Hashi siyad galayr 10,000

Hambalyo hambalyo hambalyo Dhalasho farxad leh udirayaaCaawa oo ay taariikhdu tahay:23/12/2023Abe Cali Cabdi iyo hooyo s...
23/12/2023

Hambalyo hambalyo hambalyo
Dhalasho farxad leh udirayaa
Caawa oo ay taariikhdu tahay:23/12/2023
Abe Cali Cabdi iyo hooyo sacdiyo oo
Wiil ugu dhashay Dagmada Caabudwaaq

Ee gobolka galgaduud wiilkas oo loo bixiyay
Cabdikariim Cali cabdi waxan leeyahay
Soo barbaar oo noqo midkii diintisa dadkiisa
iyo dalkaba anfaca

Dhamman wan salamay asaxabtaan meesha ugu wehlisayShamso Maxamud Ilka Boqol l Mohamett Ahmett Ali Sanyar Suldaan Ahmed A...
04/12/2023

Dhamman wan salamay asaxabtaan meesha ugu wehlisay
Shamso Maxamud Ilka Boqol
l Mohamett Ahmett Ali Sanyar
Suldaan Ahmed Abdile Dinix
Mahad Wayl Warsame
Ayman Shire Xasan
C/qaadir sh warsame
Farhan Farah Mohamed
Idiris Abdi Khaliif
Princess Qadra

29/09/2023

Waxa isoo gaartay geerida
saaxiibkay Liibaan Wadan
i Runta aad iyo aad ban
Uga naxay Allaha unaxariisto
Asaga iyo inta ka dhimatay

Hambalyo hambalyo hambalyo hambalyo hambalyo hambalyo Dr: Mohamed Hassan NorOo loo doortay Gudoomiyaha kuxigenkaDagmada ...
08/09/2023

Hambalyo hambalyo hambalyo hambalyo hambalyo hambalyo
Dr: Mohamed Hassan Nor
Oo loo doortay Gudoomiyaha kuxigenka
Dagmada Caabudwaaq ,saaxiib Allaha

Kugu asturo xilka culus ee lagu doortay Allaha
ka dhigo midkii bulshidiisa ugu adeegga si hufan waxan ku rajeynaya hormar iyo burwaaqo sxb

20/08/2022

Allaha unaxariisto dhamman
ummadda ku dhimatay iyo
kuwa dhawacmaba Allaha
Caafimad taam siiyoo

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo katirsan Guddoonka barlamaanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa daqiiqado ka dib ku dhawa...
01/05/2021

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo katirsan Guddoonka barlamaanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa daqiiqado ka dib ku dhawaaqi doona in uu howlaha Doorashooyinka, Casumaada dawlad gobaleedyada, Amniga & Ka shaqeyntoodaba u xilsaaray Xukuumadda Soomaliya oo uu hogaaminayo Raysalwasaare Rooble.

Talaabada ayaa ka dhigan Isbedel weyn oo Siyaasadeed.

Ra'isulwasaare Rooble ayaa yiri " Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay...
28/04/2021

Ra'isulwasaare Rooble ayaa yiri " Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helaan nabad iyo xasillooni "

Awdheegle maxa ka dhacay saaka? Xeelada dagaal ee Al-Shabaab:---Al-Shabaab sida caadada u ahayd tobankii sanno ee ugu da...
04/04/2021

Awdheegle maxa ka dhacay saaka? Xeelada dagaal ee Al-Shabaab:-
--
Al-Shabaab sida caadada u ahayd tobankii sanno ee ugu danbeeyay waxa ay isticmaalaan hal xeelad oo mid labaad lahayn, mana bedelaan, xeeladaas waxa la dhahaa "Blitzkrieg" waa xeelad caan ah oo ay ciidamadii Nazigii adeegsan jireen, waa na in ciidanka laga naxsado iyada oo la adeegsanayo argagax gelin iyo xaalad bedel degdeg ku socda, oo ku keenaysa ciidanka difaaca ah in uu niyad ahaan u jabo ka dib na dagaalami kari waayo. Waxa ay xeryaha ciidamada soo weeraran xiliga ciidanka badankiisu hurdo, mar walba waxa dagaalku ku bilwadaa gaadhi qarax sida, ka dibna waxa xiga dabsaar iyo rasaas xoogan oo ay si degdega u ridayaan ciidanka xerada jooga ciidan labanlaabkiisa ah, oo xeerka dagaalka ee Lanchester's laws waxa uu tilmaamayaa in ciidanka dabkiisu uu dhan yahay labanlaabka tiradiisa, markaa waa xabad u dhiganta afar jibaar xabada xerada kaga iman karta. Xeeladan ayaa ay markasta Al-Shabaab soo celisaa ilaa Ceelcade aqoondarro iyo itaaldarro midka ay ka tahay ba.

