ENG FANAX

ENG FANAX Wararka ugu danbeeya ee Technologiyada ka daalaco Halkaan

Allaha u naxariisto sawirkaan, Waxaa lagu qaaday magaalada Baydhaba. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu noqday hogaam...
22/10/2024

Allaha u naxariisto sawirkaan, Waxaa lagu qaaday magaalada Baydhaba. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu noqday hogaamiye kooxeed oo hogaaminaya beeshiisa. Maalin kadib, waxaa laga tallaabshay xadka Soomaaliya iyo Kenya, ugu dambeyn wuxuu tagay Nigeria halkaas oo uu ku dhintay 21-kii Oktoobar 1969. Maalinkaasi wuxuu astaan u tahay maalinka dowladnimada iyo kala dambeynta Soomaaliya luntay madaxweynihii ugu dambeeyey ee shacab doorateen Cabdi Rashid Cali Sharmaarke Ciidamada Xooga Dalka ayaa dilay kadib, dalka afgambi ku qabsadeen, dastuurka laaleen xireen dhamaan xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Soomaaliyeed. Kacaanku wuxuu dhalay jamhado, waxaana jamhadahaas ee dhaleen hogaamiyo kooxeedyo. Hogaamiye kooxeedkaas waxee sidoo kale dhaleen xaalada hada lagu jiro iyo kala qeybsanaantan. Cida kacaan kuu amaanta ma ogtahay in dowladnimadii rayidka iyo kala dambeynta ee kudhimatay gacantii kacaanka

MA OGTAHAY!Haddii aad u malaysay in smart tv-ga guriga kuu yaal aad adigu daawanaysid, waad qaldan tahay!Ma ogtahay in t...
21/10/2024

MA OGTAHAY!

Haddii aad u malaysay in smart tv-ga guriga kuu yaal aad adigu daawanaysid, waad qaldan tahay!

Ma ogtahay in telefishinnada cusub (smart tv) ay ku rakiban tahay caamarad meel kasta oo dunida guudkeeda ah adiga iyo cidda kula joogta la idinka daawan karo?

Smart tv waxa uu sifahaas kala mid yahay smart phone iyo laptop, dhammaan waxaa ku rakiban kaamarad qarsoon oo shaqaynaysa xitaa haddii ay dansan yihiin, lagana daawan karo oo laga maqli karo wax kasta oo qofka daawadaha ismooda iyo inta qolka kula jirtaa ay samaynayaan ama ku sheekaysanayaan.

Dhallinyarada kolka ay keligood qolkooda ku jiraan, daawada website-yada laga soo daayo aflaanta akhlaaq xumada ah, waxan u sheegayaa in waxa ay daawanayaan lala daawanayo.

Waxa kaaga sii daran, haddii qolka jiifka smart phone, smart tv ama laptop uu yaallo, xitaa haddii uu dansan yahay, ogoow in adiga iyo xaaskaaga baashaalkiinna la daawanayo. ๐Ÿ˜ฑ๐Ÿคฏ๐Ÿ˜Ÿ๐Ÿ˜ณ๐Ÿ˜ฒ๐Ÿ™€

Run hamoodin

Waa kafran ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ

11/07/2024

Si la mid ah in kombiyuutarku aanu shaqayn karin si sax ah adigoon cusboonaysiin software-kiisa,

Waa inaad sidoo kale diyaar u tahay inaad maskaxdaada ka tirtirto qaar ka mid ah fikradaha duug ah oo kugu rakiban lana timaadaada fikrado cusub.

Elon Musk oo ah masuulka sare oo ka tirsan X ayaa ku eedeeyay WhatsApp ammaan la'aanteeda dhanka xogta ah, isaga oo ku c...
09/07/2024

Elon Musk oo ah masuulka sare oo ka tirsan X ayaa ku eedeeyay WhatsApp ammaan la'aanteeda dhanka xogta ah, isaga oo ku calaamadiyay barnaamijka fariimaha Whatsapp-ka 'spyware'.

Musk ayaa ka tala dhiibtay qoraal Sabtidii, kaas oo lagu waydiiyay, 'haddii fariimaha WhatsApp ay yihiin kuwo biloow ilaa dhammaad sir ah, Musk aya yiri maxaan u arkaa xayeysiisyada is daba jooga ee iso dhaca?' Musk oo hadalkiisa sii wasa ayaa si fudud ugu yiri, 'Sababtoo ah waa spyware'.

03/07/2024

Xog ku saabsan Applicationka Soomaalidu aadka u isticmaasho ee Kuex Iyo qataraha laga filan karo.

Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, โ€œHadii aad Muuska iyo lacagta aad hor dhigto daanyeerka, daanyeerka ayaa si fudu...
01/07/2024

Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, โ€œHadii aad Muuska iyo lacagta aad hor dhigto daanyeerka, daanyeerka ayaa si fudud u dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagtu ay muus badan ku iibsan karto.

Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaarka. Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtoo ah dadka saboolka ah oo aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi. Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa ay iskuulka ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushaar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.

