16/11/2023
Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝐂𝐗𝐎 𝐨𝐟 𝐭𝐡𝐞 𝐘𝐞𝐚𝐫, oo ay 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐅𝐞𝐬𝐭𝐢𝐯𝐚𝐥 ku abaalmariso madaxda shikradaha Afrika, ee horumarro iyo guulo waaweyn u horseeday shirkadaha ay hoggaamiyaan, kana qeybqaatay horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Afrika.
Guddoomiye Axmed ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay abaalmarintan oo ay kula tartameen madaxda shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank. Xaflad xalay ka dhacday magaalada Cape Town ee dalka South Africa ayaana lagu iclaamiyay in uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom.
Guddoomiye Axmed ayaa ku hoggaamiyay Hormuud Telecom in ay noqoto shirkadda isgaadhsiinta ugu weyn Soomaaliya, iyo in ay kaalinta koowaad uga jirto horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, shaqa-abuurka Dalka, isku xirka dadka, iyo fududeynta nolosha bulshadeenna.
Waa guul u soo hoyatay Soomaaliya iyo Hormuud Telecom oo sannadkii horena ku guuleysatay abaalmarinnada caalamiga ah ee 𝐆𝐒𝐌𝐀 𝐌𝐨𝐛𝐢𝐥𝐞 𝐌𝐨𝐧𝐞𝐲, 𝐆𝐥𝐨𝐛𝐚𝐥 𝐌𝐨𝐛𝐢𝐥𝐞 (𝐆𝐋𝐎𝐌𝐎), iyo 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐠𝐢𝐧𝐠 𝐋𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐀𝐰𝐚𝐫𝐝.