DBN NEWS

DBN NEWS DANAN Broadcasting Network (DBN) is a Radio and Television News Organization Based in Mogadishu

Hargeysa Suuq kuyaala Badhtamaha magaalada oo lagu iibiyo Dharka iyo Raashinka ayaa gubanayo caawa waxaana socda dadaalo...
02/02/2025

Hargeysa Suuq kuyaala Badhtamaha magaalada oo lagu iibiyo Dharka iyo Raashinka ayaa gubanayo caawa waxaana socda dadaalo lagu daminayo.

02/02/2025

Shacabka Muqdisho Maxay tahay saluuga ay ka qabaan Doorashada Qof iyo Codka ah sida ay wax ku socdaan..

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobalka...
02/02/2025

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta caasimada Jowhar waxaana lagu gorfeeyay bilicda, dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaallaha, dib u dhiska, isku-xirka shacabka iyo Dowladda iyo sidii loogu wacyigelin lahaa Dowlad-wanaaga.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiinta kuwaas oo ku aadan shaqooyinka ay iminka hayaan iyo caqabadaha jiro.
“Olole weyn ayaan u qaadeynaa Jowhar waa lagama maarmaan inay noqoto caasimad ay wax walba u dhan yihiin, toddobaadyada soo socda isbeddel weyn oo amniga, bilicda, dhismaha, Waddooyinka iyo Adeegyada Bulshada ayaad ku arki doontaan haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Jowhar in la hirgeliyo qoddobadii shirka lagu gaaray.

02/02/2025

Shacabka marka loo fiiriyo dan ayaa uga jirto in wadanka doorasho hal qof iyo hal Cod ah laga qabto lkn Waxaa wanaagsan..see more

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre¬, ayaa guddoomiyey Shirka Gud...
02/02/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre¬, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda Doorashada iyo Dhammaystirka Dastuurka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay Xukuumaddu u qaaddan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan, lana doorto.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka Siyaasadda Loo dhan yahay, in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.
“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.

02/02/2025

Madaxweynaha Mareekanka oo shaaca ka qaaday in ay dileen ragii ugu sareyay Daacish.

 :Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in uu Amray duqeymo inla duqeyo Daacishta ka dagaalameyso Puntland waxaa kalo uu sh...
01/02/2025

:Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in uu Amray duqeymo inla duqeyo Daacishta ka dagaalameyso Puntland waxaa kalo uu sheegay in xubno sarsare ku dileen duqeymo.

01/02/2025

Ra'isul wasaare Xamsa abdi Barre "Wadankan waxuu ubaahan yahay in ciidankiisa Xooga dalka Soomaaliyeed Amnigiisa si toos ah ula wareego Xuduudihiisa sugo Amnigiisa sugo".

01/02/2025

WARKA KOOBAN EE DANAN TV 01-02-2025

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenk...
01/02/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta fadhi aan caadi aheyn iskugu yeedhay Xubanaha Golaha Wasiirada, si uu xog warran guud uga siiyo Safarkii Shaqo ee uu dhawaan Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha Wsiirrada u sheegay in waftigiisu ay kala hadleen Dawalda Imaraadka sidii labada Dal ay iskaga kaashan laahayeen arrimo door ah, gaar ahaan:

1. Sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraadka Carabta,

2. Sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Dhaqaalaha, Shaqo-abuurka, Maalgalinta Mashaariicda Horumarka, Maaligalinta Beeraha, Xoolaha, Waxbarashada, Maalgalinta Macdanta iyo Shidaalka, Iskaashiga Bangiga dhexe, sii amba-qaadka balaadhinta Maalgashiga DP World, iskaashiga arrimaha Amniga, iyo arimo kale oo mudnaan u leh labada dal.

Madaxweynuhu waxaa uu Golaha Wasiirada u sheegay in isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey muddadii 4 cisho ahayd ee ay joogeen dalka Imaraadka Carabta ay kulamo kor u dhaafaya 10 kulan ay la yeeshay Masuulyiinta ugu sarreysa Imaraadka carabta.
`
𝐆𝐨,𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 .

Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saarey GO’AAMO DHAXAL GAL AH oo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo horumarka qaranka JSL.

Go’aamadaas oo cod gacan taag ah ay ugu codeyeen Golaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa .

𝟏. Go’aan Gole oo ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Go’aankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.

𝟐. Golaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:

𝐀) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).

𝐁) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).

𝐂) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).

𝐃 ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).

𝐄 ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Golaha Wasiiradda ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:

𝟏) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
𝟐) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,
𝟑) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
𝟒) ⁠Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.
𝟓) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

01/02/2025

Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu weerarey Diyaarado Daroonis ah...

Xamaas ayaa maanta sii deysay laba nin oo Israa'iil ah Ragan oo magacyadooda lagu soo koobay Ofer Kalderon (34 jir) iyo ...
01/02/2025

Xamaas ayaa maanta sii deysay laba nin oo Israa'iil ah Ragan oo magacyadooda lagu soo koobay Ofer Kalderon (34 jir) iyo Yarden Bibas (54 jir) ayaa lagu wareejiyay ciidamada Israa'iil ee ku sugan Qasa.
Halka Keith Siegel oo (65 jir), heystana dhalashada Mareykanka iyo Israa'iil, aan wali la sii deynin.

Madaxweynaha Somaaliya kuwa ku hareereysan Donald Trump waxa ay doonayaan in Somaaliland uu u Aqoonsado dal madax banaan...
31/01/2025

Madaxweynaha Somaaliya kuwa ku hareereysan Donald Trump waxa ay doonayaan in Somaaliland uu u Aqoonsado dal madax banaan warysi uu siiya Majaladda Washington Post ayuu sidaasi ku yidhi.

31/01/2025

Ciidamada ilaalada Aqalka Madaxtooyada ee Villa-Somaaliya oo xabado ku furay Diyaarado Drone ah oo la sheegay in ay dhowr jeer kormareen guriga dalka looga arimiyo kuna soo dhawaadeen madaxtooyada in kasta oo dowladda wali war ka soo saarin hadana waxaa lasheegayaa in qalqal Amni laga dareemay xaafadaha ku dhow madaxtooyada.

31/01/2025

Cali Jeyte oo ku hanjabay in ay dab qabasiin doonaan meel kasta oo ay ku tuhmayaan AS.

31/01/2025

Barnaamijka Waydiimaha DANANTV

Maanta waxaa idinkaga imaanayaa xeebta liido ee Magaalda Muqdisho, Tabintii
Aisho Abdulle Osoble

𝗨𝗝𝗘𝗘𝗗𝗢: 𝗕𝗘𝗘𝗡𝗜𝗡.Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay beenineysaa warqada been abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshadda t...
31/01/2025

𝗨𝗝𝗘𝗘𝗗𝗢: 𝗕𝗘𝗘𝗡𝗜𝗡.

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay beenineysaa warqada been abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshadda taas oo lagu sheegay in la siidaayey Xukunsane, DAMBIILE 𝗦𝗮𝘆𝗶𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗮’𝘂𝘂𝗱 oo horray u dilay Xaaskiisa kaas oo ay dhammaan Maxkamaduhu ku xukumeen dil toogasho ah.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa la farayaa inuu baaro soona saaro cidda qortay warqadan iyo cidda faafisay, sidoo kale ay qaadaan tallaabo sharciga lagu horkeenayo cidda been abuurtay.

31/01/2025

Barnaamijka Weydiimaha ee Danan TV 31-01-2025

Address

Mogadishu
<<NOT-APPLICABLE>>

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DBN NEWS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DBN NEWS:

Videos

Share