Shabakada Hiigsiga Cusub

Shabakada Hiigsiga Cusub Shabakada Hiigsiga Cusub Waa Faafiyaha Wararka Xaqiiqda Ku Saleysan

06/12/2014
Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta La Filayo In Codk Gana Taag Ah U Qaadaan Xukumada Ra'Iisul Wasaaraha Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta La Filayo In Codk Gana Taag Ah U Qaadaan Xukumada Ra'Iisul Wasaaraha Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah u balansan cod u qaadista mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, kaasoo dhowaan laga soo gudbiyay, waxaana jiray diyaar garow ay Xildhibaanada ugu jireen kulankan.

Labada garab ee Xildhibaanada ayaa shalay shirar gaar gaar ah oo ay ku tabaabusheysanayeen kulanka saaka ku yeeshay Hotelada Muqdisho, waxaana kulamadaas daba socda olole xoog leh oo lagu kala jiidanayay Xildhibaanada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa horay u sheegay in labada gelin maanta la shaqeyn doono, si loo soo afjaro mooshinka mudada hor-yaala Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Xildhibaanada hartay inay ka doodaan ay hadlaan.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa ah mid xiran, waxaana wadooyinka qaar la soo dhoobay ciidamo sugaya ammaanka, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka u diidaya inay isticlaamaan wadada.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa sheegaya inay rajo ka qabaan in codka kalsoonida ay u diidaan Xukuumada, halka Xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda ay iyaguna rajo ka muujiyaan inay badbaadin doonin.

Go’aanka Baarlamaanka uu qaadan doono ayaa aad looga dhursugayaa, iyadoo dad badan ay isha ku hayaan natiijada maanta ka soo bixi doonto.

















Xuseen Yare Waash*toon









Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

04/12/2014
Maxk**ada Ciimada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Dil Ah Fulisay

Maxk**ada Ciimada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Dil Ah Fulisay

Maxk**ada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka Toogatay saddex Ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,iyo Shaqsi ka tirsanaa Shabaab.


Toogashada ayaa ka dhacday Barxada Iskuul Bulusiya oo inta badan ay ka dhacaan Dilalka Toogashada ah,waxaana la Adkeeyay Goobta uu ka dhacay Xukunka Dilka ah.


Dadka Saaka Maxk**ada Ciidanka Qalabka sida ay Toogatay ayaa waxaa ka mid ahaa Ibraahim C/laahi cali oo horay u dilay Wiil Filim qaade ahaa oo lagu Magacabai jiray Sakariye Maxamed Maxamuud Macali oo uu ku toogtay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir sidoo kale waxaa uu dilay Ex Dable Cali Mambuuq waxaa kale oo ka mid ahaa dadka Saaka la toogtay C/laahi Cartan Maxamuud oo 22 jir ah horayna uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida Ee Somalia kaas oo horay u dilay Axmed Cabdi raxmaan Shariif oo uu ku dilay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir.iyo Qofka kale Ee saaka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Ex Dable C/fitaax Axmed Cabdi oo29 jir ah oo isna ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia horayna u dilay Maxamuud Xasan Maxamed.
































Xuseen Yare Waash*toon














Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

04/12/2014
Ra'Iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed Maxamad Oo Maanta Lagu Wado Inuu Hortago Baarlamaanka Soomaaliya

Ra'Iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed Maxamad Oo Maanta Lagu Wado Inuu Hortago Baarlamaanka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa saaka oo Khamiis ah lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka maanta uu qorshuhu yahay in laga doodo mooshinka ka dhanka ah Xukuumadiisa ee Talaadadii la soo dhaafay loo qeybiyay Xildhibaanada.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in laga yaabo Ra’iisul Wasaaraha uu iska difaaco eedeymaya loo soo jeedin doono, marka la akhriyo Mooshinka iyo in Xildhibaanada ay bilaabaan inay ka doodaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu hor imaanayo, si uu isu difaaco, waxaase xusuus mudan in Ra’iisul Wasaarihii ka h**eeyay ee Saacid aan fursadaan loo ogolaan, isla markaana markii uu Gudoonka weydiistayna loo diiday.

