi Warsame ayaa dhalinyarada uga digaya khataraha ay doonanayaan.
Cashuur Dhaaf
"Dhamaan gaadiidka DDS ee ku soo Wajahan Puntland waxaa loo sameeyey Cashuur dhaaf.."
Lugatoor
Tababar loo qabtay Hablo loo diyaarinayo inay Ciyaaraan Kubada Koleyga ee u gaarka ah Hablaha .
Tababare Sucaad Galoow ayaa qabatay.
Cagaarinta Caasimada
Maayar Ku xigeenka Caasimadda Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar ayaa 600 oo Geed oo qayb ka ah Ololaha Cagaarinta Caasimadda Ku wareejiyey Gudiga Waaxda Wadajir ee Magaaladda Laascaanood
Baaq Nabaeed
Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni oo ugu baaqay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in aysan xabad iyo dagaal ku xallin kala aragti duwanaanta siyaasadeed, balse taa bedelkeed wadahadal lagu xalliyo wax walbo.
Garaad abdiqaadir Yusuf jamac Gabalaax oo ka qayb galay caana shubka ugaas Axmed ugaas faarax ayaa Bogaadiyay