Sooyaal

Sooyaal Page Kala Soco Warar Iyo Sheekooyin Xiiso Gaara Xambaarsan Guud Ahaan Dhulka Somalida Uga Bogo Madashaan Oo Nagu Soo Biir
(2)

29/06/2024

Wakaaladda wararka dawladda Ruushka ee TASS , ayaa ku warrantay ururka Jaamacadda Carabta inuu ka saaray liiska argagixisada ururka Xisbullah ee Lubnaan, oo ay liiska ku dareen sannadkii 2016, qaraar uu soo bandhigay Sacuudiga , iyadoo hadda kaaliyaha xog-hayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta , Hossam Zaki laga soo xigtay in Jaamacadda Carabta ay go’aamiyeen in ururkan laga saaro liiska argagixisada, sababo la xiriira in Xisbullah ay hadda sare u qaaday saameynteeda siyaasadda iyo inay door isbeddel ka qaadan karto dib u dhiska Lubnaan.

29/06/2024

Madaxweynaha Mauritania, oo ah guddoomiyaha kalfadhiga hadda ee Midowga Afrika, Ould Cheikh Ghazouani ayaa mar kale u tartamaya xilka madaxweynaha dalka ku yaalla gobolka saxaraha Afrika ee Mauritania, iyadoo dadweynaha ay maanta u dareereen goobaha cod bixinta doorashada.

Waa xaalad dhif ah in madaxweyne haya xilka guddoomiyaha kalfadhiga Midowga Afrika inuu doorasho u tartamo, waxaana la is waydiinaya waxa ay sameynayaan Midowga Afrika haddii doorashada looga guuleyso Ghazouani iyo isagoon xil hayn sida uu u guddoomin karo shir weynaha Midowga Afrika ee ay isugu yimaadaan hoggaamiyayaasha dalalka Afrika.

29/06/2024

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay xuska sannad guurrada xoriyadda Jabuuti , ayaa sheegay in Geeska Afrika ay ka jiraan qalalaaso sababay xasillooni darro, hadalkan oo uu sheegay xilli Jabuuti ay guddoomiso urur-gobolleedka IGAD, wuxuuna ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed oo lagu ixtiraamo danaha iyo madax-bannaanida labada dal, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in dalkiisu laba-jibaari doono hindisaha la xiriira joojinta colaadda Suudaan, isagoo la tashanaya dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda iyo bahwadaagta si loo soo celiyo nabadda Afrika.

29/06/2024

Taliyaha guutada 12 ee ciidanka Israa’iil oo howlgal ka wada Rafah, ayaa qirtay dagaal adag oo jabhadeyn ah inay kala kulmayaan dagaalyahannada Falastiiniyiinta, isagoo intaa ku daray; “ Qof kasta oo u maleynaya sannadka soo soo socda gudahiisa in lagu joojin karo dagaalkan, wuxuu indhaha ka ridaya ciidanka.”

29/06/2024

Markii ugu horreysay, Xuutiyiinta ayaa beegsaday markab laga leeyahay dalka Turkiga oo qaada shidaalka ee Waler, iyagoo ku eedeyay inuu jebiyay shuruudaha xannibaada ee shirkadaha iyo maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ama u socda dekedaha Israa’iil.

29/06/2024

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa ku casuumay Kampala taliyaha ciidanka militariga Suudaan , Jen. Abdel Fattah iyo taliyaha RSF, Muhammad Hamdan Dagalo, iyadoo la isku dayayo in la helo hannaan wada-xaajood oo lagu joojiyo dagaalka burburka u horseedan Suudaan.

28/06/2024

Howlgallada ay Al Qassam ku qarxinayaan taangiyada Israa’iil oo muuqaal laga soo bandhigay , waa howlgallo si wanaagsan loo qaabiyay, maalmo ayaanna lala soconaya dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo la qarxinayo marka lagu oggaado inay ciidan saaranyihiin!

