Dalka Times

Dalka Times Dalka Times is an independent English news website, established by professional, Somali journalists based in Somalia.

Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ka dib markii Soomaaliya si...
24/11/2023

Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ka dib markii Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay dalladda Bulshada Bariga Afrika iyadoo noqotay wadanke 8-aad.

Guushaan taariikhiga ah waxa sabab u ah hawlkarnimada, dhabar adayga iyo hufnaanta hogaamineed ee madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaare, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hogaaminaysay daddaaladan iyadoo ka soo cayaartay kaalin wax ku ool xaqiijinta riyadaan maanta rumowday.

Xabad-joojintii Gaza oo hirgashay.Maxaa cusub?Waxaa subixii h**e ee maanta abaare 7:00 subaxnimo xiliga Gaza dhaqan gash...
24/11/2023

Xabad-joojintii Gaza oo hirgashay.

Maxaa cusub?

Waxaa subixii h**e ee maanta abaare 7:00 subaxnimo xiliga Gaza dhaqan gashay xabad-joojin ay kasoo shaqeeyeen dowladaha Qatar 🇶🇦, Masar 🇪🇬 iyo Mareykanka 🇺🇸.

Xabad-joojinta oo socon doonta mudo 4 cisho ah ayaa waxaa qeyb ka ah inay Xamaas soi deyso 50 maxaabiis Yahuud ah halka Israelna 🇮🇱 ay sii deyn doonto 150 maxaabiis Falastiiniyiin ah🇵🇸 .

Waxaa sidoo kale maanta soo gaaray hudaha Qaza raashiin gargaar iyo shidaal si weyn loogu baahnaa.

Dhanka kale dowlada Turkiga 🇹🇷 ayaa qorsheyneyso inay dhaawacyada Falastiiniyiinta qaarkood u qaado dalkeeda si halkaas loogusoo daweeyo.

Ciidanka gumeysiga Israel ayaa uga digay dadka ku dhaqan Koonfurta Qaza inaysan iskusoo aadin dhanka waqooyiga Qaza balse kuwa weli ku harsan waqooyiga inay aadi karaan dhanka koonfurta ayaga oo sii maraya wadada Saalaxudiin.

Dagaalka ayaa laga cabsi qabaa inuu dib u qarxo marka ay mudada 4ta cisho ah dhamaato.

Sideed u aragtaa?

09/10/2023

Waa duqeymo xoog leh oo ka socda Gaza. Iyo dagaalo lixaad leh oo wali dhexmaraya yahuuda iyo falastiin, xaalada waa sidaan aad aragtaan.

Allaahu Akbar.Salaada Furashada (صلاة الفتح) oo muddo 333 Sano ka dib caawa laga tukaday Masjidul Aqsaa Ee Falstiin.Sawi...
09/10/2023

Allaahu Akbar.

Salaada Furashada (صلاة الفتح) oo muddo 333
Sano ka dib caawa laga tukaday Masjidul Aqsaa
Ee Falstiin.

Sawirkan ayaa lagu tilmaamay in uu muujinyo mid ka mid ah maalmihii ugu quruxda badnaa ee soo maray Shacabka reer falastiin.

Waxaa markii labaad abid, wadno Doofaar  lagu tallaalay ama loo galiyay qof nool oo bini'aadam ah,  waaxda caafimaadka e...
23/09/2023

Waxaa markii labaad abid, wadno Doofaar lagu tallaalay ama loo galiyay qof nool oo bini'aadam ah, waaxda caafimaadka ee Jaamacadda Maryland, Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Jimcihii. Qaliinkan waxaa sameeyay isla kooxdii h**ey ugu guuleysatay sanadkii 2022.

Lawrence Faucette, oo ah 58 jir, waa bukaanka wadnihiisa loogu beddelay midka Doofaarka, waxaa la sheegay in kiisii caadiga ahaa uu howlgab noqday. Kooxda caafimaadkiisa gacanta ku heysa ayaa tibaaxday, inuu hadda si wanaagsan u shaqeynayo wadniisa oo aysan jirin wax qalab caawiye ah oo ku xiran.

