21/05/2024
Mudulood ama Abgaal Barakicin xoogan ayaa ku socota, waxaa muuqata in sida Boqortooyadii Ajuuraan loogala wareegay Dhulkooda.
Degaanka Rati weyne ee Daarusalaam ilaa Balcad waxaa gatay oo la wareegay Alburuuj Hormuud Telecom.
Xoola dhaqatadii iyo Beeraleeydii ku nooleed ee Abgaal Cismaan waxaa laga dhigay shaqaale , Qoowsaar u raacda geelle,Looda iyo Arriga Axmednur Jimcale.
Kumanaan Xoolo ah ayaa daaqaya dhulkaas, waxaana u badan Geel iyo Lo'
Goof ka kooban shan boqol oo boos ayaa laga siistay Labaatan kun oo dollar.
Laba qabiil ayaa dhulkii Abgaal lagu degaameeyay , waxaana Daarusalaam seddex Milyan oo dollar loogu soo geday in loo aqoonsado degmo.
Dhinaca kale eeg, Warshiikh oo dhan waxaa la wareegtay Hormuud Telecom. Waxaa lagu degaameeyay Laba qabiil.
Warshiikh ilaa Cadale waxey ka dhigeen degaan Shinida iyo xoolaha lagu dhaqdo.
Duurjoogtii Cadale ilaa Warshiikh ee Deerada u badneed inta la soo qab qabtay ayaa la keenay Daarusalaam.
Dhalinyaradii Cadalle Caroone ee is hortaagay waa laayeen, waa la dilay.
Abgaal Cismaan Waxey ahaayeen degaanka Xamar daye, xaga Afgooye, Xagga Balcad iyo Xagga Warshiikh, haddii seddexda meelba looga gatay Sokor iyo bun, shilimaad yar, ka warama sidee xaalkoodu noqon doonaa shan sano kadib.
Waxaa xusid mudan odaygii diida inuu goofkiisa gato waa dilayaan ama Al-Shabaab ayey u adeegsanayaan.
Abgaal Cismaan waxaan leeyahay TALO ISKUUGU IMAADA OO SIDAAN WAX HALAGA BEDELO , HADDII KALE BARAKICINTIINA WAXEY HORSEEDI DOONTAA HALIS WEYN.