Haddaba maxa dhacay saaka:

Saaka Al-Shabaab xeelada bay adeegsatay waxa aynna ku dartay in ay ilaa sadex xero ciidan oo Gorgor degan yihiin weeraran hal mar, si ay u saameeyaan isu gurmadka iyo niyada guud ee Xoogga dalka. Sida aan h**e u sheegnay xeeladani in ay guulaysato waxa ay ku xidhan tahay hadba inta ay ciidanka difaacu weerarka ku sasaan, balse haddii ciidanka difaaci ahi si fiican u diyaargaroobo, markasta iyaga ayaa ka gacan saraynaya ciidanka weerarka ah ee aan difaaca haysan, ciidanka Gorgor oo ka felcelinta xeeladani ay ka mid tahay casharada ugu muhiimsan ee ay ku soo qaataan dugsiga la dagaalanka argagixisada ee "Sparta" isla markaana u diyaarsanaa, ayaa waxa ay maareeyeen in ay gaadhigii ku qarxiyaan meel xerada ka dheer, isla markaana si degdeg ah oo aan waqti badan qaadanayn u dagaal galaan; oo haddii aad aragtay sawirada ciidankii saaka dagaalamay badankoodu si dhamayatiran uma labisnayn h**e ayay na xabada ki rideen, waa na ta keentay in ay gumaadaan argagixisadii soo weerartay ee bilaa gabaadka ordayey!

Al-Shabaab waxa lagu yidhi "Gorgorku ma sasee hoo baaruuda"

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada . muqdisho kasoo dajisay 183-Gaadid Casri oo ah kuwa Dagalka loogu talagay, agabkan ayaa...
02/04/2021

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada . muqdisho kasoo dajisay 183-Gaadid Casri oo ah kuwa Dagalka loogu talagay, agabkan ayaa lagu qalabeyn doonaa Ciidamada Xoogga Dalka oo dhisme iyo qalabeyn balaaran ku socoto.

Gaadiidkan dagaal oo ah kuwa casriga ah ee ay adeegsadaan Ciidamada Turkiga oo ka mid ah awoodaha dunida ugu not marsan ayaa lafilayaa in lagu wareejiyo Ciidamada Turkigu tababarto ee ku kala sugan Gobolada Dalka.

Sidee u aragtaa taageerada Turkiga, maxeyse Soomaalida kaga dhigantahay waqtigan doorasho.?

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qa...
30/03/2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

Xukumadda Maxamed Ibrahim Macalimow .

https://twitter.com/NasraBashiir

The latest Tweets from Nasra B. Ali (). State Media Special correspondent to Somali Prime Minister Office. Somalia

27/03/2021

WARKII U DAMBEEYEY: Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie oo ay wehliyaan dhigiisa Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen iyo H/Shabelle Ali Gudlawe Hussein-Hirshabelle State'' ayaa ku guuleystay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay Talaadada keenan kulan guud oo ay madaxda DFS joogaan, loogana hadlayo doorashada.

Deni iyo Madoobe, waxay codsadeen in kahor kulankaas la qanciyo Midowga Musharaxiinta iyo Cabdi Xaashi (Gudoomiyaha Aqalka Sare), taas oo durba Madaxda dawlad gobaleedyadu bilaabeen lana kulmeen wadajirna iskaga horkeenan Musharaxiinta iyo Labada dawlad gobaleed, Berri-na ay labalansan yihin Cabdi Xaashi.

Isniinta ay Puntland iyo Jubbaland la kulmaan Raysalwasaaraha XF Soomaaliya, Isla maalinkaasna lakulmaan Madaxweynaha DFS, iyadoo Talaadana la qabto kulanka guud.

