![Maanta dunidu waxey uguurtey adeegsiga Garaadka macmalka ah ( Artificial intelligence ), waxaana khasab ah in loo jiheys...](https://img4.medioq.com/822/799/445556588227996.jpg)
20/06/2024
Maanta dunidu waxey uguurtey adeegsiga Garaadka macmalka ah ( Artificial intelligence ), waxaana khasab ah in loo jiheysto meesha ay usocoto, sidas darteed wa in aynu ka wada faaideysano, korna uqaadno ogaalka xirfadahas kuu diyaarin doona shaqooyinka mustaqbalka.
Waxaa xaqiiq ah in AI-ku saameyn weyn ku yeelan doono shaqooyin badan oo ay hadda bini'adamku qabtaan isagoo suuqa ka saari doona, si lamid ahna waxa uu abuuri doonaa fursado cusub.
Shabakadan searchlogistics.com waxey leedahay marka la gaaro 2030 qiyaastii in ka badan 20 million una dhiganta 8.5% oo shaqooyinka waxsoosarka ah in ay mesha ka bixi doonan, waxaana boosaskoda la wareegaya robots-ka ku shaqeeya AI, ayna ku khasbanaan doonan iney bartaan xirfado cusub oo ay shaqo ku heli karaan, sidoo kale AI-ku waxa uu fursado u abuuri doonaa siina xoojinayaa shaqooyinka skilled-ka ah.
Haddaba Dhalinyaro waa in aynu ku baraarugno isbedelkaas ay sameyneyso technolgyadu marba marka ka dambeysa.
Waxaa lgama maarmaan ah inan noqono dad open-minded ah, nafteena ku dhisno xirfado cusub, si fiicana isha loogu hayo dadka technologyada ku xeeldheer, si fursadahaas dalkeena iyo dadkeenaba looga wada faa'iideyo.
Noloshii danbena (aakhiro) xooga la saaro, cibaadada iyo alle ka cabsigana gacanta lgu hayo.
Abdinajib said