Suldan Media

Suldan Media SuldanMedia Waa Warbahin Madax-banan oo Bulshada la wadaagta warar-sugan iyo xogo laysku halayn karo.

Ahmed karaash madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa kaligiistalinimo ku eedayay madaxweynaha Said Deni:- "Madaxw...
11/12/2023

Ahmed karaash madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa kaligiistalinimo ku eedayay madaxweynaha Said Deni:- "Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil.

Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho."

11/12/2023

DAAWO- Buuq hareeyey hoolka Baarlamaanka Puntland

Garowe:- Shirka DawladWanaaga Puntland oo ay soo qaban qaabiyeen Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo Ergooyi...
10/12/2023

Garowe:- Shirka DawladWanaaga Puntland oo ay soo qaban qaabiyeen Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo Ergooyinka Nabada oo Garowe Lagu Qabtay .

Puntland:- Baarlamanka Puntland ayaa berri laysugu yeedhey kulan degdeg ah oo la soo hormariyey ka dib markii ay maanta ...
10/12/2023

Puntland:- Baarlamanka Puntland ayaa berri laysugu yeedhey kulan degdeg ah oo la soo hormariyey ka dib markii ay maanta Maxk**adda Dastuuriga ah laashey muddo-kororsigii sannadka ahaa ee Baarlamanku samaystay.

10/12/2023

Gudoomiyaha Degmada mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereye) ayaa Maanta Ku soo Dhaweeyey Degmada Burtinle Wafdi Heer Sare ah oo ka socda hay'adda Islamic Relief.

Suldan Media

Gudoomiyaha Degmada mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereye) ayaa Maanta Ku soo Dhaweeyey Degmada Burtinle Wafdi Heer Sa...
10/12/2023

Gudoomiyaha Degmada mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereye) ayaa Maanta Ku soo Dhaweeyey Degmada Burtinle Wafdi Heer Sare ah oo ka socda hay'adda Islamic Relief.

Wafdiga Islamic Relief ee soo gaaray Burtinle ayaa u jeedadooda booqashadan ahayn in ay kormeer ku soo arkaan Mashaariic hay'addu ka fulisay Deegaanka, Waxay na booqasho ku soo mareen Ceelasha biyaha magaaladu ka cabto iyo qaar ka mid ah Kaamamka Dadka barakacayaasha dagan yihiin oo ay ka dhagaysteen baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.

Kormeerka waxaa ayana qayb ka ahaa Gudiga Horumarinta Degmada, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maxk**ada Dastuuriga ah ee Dawladda Puntland oo burisay  go,aankii Golaha wakiillada Dawladda Puntland ay ku kororsadeen...
10/12/2023

Maxk**ada Dastuuriga ah ee Dawladda Puntland oo burisay go,aankii Golaha wakiillada Dawladda Puntland ay ku kororsadeen mudo xileedka.

Urur Gobolleedka IGAD ayaa u magacaabey madax weynihii h**e Maamulka hirshabeele Maxamed Cabdi Waare  inuu noqdo Ku-Xige...
10/12/2023

Urur Gobolleedka IGAD ayaa u magacaabey madax weynihii h**e Maamulka hirshabeele Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la'aan ayaa mudda laba maalmood ah fadhiya degaanka Jimb...
10/12/2023

Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la'aan ayaa mudda laba maalmood ah fadhiya degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Ciidamada gadoodsan ee ka cabanaya xuquuq la'aanta ayaa joojiyay isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso halkaas oo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.

"Waxa aan dhammaystirayaa badbaadinayaa oo dalka oo dhan gaadhsiinayaa dimuqraadiyadda."Musharrax Xildhibaan mar kale, C...
09/12/2023

"Waxa aan dhammaystirayaa badbaadinayaa oo dalka oo dhan gaadhsiinayaa dimuqraadiyadda."

Musharrax Xildhibaan mar kale, Cabdiqani Dhaashane.




Ololaha
La xidhiidh: 0906791300 ama guji lingaxan https://wa.me/p/6944138475663572/252906791300

09/12/2023

Hadal-jeedin:- Duqa degmada Burtinle Ahmed Abdirisaaq Ali, Munaasabadda Xil-wareejinta xoghayaha dowladda hoose degmada Burtinle.

Suldan Media

09/12/2023

Hadal-jeedin:- Xoghayaha Cusub degmada Burtinle Abdiqani Ahmed Mahamed , Munaasabadda Xil-wareejinta xoghayaha dowladda hoose degmada Burtinle.