Farah Abdulkadir Mohamed

3 saacadood kahor sida aan idiin sheegay Maxkamadda Cadaaladda ICJ, berrito waxay dhageysan doonaan wareega u dambeeya e...
17/03/2021

3 saacadood kahor sida aan idiin sheegay Maxkamadda Cadaaladda ICJ, berrito waxay dhageysan doonaan wareega u dambeeya ee dacwadda Badda Soomaaliya.

Kenya codsi ay soo gudbisay oo ahaa in ay wada hadalka kusoo laabato ayaa diidmo kala kulmay maxkamadda, waxaana berrito hadli lahaa Kenya oo h**ey u sheegtay in ay dacwadda ka baxday, gaar ahaana Dooda hadda qeyb ka noqoto, Jadwalka ayaana lasoo hormariyey in Berrito ay jeedinteeda dhameysayo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

09/03/2021

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal cir iyo dhul ah ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada dhexe halkaas oo kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab fariisimo ku lahaayeen.

Howlgalka oo dhacay shalay galinkii dambe ayaa waxaa lagu bur buriyey fariisimihii kooxda ee deegaanka waxaana ciidanku ooda ka qaaday maxaabiis badan oo u xirnaa sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay tiro maleyshiyaad ah iyo horjoogayaashoodii.

Sarkaal ka tirsan saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka ee howlaglka oo saacado socday jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada isla markaana nolosha lagu qabtay tiro maleyshiyo ah maxaabiistii u xirneedna laga sii daayay xabsiyada.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu dhabar jabiyey cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa dadkii lagu qabtay ku jira horjoogayaal ajaanib ah oo ay ciidanku soo bandhigeen sidoo kale maxkamad ku sheegii ay halkaa ku lahaayeen ayaa la bur buriyey, dadka deegaanka Basra ayaa soo dhaweeyey howlgalka ciidanku ka fuliyeen deegaanka.

Kani Waa Mohamed Abdiwahid Farah oo Maanta Ka Mid ahaa Ciidamadii Tababarka Ugu Soo Xirmay Turkiga ee Dalka Dib ugu Soo ...
08/03/2021

Kani Waa Mohamed Abdiwahid Farah oo Maanta Ka Mid ahaa Ciidamadii Tababarka Ugu Soo Xirmay Turkiga ee Dalka Dib ugu Soo Noqday.

1. Sawirka 1 aad Waa Xiligii Dowladii Hassan Sheikh.

2. Sawirka 2 aad Waa Maanta oo Dalka Dib ugu Soo Noqday.

Maxaa Farqi oo udhaxeeyo 2 da sawir ?

Kulan looga hadlayay wax kaqabashada xaalada COVID-19 ee Dagmada Caabudwaaq ayna soo qaban qabiyeen ururka ardayda Jamac...
08/03/2021

Kulan looga hadlayay wax kaqabashada xaalada COVID-19 ee Dagmada Caabudwaaq ayna soo qaban qabiyeen ururka ardayda Jamacadda ummadda ayaa caawa kadhacay hoolka Ugbaad ee Magalada Caabudwaaq.

Waxaa galabtay oo ay tariikhdu tahay 08/03/2021,garoonka diyaradaha aaden cade international airport ka soo dagay cutuby...
08/03/2021

Waxaa galabtay oo ay tariikhdu tahay 08/03/2021,garoonka diyaradaha aaden cade international airport ka soo dagay cutubyo kamid ah,ciidanka kumandooska

Waxa ciidaanka soomaaliyeed si heer sare ah u tababaray dowladda Turkiga oo kaalin fiican
ka qaadatay soo celinta ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed

Istiraatiijadda Kenya ee Kiiska badda.Kenya waxay qaaday dhawr tilaabo oo ku saabsan arinta badda, mid kowad waxay la fa...
08/03/2021

Istiraatiijadda Kenya ee Kiiska badda.

Kenya waxay qaaday dhawr tilaabo oo ku saabsan arinta badda, mid kowad waxay la fadhiisatay si ay khibrad uga hesho Dowladihii ku guuleystay ama loogu guulaystay ICJ kiis ku saabsan badda si ay khibrad uga hesho, waxaa kamid ah Peru, Nigeria, Cameron, Chile . Kiiska peru iyo cheli ayaa ah kiiska ugu dhaw Somaliya & Kenya balse kiiskaas waxaa looga adkaaday Chile oo sida Kenya ay u doodaysay u doodaysay.

