Som Bariido

Som Bariido Marwaliba iyo goor waliba S/B waa wehelkaga warar sugan ugu imow

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay W...
25/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATM.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay sida ay uga go'an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA KENYAMuqdisho, Febara...
25/02/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA KENYA
Muqdisho, Febaraayo 25, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna Mudane Cyprian Kubai Iringo.
Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

 : Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo sheegtay in si buuxda ay gacanta ugu heyso hawada Soomaaliya.
24/02/2024

: Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo sheegtay in si buuxda ay gacanta ugu heyso hawada Soomaaliya.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo maanta bixigay Dr Ramli Abdullahi Mohamed oo aabe 2aad u yahay misena uu asaga soo k...
23/02/2024

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo maanta bixigay Dr Ramli Abdullahi Mohamed oo aabe 2aad u yahay misena uu asaga soo koriyay waxaa dhashay marwo sahra indha yar oo ah xaaska 2aad ee madaxweynaha

Hassan Sheikh Mohamud Madaxweynaha Dowllada federaalka somaliya ayaa yiri sidaanWaxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Dif...
22/02/2024

Hassan Sheikh Mohamud Madaxweynaha Dowllada federaalka somaliya ayaa yiri sidaan
Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

21/02/2024

layaabka aduunka Dahir Alasow oo looga hanjabay dil kadib markuu kusoo laabto Muqdisho.

21/02/2024

Ciidan ka socda Danab oo markii ugu h**eeysay Carbis Milatari uga qaybgalaya Dalka Dibadiisa

21/02/2024

Dalka soomaaliya anigaa madaxweyne ka ah qof iga dambeeysa oo magaceesa iyo sovereignty ku hadli lahayd majirto.

21/02/2024

Somali israacdaa dooneynaa dalxoreeye Hassan Sheikh Mohamud

Xaqa eedaysanaha wax ka ogow ah!Waxaan rabaa inaan dadka u iftiimiyoA. Waa  maxay qareen, abuukaate ama looyar ?B. Yay t...
21/02/2024

Xaqa eedaysanaha wax ka ogow ah!

Waxaan rabaa inaan dadka u iftiimiyo
A. Waa maxay qareen, abuukaate ama looyar ?
B. Yay tahay in uu u qareemo ?
C. Dilaa ay caddahay in uu wax dilay sababta qareen loogu qabanaayo ?.

Qareenku waa sharciyaqaan ka diwaan gashan uruka qareenada Soomaaliyeed kaas oo haysta shati ama laysin qareenimo oo uu maxkamadaha hortooda kaga difaaci karo eedeysanayaasha.

Cidda ay tahay inuu u qareemo waa eedeysane,
Eedeysane waa kuma?
Eedeysane waa shaqsi loo heysto ama lagu tuhunsanyahay inuu geystay faldembiyeeed.
Eedeysanuhu wuxuu leeyahay xuquuq si la mid ah xuquuqda uu leeyahay dhibanuhu.
Dhibanuhu waa kuma?
Dhibane waa cidda ay dhibtu u gaartay sida tooska ee wax la yeelay ama wakiilkiisa sharciga ah.

Si loo ilaaliyo xuquuqda dhibanayaasha waxa loo sameeyey hay’ad dhan oo loogu tala galay iney ilaaliso ama u doodo ama u qareento sidoo kalana maxkamadda awoodda u leh hor geyso cid walba oo ku xad gudubta xuquuqda dhibanahaas. Hay’adaas waxa la dhehaa Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Maadaama dhibanihii hay’ad dowladeed ay ilaalineyso una doodeyso xuquuqdiisa
Cidda xukumeysana ay tahay isla xafiiska kale oo madaxbanaan lana dheho maxkamadaha, waxaa muhiim ah in qofkaas eedeysan ee loo heysto faldembiyeedka uu helo cid u qareenta.

Dhibanaha ah kan dhibtu gaartay ma jiro qodob dhameystiran oo ka hadlaya xuquuqdiisa laakiin Dastuurka KMG ee Soomaaliya qodobkiisa 35aad wuxuu ka hadlayaa xuquuqda eedeysanaha, waxaana kamid ah xuquuqihiisa inuu helo qareen difaac.