Suldan Media

09/12/2023

Hadal-jeedin:- Xoghayahii h**e degmada Burtinle Faarah Mahamed Cigaal, Munaasabadda Xil-wareejinta xoghayaha dowladda hoose degmada Burtinle.

Suldan Media

Musharax Xildhibaan PL Eng Abdirisaq Ahmed Nuur.Eng. Abdirisaaq Ahmed Nuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo haldoorka mand...
09/12/2023

Musharax Xildhibaan PL Eng Abdirisaq Ahmed Nuur.

Eng. Abdirisaaq Ahmed Nuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo haldoorka mandaqada Puntland ayaa isku soo sharaxay qabshada Xildhibaan barlamaanka dowladda Puntland 2024-2029.

09/12/2023

Burtinle:- Munaasabad aay xilka kula kala wareejiyeen xoghayahii h**e dowladda hoose ee degmada Burtinle Farah Mahamed Igal iyo Xoghayaha Cusub Abdiqani Ahmed Mohamed ayaa ka qabsoomtay Xarunta dowladda hoose ee degmada Burtinle.

Sawiro:- Xil-wareejinta Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Burtinle.
09/12/2023

Sawiro:- Xil-wareejinta Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Burtinle.

Musharax Xildhibaan mudug iyo nugaal.Eng.Rage Abdulkadir Dalmar oo kamida aqoon yahanka iyo Haldoorka Dhalin yarada Punt...
09/12/2023

Musharax Xildhibaan mudug iyo nugaal.

Eng.Rage Abdulkadir Dalmar oo kamida aqoon yahanka iyo Haldoorka Dhalin yarada Puntland ayaa ku dhawaaqey inuu usharaxan yahay Golaha Wakiillada Puntland 2024-2029

08/12/2023

Burtinle:- Samafale Haafid Abdirisaaq Ahmed oo kamid ah haldoorka degmada Burtinle ayaa hadimo-dharafeed uu ku maamusayay uqabtay gudigii uqareemayay Abdow Baashane oo dhawaan laga sidayay xabsiga magaalada Burtinle uu mudo sanad ah ku xirnaa.

Maamulka degmade, Gudiga hormarinta degmada Burtinle iyo gudiga uqareemayay Abdow ayaa ayaa kasoo qabgalay munaasabada oo si qurux badan loo soo agaasimay.


Sawiro:- Samafale Haafid Abdirisaaq Ahmed oo kamid ah haldoorka degmada Burtinle ayaa hadimo-dharafeed uu ku maamusayay ...
08/12/2023

Sawiro:- Samafale Haafid Abdirisaaq Ahmed oo kamid ah haldoorka degmada Burtinle ayaa hadimo-dharafeed uu ku maamusayay uqabtay gudigii uqareemayay Abdow Baashane oo dhawaan laga sidayay xabsiga magaalada Burtinle uu mudo sanad ah ku xirnaa.

Suldan Media

"Baarlamaanka Puntland hadey Jabhad cusub noqonayaan iyaga iyo Ciidamada amaanku waa is arkayaan haddii kale waa inay u ...
08/12/2023

"Baarlamaanka Puntland hadey Jabhad cusub noqonayaan iyaga iyo Ciidamada amaanku waa is arkayaan haddii kale waa inay u hogaansamaan waxa shacabka Puntland rabaan xukuumaduna ogolaatay oo ah in 8-January Doorasho la galo" Wasiirka Warfaafinta Puntland

WAFDI UU HOGAAMINAYO GARAAD SACIID XAAJI ABDULLE OO SOO GAARAY BURTINLE. Duqa Degmada Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereeye)...
08/12/2023

WAFDI UU HOGAAMINAYO GARAAD SACIID XAAJI ABDULLE OO SOO GAARAY BURTINLE.

Duqa Degmada Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereeye) ayaa soo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayo Garaad Saciid Xaaji Abdulle oo soo garay magaalada Buurtinle, waxayna booqasho iyo u kuurgalid ku tageen Isbitaalka weyn ee Degmadda oo dhismahiisu heer gabo gabo ah marayo.