28/06/2024

Kafaa iidayso lanbarkaan
0613666333 qiimuhu waa laba boqol OO dolar

Donald Trump oo markale u sharaxan inuu ku soo laabto madaxtinimada Mareykanka ayey soo laabashadiisa walaac badan ku ha...
28/06/2024

Donald Trump oo markale u sharaxan inuu ku soo laabto madaxtinimada Mareykanka ayey soo laabashadiisa walaac badan ku haysaa soo galooti badan oo ay ku jiraan Soomaalida darbiga ka boodday iyo kuwa hadda ku wajahan.

In ka badan 6.3 Milyan oo qof oo muhaajiriin sharci daro ah oo ka gudbay xadka ayaa la xiray muddada uu xilka hayo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Bishii 12-aad ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2023 ayaa jabisay rikoorkii billaha ahaa ee ugu badnaa, dadka ka gudbaya xadka ee ay la kulmaan ciidamada ilaalada xuduudaha, taasi oo gaartay 250,000 qof.

Trump ayaa ku eedeeyay Biden qul-qulka soo galootiga sharci darada, waxaana uu ballan-qaaday maalinta ugu horreysa ee uu xilka qabto inuu albaabada u laabayo xadka, sidoo kalena uu Mareykanka ka masaafurinayo Malaayiin sharci daro ku jooga.

28/06/2024

Dhab ahaantii dimuquraadiga Mareykanka , wuxuu la kulmay burburkii ugu xoogana taariikhda— dooddii xalay ee Biden iyo Trump , waxay hadda ku riixeysa dimuquraadiga inay ku cadaadiyaan Biden inuu ka baxo doorashada oo ay la yimaadaan musharrax kale!

28/06/2024

Mareykanka waxaa laga yaaba inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya , sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daaciish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Botswana, wuxuu intaa ku daray ; “Waxaan sii wadayna daawashada tan , annaga oo qiimeynaya waxa Daaciishta Soomaaliya ilaa hadda sameyneyso.”

Hadalkan, wuxuu sheegay lix maalin kaddib markii sarkaalkan uu aagga la ilaaliyo ee Xalane oo ku yaalla Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga, markaa lama soo bandhigay warbixin faahfaahin ka bixinaysa kulanka.

27/06/2024

Kenya ma jirto wax isbeddel ah oo ka dhashay sharcigii maaliyadda ee madaxweyne Ruto uu dib u celiyay, kaaso dhaliyay isku soo baxyo aan h**ey loo arag oo ka dhacay Nairobi iyo magaalooyinka kale , iyadoo ay wali sii socdaan mudaaharaadayaasha oo ku hanjabaya inay tagi doonan xarunta madaxtooyadda ee uu ku suganyahay Ruto, hadda tan ma jirto cid sharraxaad ka bixisay, isku soo baxyadana waxay isku beddeleen kuwa siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu gaaro kursiga Ruto. Dadka mudaaharaadaya ayaa hadda ku dhawaaqaya“Ruto waa inuu tagaa, Ruto waa inuu tagaa!”

27/06/2024

Ciidanka Israa’iil ayaa dhimasho iyo dhaawac kala kulmaya goobo ka baxsan Qasa, iyadoo warbixin ay soo saareen ciidanka Israa’iil oo ay baahisay Al Jazeera lagu sheegay in 22 askari looga dhaawacay weerarro ay kala kulmeen Jenin iyo xadka waqooyi ee Lubnaan 24-kii saac ee la soo dhaafay.

26/06/2024

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen , ayaa baahiyay muuqaalka labo gantaal oo ah noocii u horreyay ee hypersonic oo Yemen lagu sameeyay oo ay ku weerarreen markab ay Israa’iil leedahay oo ku sugnaa badda Carabta .

26/06/2024

Kuuriyada Waqooyi ayaa u diri doonta magaalada Donetsk oo Ruushka uu ka qabsaday Ukraine cutub ka tirsan ciidanka injineerada. Si la mid ah sida Iran ay ugu dirtay la-taliyayaal farsamo Crimea oo ay weheliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Waqooyiga Kuuriya waxay isku daraysa wareejinta hubka iyo joogitaanka ciidanka ee furimaha dagaalka.