Wadanaha Doofaarka ayaa la sheegaa inuu u qaab eeg yahay midka bini’aadamka, sidoo kalena unugyada iyo xubanah la xiriirana ay wax badan wadaagaan. Bishii Janaayo ee sanadkii h**e, ayaa markii ugu horreysay David Bennett, lagu sameeyay qaliinkan oo kale balse laba bil kadib wuu dhintay.

“Shamso Waaka harayaa ee i daa”Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya Laba hablood oo lagu kala magacaabo ...
19/09/2023

“Shamso Waaka harayaa ee i daa”

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya Laba hablood oo lagu kala magacaabo Shamso iyo Deeqa oo garaacaya ninkaan oo gurigoodu ugu tagay si uu ula haasaawo Shamso.

Wixii lacag taleefankiisa ku jiray ayey ka shubteen, taleefanadiina wey ka dhaceen, ugu dambeyn isagoo ku qeylinaya Shamso waan kaa harayaa ayuu derbiga ka booday. Isagoo oynaya

Dumar badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa arintaan soo dhoweeyay, halka raga uu u bilowday Waa-cusub.

16/09/2023

WAJAALE: Musiibo xoog badan baa ka dhacday, Ganacsigii magaaladan ee camirnaa ayaa khasaare xoog leh uu gaarsiiyey dabka wali socda, ee ay shacabka iyo dabdamisyadu ku howlan yihiin sidii loo damin lahaa.

Qof goobjooge ah oo muuqaalkan duubay ayaa muujinaya baaxada dabkan, Hanti badan oo shacab Soomaaliyeed ayaa waxyeelo soo gaartay, Ilaahay waxaan uga baryaynaa bedel kheyr-qaba waa xaalad argagax leh oo qalbiyadeena dhan ay dareemayaan, ilaahayse bedel kheyr leh uga rajeynaynaa.

الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ (156)

Axmed Fiiqane ayaa qaraxii maanta dhacay isku dhigay oo badbaadiyay naf badan oo ay ku jiraan Madaxweyne QoorQoor, Cabdi...
15/09/2023

Axmed Fiiqane ayaa qaraxii maanta dhacay isku dhigay oo badbaadiyay naf badan oo ay ku jiraan Madaxweyne QoorQoor, Cabdi Qeybdiid iyo Dhabancad.

Gaari Cabdi Bile ah oo uu watay ayuu ku dhufty gaarigii Qaraxa saarnaa.

Allah ha u naxariisto Axmed Fiiqane. Naftiisa ayuu u huray naf badan

iPhone 15 ayaa soobaxay shalay Waa kuwan wax walba oo Apple ku dhawaaqay munaasabaddeeda 2023Halkaan ka aqriso warkoo dh...
13/09/2023

iPhone 15 ayaa soobaxay shalay Waa kuwan wax walba oo Apple ku dhawaaqay munaasabaddeeda 2023

Halkaan ka aqriso warkoo dhameestiran👇👇

LOCAL WARKA WORLD iPhone 15 ayaa soobaxay shalay Waa kuwan wax walba oo Apple ku dhawaaqay munaasabaddeeda 2023 Abdalle September 13, 2023 4 min read Apple waxay ku qabatay xafladeeda furitaanka iPhone sanadlaha ah Talaadada Apple Park, oo ah xarunta shirkadda ee Cupertino, California. Shirkaddu wax...

Iphone 15 pro wuu soo baxay'Mention soo Dheh..Qof aad is leedahay hadiyad ayuu kugu kenaa . 'Waana Taleefan Casro oo aan...
12/09/2023

Iphone 15 pro wuu soo baxay
'Mention soo Dheh..Qof aad is leedahay hadiyad
ayuu kugu kenaa .

'Waana Taleefan Casro oo aan inaba Caadi ahayn.

Masaajidka Cali Jimcaale ayaa adkeeyay in gabdhaha aysan masaajidka ku imaan karin Taraaxado iyo cabaayado ku dhagan oo ...
12/09/2023

Masaajidka Cali Jimcaale ayaa adkeeyay in gabdhaha aysan masaajidka ku imaan karin Taraaxado iyo cabaayado ku dhagan oo jirkooda muujinaya.

Sidoo kale Gabdhaha ayaa looga digay inay qeybta ragga yimaadaan. Iyo in mamnuuc tahay in masaajidka dhexdiisa isla socdaan gabar iyo wiil xitaa hadeey isqabaan.