Dooda mooshinka ayaa marka ay maanta dhacdo, lana aqriyo magacyada xildhibaanada saxiixay ayaa la filayaa in maalinta sabtida si k**a dambeys ah cod loogu qaado, si mooshinka loo soo afjaro.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameeyay hey’adaha dowladda, waxaana uu kala qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana saddex jeer oo h**e kulamadii Baarlamaanka ay noqdeen kuwo buuq iyo fowdo ay hareeyeen, inkastoo heshiis laga gaaray.



























Xuseen Yare Waash*toon




















Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

02/12/2014
Wiil Soomaali Ah Oo Ka Bar Bar Dagaalamayay Isis Oo Ku Geeriyooday Dagaalo Ka Dhacay Ciraaq

Wiil Soomaali Ah Oo Ka Bar Bar Dagaalamayay Isis Oo Ku Geeriyooday Dagaalo Ka Dhacay Ciraaq

Kooxda Daacish ee isku Magacowday Dowladda Islaamigaa ee Ciraaq iyo Shaam ayaa shaacisay in Muwaadin Soomaali ah oo u dagaalami jiray la dilay islamarkaana uu ku geeriyooday Dagaal ka dhacay Magaalada Karkuuk ee Dalka Ciraaq.


Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Ee Kooxda ISIS ama Daacish ayaa lagu sheegay in Dagaal Culus oo ka dhacay Magaalada Karkuuk ee Dalka Ciraaq lagu dilay Muwaadinkaan Soomaaligaa ee lagu Magacaabo Abuu Muusa Al-soomaali.


November 26-keedii Bishii laga soo gudbay ayey aheyd markii sidoo kale Muwaadin Soomaali ah oo ka bar bar dagaalamayay Al-qaa’idada Dalka Yemen lagu dilay Dalkaasi,waxaana lagu Magacaabi jiray Abuu Bakar As-Somali.


Dhalinyaro badan oo soomaali ah ayaa ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.





















Xuseen Yare Waash*toon






Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

02/12/2014
Baarlamaanka Oo Loo Qeeybinaayo Mooshinka Ka Dhanka Ah Ra'Iisul Wasaaraha

Baarlamaanka Oo Loo Qeeybinaayo Mooshinka Ka Dhanka Ah Ra'Iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, iyadoo labada garab ee Xildhibaanada ay xalay oo dhan shirar gaar-gaar ah ku lahaayeen Hotelada iyo xarumha dowladda.

Sida ay sheegayaan wararka ajandaha maanta ayaa noqon doona qeybinta mooshinkii laga keenay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, waxaana marka la qeybiyo is qori doona Xildhibaanada, si ay uga doodaan.

Inkastoo saddexdii kulan ee u dambeeyay uu buuq iyo fowdo hareeyay, ayaa hadana waxaa la filayaa in fadhiga maanta uu ka duwanaado fadhiyadii h**e, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada oo ilaa xalay wadooyin badan oo muhiim ah ay xirnaayeen.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr maalin ka hor sheegay in is-afgarad laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay xubnaha baarlamaanka ee ku aadanaa mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

War qoraal ah oo maalintii sabtida ka soo baxay xafiiska Guddoonka Baarlamaaanka ayaa lagu sheegay in kulan ku saabsan mooshinka la qaban doono, xildhibaanada ay ka doodi doonaan mooshinka.

