Mogadishu Times

Mogadishu Times news Waxaad halkaan ka heli kartaa wararka deg dega ah
(2)

25/11/2023

Degdeg: Qarax Xoogan ayaa hada laga maqley magaalada Muqdishu
Faah faahin

20/09/2022

Degdeg: Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Dowlada iyo Al shabaab ayaa ka bilowldey deeganka sinadhaqo ee gobolka Galgaduud

20/09/2022

Ciidamada Dowlada iyo Dadka Deeganka oo la wareeey Deegaanka Booco ee Gobolka Hiiraan

13/09/2022

Baarlamaanka Galmudug ayaa Ansixiyey Mudo kordhin 1 Sano ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safrey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaadaba...
12/09/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safrey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaadabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

MW Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ku galay doorashada wareegga h**e qorshe ahaa in uu helo 70 cod oo ka koobnaa Damjadii...
21/05/2022

MW Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ku galay doorashada wareegga h**e qorshe ahaa in uu helo 70 cod oo ka koobnaa Damjadiid iyo xulafooyin is bahaystay, balse natiijadu waxay noqotay in uu helo 50 cod. Taasi waxa ay keentay kala shaki iyo tuhun. Waxa lays waydiiyay cidda ballantii ka baxday. Dhinacyada oo dhan ayaa arrintaa u hawlgalay, walina raadkeeda ayaa la baadhayaa.

Ilo iyo xogo muhiim ah oo ka ag dhaw Damjadiid waxay dhinacyo kala duwan u xaqiijiyeen in Salah Jama iyo Bihi Iman Egeh iyo garabkii ay hoggaaminayeen aad looga shakisantahay. Waxa bannaanka u soo baxo xogo lagu kalsoonaan karo oo tilmaamaya in ay wareeggii h**e cid kale codka siiyeen. Waxa shakiga sii xoojiyay dacaayadda iyo xayaysiiska ay warbaahinta geliyeen ee la xidhiidha in ay Xassan wax ka dhiseen. Waxa kale oo xogtan tuhunka ah jiritaankeeda xaqiijiyay kooxdii ololaha ee Xassan Sheekh.

Haddii ilaha warku ay xaqiiqoobaan, waxay tani dhaawac weyn ku noqon doontaa aaminnaadda siyaasaddeed ee lagu qabi karo garabka ay hoggaamiyaan.

Wasiirka Dastuurka ee Soomaaliya Salah Jamac oo ka xun in shaqsi kaga saamayn badan Siyaasadda oo ay isku deegaan yihiin...
21/05/2022

Wasiirka Dastuurka ee Soomaaliya Salah Jamac oo ka xun in shaqsi kaga saamayn badan Siyaasadda oo ay isku deegaan yihiin uu soo fuulo salaanka siyaasadda ee dalka ayaa dacaayad ka faafinaya Xildhibaan Axmed Abdi Kooshin.

Wasiir Saalah waa goblan siyaasadeed.

GUDOOMIYE ABDI HASHI ABDI CID KAGA HABOONI MA JIRTO QABASHA GUDOONKA AQALKA SARE MARKA LA BARBAR DHIGO NIMANKA LA TARTAM...
20/04/2022

GUDOOMIYE ABDI HASHI ABDI CID KAGA HABOONI MA JIRTO QABASHA GUDOONKA AQALKA SARE MARKA LA BARBAR DHIGO NIMANKA LA TARTAMAAYA OO AH NIMAN DHALIN YARO AH OO SAAXADA SIYAASADA IYO NIDAAN DOWLIGA AH BA AAN AAD U FAHAN SANAYN AMA AAN MUDDO BADAN KUSOO JIRIN.

Mareero Beach, Boosaaso, Puntland, Somalia.
25/10/2021

Mareero Beach, Boosaaso, Puntland, Somalia.

Ninkii hadlayaaba hayska hadlee Taariikhada ayaad baal dahaba ka gashay wayna ku xusi doonaan soomalidu jiil ka jiil fac...
18/10/2021

Ninkii hadlayaaba hayska hadlee Taariikhada ayaad baal dahaba ka gashay wayna ku xusi doonaan soomalidu jiil ka jiil fac ka fac.

-Guul baan ku rajaynayaa labada daaroodba.

Aasaasihii Jaamacadda Hargeysa Xildhbaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa qoraalkan k...
19/09/2021

Aasaasihii Jaamacadda Hargeysa Xildhbaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa qoraalkan ku qortay Barteeda FB-ga:-

"Waxaa farxad weyn ii ah inaan farxadda qalinjabinta la qeybsado dhamaan ardayda sanadkaan ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa (University of Hargeisa)iyo waalidiintooda kusoo tacabtay anigoo u rajeynaya mustaqbal wanaagsan.

