Dhubane Media

Dhubane Media "Dhuubane Media you will find breaking news and reports based on facts."
(2)

05/01/2025

Jeylaani yare oo rumawday riyadiisii ka dib markii maanta cisbitaalka Qaran hospital la geeyey Hooyo iisho Maxamed Bakar kaas u sameeyey baaritiaan cafimaad oo dhamaystiran iyo daawayn si mutadawacnima ah bilaasha.

Cidii rabta inay Caawiso qayska jeylaani yare hala xiriirto walaal Abdullahi Shiine Geesay 0906901717

Nin ayaa galabta salaaddii casar ka istaagay masjid kuyaala Garowe oo lagu magacaabo Abuu-bakar  wuxuuna jamceedda masji...
05/01/2025

Nin ayaa galabta salaaddii casar ka istaagay masjid kuyaala Garowe oo lagu magacaabo Abuu-bakar wuxuuna jamceedda masjidka usheegay sidan:

" Walaalayaal Wiil.aan dhalay oo aan muddo lix-bilood ah raadinaynay oo aan moodnay inuu tahriibay ayaan meedkiisa ka helnay guri ku yaala Boosaaso, waxaana lagala baxay Kalyaha & Beerka, Culimo waxaan idinka codsanayaa inaad faataxada iigu soo martaan in dadkii sidaa ugalay wiilkeyga cuqubo degdeg ah inuu alle kurido ayuu yiri Aabaha wiilka dhalay"~Xasan Jeylaani Heykal

Barxadda Garoowe oo loo bilay🇸🇴.
04/01/2025

Barxadda Garoowe oo loo bilay🇸🇴.

04/01/2025

Kornayl Ciise Yulux "Ciidanku qof aan dhiiqo gacmaha kula jirin dhib u gaysan maayaan"

04/01/2025

DAG DAG || Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar oo si adag uga hadlay...''

03/01/2025

“Haweenka Puntland oo bilaabay inay Sabaayad iyo Cuntooyinka Fudud ee Dhigmi kara u sameeyaa Ciidanka Puntland ee Dagaalka Kula jira Daacish

DEG DEG. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ka digtay in dadka waa weyn ay cunaan Buskud Dhiiqa, Kadib markii la ogaad...
03/01/2025

DEG DEG. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ka digtay in dadka waa weyn ay cunaan Buskud Dhiiqa, Kadib markii la ogaaday in laga qaado dhiikar iyo Sonkor.

Wasaaradda ayaa sheegtay in loogu Tala galay Buskud Dhiiqa Caruurta bilaash nafaqada ah in la siiyo si heerkooda nafaqo kor loogu qaado, Balse hadda la arkay dadkii waa weynaa oo cunto ka dhiganaya, Taasna ay keeni-karto caafimaad darro,maadaama aan loogu talagelin dadkaas waa weyn.

soo dheh hadad taqaano qof aad u cuna buskudkan??

Ra'iisul Wasaarihii h**e ee DFS, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa boggaadiyay howlgalka ciribtirka argagixi...
03/01/2025

Ra'iisul Wasaarihii h**e ee DFS, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa boggaadiyay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee ka wadaan buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

""Waxaan jeclaan lahaa inaan ku ammaano ciidamada Puntland go'aankooda ay ku baabi'inayaan dagaalyahannada ajnabiga ah / Daacish ee isku dayaya inay saldhigyo joogto ah ka sameystaan gobolkaas. DFS waxay u baahan tahay inay u muujiso taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Dowlad goballeed-yada si loo cirib tiro khatarta Al-Shabaab & Daacish kahor dhammaadka 2025" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare h**e Cumar Cabdirashiid.

03/01/2025

Fanaanka Qamar suugani ayaa Xalay Hargaysa lagu jirdilay.

02/01/2025

Warbixin “ Ciidamada PMPF ayaa Saaka Howlgalo Ka sameeyay Deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland

  “Qaarka mid ah ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan Cal-miskaad ayaa ka cabanaya Kaamiro lala dabajoogo.
02/01/2025

“Qaarka mid ah ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan Cal-miskaad ayaa ka cabanaya Kaamiro lala dabajoogo.

02/01/2025

“Dhalinyarada Puntland ayaa Biloobay inay iska soo duubaan Muuqalo ay Ku taageerayaan Ciidamada Puntland ee Dagaalka Kula jira Daacish.

Share Dheh

Dowladda Puntland ayaa dhakhtar Caafimaad oo dibada ah u dirtay qaar ka mid ah Ciidankii geesiyaasha ahaa ee ku dhaawacm...
02/01/2025

Dowladda Puntland ayaa dhakhtar Caafimaad oo dibada ah u dirtay qaar ka mid ah Ciidankii geesiyaasha ahaa ee ku dhaawacmay Dagaalkii Ay casharka ugu dhigeen Cadowga dhulkeena ku sooduulay.

02/01/2025

Itoobiya Waan heshiinay “Wasiir Axmed Macalin fiqi ayaa sidaas yiri Oo Hadalkiisa laga Dhadhan sanaayo in uu u gogol Xaarayo Ciidamada Itoobiya sidii ay Ku siijoogi lahaayeen somaliya.

  Puntland ayaa ka hadashay in duqayn saaka lala beegsaday kooxaha argagixisada ee  ku dhuumanaya buuralayda Golis.''Dho...
02/01/2025

Puntland ayaa ka hadashay in duqayn saaka lala beegsaday kooxaha argagixisada ee ku dhuumanaya buuralayda Golis.