Guddoomiyah Baarlamaanka Soomaliya ayaa hakiyey kulamdii baarlamanaka todobaadkii h**e, kadib markii xubnaha baarlamanka ee taageersan Ra’iisul Wasaaraha ay seddex jeer is hortaageen in la qabto kulan looga doodo mooshinkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay xireen wadada Daljirka Dahsoon ilaa Isgoyska KM4 oo ilaa xalay aheyd mid xiran, sidoo kalena wadada hor marta Baarlamaanka ayaa sida caadada aheyd xiran, waxaana si guud saaka magaalada looga dareemayaa kulanka Baarlamaanka.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho olole xoogan oo lagu kala jiidanayay Xildhibaanada, waxaana dhinac walba uu quudareynayaa sidii uu u heli lahaa aqlabiyada ugu badan ee Baarlamaanka.

Mooshinkan loo qeybin doono Baarlamaanka, lana aqrinayo ayaa ku soo beegmay, iyadoo 10-maalmood ay ka harsan tahay sanad-guurada markii la magacaabay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo 12-kii bishii December sanadki ee 2013 loo magacaabay.

Sidoo kale mooshinka la horgeeyay Baarlamaanka ayaa ku soo aaday sanad kadib markii la riday Ra’iisul Wasaarihii h**e Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo uu Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay 2-dii bishii December ee sanadkii h**e.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in ololaha haatan socda uu la mid yahay ololihii doorashada Madaxweynaha ee sanadkii 2012-dii, xilligaasoo Xildhibaanada aad loo kala jiidanayay, waxaana loolanka haatan uu u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.













Xuseen Yare Waash*toon











Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

30/11/2014
Howlo Lagu Dayactirayo Nalalka Ku Shaqeeya Cad Ceeda Oo Ka Bilowday Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Howlo Lagu Dayactirayo Nalalka Ku Shaqeeya Cad Ceeda Oo Ka Bilowday Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay hawlo lagu dayactirayo nalalka cadceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada Muqdisho.


Dayactirkaan lagu sameeynayo nalalka dansan ee cadceeda ku shaqeeya ayaa waxa ay timid kadib markii nalalka cadceeda ku shaqeeya qaarkood uu ka dhacay batterigii ay ku shaqeynayeen taasi oo hada maamulka Gobolka Banaadir uu dayaactir balaaran ku sameynayo.


Afhayeenka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud faarax (Cali Seeko) oo ka mid ahaaa masuuliyiintii kormeersay shaqada dayactira nalalka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hawlgalayo nalalka dansan ee wadooyinka maagalada Muqdisho si kor loogu qaado bilicda magaalada iyo aamankaba.


Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in maamulka Gobolka Banaadir uu wado hawlo badan oo sare lagu qaadayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho iyo aamanka caasimada.


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday wadooyinka magaalada Muqdisho hawlo dib loogu dayactiro nalalka cadceeda ku shaqeeya ee (Solar lights.)











































Xuseen Yare Waash*toon










































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

30/11/2014
Ra' Iisul Wasaare C/wali Sh Axmed Maxamad Oo Ku Baqay In La Joojiyo Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Gobalada Dhexe

Ra' Iisul Wasaare C/wali Sh Axmed Maxamad Oo Ku Baqay In La Joojiyo Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Gobalada Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.

Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen dadka deegaanka ku dhaqan.


“Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka”
ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in maamulada ka jira goboladaas looga baahan yahay ka qayb qaadashada daminta colaada iyo xal u helida mushkilada ka taagan deegaankaaas.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabadoonada iyo ururada bulshada rayidka ah iney u istaagan joojinta colaadaan, una fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaada, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.


Dagaalkaan oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarar Dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegay in ay ku dhinteen dad gaarayaa ilaa 15 qof sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale.







































Xuseen Yare Waash*toon














































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

30/11/2014
Wadahadaladii Somaliya Iyo Somalialnd Oo Ka Furmaya Dalka Turkiga

Wadahadaladii Somaliya Iyo Somalialnd Oo Ka Furmaya Dalka Turkiga

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Labo mas’uul ka tirsan Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga, kuwaasoo xilalka kula kala wareegay.

Mustafa Yilmaz oo ahaa Madaxii Hey’ada Bisha Cas dalka Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa xilka ku wareejiyay Madaxa cusub ee Bisha Cas Mr Cali Dugli.

