SNTV 2

SNTV 2 Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Channel 2

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray ilaa shan deegaan oo ku yaala bariga gobolka Galgaduud kuwaasi oo ...
26/09/2022

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray ilaa shan deegaan oo ku yaala bariga gobolka Galgaduud kuwaasi oo shalay lagala wareegay kooxaha khawaarijta ah ee Al Shabaab.

Deegaanada Dhuumoodle,Abooreey, Dhisiq, Shurufle iyo Dabaco xun ayaa ka mid ah goobta ay tageen saraakiisha oo ay wehliyaan dadka deegaanka, waxaana goobahaasi ay ku arkeen raadka dhibaatooyinka kooxaha khawaarijta ay u geysteen dadka deegaanka oo u badnaa xoolo dhaqato.


SNTV 2

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kamid ahayeen General Mahad Abdirahmaan Aadan iyo Generaal Maxamed S...
26/09/2022

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kamid ahayeen General Mahad Abdirahmaan Aadan iyo Generaal Maxamed Shekh Cusmaan Ciirow iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed ayaa Gaaray Deegaanka Seydheelow oo Saaka Gacan ku hayntiisa lagala Wareegay Argigixisada Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka Ambassador Jamaal Maxamed Xasan, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Asad Yusu...
09/03/2022

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka Ambassador Jamaal Maxamed Xasan, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Asad Yusuf iyo la-taliyaasha wasaaradda, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Hay’adda QM uqaabilsan Caruurta, iyo waxbarashada ee Unicef-Soomaaliya, Angela Kearney, oo booqasho sharafeed ku timid xarunta Wasaaradda.

Waxayaabaha ugu muhiimsan ee kullanka looga wada hadlay waxaa ka mid ah xaqiijinta ballanqaadyada deegaanka ee 2.0, mashaariicda Fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobolka Banaadir iyo hirgelinta hindisadayaasha ay dowladdu hormuudka ka tahay ee saxnaanta xogta iyo dhisidda wada jirka si dalka loo gaaro horumar waara.

Wasiir Jamaal waxa uu ku booriyay wakiilka in ay xoojiyaan wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo UNICEF si loo adkeeyo doorkeeda hirgelinta Qorshaha horumarinta qaranka ee NDP-9.

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT waxay shaacinayaan jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaa...
20/02/2022

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT waxay shaacinayaan jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada BELEDWEYNE ee Dowlada Hirshabelle.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee Kursiga Golaha Shaca...
19/02/2022

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee Kursiga Golaha Shacabka HOP #45.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal Ambassador Safiina ayaa raaligalin ka bixiyay oo toddobaadkan...
19/02/2022

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal Ambassador Safiina ayaa raaligalin ka bixiyay oo toddobaadkan ka sheegay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Safiina ayaa sheegay in 16 kursi ee Garbahaarey doorashada la qaban doono sida Goob-doorashooyin kale Maamuladda.

Waa Kuma Fahad Yaasiin? Wax ka baro milkiikaha dowladda iyo awoodihiisa gaarka Ah. Magaciisa oo dhameystiran waa Fahad Y...
19/02/2022

Waa Kuma Fahad Yaasiin? Wax ka baro milkiikaha dowladda iyo awoodihiisa gaarka Ah.

Magaciisa oo dhameystiran waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Wuxuu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya, sanadkii 1978dii. Waa 44 sano jir

Wuxuu kusoo barbaaray magaalooyinka Muqdisho iyo Baladxaawo.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay Yeman. Lakin dad isaga yaqaan ayaa sheegay in sidoo kale Xamar uu ka dhameeyay dugsi sare.

Jaamacada heerka 1aad iyo 2aad wuxuu kaga baxay Pakistan iyo Qadar.

Fahad isagoo aad u da,yar ayuu kamid noqday ururkii Al Itaxaad ee gobolka Gedo ee la dagaalamayay Itoobiya lakin ma uusan ahayn askari.