''Dhowr meelood ayay ka dhaceen duqaymihii maanta waxaana fuliyay dalal aan saaxiib nahay waa soo gudbiyaynaa khasaaraha duqaynta dhacday''Afhayeenka Howlgalka Argagixisada Puntland, Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo).

02/01/2025

Ciidamada Puntland oo ay Garabsiinayaan Diyaaradaha Imaaraadka Carabta ee Taageera Ciidanka PMPF iyo kuwa Maraykanka ayaa saaka ugaarsaday Argagixisada Daacish ee Buuraha gobalka Bari Puntland.

Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa.

Abuu Zubayr Al-tuunisi waxa uu kamid yahay laba iyo tobankii dagaalyahan ee Daacish ee 31 December, 2024 soo weeraray de...
02/01/2025

Abuu Zubayr Al-tuunisi waxa uu kamid yahay laba iyo tobankii dagaalyahan ee Daacish ee 31 December, 2024 soo weeraray deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari. Waa halka nin ee kooxdaas weerarka soo qaaday ku jiray ee u dhashay dalka Tunisia ee dhaca waqooyiga Afrika. Sida sawirka hoose ee meydkiisa ka muuqda kuma uusan dhiman jaakaddii qaraxa ee uu xirnaa. Waxaa se dishay rasaasta mid kamida ciidanka Puntiland (PL).

Qorshaha dagaalyahannada ayaa ahaa inay dagaallamaan illaa inta ay rasaasta ka go’aysa ama ka dhaawacmayaan, kadibna ay taabtaan badhanka qaraxa jaakada ku xiran. Haddaba, Abuu Zubayr inta uusan taaban badhanka suunka qaraxiisa waxaa horay ka toogtay mid kamida askarta PL.

Kooxda Daacish sida ay usoo agaasintay weerarka iyo khasaaraha uu gaystay ismalaha. Qaar kamida taageerayaasha kooxda ayaa qaba inaan la gaarin yoolka weerarka oo ay fashil tahay. Xalay fiidkii warsaxaafadeed ay soo saartay Daacish ayay ku sheegtay inay halkaa ku dishay labaatan askari oo PL ah. Taageerayaasha ayaa qaba inay fashil tahay weerarka; laba iyo toban isqarxiyaal ah, labo gaari oo miiinaysan oo mid Cabdibile yahay, labo face oo uu kala ahaa dagaalka, ayaa ay natiijadu noqotay dhimashada labaatan askari oo weliba aan la hubin dhabbimadooda. Waxay qabaan taageerayaashu haddii uu weerarku ka dhici lahaa Suuriya ama Ciraaq inay dhimashadu gaari lahayd boqol askari iyo ka badan.

Haddaba, waxaa halkaa laga fahmi karaa inay aad u xakameeyeen ciidanka PL weerarka oo ay u jilba dhigteen. Waa arrin adag qof maqiiqan, ordaya oo dhinac walba rasaas u farraqaya oo hadane qarxaya inaad ka hortagto oo aad xakaymayso. Waxaa kale oo dagaalka ku cusbaa Cabdibile miinaysan oo dhashiike saaran oo dhinac walba rasaasta u ridaya oo askarta u diidaya inay madaxa kor u soo qaadaan. Sidaa oo ay tahayna ciidanka PL waa ay xakameeyeen Cabdibilahaas.

Daacish waxa ay ahayd mashruucii ugu waalnaa qarniga 21aad ee ka soo baxay mandiqadda Bariga Dhexe. Waa mashruuc ay u midoobeen in ka badan siddeetan dawladood. Waa mashruuca keenay inay boqol kun oo askari oo kala dal ah ay sagaal bilood la rafaadaan kaliya sagaal kun oo dagaalyahanno Daacish ah oo ku jiray magaalada Mosul ee dalka Ciraaq. Mashruuca Daacish waalideeda waxaa kamida inay gaalaysiiyeen Alqaacidadii wax gaalaysiin jirtay. Waxaa kamida inay isku si u ugaarsanayeen askarta Yuhuuda iyo askarta Xamaas ee iyaguba isa sii ugaarsanaya. Haddaba, ciidanka PL nimankaa waalwaalan ayay dagaal kula jiraan.

Lab iyo tabanka ajaanibta ah ee weerarka soo qaaday waxay shaaca ka qaaday tuhunkii ahaa inay buuraha Bari bahalagaleen noqotay. In Daacishta PL joogta ay %70 ajaanib yihiin. Iyo in Cabdiqaadir Muumin dhaqaale ahaan kobcay oo xooggaystay. Daacishta PL joogta waxay iskudayi doontaa tajriba kasta iyo taagtiig walba oo Suuriya iyo Ciraaq horay looga sameeyay inay u soo wareejiso PL. Tusaale, Cabdibalaha miinaysan ee dhashiikaha saaran waxaa lagayaqaanay Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxaa jira mootooyin afar lugood leh oo labada dhinac kaga alxaman qoriga BKM ah oo ay caan ku ahaayeen Daacishta galbeedka Afrika. Waxba kuma aha inay taaktikadaas halkan keenaan iyo kuwa kaleba.

PL waxa ay ku jirtaa dagaal adag oo ay tahay in lagu garab istaago. Dawladdii Soomaaliya ee ahayd inay garab u noqoto PL, iyada ayaaba iska dhammaan la’. Si kastaba, guul ayaan u rajayanayaa ciidanka PL.

🖋Waxaa qoray Aw Dacar.

02/01/2025

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir "Gojacadihii labaad waa inay noqotaa....

Address

Qardho

Telephone

+252907792303

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhubane Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share