Gudoomiye Muungaab ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay Mas’uulkan mudadii uu xilka hayay maamulka Gobolka banaadir, waxaana uu Gudoomiyuhu gudoonsiiyay hadiyado dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dar daarmay mas’uulka cusub ee Hey’adda Bisha inuu shaqadiisa uga soo baxo si wanaagsan, isla markaana ay rajeynayaan in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan.

Hey’addaha Turkiga ayaa ka howl galayay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu 19-kii bishii Agosto saddex sano ka hor uu Muqdisho yimid Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hada ah Madaxweynaha Turkiga, isagoo balan qaaday in Turkiga gacan weyn ka geysanayo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

















































Xuseen yare Waash*toon















































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

29/11/2014
Libaax Laba Ruux Ku Dhaawacay Degmada Yaaqshiid Ee Gobalka Banaadir

Libaax Laba Ruux Ku Dhaawacay Degmada Yaaqshiid Ee Gobalka Banaadir

Libaax ka goystay shabaqii lagu haayay, ayaa xalay laba ruux ku dhaawacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, inkastoo lagu guuleystay in libaaxaasi dib loogu soo celiyo shabaqii uu ku xirnaa.



Xeer Ilaaliyaa Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa wax mamnuuc ah ku sheegay in masuul Dowladeed uu akoon u madax banaan ka furto, sida bankiyada Dahabshiil iyo Salaam.



Xeer Ilaaliyaha, ayaa ku goodiyay in tallaabo adag laga qaadi doono masuul kasta, oo lagu helo in akoon u gaar ah uu ka furtay Dahabshiil iyo Salaam Bank.



Sidoo kale akoonada masuuliyiinta Dowladda ay h**ey uga furteen bankiyadaasi, ayaa wuxuu ugu baaqay in si deg deg ah ay isaga xiraan, kana furtaan Bankiga Dhexe ee Somaliya, oo si buuxdo kaga hawlgalo buu yiri Magaalada Muqdisho.



Dhanka kale bankiyada Salaam iyo Dahabshiil, ayaa waxa uu ku wargeliyay inay xiraan akoonada uga furan Saraakiisha iyo masuuliyiinta Dowladda, isagoona ku adkeeyay inay dhaqan geliyaan awaamiirtaan.



Axmed Cali Daahir oo la hadlay Radio Muqdisho oo afka Dowladda ku hadla, ayaa iftiimiyay in la dhameystiray qalabkii uu ku hawlgeli lahaa Bankiga Dhexe ee Somaliya, isla-markaana aan loo baahnayn in masuuliyiinta Dowladda, ay xisaabaadyo kale ka furtaan bankiyada gaarka loo lee yahay.





























































































Xuseen Yare Waash*toon
























































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

29/11/2014
Dagaal Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobalka Galgaduud

Dagaal Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobalka Galgaduud

ku dhawaad 16 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badana wey ku dhaawaceen ka dib dagaal shalay ka bilaawday hadana socda deegaanka Warshubo oo 100 KM Dhanka Waqooyi kaga aadan Degmada xarar dheere ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo dadka deegaanka iyo Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb dagaalka ayaa ha mid hada socda mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada kulmiye u sheegay in dagaalka uu shalay bilaawaday hadana uu socda.


dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad ku dhawaad 20 ruux oo labada dhinac ah waxaana dadka qaar dhaawacooda la geeyay isbitaalka Degmada Dhuusa Mareeb.


ilaa iyo hada ma jirto cid ka hadashay dagaalkaas marka laga reebo dadka deegan oo xaqiijiyay dagaalkaasi.


















































Xuseen Yare Waash*toon












































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

28/11/2014
DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Maanta Ciidamada AMISOM Lagu La Beegsaday Gobalka Shabellaha Hoose

DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Maanta Ciidamada AMISOM Lagu La Beegsaday Gobalka Shabellaha Hoose

Wararka ka imaanay Deegaanka Ambareesa ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Qarax miino lagula Eegtay halkaasi.