2. Mida labaad, waxay badashay Qareenadii h**e een xogtooda idinla wadaagay oo kala ahaa Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe QC (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) and Amy Sanders (British) waxayna ku badashay kuwa kuwa ka aqoon badan oo Kiis ku guulaystay, qaarna heshiisyada Caalamiga ah looga dambeeyo.

3. Waxay ku dhex-furtay Soomaalida Dacaayad badan si ay u mashquliso bulshada, waxaa kamid ah arinta marqaatiyada ay sheegtay in ay haysato iyo waxyaabaha ay war-baahinta baahisay. Caadiyan Siyaasadda arrimaha dibadda Kenya waxaa la dhex-mariyaa War baahinta madaxa-banaan.

Waxaana la filayaa Kenya in ay ku khasaari doonto arinta badda maadaama heshiiska UNCLOSE ee badaha aysan waafaqsanayn dacwadeeda, ayna ka mid ahaayeen Soomaaliya iyo Kenya dalalkii saxiixay, lana aqbali doona codsiga Soomaaliya ee xadaynta soohdimaha badda. Kenya waxay mar kale doodeeda isugu gayn doonta sida la filayo MOU-gii h**ey loola galay

Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ka fakarto istiraatiijad ah sida Ciidanka Kenya ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen ka hor xukunka ICJ, sababtoo ah waxa taloyinka Kenya ay ka heshay dhawr dal oo laga guulaystay kamid ah in ay colaad iyo awood abuurto si mar kale hab-diblumaasiyeed ugu hesho ugu yaraan waan-waan khasaaro celin ama heshiis cusub oo wax qeybsi hadii laga guuleysto, farsamadaas dalal badan ayaa sameeyey.

Kiiska ugu dhaw kan Soomaaliya iyo Kenya ee ICJ gashay.

Tusaalaha ugu dhaw kiiska Soomaaliya iyo Kenya waa kiiska Cheli iyo peru, kaas oo soo bilowday 2008 xukuna kasoo baxay 2014-tii. Labada kiis waxay kamid yihiin waxay ku saabsanyihiin delimitation, waxay kaloo kamid yihiin xariiq parallel ah ayaa jiro iyo ku darsi
" overlapping of the baselines" ee Cheli samaysay sida kenya, waxaana isku dhaw sidoo kale masaaxada la isku hayey iyo tan hadda la isku hayo.

Kiiskaas Peru ayaa ku guuleysatay balse Arinta Cajiibka ah waxay tahay Qareenada Peru ee ku guulaystay dacwadda, waxaa kamid ah ninka hoggaamiyo kiiska Soomaaliya hada Prof. Alain Pellet, halka labo kale ay hormuud u yihiin kiiska Kenya.

Waxaa qorey:- Cali Somali.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dawladda Federaalka, Beesha Caalamka, Qurbajoog...
08/03/2021

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dawladda Federaalka, Beesha Caalamka, Qurbajoogta iyo ganacsatada looga codsaday in loo gurmado shacabka Gobolka Gedo oo la daalaa dhacaya abaar aad udaran.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa tagay Boosaaso, oo uu xalay ka dhacay weerar lagu qaaday Xabsiga weyn ee magaalad...
05/03/2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa tagay Boosaaso, oo uu xalay ka dhacay weerar lagu qaaday Xabsiga weyn ee magaaladaas oo ah kan ugu adag ee Puntland kuyaala, laguna xiro dadka ku eedeysan ficilada Argagixiso, waxaa kujiray dad lagu helay Argagixisanimo iyo dilal ay fuliyeen.

Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa xabsiga gudaha u galay, waxaana ay sii daayeen maxaabiis sida ay cadeynayaan xogo ka madax banaan laamaha Amniga.

Madaxweyne Deni oo labisan tuutaha ciidamada ayaa shir gudoomiyay kulan amniga looga hadlayo, markii uu gaaray Boosaaso, Xukuumadda ayaa laga sugayaa jawaab-celin kuwajahan dhacdadii xalay.

01/03/2021

DEG DEG Nin reer guuraa ah ayaa goordhow lagu dilay Duleedka Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud waxaana dilkiisa ka dambeeyay malayshiyaad hubaysan.