Wafdigu waxay warbixin ka dhagaysteen Engineer-da Company ga gacanta ku haya dhismaha Isbitaalka oo ka warbixyey heerka usoo maray oo hada ay uharsantahy waxyar
Sidoo kale bulshada reer burtinle ayaa bogaadiyey sida habsimi socodka leh oo usocdo hospital ku waxayna umahceliyeen company dhisay hospital ka oo dadaal dheeri galiyey sidii uu hospital dhaman lahaa

Bosaaso:- Magaalada Bosaaso ayaa Soo dhoweyn Balaaran waxaa loogu sameeyay Ugaas mohamed Ugaas Ahmed Oo ah ugaas Guud ee...
08/12/2023

Bosaaso:- Magaalada Bosaaso ayaa Soo dhoweyn Balaaran waxaa loogu sameeyay Ugaas mohamed Ugaas Ahmed Oo ah ugaas Guud ee (Beel weynta Sade Daarood) iyo wafdiga balaaran uu hogaaminayay Malmahan ku sugnaa deegaanada Puntland.

Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Dowladda Puntland Maamulka gobolka Bari kan degmada Bosaaso Isimada Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Bosaaso, iyadoona duleedka magaalada looga hortagay.

Wasiirka Warfaafinta Puntland "Ansixinta ay ansixiyeen in muddo 12-bilood ah Baarlamaanku sii jiro arin sii soconaysa ma...
08/12/2023

Wasiirka Warfaafinta Puntland "Ansixinta ay ansixiyeen in muddo 12-bilood ah Baarlamaanku sii jiro arin sii soconaysa maahan mana ahan ragaasi nimankii hubaysnaa ee inta ay Dawladda is hortaagay dhahay ma shaqaynayso xoogaa keliyah sumcaday iska xumeeyeen

08/12/2023

Hadal-jeedin:- Maamulaha shirkadda Golis Burtinle Abdicasis Habiib Farah Munaasabada Sagootinta iyo xisaab-xirka Cabdow Baashane Xareed.

08/12/2023

Hadal-jeedin:- Xil. Muhyadin Mohamed Haashi Munaasabada Sagootinta iyo xisaab-xirka Cabdow Baashane Xareed.

07/12/2023

Hadal-jeedin:- Samafale Haafi bdirisaaq Ahmed Munaasabada Sagootinta iyo xisaab-xirka Cabdow Baashane Xareed.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO U GUDBIYEY GOLAHA WAKIILLADA DPL SOO SAARSAARISTA  LIFA...
07/12/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO U GUDBIYEY GOLAHA WAKIILLADA DPL SOO SAARSAARISTA LIFAAQA 5-AAD EE DASTUURKA DPL.

Xeer Madaxweyne Lr 121 ee December 02 2004 iyo xeer Madaxweyne Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, oo dhamaantood ku saabsanaayeen soo xulida Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Markuu Garowsaday: caqabadaha ku xeeran qabsoomida Doorashada hal qof iyo hal cod si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 44-aad.

Markuu tixgaliyey: talooyinka ku aadan in Doorashadu dhacdo wakhtigeeda.

Waxuu go'aamiyey: in dib loogu noqdo nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee h**e.

"Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayaa in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada".

Wada shaqayn wacan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

07/12/2023

Gudoomiyaha Gudiga Hormarinta Degmada Burtinle Abdilahi Khaliif Farah ayaa bulshada horteeda ku soo bandhigay xisaab-xirka deeqdi loo aruurshay Abdow Baashane iyo meelahay ku kala baxday.

Suldan Media

07/12/2023

Hadal-jeedin:- Gudoomiyaha Degmada Burtinle Ahmed Abdirisaaq Ali Munaasabada Sagootinta iyo xisaab-xirka Cabdow Baashane Xareed.

06/12/2023

:- Abdow Bashane oo xaflad sabootina loo dhigay caawa .

Isimada dhaqanka Puntland ee Garoowe ku sugan yaa goordhow la filagaa inaay ka hadlaan Arimaha doorashooyinka Puntland.
06/12/2023

Isimada dhaqanka Puntland ee Garoowe ku sugan yaa goordhow la filagaa inaay ka hadlaan Arimaha doorashooyinka Puntland.

Garowe:- Dallada Mucaaradka Puntland Ayaa caawa La kulmay Wafdi Uu Hogaaminayay Ugaaska guud Beesha Sade ( Mareexan ) Ug...
05/12/2023

Garowe:- Dallada Mucaaradka Puntland Ayaa caawa La kulmay Wafdi Uu Hogaaminayay Ugaaska guud Beesha Sade ( Mareexan ) Ugaas Mohamed Ugaas Ahmed Ugaas Faarax waxaana ay ka wada hadleen xaalada Siyaasadeed ee Puntland ka taagan.