Dad Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ee Meelaha Fog Fog laga hago,waxaana la sheegay in Ciidamada oo Xiligaasi u socday Dhanka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.


Ilaa hada lama oga Khasaaraha Dhabtaa ee ka dhashay Qaraxa ka dhacay Deegaanka Ambareesa ee Gobolka Shabellaha Hoose loona dhigay Ciidamada AMISOM.


Sidoo kale Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu qoray in Gaari Booyad ah Ciidamada AMISOM laga Gubay islamarkaana Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM lagu dilay Qaraxa.














































Xuseen Yare Waash*toon

















































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

27/11/2014
Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Xildhibaanada Ka Biya Diidan Mooshinka Laga Keenay Xukuumada

Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Xildhibaanada Ka Biya Diidan Mooshinka Laga Keenay Xukuumada

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu Magaalada muqdisho kula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwooda ka soo horjeedo mooshinka laga keenay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.



Kulankaan, ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo Madaxweynuhu ka codsaday Xildhibaanada, in khilaafka taagan lagu dhameeyo wada hadalo, si aynaan u curyaamin hawlihii Dowladda.



Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan, ayaa la hadlay Warbaahinta ka dib kulankaan, iyagoona kaga warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo wixii leesku waafaqayba.



Xildhibaan Cabdi Barre, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu ugu yeeray in khilaafka taagan lagu dhameeyo wada hadal, iyadoo laga wada shaqeynaayo sidii ay h**ey ugu sii socon laheyd Dowladda Federalka.



Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu intaa ku daray inay soo dhaweynayaan baaqa uu u soo jeediyay Madaxweynaha, ayna arrintaan ahayd mid kol h**e la doonaayay in la sameeyo.



Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan, ayaa wuxuu isna sheegay in kulanka leesku faaqay inay guddi soo magacaabaan, uga qaybgalo wada hadalada lagu dhameynaayo khilaafka taagan, isla-markaana ay dhankoodu magacaabeen guddi shan xubnood ka kooban.



Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Magaalada Muqdisho ay ka soconayaan dadaalo lagu doonaayo in leeskugu soo dhaweeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya































Xuseen Yare Waash*toon







































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

27/11/2014
War Deg Deg Ah:Qarax Xoogan Oo Gaari Lagu Xiray Oo Galabta Ka Dhacay Degmada Shibis Ee Gabalka Banaadir

War Deg Deg Ah:Qarax Xoogan Oo Gaari Lagu Xiray Oo Galabta Ka Dhacay Degmada Shibis Ee Gabalka Banaadir

Qarax lagu Xiray Gaari ayaa Galabta ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,waxaana Qaraxa dhawaqiisa laga maqalay Xaafado kamid ah Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ku dhaawacmay Ninkii Gaariga watay,inkastoo aan wali la helin Cida uu u shaqeeyo Ruuxaasi la qarxiyay.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobta Durbadiiba gaaray,waxaana ay goobta ka wadaan Baaritaano Xoogan.





























































































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

27/11/2014
Madaxweynaha Puntlan C/weli Maxamed Cali Gaas Oo Maanta Gaaray Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntlan C/weli Maxamed Cali Gaas Oo Maanta Gaaray Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ahna xarun ganacsiyeedka Puntland.


Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland,Maamulka Gobolka Barri,Maamulka Degmada Boosaaso,Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada.