Faa'iidada aad ka sameyneysid Ganacsiga ayaa ka fiican mushaharka sababtoo ah mushaharku wuu ku taageeri karaa noloshaada dhow, laakiin faa'iidada aad ka heshid Ganacsiga waxeey kaa dhigi karta hantiile ama maal-qabeen

MAXAY KULA TAHAY ADIGA?

Kawaran hadaad gadan lahaad only $100 Maanta imisaad haysan lahad๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
30/06/2024

Kawaran hadaad gadan lahaad only $100

Maanta imisaad haysan lahad๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡

๐——๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฝ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฟ๐˜†๐—ฝ๐˜๐—ผ๐—ฐ๐˜‚๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ๐—ป๐—ฐ๐˜†Inkastoo hoos u dhac wayn laga dareemaayo lacagaha crypto-d...
29/06/2024

๐——๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฝ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฟ๐˜†๐—ฝ๐˜๐—ผ๐—ฐ๐˜‚๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ๐—ป๐—ฐ๐˜†

Inkastoo hoos u dhac wayn laga dareemaayo lacagaha crypto-da ah sida Bitcoin iyo Altcoins-ka kaleba hadana waxaa sare u kacay lacagaha meme- coinska loo yaqaan gaar ahaan kuwa ku saabsan labada siyaasi ee Donald Trump iyo Joe Biden, taasoo muujinaysa isbedel aan degganayn laakiin caan ah oo ka jira suuqa cryptocurrency. H**e ayaan mawduuc uga samaynay warbixin ku saabsan memo coin.

Hadaba Lacagaha meme-ka ee ku lagu dhisay magaca Trump ayaa aad uga sarreeya kuwa la lagu dhisay magaca Biden. Sare u kacani wuxuu inta badan la xidhiidhaa awooda dhanka warbaahinta ee Trump iyo maalgashiga istaraatiijiyadeed ee shirkadaha sida Mechanism Capital, oo dhawaan ku dhawaaqay maalgashigeeda lacagaha la xidhiidha Trump.

Lacagahan waxay noqdeen kuwo caan ah sababtoo waxaa dabada ka riixaaya oo dhaqaajinaaya siyaasadda, warbaahinta, iyo dadka caanka ah. Laakiin waa muhiim in la ogaado inay yihiin maalgashi halis badan.

27/06/2024

Fiiri farqiga u dhaxeeyo qiimaha Bitcoin marka loo eego Iphone iyo isbedelka aadka u weyn u dhaxeeyo.

iPhone 4s: 162 BTC
iPhone 5: 53 BTC
iPhone 5s: 5 BTC
iPhone 6: 1.7 BTC
iPhone 6s: 2.8 BTC
iPhone 7: 1.1 BTC
iPhone 8: 0.19 BTC
iPhone X: 0.14 BTC
iPhone XS: 0.15 BTC
iPhone 11: 0.068 BTC
iPhone 12: 0.051 BTC
iPhone 13: 0.018 BTC
iPhone 14: 0.042 BTC
iPhone 15: 0.031 BTC

An example of why it's worth saving in bitcoins.

Aasaasaha ChatGPT -OpenAI ayaa ku dhawaaqay browser la tartame doono Google
10/05/2024

Aasaasaha ChatGPT -OpenAI ayaa ku dhawaaqay browser la tartame doono Google

02/05/2024

Waa codadkii DIAL UP iyo MSN ee waqti kamid ah waqtiyada ee lasoo maray.

Mulkiilaha Shirkada Meta/Facebook oo khasaaray $200bilyanโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆKhasaaraha ayaa yimid markii ay shirkadu shaacisay in ay ku...
26/04/2024

Mulkiilaha Shirkada Meta/Facebook oo khasaaray $200bilyanโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ

Khasaaraha ayaa yimid markii ay shirkadu shaacisay in ay ku maalgalinayso lacag ka badan midii h**e ay ugu qorshaysay barnaamijkeeda Garaadka Macmalka ah si ay u horumariso.

Intaas kadib dadka ku leh saamiga shirkada Meta ayaa bilaabay in ay iska iibiyaan saamigii ay kulahaayeen shirkadaas, taas oo keentay khasaaro wayn oo 13% saamigii shirkadaas ah. Saamiga shirkada ee 12 bilood ee u dambeeyey faa'iido wayn ku naaloonaayey oo ah 116% ayaa dhabar jabwayn dareemay saacado gudahood.

Mulkiilaha Meta iyo shirkada Facebook Mark Zuckerber ayaa isna khasaare xoogan ka soo gaadhay hoos u dhacan ku yimid shirkada, ka hor intaan la shaacin warkan Mark Zuckerber wuxuu kaalinta saddexaad kaga jiray dadka ugu qanisan aduunka, balse wuxuu lumiyey $20 billion.