Dilka ninkaan ayaa yimid ka dib markii booyad u socotay balanbale ay malayshiyaad jidka u galeen ayna baxsatay oo sidaa ku gashay balanbale balse malayshiyaad kasoo jeeda balanbale oo dhacdadaas ka caraysan ay weerareen ka dibna dileen ninkaan reer Miyiga ah oo Gurigiisa Kusugnaa Waxaana Ninka La Dilay Uu kasoo Jeeday Degmada Guriceel.

Allaha U Naxariisto

*Sidee lagu ogaadaa inaad qabto coronavirus?* 1. Cun-cun dhuunta ah 2. Dhuunta oo qalasho 3. Qufac qalalan 4. Heer kulka...
28/02/2021

*Sidee lagu ogaadaa inaad qabto coronavirus?*

1. Cun-cun dhuunta ah
2. Dhuunta oo qalasho
3. Qufac qalalan
4. Heer kulka oo aad u sarreeyo
5. Neefta oo yaraato
6. Urka oo tago

*Qalabka Caafimaad ee Covid oo looga baahanyahay guriga:*

1. Kaniiniga Paracetamol-ka ah
2. "Betadine" oo ah daawo afka lagu dhaqo laguna luq-luqdo

3. Vitamin C iyo Vitamin D3
5. Cuntooyinka laga helo Vitamin B complex

6. Capsule lagu ridayo biyo kulul kadibna la isku uumiyo muddo 10 daqiiqo ah si loo nadiifiyo neef mareenka

7. Qalabka lagu cabbiro oxygen-ta
8. Dhalada ay ku jirto oxygen-ta (waxa loo isticmaalaa xaaladda khatarta ah kaliya)

9. Jimicsi si aad u hesho oxygen

Saddexda marxaladood ee Covid:

1. Covid ku dhaco kaliya sanka - in laga bogsado waxay qaadataa maalin barkeed (isku uumi uumiga biyaha kulul), isticmaal Vitamin C, marxaladdaan markuu marayo qandho malaha, Waa calaamad la'aan.

2. Covid ku dhaco dhuunta - wuxu leeyahay dhuun xanuun, in laga bogsado waxay qaadataa 1 maalin (ku luq luqo biyo kulul, cab biyo kulul) haddii ay qandha jirto isticmaal paracetamol, Vitamin C iyo Vitamin B complex, Haddii ay xaaladda ka sii darto isticmaal qalajiyayaal (antibiotics).

3. Covid ku dhaco sambabada - wuxu leeyahay qufac iyo neefta oo qofka dhibto muddo 4 ilaa 5 maalmood ah. (isticmaal Vitamin C iyo Vitamin B complex, ku luq luqo biyo kulul, isticmaal qalabka lagu cabbiro oxygen-ta, paracetamol, hadii ay xaaladda kasii darto waxa loo baahanyahay dhalada ay oxygen-ta ku jirto in lagu xiro qofka, cab dareere badan, samee jimicsi si aad oxygen badan u qaadato.

Marxaladda ay tahay inaad ka ag dhawaato isbitaal:

La soco heer oxygen-taada, haddi ay oxygen-taada kasii yaraaneyso 92 (heerka laga rabo waa 98 - 100) markaas waxad u baahantahay in lagugu xiro oxygen. Haddii ay guriga kuu taalo dhalada oxygen-ta leh uma baahnid in isbitaal lagu seexiyo

*Ku sugnow caafimaad qab, ku sugnow bad-qab!*

Fadlan u gudbi inta aad xiriirka la leedahay.
Ma ogid inay caawin doontee.

Ka waani dadka inay isku karaantiilaan isbitaalka, waxan isku karaantiili karnaa guriga.

Daawooyinka aad qaadan karto marka aad isbitaal karaantiil ku tahay
1. Vitamin C-1000
2. Vitamin E (E)
3. Inta u dhaxeyso (10:00 ilaa 11:00 saac subaxnimo ) isu dhig ileyska qoraxda muddo 15 ilaa 20 daqiiqo ah
4. Cun cunto ukun leh hal jeer
5. Naso/seexo ugu yaraan 7-8 saacadood
6. Cab 1.5 liters biyo ah maalintii
7. Dhammaan cuntooyinka aad cuneysid waa inay ahaadaan kuleyl diirran (iska daa cunto qabow).

Intaas waa inta la sameeyo markaad joogto isbitaal si loo xoojiyo hab-dhiska difaaca jirka.

Xusuusnow (pH-ka) ama heerka aash*tada Covid wuxu u dhexeeyo 5.5 ilaa 8.5.