Intaas ka dib ayaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso waxana uu sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo u kuurgelida xaaladdaa Nabadgelyo iyo howlaha shaqo ee dawladda ee ka socda Magaalada Boosaaso iyo sidookale xog waraysi uu la qaadanayo mudada uu joogo bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan Gobolka Bari.






















































Xuseen Yare Waash*toon




















































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

27/11/2014
Maxamuud Xamed Nuur Tarsan Oo Muqdisho Ugu Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub

Maxamuud Xamed Nuur Tarsan Oo Muqdisho Ugu Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub

Xisbiga Cadaalada Bulshada ayaa maanta munaasabad daahfur ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho, Waxaana xisbigaas ku dhaaaqidiisa horkacaya gudoomiyihii h**e ee gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaano, gudoomiyeyaashii h**e ee gobolka Banaadir qaarkood, waxgarad, masuuliyiin, haween, culumaaudiin dhalinyaro iyo qeybo kale

Xubno ku hadlayey magaca qeybaha bulshada oo ka hadlay kulankaas ayaa ka waramay doorka muhiimka ah ee loo baahan yahay in axsaabta siyaasadda ay ka ciyaaraan sidii loogu gudbi lahaa doorasho iyo hanaan siyaasadeed oo qeyb weyn ka qaata dibu-dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas Xisbigu uu ku soo bandhigay qorshe howleedkiisa cusub oo uu kaga duwan yahay xisbiyada kale ee ka jira dalka kuwaasoo ku qotoma mabaa’dii salka ku haya sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa isku-filnaansho dhaqaale oo ku dhisan iyo cadaalad.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo ahaa gudoomiyihii h**e ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo munaasabadaas ka jeediyey khudbad dheer ayaa cadeeyay hadafka xisbiga.

“Xisbigan wuxuu xambaarsan yahay mabaa’dii rasmi ah oo salka ku heysa sidii loo soo afjari lahaa cadaalad xumada ka jirta Soomaaliya, oo nooc walba leh” ayuu yiri Tarzan oo sii raaciyay, “Waxaan aaminsan nahay in Soomaaliya aysan u baahneen in ay ku tiirsanaato waligeed kaalmo dibada looga keenay; dalkeena waa mid hodan ah, waxaana naga go’an in aan tayeyno kartida bulshada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga, una noqdaan bulsho iskufilan, oo leh waxsoosaar.”

Tarsan ayaa sheegay in xisbigan uusan aheyn xisbi qabiil ama mid goboleysi ku dhisan, balse uu yahay mid u furan iney xubno ka noqdaan Soomaalida oo dhan kuna saleysan mabaadi guud, wuxuuna xusay in dhowaan la qaban doono shirweynihii ugu h**eeyey ee xisbiga laguna dooran doono hogaanka xisbiga iyo maamulkiisa intaba.

Madasha shirka waxaa sugaan iyo erayo guubaabo leh kasoo jeediyay sugaan yahano Soomaaliyeed iyo waxgarad kale kuwaasoo hoosta ka xariiqay in la gaaray xiligii loo qumi lahaa xisbiyo siyaasadeed oo ku dhisan mabaa’dii qaran iyo midnimo.

Munaasabada daah-furka Xisbiga Cadaalada Bulshada ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska diiwaan galiyaan xisbiga oo dhawaan qorsheynaya in xarumo ka furto gobolada dalka.






















































Xuseen Yare Waash*toon



























































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

27/11/2014
Nabadoon Xaad Khilaafka Madaxweyaha Iyo Ra/Iisul Wasaaraha Wuxuu Mara Yaa Meeshii Ugu Sareysay

Nabadoon Xaad Khilaafka Madaxweyaha Iyo Ra/Iisul Wasaaraha Wuxuu Mara Yaa Meeshii Ugu Sareysay

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo cadeeyay inuu meeshii ugu sareysay gaaray khilaafka.


Waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay xaliyaan khilaafka, oo ay kala dhex galaan, isla markaana ay u galaan qaab dhaqan ahaan

“Wixii Soomaaliya soo kala dhex gala waligeed geed hoostiis ayaa lagu xalin jiray, Odayaasha Hawiye waxay ku dadaalayaan inay arrinta Khilaafka xal ka gaaraan si loo soo afjaro khilaafka Madaxda Dalka”ayuu yiri Nabadoon Xaad

Sidoo kale waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay hadii labada dhinac kala dhex galaan inay ku guuleysan karaan in la soo afjaro khilaafka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa khilaafkooda soo shaac baxay bishii h**e, iyadoo muddo bil uu ka soo wareegtay, waxaana khilaafka uu si aad ah u saameeyay hey’adaha dowladda.

