Amal Qaaje

Amal Qaaje Halkan waa Bogga Rasmiga ah ee ay Amal Qaaje ku leedahay barta Facebook. Waxaad kala socon doontaan warbixinno, waraysiyo iyo barnaamijyo kala duwan.

14/10/2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da'yarta Soomaaliyeed.

10/10/2024

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha shacabka BFS ayaa maanta yeeshay kulan looga arinsanayey Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee qaranka.

09/10/2024

Labada Aqal ee BJFS oo maanta la horgeeyay akhrinta 1-aad ee Warbixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyadeedka 2023, Iyo Akhrinta 1-aad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2025.

09/10/2024

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Iiman Cige ayaa Baarlamaanka labada Aqal u gudbiyay Miisaaniyadda 2025.

09/10/2024

Toos: Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee BJFS.

07/10/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la hadlay shacabka Soamaaliyeed, ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna soo bandhigay halka uu maraayo shirka Golaha ee maalmahaan ka socda Magaalada Muqdishu.

07/10/2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir- Beereedka iyo Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulan ku yeeshay xarunta golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyee...
07/10/2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulan ku yeeshay xarunta golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir- Beereedka iyo Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

05/10/2024

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegga iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

SHIRKII GOLAHA WASIIRADA SSC-KHAATUMO OO LAGU ANSXİYEY XEERAR MUHIIM AH.Laascaanood 03.10. 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka S...
03/10/2024

SHIRKII GOLAHA WASIIRADA SSC-KHAATUMO OO LAGU ANSXİYEY XEERAR MUHIIM AH.

Laascaanood 03.10. 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo mud: Cabdiqaadir Axmed Aw Cali ayaa guddoomiyey shirkii Golaha wasiirrada Maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu horrayn shirka ayaa warbixinno lagaga dhagaystay guddi hoosaadyada Golaha wasiirrada Gaar ahaan Guddiga Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Guddiga hoosaadka Amniga.
Sidoo kale kulanka ayaa lagaga dooday dhawr xeer oo ay soo gudbiyeen wasiirraddu. Kuwaas oo ugu dambayn dood dheer ka dib Goluhu Anxisiyey saddex xeer oo muhiim u ah maamulka, kuwaas oo kala ah:

1. Xeerka Rugta Ganacsiga
2. Xeerka Waxbarashada
3. wax ka bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka

Xeerarkan la ansixiyey ayaa ka mid ah kuwa hortebinta u leh maamulka islamarkaana Golaha Baarlamaanka loo gudbin doono si ay k**a dambaysta u ansixiyaan sidaasna ay u noqdaan dhaqangal.

02/10/2024

Toos: Kulanka Golaha Shacabka ee BJFS.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay ...
28/09/2024

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, waxaana ogolaatay 137-Xildhibaan, 2 Xildhibaannna waa ay ka aamuseen.

23/09/2024

Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay kulanka 25aad ee kalfadhiga 5aad.

Amal Qaaje

18/09/2024

Xildhibaan Maalik Cabdalla “Waxaan soo jeedinayaa in la iswaafajiyo Dastuurka iyo Sharcigaan si uusan mardanbe golaha ugu soolaaban.”

18/09/2024

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige oo Golaha Shacabka horgeeyey sharciga Lacag Dhaqista iyo ka hortagga Maalgelinta Argagixisada.

18/09/2024

Xildhibaan DR. Cilmi “Muhiimad weyn ayuu Qaranka u leeyahay Hindise Sharciyeedka Lacag Dhaqista iyo Maalgalinta Argagaxisadu.”

Waxaan tacsi uggu tagay qoyska allaha u naxariistee Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Faracadde, Alle samir iyo iimaan haka ...
18/09/2024

Waxaan tacsi uggu tagay qoyska allaha u naxariistee Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Faracadde, Alle samir iyo iimaan haka siiyo qoyska, qaraabada, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Alle jannatul Fardowsa haka waraabiyo marxuum Ugaas Cabdullahi.🤲

16/09/2024

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta akhrinta 1aad marsiiyay Hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo ay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

14/09/2024

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Da'uud Aweys Jaamac ayaa sharaxay qorshaha Dowladda ee horumarinta Dalxiiska Dalka.

10/09/2024

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee lagu naafeeyey Khawaarijta.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amal Qaaje posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share