Sidaas darteed, si aan u baabi'ini jeermiska waa inaan dhammaanteen isticmaalnaa cuntooyinka ay ku badanyihiin (alkaline-ka) oo ka sarreeyo heerka aash*tada jeermiska.

Sida:
Mooska
Liinta cagaaran - 9.9 pH
Liinta jaallaha ah - 8.2 pH
Avocado - 15.6 pH
* Toonta - 13.2 pH
* Cambaha - 8.7 pH
* Oranjada 8.5 pH
* Cananaaska -12.7pH
* Nooc qudaarta kamid ah - 22.7pH
* Nooc oranjada kamid ah - 9.2 pH

Liin iyo biyo kulul oo isla socda waxay baabi'in karaan jeermiska bilowga h**e intuusan gaarin sambabada ka hor.

Warbixintan haku koobin kaliya naftaada.
Gaarsii dhamaan qaraabadaada iyo asxaabtaada.

DrShaahid

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed  ayaa maanta kormeer ku tegay Xaruma Muhiin ah oo ku ...
28/02/2021

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa maanta kormeer ku tegay Xaruma Muhiin ah oo ku yaala Muqdisho.

Taliyaha ayaa soo kormeeray Xarumaha Ciidanka ee kala ah

Isbitaal Madiina , Akademiyada Boliiska Gen Kaahiye,Xarumaha Birmadka iyo Daraawiishta, Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha , ( Dhismaha Guud ee Taliska iyo la dagaalanka Qaadka) ,Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska .

Masuuliyiin kala duwan ayaa Baladweyne ka dagay kuwaa oo ka qaybgalka aas qaran oo duleedka Magaaladaasi loogu sameyn do...
25/02/2021

Masuuliyiin kala duwan ayaa Baladweyne ka dagay kuwaa oo ka qaybgalka aas qaran oo duleedka Magaaladaasi loogu sameyn doono Alle ha u naxariistee Ugaaskii Xawaadle, Ugaas Xassan Ugaas Qaliif oo dhawaan geeriyooday.

NEWS FLASH:Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, oo tixgelinaya codsiga Mareykanka & Midowga Yurub ayaa Guddi u xilsaaray da...
25/02/2021

NEWS FLASH:

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, oo tixgelinaya codsiga Mareykanka & Midowga Yurub ayaa Guddi u xilsaaray dadka carqaladeyna xasiloonida Somalia.

Warbixinta 3aad oo ku suntan 10-ka Febraayo 2021 waxay qeexeysaa "ilamaa Heshiiski 17-ka September 2020 ay wada garaeen Dowlada & Maamulada Xubnaha Ka Ah in Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe ay kormeer ku hayeen xaaladaha soo cusboonaaday in warbixinada loo soo gudbiyay Xafiiska Qaramada Midoobe Somali".

Lix qof ayaa loo aqoonsaday inay horseed u yihiin in Somalia fowdo ka dhacdo. Shaqsiyaad kaas waxaa lagu soo rogi laga xayiri doonaa hantidooda & safarada.

Xeerka xayiraadaha dhowaan ayuu dhaqan geli doonaa.

Sidookale Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe waxay u kuur-galeyaan cadeymo la xariira Dowladaha Shisheeye ee faragelinta ku haya Doorashada Somalia.

Liban Abdi

25/02/2021

Xasuusti Al-ustaad xassan adan samatar

Diyaaradaha Aan Duuliyaha Wadin Ee Mareeykanka Ayaa Bur Buriyay Xarun Tababar Oo Ay Al Shabaab Ku Lahaayeen Gobolka Juba...
25/02/2021

Diyaaradaha Aan Duuliyaha Wadin Ee Mareeykanka Ayaa Bur Buriyay Xarun Tababar Oo Ay Al Shabaab Ku Lahaayeen Gobolka Jubada Dhexe

24/02/2021

Warbaahinta labada dal ee Suudan & Itoobiya, waxay tabiyeen in ay ciidamada Difaaca Itoobiya ay dib u qabsadeen inta badan dhammaan dhulalkii ay ciidanka Suudaan, soo galeen markii uu socday dagaalkii Tigree-ga ay kula jireen ciidanka Itoobiya.

Dhulkaas oo ay labada dal isku hayeen, ayaa hadda la tabinayaa in ay ka dhaceen dagaalo ay ku awood sheegteen Itoobiya, Jeneral sare oo katirsan Suudaan ayaa sheegay in ay Eritrea dagaalka qeyb ka tahay.

