Yaasiin Aadan

Yaasiin Aadan This is my official Page: Writer, Political & Security Analyst & Encourager. Everyone Is Welcomed In This Page

21/06/2024

Shan Nin oo mid walba uu Cilmi gaar ah ku takhasusayay ayaa Su'aashan la waydiiyay:
Maxaa Qofka noloshiisa ka dhiga mid aan Tayo lahayn oo ayaan daran ah?
Jawaabahooda:

1: Caalim Cilmi-nafsi: waxaa keena isku buuqa iyo degganaan la'aanta nafta.

2: Caalim Dhaqaale: waxaa keena Saboolnimada iyo addoonsiga.

3: Faylasuuf: waxaa keena Yool laaanta (in qofku uusan lahayn hadaf uu u noolaado).

4: Suugaanyahan: waxaa keena Jaceylka.

5: Caalim Diin: waxaa keena Dambiga

W/Q: Yaasiin Aadan

Abaanduulihii ugu Taaktikada badnaa ee Caalamka soo mara ee aan marnaba ku jabi jirin gulufyada uu hor kacayo, Jeneralak...
20/06/2024

Abaanduulihii ugu Taaktikada badnaa ee Caalamka soo mara ee aan marnaba ku jabi jirin gulufyada uu hor kacayo, Jeneralakii Khidadka Dagaalka ee illaa Maanta la addeegsado soo hindisay Khaalid Ibnu Waliid ayaa Buur fuulay ka hor Dagaalkii Yarmuuk si uu u eeggo Ciidamadii Ruum wuxuuna yiri: hadal caan baxay:
‘’هؤلاء قوم لا علم لهم بالحرب''
"Waa dad aan aqoon u lahayn Dagaalka"

Dadka uu ka hadlayo khaalid Ibnu Waliid waa Ciidankii Ruum, waa Ciidankii ugu awoodda iyo Tiradda badnaa xilligaas la joogo.

Hadalkaas waxaad ka baranaysaa in Dagaalka iyo hoggaamintu ay tahay fanni ama majaal gaarkiisa loo barto oo aysan awood, tiro iyo hub badnidu wax weyn ka goyn saaxadaha Macaarikta iyo Hardanka.

W/Q: Yaasiin Aadan

Cimiga Geography-ga (Juguraafiga)Juguraafigu waa barashada muuqaalka guud ee Dhulka, Hawada sare iyo wax-qabadka dadyowg...
05/06/2024

Cimiga Geography-ga (Juguraafiga)

Juguraafigu waa barashada muuqaalka guud ee Dhulka, Hawada sare iyo wax-qabadka dadyowga dunida ay sameeyaan, kuwaas oo la xiriira khayraadka dabeeciga ah, Siyaasad iyo Dhaqaalaha.
Juguraafigu waa beer ka mid ah Saynis-ka gaar ahaan qaybta loo yaqaan (Social Science).
Juguraafigu waxaa uu ka yimid, Weedho giriiga ah oo isku raran kuwaas oo sameeyay macnaha Geography kuwaas oo kala ah (Geo) oo macnaheedu yahay Dhul (Graphie)oo macnaheedu yahay barashada waxaa ku saabsan Dhulka.

Sidaa taariikhdu wariso qofkii ugu horreeyay ee addeegsada weedha Geography, waxaa uu ahaa Eratosthenes kaas oo sameeyay Maabkii ugu horreeyay ee adduunka intii u dhaxeeysay 195-276 bc.
Si fudud waxaa aan ugu qeexi karnaa Juguraafiga barasha la baranayo Dhulka iyo oogadiisa, iyo kala duwanaasha Cimilada Wadamadda addunka, Dadyowga iyo khayraadka dabeeciga ah.

Faa’iida Juguraafiga

>Juguraafigu waxauu inaga caawiyaa sidii aan u fahmi lahay muuqaalka guud ee Dhulka sida Hawada sare, Biyaha, iyo Dhaqaalaha.
>Juguraafigu waxa uu inoo ogolaadaa in aynu fahano, dhammaan maadooyinka sayniska.
>Juguraafigu waxa uu baadi-gooba sidii aynu u garan lahayn isbedelka iyo horumarka ku yimaada marka walax ay in badan yalaan.

Maadada Juquraafiga oo xambaarsan xamaasad dheera ah oo ay kaga duwan tahay maadooyinka kale, waxaa si fudud loogu qaybin karaa laba qaybood oo waawayn.

1) Human Geography
Human geography waa barashada dabeecadaha aadamaha, dhaqankooda, dhaqaalahooda, iyo dhammaanba waxyaabaha la xiriira nolosha aadamaha, kuwaas oo dhammaanba diirada lagu saaro wax qabadka dadyowga dunida tusaale ahaan Human Geography waxaa uu ka kooban yahah number tirro badan tusaale ahaan
Culture Geography, (Juguraafiga Dhaqanka) Economy Geography, (Juguraafiga Dhaqaalaha) Health Geography, (Juguraafiga Caafimaadka) Social Geography, (Juguraafiga Bulshada).

