Tilmaan Media

Tilmaan Media Warbaahin-Madax-Bannaan

QAAR KAMID AH MUSHARIXIINTA OO KAHORYIMID GUDDIGA ANSIXINTA BAARLANAMKA EE UU DANI MAGACAABAY Qaar kamid ah musharraxiin...
13/12/2023

QAAR KAMID AH MUSHARIXIINTA OO KAHORYIMID GUDDIGA ANSIXINTA BAARLANAMKA EE UU DANI MAGACAABAY

Qaar kamid ah musharraxiinta madaxtinimada Puntland ayaa ka horyimid guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka doorashada ee uu shalay magacaabay madaxweyne Deni.

Musharraxiintu waxay sheegeen in aan lagu kalsoonaan karin guddigan, iyagoo sheegay in madaxweyne Denu uu usoo magacaabay inay u boobaan kuraasta baarlamaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen in madaxweyne Deni uu ku howlan yahay inuu khilaaf ka dhex abuuro beelaha dhexdooda, si uu xildhibaanka uu rabo ugalasoo dhex baxo.

Lamo oga waxa uu ka yeeli doono madaxwayne Sicii Dani diidmada mucaaradka.

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa magaalada Riya...
20/09/2023

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naa’if. Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa ahaa mid looga hadlay sidii labada dowladood ay u sii xoojin lahayeen xiriirta soo jireynka ah ee mudada dheer ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 5 milyan oo gini ka heshay dowladda Ingiriiska, iyadoo loosoo marsiiyay Xafiiska Qar...
20/09/2023

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 5 milyan oo gini ka heshay dowladda Ingiriiska, iyadoo loosoo marsiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), si ay ugu taageerto ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulankii u horreyay tan markii dib loosoo doortay layeeshay Rayisal wasa...
20/09/2023

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulankii u horreyay tan markii dib loosoo doortay layeeshay Rayisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulanka ayaa ahaa kulan doceed maadaaama ay labada hogaamiye u joogaan Newyork ka qayb galayaan shirweynaha 78-aad ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka So...
19/09/2023

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa booqasbo bogaadin ah ugu tagay ciidamada kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Hamze Abdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wa...
19/09/2023

Ra’iisul Wasaare Hamze Abdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu tagtay Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in uu siyaasad iyo dano gaar ah u adeegsaday dhaqaalihii...
19/09/2023

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in uu siyaasad iyo dano gaar ah u adeegsaday dhaqaalihii lagu dayyac tiri lahaa garoonaka kubadda cagta ee Bossaaso. Mashruucaan oo fashil ku dhaw ayaa waxaa maalgalintiisa ku deeqday dowladda Imaaraatka Carabta.

Soomaalida kunool magaalada  Mainz ee dalka Jarmalka, oo dhacda galbeedka magaalada Frankfort, ayaa iibsanaya masaajidki...
19/09/2023

Soomaalida kunool magaalada Mainz ee dalka Jarmalka, oo dhacda galbeedka magaalada Frankfort, ayaa iibsanaya masaajidkii ugu horeeyay ee dalkaas ay ku yeeshaan Soomaalidu. Masaajika la iibsanayo ayaa horay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaas ugu kiraysanaa.

Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jirtay hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliy...
19/09/2023

Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jirtay hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya.Tallaabadan ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarkeeda.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka a...
18/09/2023

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ay maanta qaadeen dagaal rogaal celis ah oo ay uga jawaabeen weerar ay shalay Al-Shabaab la beegsadeen ciidan Itoobiyaan oo ku sii jeeday degmada Waajid, kaas oo dhaliyay khasaare lixaad leh.

Dagaalka rogaal celiska oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada is bhaysanaya ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay halkaasi.

Illaa 228 ka mid ah taageerayaasha mucaaradka Eritrea ayaa lagu xiray Jarmalka kadib markii ay isku dhaceen booliska, ma...
18/09/2023

Illaa 228 ka mid ah taageerayaasha mucaaradka Eritrea ayaa lagu xiray Jarmalka kadib markii ay isku dhaceen booliska, magaalada koonfureed ee Stuttgart, waxaa sidaas sheegay booliska. Isku dhacyada ayaa qarxay habeenkii Sabtida markii taageerayaasha mucaaradka ay isku dayeen inay arbushaan munaasabad ay soo abaabuleen taageerayaasha dowladda Eritrea.

Dab xalay ka kacay suuqa wayn ee magaalada Wajjaale ayaa burbur wayn u gaystay suuqii magaaladaas.
17/09/2023

Dab xalay ka kacay suuqa wayn ee magaalada Wajjaale ayaa burbur wayn u gaystay suuqii magaaladaas.

16/09/2023
Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee ma...
16/09/2023

Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin. Garoonka ayaa u xayyiran is qab qabsi ka dhashay lacagta Canshurta ah ee kaso xaroota garoonka oo u dhaxeysa masuuliyiin ka wada tirsan Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay mu...
16/09/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo xalay hadlay ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda dhowrk...
15/09/2023

Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo xalay hadlay ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda dhowrka billood uu yahay mid salka ku haya labo aragtiyood oo kala duwan, kuwaasi oo ah midnimo doon iyo aragti ah gooni-goosad. Wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in deegaankiisu helo xuquuqdiisa Soomaalinimo.

15/09/2023

Sheeko ku saabsan tareenka uu safaradiisa dibadda u adeegsado hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jhonh Un.