Col, Abiy-ga Itoobiya xukuma, kal h**e ayuu sheegay in haddii laga jawaabi waayay falalkii Khartuum, aysan ka dhigneyn in Itoobiya awood yar tahay.

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan, bahda dhaqanka Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka b...
23/02/2021

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan, bahda dhaqanka Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaas Warfaa.

Ugaaska Allaha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa tiirarka waa weyn ee dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa lagu yaqiinnay geesinimo, run-sheegnimo, caddaalad iyo dulmi nacayb.

Waxaan ka codsanayaa qof kasta oo Soomaaliyeed oo ay is maan-dhaafeen in la cafiyo loona duceeyo. Waxaan ilaahay ka baryayaa in Ugaaska denbigiisa dhaafo, naxariistiisa jannana ka waraabiyo.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Dadka leh Dhiiga (A+) waxaa aay dadka calaamka ka yihiin 34% Dabeecadahaa qofka leh Dhiigga (A+):-Wa dad abaabul badan s...
23/02/2021

Dadka leh Dhiiga (A+) waxaa aay dadka calaamka ka yihiin 34%
Dabeecadahaa qofka leh Dhiigga (A+):

-Wa dad abaabul badan si maangal ahnaa uu mamula arimahooda gaar ahaneed iyo mid guud ba wa isku duubariidayal xirfaad badan.

-Wa dad wada shaqeynta jecel (team work)
Waxaa aynaa u hoggaansami ogyihiin shaarciga iyo xeerarka la dajiyey.
-Wa dad ad u taxadaar badan.

-Wa dad xirfaadda jecel, waxaa aynaa ka helaan in aay qabtan wax aay ogyihiin aynaa awood u leyihiin in aay qabtan.
-Waxaa aay awood u leyihiin in aay ka qayb qatan xalaadaha tagan si gaar ah ka qayb galka arimaha gargaarka.

-Intaa badan wa dad degan haab dhaqan wanaagsan leh xishooda-naa
-Waxaa aay jecel yihiin in aay wax dhageystan fikaradahaa dadka kalena tixgeliya, ad ayey u jecelyihiin doodaha in aay ka qayb galan.

-Wa dad dareen dadnimo leh si kaal iyo laab ahnaa wax aay sameynayan u jecel
-Waxaa ay ka helaan jawiiga dabiciiga ah manaa jecla meelaha buuqa badan oo isku rarantaa ah

-Wa dad dacaad ah isku-naa kalsoon.
-Wa dad guusha abaara waxaa-naa u sabab ah masuuliyadooda.
-Intaa badan wa huurdo seeg badan yihiin maxaa yeelay waxaa aay ka walwalan in aay faashilmaan waxaa aynaa doorbidan in aay isku mashquuliyan si aay u gaar lahayeen hadafkooda unaa fuulin lahayeen qorshahooda.

-Waxaa aay baaritan ku sameyan xaqiiqoyinka dahsoon si aay u ogaan lahayeen.
-Hal abuur ku ad ayuu ugu badan yahay.

Haddii ad tahay asxaabta dhiiga noocas ah leh ma isku aragtay calmadahaas.
Uyeer sxbdada aad kumalaynyso in ay leeyihiin astamahaas.


Mahadsanidiin.

23/02/2021

War-Saxaafadeed oo Soo Baxay goordhaw Beesha Caalamka ayaa sidan u qornaa

Baaq Ku Aaddan Sii Socoshada Dadaallada Lagu Gaarayo Heshiis ay DFS-DGXF Ka Gaaraan Hirgelinta Doorashada

Muqdisho, 23 Febraayo 2021 – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.

Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii h**e loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

ที่อยู่

Amphoe Tha Maka

เว็บไซต์

แจ้งเตือน

รับทราบข่าวสารและโปรโมชั่นของ Hashi siyad galayrผ่านทางอีเมล์ของคุณ เราจะเก็บข้อมูลของคุณเป็นความลับ คุณสามารถกดยกเลิกการติดตามได้ตลอดเวลา

วิดีโอทั้งหมด

แชร์


Amphoe Tha Maka บริษัท สื่ออื่นๆ

แสดงผลทั้งหมด

คุณอาจจะชอบ