Tani waxay muujinaysaa wixii ay Waqooyiga Kuuriya ka samaysay Suuriya iyo Zimbabwe.

Pentagon-ka ayaa horay uga digay suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ciidammo u dirto furimaha dagaalka Ruushka uu ka wado dhulka Ukraine.

26/06/2024

Xaaska Netanyahu ,Sara Netanyahu ayaa sheegtay in madaxda ciidamada Israa’iil ay doonayaan inay afgambi ku sameeyaan ninkeeda. Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in kulan gaar ah oo ay la yeelatay Sara qoysaska maxaabiista toddobaadkii h**e,inay dhowr jeer sheegtay in aysan ku kalsoonayn saraakiisha sare ee ciidamada Israa’iil.

25/06/2024

Dalka Kenya , ayaa wajahaya mid ka mid ah qalalaasihii ugu darnaa, iyadoo dhallinyaro toddobaadyo waday bannaanbaxyo ay ku diidanayeen sharciga canshuurta dheeraadka ah ee maamulka William Ruto uu soo saaray ay maanta u daateen xarunta Baarlamaanka oo ahayd in la geeyo. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay rasaas nool nool oo ay maanta Booliska u adeegsadeen mudaaharaadayaasha gudaha u galay xarunta Baarlamaanka.

Hay’adda Amnesty ayaa u sheegtay CNN inay laamaha ammaanka Kenya xalay xireen 12 qof oo ka mid ah dadka caanka ah ee baraha bulshada, kuwaaso looga shakisanyahay inay bannaanbaxyada abaabulayaan.

25/06/2024

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Andrey Rudenko ayaa ku dhawaaqay inay Moscow dhowaan la saxiixan doonto Tehran , heshiis dhammeystiran oo u dhigma heshiiskii Pyongyang. Wuxuu caddeeyay shaqada qoraalka heshiiska iskaashiga dhammeystiran ee Iran inay ku dhowdahay in la dhammeystiro.

Iran , ayaa taageerro dhammeystiran oo militari siisay Ruushka inta uu socdo dagaalka Ukraine , iyadoo gaarsiisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada riddada dhexe , waxaana loo arkaya marxalad isbeddel oo dunidda ku dhacaysa , haddii Ruushka iyo Iran ay gaaraan heshiis iskaashi dhammeystiran, kaa oo qodobbada ku jira ay noqon karaan labada dal inay si wadajir ah uga jawaabi karaan , haddii midkood weerar uu la kulmo.

Toddobaadyo ka hor , markii Kim Jong Un uu la saxiixayay heshiiska Putin, wuxuu caddeeyay inay dunidda galayso isbeddel awoodeed oo dhab.

22/06/2024

Mareykanka wuxuu siiyay Israa’iil ballanqaad la xiriira haddii uu dhaco dagaal ba’an oo ay la galaan Xisbullah inuu si buuxda u taageerri doono.

Iyadoo ballanqaadkan uu jiro , hadana wali wuxuu raadinaya Mareykanka hannaan diblomaasiyadeed oo hoos u dhigaya weerarrada Xisbullah ay ka geysanayso dhulka ay Israa’iil haysato ee waqooyiga.

21/06/2024

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika
ayaa taageeray in la dhiso howlgal cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya , sababo la xiriira in howlgalka hadda ee ATMIS la soo gabagabeyn doono bisha December , 2024. Howlgalkan cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ayaa diiradda saari doona inuu dawladda Soomaaliya ka taageero xoojinta la-dagaalka AS, lana sugo amniga iyo in laga caawiyo Soomaaliya xasillinta iyo amniga.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika waxay u baahanyihiin in qaab dhismeedka iyo ciidanka cusub ee qaybta ka noqonaya howlgalka Soomaaliya loo diro Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si ay u ansixiyaan.