Jaamacadda Hargeysa waxey jirsaday 21 sano inagoo furnay bishii Febraayo 2000, waxaan ugu duceynayaa in jaamacadda Hargeysa ay ahaato mid qarniyadda soo socdo ay si weyn uga qeybqaadato dhismaha iyo horumarka guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana shacabka Somaliland.

Ugu danbeyn, waa ii farxad iyo reyreyn inaan arko iyadoo ay sanad waliba ay sii kordheyso ardayda ka qalinjabineyso jaamacadda iyagoo qeyb ka noqonaayo horumarka bulshadda iyo wadanka".

Wararka ka imaanaya Djibouti ayaa sheegaya in dayaaradda Turkish Airlines oo saaka Muqdisho tagi lahayd ay weli ku xayir...
17/09/2021

Wararka ka imaanaya Djibouti ayaa sheegaya in dayaaradda Turkish Airlines oo saaka Muqdisho tagi lahayd ay weli ku xayiran tahay garoonka magaalada Djibouti muddo afar saacadood ah.

Dayaaradda oo xalay kowdii habeennimo kasoo ambabaxday magaalada Istanbul, ayaa waxa saaran Taliyihii H**e ee Nabad Sugidda, Fahad Yasin, oo u socda magaalada Muqdisho.

Muddo saacado ah ayaa rakaabka loo sheegayay in ay cillad jirto – markii dambena lagu wargeliyay in la sugayo hawlgal Xamar ka socda.

Ciidamada booliiska Djibouti ayaa lagu soo warramay inay hadda ay dayaaradda ka wadeen Fahad, rakaabkana waxaa loo sheegay in dayaaradda la fasixi doono oo ay Muqdisho tagi doonto.

Xigasho: Farhan Jimale

14/09/2021

Degdeg: Muse suudi Yalaxoow oo ka guuleystey Axmed Xasan Caddow Daaci

14/09/2021

Muuse suudi yalaxow iyo c/Laahi sheekh Xasan ayaa tartamaya wareega labaad

14/09/2021

C/laahi Sh Xasan ayaa tanaasulay, inta aan la guda gelin wareegga labaad.

14/09/2021

Warar hoose oo aan helney ayaa sheegaya saraakiisha la celiyey ay kala yihiin C/laahi Kulane iyo Wadna qabad

14/09/2021

Saraakiil ka tirsan NISA oo laga celiyey garoonka diyaaradaha ee Adan Adde

Dhismaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
13/09/2021

Dhismaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Axmed ayaa u tacsiyadeeyay qoyska Ikraan Tahliil. Isagoo sheegay inaan la aqbali karin in dilkeeda la siy...
10/09/2021

Sheekh Shariif Axmed ayaa u tacsiyadeeyay qoyska Ikraan Tahliil. Isagoo sheegay inaan la aqbali karin in dilkeeda la siyaasadeeyo

Madaxweynihii h**e ayaa sidoo kale ammaan usoo jeediyay Walaalaha Somalilamd sida ay doorashadooda labada aqal ugu hashiyeen.

Shariif ayaa adkeeyay in Khilaafka weyn ee ka dhex jira Dowladda looga bixi karo kaliya in sharciga la dhoowro

“Wax weyn oo la isku heyn karaahi ma jiro. Meeshaan Khilaafka halagu joojiyo, doorashadana hala aado” ayuu yiri Sheekh Shariif.

          Botox Lip flipBotulinum toxin, waa sun neerfa saamaysa oo ay soo dayso bakteriyo loo yaqaan Clostridium botuli...
01/09/2021

Botox Lip flip

Botulinum toxin, waa sun neerfa saamaysa oo ay soo dayso bakteriyo loo yaqaan Clostridium botulinum.... suntaani waxay kala joojisaa xiriirka ka dhexeeya muruqyada iy neerfayaasha kadibna qof ku noqdaa mid muruqyadu ay shaqadii joojiyaan (muscle paralysis).

Sunta noocaan ah ayaa marar qaar dhibteedi looga faa'idaystaa cudurada qaar dawo ahaan.

FDA wxay sheegtay in qurxin ahaan loo isticmaali karo sida; dadka wejigu duuduumo iyo kuwa bishimahoodu yaryar yihiin oo ciridku muuqdo inay ku wayneeyaan......(dhaqaale meesha k**a maqna).

Suntaan markii bishimaha lagu dura waxay debcinaysaa muruqyada bishimiha taas oo ay bishimahii u muuqanayaan kuwo waaweyn.

Dhib noocee ah ayay keeni kartaa?

A. Wxy dhib ku keeni kartaa hadalka, liqida iyo neefsashada...waxay diciifin kartaa muryada qaabilka liqida (cuntadu afka kaa soo daadato).
B.Waxay ku faafi kartaa jirka intiisa kale waxayna saamaynaysaa neerfayaasha iyadoo keeni karta in arag noqdo labo labo (double vision), kaadida inaad ceshan waydo, in dhamaan muruqyada jirkaagu debcaan.
C.Waxay kaloo keeni karta allergic khatar oo xaalad deg deg ah gelin karta qofka sida in loo qabto sidii neefta oo kale, nabaro jirka kasoo baxa iyo cuncun..