Beesha Caalamka ayaa horay ugu guul dareysatay inay xaliyaan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Madaxweynuhu si cad u sheegay in aanu la shaqeyn karin Ra’iisul Wasaaraha oo ay tahay inuu meesha ka baxo.












































Xuseen Yare Waash*toon




















































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

27/11/2014
Xildhibaanno Ka Tersan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shegay In Oo Iscasilo Ra/Iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sh Axmed Maxamed Axada Ka Hor

Xildhibaanno Ka Tersan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shegay In Oo Iscasilo Ra/Iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sh Axmed Maxamed Axada Ka Hor

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Ra’iisul Wasaaraha Xukuamadda Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku joojiyay Mooshinka iyo Xildhibaanada Fowdada ka sameeyay Xarunta Baarlamanka Kulamadii la soo dhaafay.


Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo u hadlay Xildhibaanada ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Lumiyay Kalsoonidii iyo Wada Shaqeyntii Golaha Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo inta badan Golahiisa Wasiirada,waxaana uu ugu baaqay in uu si Deg Deg ah isku Casilo inta aan Codka Kalsoonida loo qaadin Axada Soo socota.


Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku Eedeeyay in uu si Bareer ah u been Tarjumay Warmurtiyedkii ka soo baxay Gudoomaiayah Baarlamaanka oo uu Qalad Warbaahinta uga Sheegay.













































Xuseen Yare Waash*toon



















































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

26/11/2014
Guryo Ay Lee Yihiin Saraakiil Ka Tirsan Al Shabaab Oo Maanta Lagu Gubay Degmada Buulo Burde

Guryo Ay Lee Yihiin Saraakiil Ka Tirsan Al Shabaab Oo Maanta Lagu Gubay Degmada Buulo Burde

Wararka ka imaanaaya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay sheegayaan in dadweyne gadoodsan, ay maanta dab qabadsiiyeen dhismooyin ku yaala Degmadaasi, oo ay lee yihiin Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.



Dadweynaha, ayaa waxay ka caroodeen guryo ay aroornimadii h**e ee saakay ay Shabaabku ku gubeen deegaanka Jameeco-shiin, oo 12km ka baxsan Degmadaasi Buulo Burde.



Dadweynaha, ayaa waxay ka caroodeen falalka guracan ay Shabaabku ku dhibaateynayaan shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, waxayna taasi keentay inay maanta ku dhiiradaan dab ay qabadsiiyaan, guryihii ay ka deganaayeen Buulo Burde.



Cismaan Geedi Cilmi, Duqa Degmada Buulo Burde oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ay dhibsadeen falalka guracan, ay Shabaabku ku hayaan shacbiga Somaliyeed.



Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee ku sugan Degmada Buulo Burde, ayaan is hortaag ku samayn in dadka rayidka ah ay gubaan guryihii ay maanta dabka qabadsiiyeen.



Tani, waxay ku soo aadeysaa, xilli Shabaabku ay toddobaadkii h**e dab qabadsiiyeen deegaanka Qabadane.


































Xuseen Yare Waash*toon




































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

26/11/2014
Mareykanka Oo Ugu Digay Muwaadiniitiisa Inay U Safraan Dalka Jabuuti

Mareykanka Oo Ugu Digay Muwaadiniitiisa Inay U Safraan Dalka Jabuuti

Wasaarada arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Jabuuti uga digtay dalka Jabuuti in ay Qatar uga imaato Al-Shabaab iyadoo amartay Muwaadiniinta us u dhshay inay aad isku ilalaiyaan.

Wasaarada ayaa sheegtay inay heleyso macluumaad isdabajoog ah oo qeexayay in dadka mareykanka ah ay wajihi doontaan Weerarao Argagaxisanimo.