21/06/2024

Sarkaalka Maraykanka ah ee u dhashay Israa’iil isla markaana ah la-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka, Amos Hochstein ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Saraakiisha Sare ee Lubnaan, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaare Najib Mikati iyo Afhayeenka Baarlamaanka Nabih Berri, in Israa’iil ay isu diyaarinayso inay billaaban duullaan xaddidan oo ka dhacaya Koonfurta Lubnaan,iyadoo ujeeddadu tahay in la riixo Xisbullah. Hochstein oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay filayaan in duullaanka la billaabo 5-ta toddobaad ee soo socda, haddii aysan Xisbullah joojin weerarrada,isagoo intaa ku daray inuu Mareykanka taageeri doono duulaanka Israa’iil, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed, sida uu soo bandhigay wargeyska Middle East Eye.

21/06/2024

Israa’iil ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah taangiyadooda ku sugan Qasa inuu madaafiic ku riday goobaha ay ku badanyihiin Israa’iiliyiinta, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay dhacdadaan ku sheegtay duqeyn si khaldan u dhacday.

Dhacdadaan waxaa la soo wariyay , iyadoo taangiyada Israa’iil ay kala kulmayaan kooxaha Falastiiniyiinta Qasa , weerarro gaadmo ah oo aysan h**ey ugala kulmin, kuwaaso u dhacaya bambooyin lagu xirayo taangiyada Israa’iil oo qarxaya marka ay askarta soo fuulaan, weerar kan la mid ah ayaa shalay dhacay , sidoo kale saakay ayaa la soo warinaya inay howlgalkan oo kale fuliyeen Falastiiniyiin , waxaana lagu dilay saraakiil iyo askar Israa’iiliyiin ah.

21/06/2024

Putin ayaa maanta ku dhawaaqay isbeddel ay ku sameynayaan nukliyeerka si loogu beddelo hub fudud oo loo adeegsan karo dagaalka, tan oo xataa uu sheegay reer galbeedka inay ku howlanyihiin, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu caddeeyay in khubarada reer galbeedku ay u arkaan in ay suurtogal tahay in nukliyeerka loo isticmaalo dagaal caadi ah, taa oo uu sheegay isbeddellada suurtagalka ah ee istaraatiijiyadda oo Ruushka uu ku sameynayo nukliyeerka si uu dagaallada ugu adeegsado inay la xiriira.

20/06/2024

Saraakiisha Mareykanka ayaa walaac weyn ka qaba in haddii uu dhaco dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah, inay Xisbullah ka adkaan karto difaaca cirka Israa’iil ee waqooyiga - oo ay ku jiraan nidaamka difaaca hawada Iron Dome, sida ay sheegtay CNN oo xiganaysa saddex sarkaal oo Mareykan ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale xaqiijisay inay Israa’iil dhankeeda la wadaagtay Mareykanka cabsida ay ka qabaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyahan lahayn ee Xisbullah inay ka soo gudbaan nidaamka difaaca oo ay ku dhacaan bartilmaameedyadooda, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in hannaankeeda difaaca ee yaalla koonfurta Qasa u wareejin doonto waqooyiga.

Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa u sheegay mid ka mid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee Carabta oo ...
20/06/2024

Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa u sheegay mid ka mid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee Carabta oo uu la kulmay intii uu ku jiray booqashadii u dambeysay ee bariga dhexe , inay Israa’iil ka go’antahay inay weerarto Xisbullah oo ay gudaha u gasho Lubnaan,sida ay soo bandhigtay shabakadda CNN, oo inta ku dartay in ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen Wasiirka Carbeed inuu ugu jawaabay Blinken inaysan Xisbullah joojin doonin weerarrada Israa’iil illaa laga joojiyo dagaalka Qasa.

