Gobaad Media

Gobaad Media Gobaad Media, warar sugan, xogo ka daahsoon & Barnaamijyo ku xiiso galiya.
(5)

Sawiro: Dooda Shirka Dhisida u adkaysiga xaalada adag ee Puntland.
05/11/2024

Sawiro: Dooda Shirka Dhisida u adkaysiga xaalada adag ee Puntland.

Shirka madasha dhisidda adkeysiga Puntland oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa ka socota magaal...
05/11/2024

Shirka madasha dhisidda adkeysiga Puntland oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa ka socota magaalada Garoowe.

Xisbiyada Kaah,Mideeye,Runcad iyo Shaqaalaha ayaa ku heshiiyay dhismaha golayaasha deegaanka saddexda degmo ee gobolka N...
03/11/2024

Xisbiyada Kaah,Mideeye,Runcad iyo Shaqaalaha ayaa ku heshiiyay dhismaha golayaasha deegaanka saddexda degmo ee gobolka Nugaal

Warsaxadeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxaa soo gaaray caawa oo ay taariikhdu tahay 02-11-2024, Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee ku aadan Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal.

Heshiiska Xibsiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa ku dhisan isbahaysi sida uu qabo Qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka farqaddiisa 2-aad. oo u dhigan sidaan:-

Haddii Xisbina ku guulaysan waayo tirada xubnaha ku filan in uu soo dhisto Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, sida ku xusan farqadda 1-aad, waxay samayn karaan Xisbiyadu is bahaysi si ay u helaan aqlabiyad ay ku soo dhistaan Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

Haddab, Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa u dhigan sidaan hoose:-

1. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah iyo Mideeye waxay ku heshiiyeen:-

A. In Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Kaah).

B. In Maxamed Axmed Saalax uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Mideeye).

2. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha waxay ku heshiiyeen:-

A. In Xaamid Axmed Xaaji Maxamed uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Dangorayo. (Xisbiga Kaah).

B. In Axmed Ciise Saciid uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangarayo. (Xisbiga Mideeye).

3. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay Heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha. Waxay ku heshiiyeen.

A. In Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah).

B. In Maxamed Cali Maxamed (Xamari) uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah).

Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay wadatashi kooban kadib, dhakhso u soo saaraysaa jadwalka Dhaarinta iyo Fariisinta Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

02/11/2024

DEG-DEG: Madaxweynaha Soomaliya ayaa maanta khudbad ka jeedin doona Barlamaanka Soomaliya.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Osman  Lugatoor, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay qor...
29/10/2024

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Osman Lugatoor, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay qorshaha diiwaangelinta dadweynaha Puntland oo muddo laga soo shaqeynayey, kaasi oo Dowladda Puntland ay ka taageerto Dowladda Talyaaniga, iyadoo Kulanka uu ka qeybgalay Safiirka Italy ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada la qabtay ee lasoo bandhigay iyo tan la qorsheeyay ee ku saabsan hanaanka diiwaangelinta dadweynaha Puntland. Wuxuu muujiyey in habkan ay Puntland kala mid noqonayso wadamada horumaray isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga doorkooda barnaamijkan.

Qorshaha diiwaangelinta dadweynaha Puntland oo ah mid qofkasta loogu sameynayo (Tirsi) Lanbar u gaar ah ayaa lagu billaabaya Caasimadda Garoowe kadibna laga wada hirgelinayaa guud ahaan Puntland, waxaa sidoo kale ka mid ah qorshaha in sumad aqoonsi loo sameeyo Guryaha iyo Wadooyinka magaalooyinka.

Waxaa munaasabadda kasoo qeybgalay Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo Marti sharaf kale .

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 28 October, 2023 u furay 17 ka mida hawlwadeenada warbaahinta degmooyinka ...
28/10/2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 28 October, 2023 u furay 17 ka mida hawlwadeenada warbaahinta degmooyinka Garowe, Qardho, Waaciye iyo Carmo tababar socon doona saddex maalmood.