Dadka ku dhintay daadadka ka dhashay dabaysha Daniyal ee ku dhufatay bariga dalka Liibiya ayaa gaaray 5,300 oo ruux, wax...
14/09/2023

Dadka ku dhintay daadadka ka dhashay dabaysha Daniyal ee ku dhufatay bariga dalka Liibiya ayaa gaaray 5,300 oo ruux, waxaana la layahay dad kabadan 10,000. Qaar kamid ah madaxda dalkaas ugu sarraysa ayaa dalbaday baaritaan lagu sameeyo sababta keentay burburka labada biyo xireen ee magaalada Darna ee dhibka ugu badan kasoo gaaray daadka.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jub...
14/09/2023

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga fuliyay deegaano badan oo ku yaala Galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ciidamada ay howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin oo ay horay ugu sugnaayeen dhamaan deegaanadaas kooxda Al-shabaab.

Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgaladaas ka dhacay deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo, waxayna saraakiishu sheegeen in deegaanada howlgalada ka fuliyeen ay ahayeen goobo Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geysteen deegaanada gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland waxay ka mid tahay meelaha ay wali ku xoogan yihiin Ururka Al,shabaab oo haatan inta badan laga soo saaray deegaanada iyo degmooyinka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Isha Warka: Hiiraan Online

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Benaadir u gudbiyay 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Cansh...
14/09/2023

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Benaadir u gudbiyay 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Frank Hoogerbeets oo ah caalim ku takhasusay culuumta Jiyoolajiga ayaa kadigay dhulgariir xoog badan oo heerkiisu yahay ...
13/09/2023

Frank Hoogerbeets oo ah caalim ku takhasusay culuumta Jiyoolajiga ayaa kadigay dhulgariir xoog badan oo heerkiisu yahay 6 illaa 7 halbeegga Rikhtarka oo ka dhici doona xeebaha dalalka Isbayn iyo Burtuqaal ama Marooko. Dhulgariirkaan ayaa haddii uu dhaco isu baddali doona Suunaami. Saadaalino uu horay u sameeyay caalimkaan ayaa dhaboobay.

Shiinaha ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee dalka Afgaanistaan u magacaaba safiir tan markay xukunka dalkaas la wareegee...
13/09/2023

Shiinaha ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee dalka Afgaanistaan u magacaaba safiir tan markay xukunka dalkaas la wareegeen ururka Taalibaan. Safiirka cusub Shing Sho Hu ayaa waraaqahiisa safiirnino u dhiibay madaxda dalka Afganistan.

Quruxda Muqdisho-Caasimadda Ummada Soomaaliyeed.
13/09/2023

Quruxda Muqdisho-Caasimadda Ummada Soomaaliyeed.

Nigeria ayaa soo dhawaysay in dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta uu ka qaado xayiraad ka saarnayd dal-ku-galka ama fiisah...
13/09/2023

Nigeria ayaa soo dhawaysay in dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta uu ka qaado xayiraad ka saarnayd dal-ku-galka ama fiisaha dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay toddobaadkan yeesheen madaxweynayaasha Nigeria Bola Tinubu iyo Isu-taga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sidoo kale Imaaraatka la gaaray heshiis maalgashi oo ku kacaya balaayiin dollar, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaasi Nigeria.

Hogaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa lagu wadaa inuu todobaadkaan kulan layeesha madaxwayna Raashka Vlad...
12/09/2023

Hogaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa lagu wadaa inuu todobaadkaan kulan layeesha madaxwayna Raashka Vladimir Putin. Kulanka oo ka dhici doona caasimadda Raashka ee Moosko ayaa waxaa looga hadli doonaa xiriirka dhaw ee labada dal ka dhexeeya.

Dhimashada ayaa gaartay afar-kun oo ruux kadib daadad iyo dabaylo iswatta ee ku dhuftay bariga Libiya. Waxaana dhaawacma...
12/09/2023

Dhimashada ayaa gaartay afar-kun oo ruux kadib daadad iyo dabaylo iswatta ee ku dhuftay bariga Libiya. Waxaana dhaawacmay ama lalayahay tiro dad ah oo intaas ka badan.

Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay inay  xabsiga ka sii daayaen laba kamid ah maxaabiistii Somaliland ee ay kusoo qab...
12/09/2023

Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay inay xabsiga ka sii daayaen laba kamid ah maxaabiistii Somaliland ee ay kusoo qabteen dagaalkii 25-kii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Siday sheegeen labadaan maxbuus oo dhaawacoodu aad u cuslaa ayay ku wareejiyeen hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa 10 kii bishaa Sabtembar sheegay in Itoobiya kuguulaysatay buu...
11/09/2023

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa 10 kii bishaa Sabtembar sheegay in Itoobiya kuguulaysatay buuxintii ugu dambaysay ee afraad ee biyo xireenka korontada laga dhallin doono khilaafkuna ka taagan yahay.

Dabaysha Daniyal ayaa ku dhufatay qaybo kamid ah magaalooyinka bariga dalka Liibiya. Dabayshaan oo ah mid aad u xoog bad...
11/09/2023

Dabaysha Daniyal ayaa ku dhufatay qaybo kamid ah magaalooyinka bariga dalka Liibiya. Dabayshaan oo ah mid aad u xoog badan ayaa waxaa illaa iyo hadda ku dhintay 150 ruux sida ay sheegtay dowladda Liibiya.

Address

Istanbul Province

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tilmaan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tilmaan Media:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Istanbul Province

Show All

You may also like