Sanadkii 2000 ayuu saxaafadda kusoo biiray. Wuxuuna wax ku qori jiray website-kii caanka ahaa ee SomaliTalk. Kadibna wuxuu ku biiray Telefishinka Al Jazeera qaybta Carabiga

2005 ilaa 2011 Fahad wuxuu ahaa Wariye ka tirsan idaacadda AL JAZEERA. ilaa markii dambe uu noqday madaxa guud ee cilmi baarista tvgaas. Halkaas oo ay u noqotay marin uu Siyaasadda Somaliya kasoo galo

Fahad Yaasiin markii ugu h**eeysay ee Siyaasadda Somaliya lagu arkay waxey ahayd isagoo ka qeyb qaadanaya waliba xubin firfircoon ka ahaa olalihii doorasho ee Xasan Sheekh Maxamud sanadkii 2012

Markii uu Xasan Sheekh Maxamud guuleystay ayaa Fahad loo magacaabay oo abaalmarin looga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda, wuuna iska diiday xilkaas

Waxaa dadka isaga yaqaan ay sheegaan carrada uu halkaas kasoo qaaday darteed ay ku dhalisay Fahad inuu markale Olole u galo qof kale Afarta sano ee xigta si uu meesha uga tuuro Xasan Sheekh, una helo Xilka uu isagu rabay oo markaas ahayd Agaasimaha NISA.

Wuxuu 2016 soo dhisay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wuuna la guuleystay, wuxuuna ugu dambeyn noqday agaasimaha NISA. Oo awood badan siisay intuu xilkaas hayay.

Fahad waxaa la sheegaa inuu ahaa milkiikaha dowladda shantii sano ee lasoo dhaafay. Amaradiisa ayaa wax lagu dhisayay, amaradiisa ayaana wax lagu burinayay. Wuxuu xitaa ka awood badnaa Ra'iisul wasaaraha markaas jiray.

Awoodda Fahad Yaasiin ayaa ku faaftay dalka oo dhan ilaa ay gaartay in amaradiisa lagu rido madaxweynayaal dowlad goboleed, laguna soo dhiso kuwa kale.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir wuxuu ahaa qofkii ugu saameynta badnaa Soomaalida. Mana jirto cid diidi karta. Wuxuu awood ku dhex lahaa golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada, gobolka Banaadir iyo dhammaan siyaasadda guud ee dalka.

Fahad waxaa lagu eedeeyaa jarriimooyin badan inuu dalka ka galay. Oo ugu h**eeyso kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax, dagaalkii lagu qaaday iyo safarkii lagu carqaladeeyay madaxweynayaashii h**e ee dalka, weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kiiska Qalbi Dhagax iyo dhacdooyin kale.

Fahad waxaa la sheegaa inuu wax weyn ka badalay siyaasaddii fadhiidka ahayd ee Somaliya. Wuxuuna dadka Somalida baray in qabiil uusan Laandheeraha ahayn oo qofka uu laandheera yahay.

Madaama beesha uu kasoo jeedo Reer Aw Xasan ay kamid tahay beelaha wax ku qeybsada nidaamka 4.5 oo shirkii Carta iyaga iyo beelo kale oo Somaliyeed la yiri waa .5

Ugu dambeyn Fahad Yaasiin ayaa barito noqon doona xildhibaan ka tirsan barlamaanka dalka Afarta sano ee soo socota.

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Mada...
19/02/2022

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka

Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD

Guddiga maamulka Doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ayaa diiwaan geliyay musharixiinta u taagan tartanka...
01/02/2022

Guddiga maamulka Doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ayaa diiwaan geliyay musharixiinta u taagan tartanka kuraasta Gollaha Shacabka ee BFS oo berri la qaban doono Doorashadooda.

Baydhabo (SNTV2)-Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay ...
24/11/2020

Baydhabo (SNTV2)-Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan, guddiyadii loo xulayna ay howlo wanaagsan hayaan.

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri” Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”.