XALFADA SAGOOTINTA IYO XISAAB-XIRKA CABDOW BAASHANE XAREED.Mudane nagala soo qayb-galay munaasabada sagootinta iyo xisaa...
05/12/2023

XALFADA SAGOOTINTA IYO XISAAB-XIRKA CABDOW BAASHANE XAREED.

Mudane nagala soo qayb-galay munaasabada sagootinta iyo xisaab xirka Cabdow Baashane Xareed oo ka dhacaysa Hotel Al-Xaramayn markaay ku aadan tahay salaada maqrib.

Mahadsanid.

05/12/2023

ABAHII DANYARKA AHAA EE SANAD IYO DHEERADIGA MAXBUUSKA AHAA MAANTA WAA XOR!.

Cafis iyo calool hufnaan ayey ku soo idlaatay howshii cusleed ee Abdow Baashane Xareed, waxaayna Eheladii dhibanayaasha iyo xaqlayashii qaanta iyo magta faraha badan lahaa inteedi badneed ku badasheen faatadaxada iyo alle agtii oo meelka ka muhiimsan aaysa jirin aduun iyo aakhiraba.

Bilowgii dadaaalkan mirala dhalay waxaa go'aan geesinimo leh ku dhaqaaqay Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka degmada Burtinle kuwasoo dusha saartay culees walboo leedahay sidii xariga looga furilahaa cabdow ina baashane xareed Allane waa ku guuleyay.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kamid ah nabadoonada gobolka nugaal ayaa booqosho iyo salaan ugu tagay Ugaas Moh...
04/12/2023

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kamid ah nabadoonada gobolka nugaal ayaa booqosho iyo salaan ugu tagay Ugaas Mohamed Ugaas Ahmed oo maa lmahan ku sugan magaalada Garoowe

Afhayeennada Baarlamaanka 4 dawlad goboleed oo war soosaaray, diidayna ka qaybgalka shirkii uu ku baaqay guddoonka aqalk...
04/12/2023

Afhayeennada Baarlamaanka 4 dawlad goboleed oo war soosaaray, diidayna ka qaybgalka shirkii uu ku baaqay guddoonka aqalka sare ee Soomaaiya Cabdixaashi Cabdillaahi.

Garoowe:- Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland soo gaaray wafti uu hogaaminaayo Islaanka guud ee beelway...
04/12/2023

Garoowe:- Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland soo gaaray wafti uu hogaaminaayo Islaanka guud ee beelwaynta Nuux Maxamuud Saleebaan "Islaan Haashin Islaan Maxamed".

Waxa afaafka h**e ee garoon diyaaradaha kaga hortagay soo dhaweyn balaarana u sameeya Masuuliyin ka tirsan dawladda, Isimmo iyo bulshadda qaybaheeda kale duwan.

Shirka looga hadlayo isbadalka cimilada adduunka COP28 UAE oo 30-NOV-2023 ka furmat  Dubai ayaa xooga lagu saarayaa sidi...
04/12/2023

Shirka looga hadlayo isbadalka cimilada adduunka COP28 UAE oo 30-NOV-2023 ka furmat Dubai ayaa xooga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa ilaalinta deegaanka, yabooh dhaqaalena loogu samayn lahaa isbadalka cimilada oo sanadkaan saameeyey dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

waxyaabaha la xoojiyey waxaa ka mid ah isticmaalka agab dhaqameedka iyo dhaqaalaynta dhirta oo muhiim u ah isbadal ku dhaca dhulka iyo hawada.
Fardowsa Jama oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee Awjama Cultural Centre waxay ka mid tahay dadka ka qeybgalaya shirka, waxay soo bandhigi doonta agab dhaqameedka deegaanka dhowraya,ilaa 30 kun oo qof ayaa ka qeyb galay sanadkaan.

Basaaso:- Ibraahim C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ayaa lag...
04/12/2023

Basaaso:- Ibraahim C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay saaka Magaalada Boosaso isagoo masjid kasoo baxay.

Allaha unaxariistee Marxuumka ayaa madax u ahaa bulshada kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolka Bari.

Jimcihii lasoo dhaafayna waxaa gurigiisa lagu dhexdilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ilaa hadda k**a hadlin dilalkaan qorsheysan.

Garowe:- Madaxweynaha DPL  Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa Madaxtooyada  dowladda Puntland ayaa ku qaabilay wafdi ganacsat...
03/12/2023

Garowe:- Madaxweynaha DPL Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada dowladda Puntland ayaa ku qaabilay wafdi ganacsato ah oo ka socatay Dalka Kenya kuwaasi oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suldan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Suldan Media:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share