-Dilaaa laga yaabo iney caddahay inuu wax dilay sideee loogu qareemi karaa?
- eedeysane gabar kufsi geystay ee hadana isagu ka duubay filim sidee qareen loogu qabanayaa?
- tuug laga yaabo in cctv tuubtay lana wada arkay markuu wax xadayey ama dhacayey sidee qareen ugu doodi karaa?

Waa su’aalo muhiim ah!!

Si guud muhiimadda eedeysane qareen loogu qabanayo waa in haddiii uu dembi laawe yahay ( innocent) la cadeeyo barii’ nimadiisa xoriyadiisana dib u helo.
Taas waa caddahay laakiin meesha dhibtu ka tagantahay waxa waaye maxaa qof la hayo qariinooyin ah inuu wax dilay ama qiraal ah loo difaacayaa.
Qofka caynkaas ah waa inuu qareen qabsadaa hadii uusan qabsan karina ay dowladdu u qabataa ( maxkamadda) oo weliba ay bixisaa xushmadda qareenka. Looga gol leeyahay waa in uu qareenkaai cadeeyo inuu yahay dembi laawe, hadii lagu helo dembiga ama uu qiraal yahayna lagu xukumo keliya inta uu xaq u leeyahay oo aan lagu tagri falin ama ciqaab ka badan inta uu mudan yahay aan la saarin, la garaacin ana torture gareyn.

Abuukaate Avv Ali Halane doorkiisa waxa waaye in eedeysanayaasha lagu ilaaliyo habraaca sharciga ah
Sida:
1. Inuu eedeysanuhu helo garsoor cadaalad ah
2. In eedeysana uusan muddo dhaar u xirnaan
3. In aysanaha aan la jirdilin
4. In dambiga uu galay ciqaab u dhiganta la marsiiyo ee aan wax ka badan la marsiin,
5. In uu u qaado racfaan hadii ay eedeysanayaashu u arkaan in uusan xukunko cadaalad ahayn ama hiiliyey.

21/02/2024

Calool xanuun badanaa ninki hooyadiis dilay awoodna uusan u laheeyn inuu u faruur qaniinsado mooye, wuu u aargudi lahaa oo dili laha balse Cadaalada aya u aargudeeyso insha allah🙏🤲

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan ayaa Dalka Hindiya kaga qeybga...
21/02/2024

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024 kaasi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood.

Admiral Cabdi Warsame Ismaan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay kawada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.

21/02/2024

Sidee ayaad u qiyaasi lahayd welwelka heysta ninkaan idin muuqda ee xaaskiisa nolosha ku gubay?.

LIKE&SHARE

21/02/2024

Madaxweyne Muuse Biixi Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland waa lafulinayaa, Dagaalka hawaduna wuu siisoconaya"

 : Maxkamaddda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay in maalinta Isniinta ah markale loo fariisandoono dacwad ciqaabeedka loo ...
21/02/2024

: Maxkamaddda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay in maalinta Isniinta ah markale loo fariisandoono dacwad ciqaabeedka loo heysto Sayid Cali.

21/02/2024

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Waxa aan kaalmo u weydiisaneyno Turkiga, maahan micnaheedu in Itoobiya aan la dirireyno.

21/02/2024

RW Xamze Cabdi Barre ayaa sharxaya faa’idada dalkeenna ugu jirta heshiiska lala galay Turkiga?

Cabdinaasir Dahable, waxaa dilay Habargidir iyo Abgaal”. Feysal Cali Waraabe.
20/02/2024

Cabdinaasir Dahable, waxaa dilay Habargidir iyo Abgaal”. Feysal Cali Waraabe.

20/02/2024

Madaxweyne Xasan ayaa labada Aqal BFS ka codsaday in berri uu horyimaado, si uu ugu xog waramo xaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Ha'adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo Somaliland ku eedeysay inay khalkhal gelin ku wado hawada Gobalada Waqooyi xilli...
19/02/2024

Ha'adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo Somaliland ku eedeysay inay khalkhal gelin ku wado hawada Gobalada Waqooyi xilli ay soo saartay Digniino adag.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaaraynayaa falka kali-talisnimada ah ee hay’adda fulintu ku amreen Telefishinka Qaranka i...
19/02/2024

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaaraynayaa falka kali-talisnimada ah ee hay’adda fulintu ku amreen Telefishinka Qaranka in ay ka joojiyaan tabinta tooska ah isla markaasna ka saaraan Khudbada Madaxweynihii h**e Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka jeediyay Baarlamaanka, maanta oo ay taariikhdu tahay 19/02/2024 , halka xildhibaanada kale ay toos u tabinayeen.