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Taliska qaybta 60aad ee  Ciidan...
24/11/2020

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Taliska qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyihii h**e ee ciidamada cirka soomaaliya dowladii militeriga Jeneral khaliif Ciise Mudan ayaa ku geeriday wadanka Tu...
24/11/2020

Taliyihii h**e ee ciidamada cirka soomaaliya dowladii militeriga Jeneral khaliif Ciise Mudan ayaa ku geeriday wadanka Turkiga oo uu mudo ku xanuusanaa.

Marxuumka ayaa soo noqday wasiirka amniga puntland xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole, sidoo kale waxa uu kamid ahaa musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynaha puntland doorashadii 2019 ee uu hada hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreeyay dowladda Soomaaliya ka oggolaaday in la magacaabo guddi k...
13/11/2020

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreeyay dowladda Soomaaliya ka oggolaaday in la magacaabo guddi ka shaqeeya ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaddib shirkii shalay ka dhacay xanunta Qaramada Midoobay ee New York.

Inkasta oo Golaha Ammaanku uu hal sano dib u cusbooneysiiyay cunqabateynta, hadana guul ayay u aheyd Soomaaliya in guddi baaritaan ku sameeya loo saaro arrinkan, waxaana danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Osman (Abuukar Baalle) uu sheegay inay soo dhaweynayaan guddigan.

Warbixinta Golaha Aammaanka ee sanadkan ayaa sidoo kale lagu oggolaaday in dowladda Soomaaliya ay dhismaha iyo tababarka ciidaneeda ay kala kaashan karto ciddii ay iyadu raalli ka tahay, taas oo meesha ka saareysa caqabado dhowr ah oo Soomaaliya ka heystay doorashada dadalka ay iyadu dooneyso.

Waxaa kale la isla soo qaaday in si wada jir ah looga shaqeeyo xakameynta waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ee EID ee Soomaaliya soo gala, si looga fogaado musiibooyinka ku xeeran.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay dadaal dheer ugu jiray sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabteynta hubka, taas oo ragaadisay dhismaha ciidamaa Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu h**e...
24/10/2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu h**eeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay.

 Wasiir Dowlaha Dhalinyarada iyo Sportiga ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo maalmahi...
24/10/2020


Wasiir Dowlaha Dhalinyarada iyo Sportiga ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo maalmahii udanbeysey ka socotay shaqa abuur loogu sameenayey dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir.

13/08/2020

Ku soo dhowaada SNTV2 kala soco Warar, Barnaamijyo iyo Falanqeyn ku saabsan dalka iyo dibadda. Item ID: FCVNSML Author Username: leto Licensee: Phostine M Wa...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa  magaalooyinka Jeddah  iyo  Riyad ee dalka Boqortoyada Sacuudiga ayaa maanta dow...
02/07/2020

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa magaalooyinka Jeddah iyo Riyad ee dalka Boqortoyada Sacuudiga ayaa maanta dowladda Soomaaliyeed ku soo celisay dalka kuwaas oo tiradoodu gaareyso 142 Ruux waxaana ay arintaasi qeyb ka tahay qorshaha ballaaran ee dowladda Soomaaliyeed ku dooneyso inay kaga jawaabto baahida dadkeedu u qabaan in dalkooda lagu soo celiyo waana diyaaradii 8-aad oo dad ka soo qaaday sacuudiga.

21/03/2020
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray Xarunta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 e...
02/02/2020

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray Xarunta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 ee dhawaan lagu soo kordhiyey, kaas oo loogu tala galay baahinta arrimaha wacyigelinta bulshada iyo xoojinta wadaniyadda.

01/02/2020

Naciima Aadan Cilmi waa aas aasaha Save Somali youth Org. Waxayna Shaqa abuur u sameesay Qaar ka mid ah dhalinyada Soomaaliyeed .

30/01/2020
30/01/2020
30/01/2020

SNTV2

Waa YouTube ka SNTV2 oo dhowan hawada soo gashay
30/01/2020

Waa YouTube ka SNTV2 oo dhowan hawada soo gashay

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNTV 2 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SNTV 2:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share