Mark Zuckerberg ayaa la lahaa shir khubarada dhaqaalaha iyo maalgashadaasha kaas oo u kaga warbixinaayey maxsuulka maaliyadeed ee shirkada Meta saddexdii bilood ee ugu h**eeya sannadka. Zuckerberg ayaa bixiyey tafaasiil dheeraad ah ama sharraxaadyo ku saabsan waxqabadka maaliyadeed ee Meta iyo wixii qorshe ama xeelado ah oo la xidhiidha.

Apple ayaa lumisay kaalinti ay kaga jirtay iibka taleefanka gacanta ee ugu weyn Shiinaha rubuci h**e ee sanadkan 2024 ka...
25/04/2024

Apple ayaa lumisay kaalinti ay kaga jirtay iibka taleefanka gacanta ee ugu weyn Shiinaha rubuci h**e ee sanadkan 2024 ka dib markii saamiga taleefannada casriga ah ee Apple ay hoos u dhaceen 6.6% sanad ka hor iyada oo ay jirto tartan adag.

xog horudhac ah oo ay soo saartay shirkadda cilmi-baarista IDC ayaa muujisay Khamiista. In Honor iyo Huawei saamigooda suuga lagu xidhay kaalinta ugu sareysa, iyadoo saamiga suuqa Honor uu sare u kacay 17.1% halka saamiga Huawei uu kor u kacay 17%, IDC ayaa sheegtay, halka saamiga suuqa ee iPhone-kan hoos u dhacay 15.6%. Taasoo ah hoos u dhac aad u weyn.

Deg Deg, Madaxweynaha Mareykanka Biden aya saxiixay xayiraada Aaladda TIKTOK ilaa Shirkadda iska leh Tiktok ee ByteDance...
24/04/2024

Deg Deg, Madaxweynaha Mareykanka Biden aya saxiixay xayiraada Aaladda TIKTOK ilaa Shirkadda iska leh Tiktok ee ByteDance ka ogolaaneyso in ay iska iibiso Barnaamijkeeda Tiktok.

Dagaal dhanka baraha bulshada ah aya ka dhax qarxay Shiinaha iyo Mareykan, iyadoo laga yaabo inuu sameyn xoogan uu ku ye...
24/04/2024

Dagaal dhanka baraha bulshada ah aya ka dhax qarxay Shiinaha iyo Mareykan, iyadoo laga yaabo inuu sameyn xoogan uu ku yeesho adeegyada ay bixiyaan shirkadaha META iyo TIKTOK

Apple ayaa xaqiijisay inay ka saareyso APP STORE qeybta shiinaa laba App ee Whatsapp iyo Threeds - oo ay labaduba leedahay Shirkadda Meta, iyadoo ay amar ku bixisay maamulka Cyberspace ee Shiinaha, Taasoo qaabilsan dhaqdhaqaaqa iyo Amniga internetka ee Shiinaha.

"Maamulka Internetka ee Shiinaha ayaa amar ku bixiyay in apps-kan laga saaro AppStore-ka Shiinaha iyaddoo lagu salaynayo walaacooda amniga qaranka," Apple ayaa ku tiri hadal email ah oo ay u dirtay Reuters. "Waxaa nagu waajib ah inaan raacno sharciyada dalalka aan ka howlgalno, xitaa Xitaa hadii aanan ku qanacsameyn".

Taa bedelkeeda Aqalka wakiilada ee Dalka Mareyskan aya meel mariyay in App-ka Tiktok ee laga leeyahay Shiinaha laga mamnuuco inuu ka shaqeeyo Dalka Mareykanka maadama oo qatar ku yahay Amniga qaranka ee Mareykanka, waa sida hadalka ay u dhigeene.

Waa dagaalkii ugu cuslaa ee dhaxmara Mareykanka iyo Shiinaha ee ku saabsan Adeegyada Baraha Bulshada ee aadka dunida looga isticmaalo.

23/04/2024

Intel ayaa soo bandhigtay Hala Point, oo ah nidaamka kombuyuutarrada Maskaxda bini aadamka (neuromorphic ) ee adduunka ugu weyn. Qalabkan cusub waxa uu cadeynayaa in horu-marin horudhac ah oo laga gaaray awoodaha Artificial intellengent (AI) ee dunidaan Horumartay.

Wararka ugu danbeeya ee Technologiyada ka daalaco Halkaan

FLY24 AIR SERVICE5Y-WFA AND 5Y-JXK AT BULOBURTE AIRPORT
26/03/2024

FLY24 AIR SERVICE
5Y-WFA AND 5Y-JXK AT BULOBURTE AIRPORT

Waqti waqtiyada kamid ah oo lasoo maray, walee ninkii joogay wax uu ka sheekeeyo wuu haayaa
26/02/2024

Waqti waqtiyada kamid ah oo lasoo maray, walee ninkii joogay wax uu ka sheekeeyo wuu haayaa

Address

SODONKA STREAT
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ENG FANAX posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ENG FANAX:

Videos

Share


Other Social Media Agencies in Mogadishu

Show All