20/06/2024

Badeecadaha Turkiga ayaa wali gaara Israa’iil, iyadoo laga dhoofinayo dekedaha Giriiga , kaddib markii Ankara ay ku dhawaaqday bishii May joojinta ganacsiga tooska ah ee u dhaxeeya Turkiga iyo Israa’iil, sababo la xiriira duulaanka Rafah, balse warbixin uu baahiyay wargeyska Middle East Eye oo xiganaya xogta xafiiska tirakoobka dhexe ee Israa'iil (CBS) ayaa lagu muujiyay in Israa'iil ay Turkiga kala soo degtay alaabo qiimaheedu dhan yahay $116m bishii May, taasoo ka dhigan in 69 boqolkiiba ay hoos uga dhacday $377m oo Turkiga uu u dhoofiyay Israa’iil isla bishii May ee sannadkii h**e.

Si kastaba ha ahaatee, labo ganacsade oo Turkish ah oo fududaynaya ganacsiga u dhexeeya Turkiga iyo Israa'iil ayaa ku wargeliyay wargeyska Middle East Eye in tan iyo horraantii May, alaabta Turkiga laga dhoofinayay Giriiga iyo dalalka kale ee u dhow si ay u gaaraan Israa'iil.

20/06/2024

Ra'iisul wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa noqon doona Xoghayaha Guud ee xiga ee NATO, isaga oo lagu wado inuu beddelo Xoghayaha Guud ee hadda, Jens Stoltenberg oo jagadan hayay tan iyo 2014.

20/06/2024

Kenya ayaa hadda helaysa iskaashiga ugu sarreeya ee reer galbeedka, kaddib iskaashii dhawaa oo Mareykanka ay wada gaareen, taa oo u oggalaanaysa Washington, inay ka hesho saldhigyo iyo xarunta amni , waxayna u aqoonsadeen Kenya dal ka mid ah xulafadooda aan ka tirsanayn NATO.

Mareykanka , wuxuu ogyahay iskaashigaa inay Kenya dhaxal-siin karto cadaawad, si taa looga gaashanto waxay horumarinayaan laamaha ammaanka Kenya oo sirdoonka ugu horreyo, sidoo kale Kenya ayaa dhowaan la soo bandhigay inay heshiis ay ku soo iibsanayso nidaamka difaaca hawada la galayso Israa’iil , si ay u hesho gantaalada ka hortagga weerarrada, tan oo la aaminsanyahay inuu Mareykanka door ku leeyahay.

20/06/2024

Feeryahanka caanka ah ee Jeff Monson, ayaa qaatay Diinta Islaamka. Wuxuu ahaa Mareykan wixii ka horreyay 2023, markaa oo uu dib u celiyay Baasaboorka Mareykanka , isagoo noqday muwaadin Ruush ah , halkaa oo uu deggay. Wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka la xushmeeyo ee tartamada feerka oo uu ku jiro midka miisaanka culus, isagoo muddadaa uu xirfadan ku soo jiray tan iyo 1997 guulo badan gaaray. Hadda isagoo deggan Ruushka ayuu qaatay Diinta Islaamka oo ah diinta dadka ugu badan caalamka ay saacad walba qaataan, iyadoo dadka ugu badan ee Diinta Islaamka qaadanaya ay yihiin shaqsiyaadka caanka ah ee adduunka.

19/06/2024

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in saraakiisha ciidanka Israa’iil oggolaadeen qorshe howlgal oo lagu weeraro Lubnaan ; “Iyada oo qayb ka ah qiimaynta xaaladda, qorshayaasha hawlgelinta ee weerarrada Lubnaan waa la ansixiyay, waxaana la qaatay go'aamo ku saabsan sii wadida kordhinta u diyaargarowga ciidamada goobta.” ayaa lagu yiri warbixinta Reuters ay ka soo xigatay saraakiisha Israa’iil.

Si tartiib tartiib ah xiisadda Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare u kacaysa, tan oo ka dambeysay, markii ay Xisbullah si is daba-joog ah oo awood leh ay u weerartay saldhigyada iyo deegaannada Israa’iil ee ku dhow xadka Lubnaan ….Israa’iil miyay awoodda inay gudaha u gasho Lubnaan oo ay gaarto saldhigyada Xisbullah?

Address

Shakuule Media
Mogadishu
SHAKUULEMEDIA

Telephone

+252615545481

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sooyaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sooyaal:

Videos

Share