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 4Halkaan ka aqriso Sheekadoo dhameestiran👇👇
12/09/2023

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 4
Halkaan ka aqriso Sheekadoo dhameestiran👇👇

LOCAL Love to Najax qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 4 Abdalle September 12, 2023 9 min read WAA QEYBTII 3AAD ogeyn, ayaa hoos u eegaysa inanteeda. Dareen ayay ka qaadatay, waxba se ma ay weydiin. Walow uu qorshuhu, illaa hadda, u socdo si wacan, haddana werwer ayaa ku jira. Wa...

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Africa oo todobaadkan booqday dalka Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu l...
11/09/2023

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Africa oo todobaadkan booqday dalka Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu lakulmay waxyaabo layaab ku noqday, markuu tagey Casmara.

1- Eritrea, wuxuu sheegay in Sarkaal sare oo UN-ka ah u sheegay wafdigiisa in ay Hal-beega Musuqmaasuqa 0% kajoogto oo uusanba ka jirin.

2- Eritrea, Tayada Daawooyinka waxay joogtaa halbeegii ay dajisay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

3- Eritrea, barashada Xirfadaha iyo Tayada Injineerada waxay ka joogtaa heerka koowaad ee Afrika, waana in ay gudbisaa dalalka kale ee Qaarada.

4- Madaxweyne Afwerki, waa nin jecel dalkiisa, mushahaarkiisa sannadka dhan waa $6,000 dollar.

5- Eritrea, waxay shacabkeedu haystaan Himilo iyo dareen dal-jaceyl, waxayna u huriyaan wax kasta in ay si deg deg ah ay u koraan, una sameeyaan Horumar baaxad weyn.

22 sano kahor Maanta oo kale ayaa diyaarado lagu qarxiyay daarihii dunida ugu dheeraa ee Twin Towers.11 September ama 9/...
11/09/2023

22 sano kahor Maanta oo kale ayaa diyaarado lagu qarxiyay daarihii dunida ugu dheeraa ee Twin Towers.

11 September ama 9/11. Labo diyaaradood ayaa dhexda ka galay labadaan dabaq oo markaas ahaa xarunta ganacsiga aduunka

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 3Halkaan ka aqriso Sheekadoo dhameestiran👇👇
07/09/2023

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 3

Halkaan ka aqriso Sheekadoo dhameestiran👇👇

LOCAL Love to Najax qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 3 Abdalle September 7, 2023 9 min read WAA QEYBTII 3AAD baasto la moodo, in ay ku garaacdo bilowday. Najax oon fahmahayn waxa eeggan socda ayaa aamustay. Qolka ardaagiisa h**e, meel dhir cagaaran lahayd ayaa aayar la joojay.....

Walaalkeed oo nolol iyo geeri u dhaxeeyay ayey Kalideeda u bixisay. Qisada Raxma. Raxma Xaaji Abdirahman waxey mid kamid...
07/09/2023

Walaalkeed oo nolol iyo geeri u dhaxeeyay ayey Kalideeda u bixisay. Qisada Raxma.

Raxma Xaaji Abdirahman waxey mid kamid ah kalideeda u saartay walaalkeed Hamze Xaaji Abdirahman oo labada kalyood ay fariisteen.

Raxma oo imtixaanka xiligaas ka-dib-dhacday madaama walaalkeed ay kali u saareysay ayaa ugu dambeyn maanta ka qalan jabisay jaamacada heerka kowaad

“Walwal iyo fikir toona iguma heyn. Aad ayan ugu faraxsanaa markaan qaatay go’aankaa. Kalideeda inuu maanta dunida ku jooogo walaalkeey waxey ii tahay Nasiib. Anna halkaas Kali ayan ku noolaanayaa inta nolasha iiga dhiman” . Raxma

Sawir kulmiyay wiil iyo aabihiis.
06/09/2023

Sawir kulmiyay wiil iyo aabihiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Degmada Aadan-Yabaal Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
06/09/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Degmada Aadan-Yabaal Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Address

KM4 St 1 Airport Road
Mogadishu
38080

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalka Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dalka Times:

Videos

Share