Armahaan aan soo sheegnay wxay imaan karaan saacado ama asbuucyo kadib qaadashada daawa.

FG:
☆3 bilood oo kasta wxad u baahantahy isla sidii in laguu duro.
☆dhibkeeda iyo dheefteeda (risk-benefit) markii qurxin loo isticmaalaayo wxaa badan dhibkeeda, sidaa daraadeed in la iska daayo ayaa haboon.

Mahadsnd

DrSamatar Isse

Dhuusamareeb: Booliiska ayaa awood adeegsanaya si gaadiidleydu u qaadato sumada gawaarida/taargada iyo buugga lahaanshah...
17/08/2021

Dhuusamareeb: Booliiska ayaa awood adeegsanaya si gaadiidleydu u qaadato sumada gawaarida/taargada iyo buugga lahaanshaha, kadib dhawr bilood oo si tartiib ah howshan ku socotay.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ayaa lagu xoojiyay baraha koontaroolada, iyadoo sidoo kale la amrey Ciidamada ku sugan afaafka Magaalada in ay soo xiraan gaadiidka aan wadan taargada Galmudug ee ka baxaya Caasimada.

Sidee u aragtaa socodsiinta taargada Galmudug oo haatan qaadashadeedu waajib yahay?

Xooggaga Taalibaan ayaa gudaha u galay Madaxtooyada dalka Afghanistan, Hoggaanka Taliban ayaa si toos ah uga soo dhex ha...
15/08/2021

Xooggaga Taalibaan ayaa gudaha u galay Madaxtooyada dalka Afghanistan, Hoggaanka Taliban ayaa si toos ah uga soo dhex hadlay xafiiskii madaxweyne Ashraf Gani ka baxsaday maanta.

"Waxaanu siinaa Afghanistan 430-Milyan oo Yuuro sanad kasta, laakiin hadday Daalibaan qabsato Waddanka oo Shareecada isl...
15/08/2021

"Waxaanu siinaa Afghanistan 430-Milyan oo Yuuro sanad kasta, laakiin hadday Daalibaan qabsato Waddanka oo Shareecada islaamka ku xukunto, Khilaafana ay oogto, (Shilin) siin mayno!. Afghanitsaan sii socon karimeyso haddaanay kaalmo dawladdeed helin" .. Wasiirka Dibedda Jarmalka.

Dalibaan ayaa u ogalaatay inay dumarku schoolada iyo dhaqadaba aadi karaan.
15/08/2021

Dalibaan ayaa u ogalaatay inay dumarku schoolada iyo dhaqadaba aadi karaan.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa lagu soo warramayaa inuu ka baxsaday Caasimadda dalkaasi, isagoo u baqoolay d...
15/08/2021

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa lagu soo warramayaa inuu ka baxsaday Caasimadda dalkaasi, isagoo u baqoolay dhinaca Soohdinta Tajikistan.

Daalibaan ayaa guluf balaadhan ku qaaday Caadimadda dalkaasi oo hareereeyeen gudaha ay u galeen.

11/08/2021

Deg deg: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir.
Degmooyinka xilka laga qaaday waxaa kamid ah.
1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.
2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan.
3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle Waxaana xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

11/08/2021

Senatorka 5aad ee Puntland kasoo baxa ayaa Noqday Abdisamad Yuusuf Maxamed "Abwaan" kadib markii uu tartanka isaga haray murashaxii la tartamayay oo ahaa ismaaciil Mire iyada oo barlamaanka Puntland cod gacan taag ah oo barlamaanka Puntland u qaadeen uu helay 64 cod sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha barlamaanka Puntland .

11/08/2021

Kowthar Cabdullahi Xirsi oo la tartameysay Maxamed Cali Yuusuf 'Gaagaab' ayaa ka tanaasushay tartanka Aqalka, halka Hibo Isxaaq oo la tartameysay Ex- Senator Farxaan Cali Xuseen ay ayadana tanaasushay doorashada oo aan dhammaan.

11/08/2021

Cabdiraxmaan Faroole ayaa mar kale loo doortay in uu kamid noqdo Senatorada Aqalka-sare ee Puntland ku lee dahay Baarlamaanka Soomaaliya isagoo helay 54 cod halka musharrax Maxamed Colaad oo la tartamay uu heley 11 cod.

Madaxweynaha Galmudug  ayaa  soo saaray  liiska Musharixiinta u tartami doona  6 Xubnah Galmudug ku ku matali doona  aqa...
11/08/2021

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saaray liiska Musharixiinta u tartami doona 6 Xubnah Galmudug ku ku matali doona aqalka sare ee BFS.

Address

Hodan District
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category

Nearby media companies


Other Newspapers in Mogadishu

Show All

You may also like