Gudoomiyaha MAP Maxamed Caynsane ayaa sheegay in wejiga labaad ee tababarkan lagu xoojinayo aqoonta warbaahinta ee ku aadan maareynta khatarta musiibooyinka, Waxana uu raacshay inta uu socdo in saxafiyiintu isla qorsheyn doonaan mawaadiicda mudnaanta u leh tebinta warbaahinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Puntland Eng. Maxamed Ciise Cismaan ayaa si rasmi ah u furay, waxana uu tilmaamay in bogaadin mudan tahay talabaada MAP ay sare ugu qaadeyso xirfada warbaahinta gaar ahaan dhinacyada taabanaya nolosha dadka iyo wacyiga bulshada.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay xeerka hellida xogta ee dhowaan wasaaradu soo saartay, isagoona ku booriyay warfidiyeenka inay uga faa’ideystaan xog raadinta sida ugu haboon.

Barnaamijka Danwadaag oo sanadkii 3aad ka socda degmooyinka Garowe iyo Qardho ayaa sanadkan lagu soo daray Degmooyinka Waaciye iyo Carmo, waxana maamulada dowladdaha hoose, bulshada deegaanka iyo warbaahinta kor loogu qaadayaa fahankaooda iyo diyaar-garowgooda ku aadan maareynta khatarta musiibooyinka(DRM).1

26/10/2024

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni oo ka digay go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka.

26/10/2024

Toos Garowe: Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo maanta furmay.

26/10/2024

TOOS :- FURITAANKA KALFADHIGA 55AAD EE GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND

26/10/2024

TOOS :- FURITAANKA KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND

Ninkii ugu darajada sareeyey dhanka ciidanka Somalia general bashiir goobe oo kasoo muuqday shir ay yeesheen haweenka ca...
24/10/2024

Ninkii ugu darajada sareeyey dhanka ciidanka Somalia general bashiir goobe oo kasoo muuqday shir ay yeesheen haweenka caalamka ,kasoo looga hadlayey dhalmada dumarka iyo umulisooyinka goobe ayaa somaliya ku matalayey shirkaan .

24/10/2024

Dowlada Somalia ayaa dalka dib ugu soo celisay 191 dhalinyaro Somaliyeed oo laga soo saaray xabsiyada dalka libiya.

24/10/2024

Olale nadaafadeed ayaa sakaa ka bilowday magaalada Garowe Maayerka magalada ayaa shalay ku baaqay isu soo bax nadaafadeed.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Mundane Siciid Jaamac Qorshel, ayaa si rasmi ah u daahfuray mashiinka ogsajiinta...
23/10/2024

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Mundane Siciid Jaamac Qorshel, ayaa si rasmi ah u daahfuray mashiinka ogsajiinta cusub ee ay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ugu deeqday gobolka Haylaan. Qalabkan muhiimka ah ayaa gacan ka geysan doona bixinta adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, si loo daboolo baahiyaha caafimaadka bulshada ee gobolka.

War Cusub : gabar 11 nin ku guursatay mudo 3 bilood ah oo Police-ka Dalka Jabuuti xabsiga dhigeen
23/10/2024

War Cusub : gabar 11 nin ku guursatay mudo 3 bilood ah oo Police-ka Dalka Jabuuti xabsiga dhigeen

Guddoomiyihii Waxbarashada degmada Eyl ayaa hadda xabsiga la dhigay,ka dib markii lagu eedeeyay in uu Schoolkii Baday uu...
23/10/2024

Guddoomiyihii Waxbarashada degmada Eyl ayaa hadda xabsiga la dhigay,ka dib markii lagu eedeeyay in uu Schoolkii Baday uu geeyay kuraas bur-bursan.

Address

Makka Al-Mukarama
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gobaad Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gobaad Media:

Videos

Share