Dowlad wanaaga ayaa na fareysaa in warbaahinta qaranku ay ahaato mid u dhaxeyso Shacabka iyo Masuuliyiinta kala duwan. Mudane Sheekh Shariif waa dib u asaasihii Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka.
Ficilka maanta ka dhacay Telefishinka Qaranku wuxuu tusaale hordhac ah u yahay qaabka dowladnimo ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cabburinta iyo dulqaad la’aanta kala ra’yi duwanaantu waa astaamaha kali-talisnimada.

Ugu dambeyn, Taleefishinku wuxuu wataa magacii Qaranka, wuxuuna u dhexeeyaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, Shacab iyo siyaasi, Mucaarad iyo Muxaafid, waana isha kaliya ee la rabay in ay baahiso aragtiyada kala duwan, waa wax aad u foolxun in laga baahiyo oo kaliya ammaanta iyo gurbaan garaaca Madaxweynaha markaa talada haya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, w...
19/02/2024

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/guuto. Sulub Axmed Firin,

Booqashada Madaxweynha Soomaaliya ee Taliska Ciidanka, ayaa ah u kuurgalka howlaha shaqo ee Ciidanka Boliiska ay hayaan, Madaxweynha Soomaaliya xasan shiikh Maxamuud, ayaa Kormeeray qaar ka mid ah Hogaanada ee taliska Ciidanka,

kormeerka ka dib Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay saraakiisha Hoggaanada iyo Taliyaasha saldhigyada Gobolka Banaadir waxa uuna kala hadalay dar dar galinta Howlaha Bulshada ay u hayaan, Madaxweynaha ayaa dardaaran iyo boqgaadin isagu daray Saraakiisha Ciidanka.

Hadal jeedintii Sharif Sheikh ahmed ee maanta Baarlamaanka, saameyn intee la eg ayeey ku yeelan kartaa dadaaladii uu wad...
19/02/2024

Hadal jeedintii Sharif Sheikh ahmed ee maanta Baarlamaanka, saameyn intee la eg ayeey ku yeelan kartaa dadaaladii uu waday ee ladagaalanka khawaarijta madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud

  Maxkamadda G/Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo hayst...
19/02/2024

Maxkamadda G/Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

18/02/2024

Dahir Alasow shaah macabe iyo shataqeey waxaa dilay dowllada, harti abgal waala beegsanayaa.

  booliiska oo sheegay in baaris Deg deg ah lagu bilaabay kiiskii marxuum C/naasir  muuse C/raxman oo la sheegay in meed...
18/02/2024

booliiska oo sheegay in baaris Deg deg ah lagu bilaabay kiiskii marxuum C/naasir muuse C/raxman oo la sheegay in meedkiisa laga helay Gurigiisa oo ku yaal ceel qalaw xogtu waxey intaaa ku dareeysaa in lasoo qabtay 6 tuhunsanayaal ah iyo cadeeynmihii goobta loogu tagay.

  : Waxaa Goordhow  xorriyaddiisa dib u helay oo Xabsiga laga siidaayay Guddoomiyaha MM-TV, Maxamed Cabdi Ilig oo mudo 4...
18/02/2024

: Waxaa Goordhow xorriyaddiisa dib u helay oo Xabsiga laga siidaayay Guddoomiyaha MM-TV, Maxamed Cabdi Ilig oo mudo 43 Maalmood ku xirnaa Xabsi kuyaala Hargeysa sida uu baahiyay Telefishinka MM TV

17/02/2024

Wiilka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo maanta adis ababa.
Sidee u aragtaa in Madaxweynuhi uu wiilkiisa difaaco?

17/02/2024

Layaabka Aduunka.
Ciyaar u dhaxeysay Darood iyo Hawiye Game adag.

17/02/2024

Dahir Alasow Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu ka bad baaday isku day dil oo ay xabashadu soo abaabushay

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Som Bariido posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share