“waxaan ogaanay in Aragagaxisado ay fulin rabaan Weerarao ay ku bartilmaameedsnayanaa danaha reer galbeedka iyo Mareykanka sidaa darteedna Dowladda jabuuti haka feejignaato arintaasi”


Wali Dowladda jabuui war k**asoo saarin digniintan cusub ee mareykanka uu kasoo saaray weerarao Al-Shababa ay ka geystaan dalkaasi iyagoo beegsanaya Muwaadiniinta mareykanka ah.


24-kii may ee sanadkan xili Habeen ah Labo Qarax oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Hotel ku yaala caasimadda Jabuuti waxaana sheegtay masuuliyada qaraxyadaasi Xarakada Al-Shababab ee Somaaliya ka dagaalanta.



























































































Xuseen Yare Waash*toon













































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

26/11/2014
Dacwad Lagu Soo Oogay Soomaaliya Ku Biitay Kooxda Isis

Dacwad Lagu Soo Oogay Soomaaliya Ku Biitay Kooxda Isis

Labo nin oo Soomaali ah ayaa lagu soo oogay dacwad ku aadan inay taageero u fidiyaan Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Andrew Luger ayaa dacwad ku soo oogay labo wiil Soomaali lagu kala magacaabo Cabdi Maxamuud Nuur oo 20-jir ah iyo C/llaahi Yuusuf oo 18-jir ah.

Inkastoo Maxk**ada uu ka soo muuqday C/llaahi Yuusuf ayaa hadana ruuxa kale ee Soomaaliga ah waxaa la sheegay in 29-kii bishii May inuu ku biiray ISIS oo uu aaday dalka Suuriya

Sida ku cad dacwadda la soo gudbiyey C/llaahi Yuusuf waxa uu iibsaday tikidh bishii May ee sannadkan isaga oo qorshaynayey inuu diyaarad ka raaco garoonka diyaaradaha ee Minneapolis una socday dalka Turkiga, waxayna sheegeen inuu tikidhka iibsaday iyadoo aysan waalidkiis ka warqabin inu safrayey.

Waxaa dawcadda ku qoran in Cabdullahai Yuusuf uu xiriir la leeyahay qof magaciisa lagu soo gaabiyey H.M oo h**e u deganaan jiray Minnesota oo haatana ka dagaalamaya dalka Siiriya. Waxa kaloo lagu sheegay in kaarka bankiga ee lagu iibiyay tikidhada Cabdullahai Yuusuf iyo H.M. iyo weliba tikidhka qof saddexaad oo u safray markii dambe Siiriya uu isku mid yahay.

Sidoo kale Cabdi Maxamuud Nuur waxay sheegeen inuu dalkan ka baxay bishii 29-kii May ee sannadkan, iyadoo ay ahayd inuu dalkan kusoo laabto 16-kii June balse uu soo laaban waayey.

Waxa la sheegayaa in Cabdi Maxamuud Nuur uuu xiriir la sameeyey dad ay ku xiriiraan Facebook uuna u sheegay inuu ku biiray “walaalihiisa”.

Waxa lagu sheegay inuu sidoo kale xiriir la sameeyey Maxamed Cabdullahi Miski oo ka mid ahaa Soomaalida h**ey u tagtay Soomaaliya ee ku biiray ururka al-Shabab.

Soomaali fara badan oo ku noolaa dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa bilihii lasoo dhaafay ku biiray Kooxda ISIS, iyagoo ka soo muuqday muuqaalo, iyagoo ka bar bar dagaalamaya.








































Xuseen Yare Waash*toon
























































Xafiiska Shabakada HiigsigaCusub
Muqdisho - Somalia
[email protected]
www.HiigsigaCusub.com

Address

Muqdisho
Muqdisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shabakada Hiigsiga Cusub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shabakada Hiigsiga Cusub:

Share



You may also like