2) Physical Geography
Barashada la baranaayo muuqaalada guud ee Dhulka iyo Hawada sare waana qaybta ka hadasha Meerayasha, Cimilada, Biyaha waxaa uu ka kooban yahah number tirro badan kuwaas oo ka farcama Geomorphology, Glaciology, Biogeography.

W/Q: Yaasiin Aadan

03/06/2024

Waayitaan kasta waa helitaanka wax cusub.
Diidmo kastana waa aqbalidda wax ka qiimo badan wixii aad diidmada kala kulantay, Albaab kasta oo kaa xirmana waa fursad aad ku ogaan kartid albaab kale oo kuu furan, kaasoo ka wanaagsan kii kaa xirmay. Waxaan uga jeedaa, ma helaysid shay ama fursad, illaa aad lumisid oo aad waydid fursaddii horre ee aad haysatay. Marka aad waydid wax aad jeclayd, waayiddaasi waa fursadda kuu ogolaanaysa in aad heshid wax ka qaalisan kana fiican wixii aad horay uhaysatay. Nolosha ayaa sidaa inoo hoga tusaalaynaysa.

Haddaba, haddii ay kaa khasaarto fursad aad naawilaysay, ama aad waydid wax aad jeclayd, waxaa kugu soo wajahan wax ka sii weyn waxaas. Niyaddaada samaan iyo rajo qurxoon ku hab.
Waqtigu ha idiin wacnaado.

W/Q:Yaasiin Aadan

26/05/2024

Warbaahin qof kaliya maamulo wuxuu doonnana kusoo gudbiyo Been, Run, Caay, Canaan, isku dir Qabyaalad, Anshax xumo, Aqoonyari Sharciyeed Maadi iyo Diiniba ah. Iyo dad wada caan raadis ah hadaf kale iyo waxaa ay gudbinayan aan dan kala hayn qaarkoodna aanayba dareensanayn ayaa Umaddii haadaan iyo xoog aan so kabasho lahayn ka tuuray.

Umadda Soomaaliyed waxay udumaysa dhawrkii sano ee la soo dhaafay si caqliga ka baxsan ha noqdo dhan Diineed & mid Dhaqameed ba.

10 kii Sano ee la soo dhaafay is badalka dalka ka dhacay ee dhinaca taban wuxuu kabadan yahay kuwii ka horreeyay oo dhan wax kastaba ha ugu wacnaatee.

Dhallanyarooy yaan laga tagin gobbonimada dhexdeena taalla oo ah in Dalka, Dadka & Diintaba masuuliyadi inaga saaran tahay.

Waxaad ka foggaata wax kastoo bulshadda kala qaybinaya kuna beeraya Cunfi abuurayana mustaqbal xumo inagu habsata, xaalad kasta oo jirta noqo mid kaga jawaaba si miirqab ku jirto oo jecel Wadankiisa.

W/Q: Yaasiin Aadan

24/05/2024

Najmuddiin Arbakaan (Necmettin Erbakan) oo ahaa
Ingineer, Mufakir Islaami ah iyo Siyaasi Turki ah, madax ka noqday Xisbigii Rafaah, ahaana Ra'iisul
Wasaarihii Turkiga 1996 ilaa 1997, Xikmadaha laga qoray waxaa ka mid ah:

Hal Bilyan iyo bar Muslimiin ah ayaa sugaya Shimbiro"Abaabiil" ah, si ay u baabi'iyaan Siddeed Milyan oo Israa'iil ah, Illaah baan ku dhaartaye, haddii Abaabilli imaan lahaayeen, cid aan annaga ahayn ma ay dhagaxyeeyeen.

W/Q: Yaasiin Aadan

17/05/2024

Nabiga ﷺ wuxuu yiri: Qofka islaamka ah wanaagiisa waxaa ka mid ah inuu faraha la gelin arrimo aanu shaqo ku lahayn.

W/Q: Yaasiin Aadan

05/05/2024

Ibnu khalduum waxa uu yiri "Qofkii Falsafada wax yar ka akhriya waxa uu u leexdaa dhinaca Ilxaadka (Alla Koodka) qofkii wax badan ka akhriyaana iimaankiisa ayaa kordha"
Oraahdaan waxay ku tusinaysaa qaybo kamida dhillinyarada Soomaaliyeed ee markay labo Buug akhriyaan doodaha indhacadayska la soo istaaga.
Haa waa run in qofku marka uu shay akhriyo uu fikrad ka qaato waana arrin jirta.
Balse waxaa habboon in ruuxu wax badan ka ogaado waxa uu ictiqaadinayo oo usan fikrad walba iska qaadan kuna kalsoonnaan kana dheeraado wax kasta oo Diintiisa ka shaki galinaya.

W/Q: Yaasiin Aadan

02/05/2024

Dabayaaqadii Qarnigii 19aad ayuu Boqorkii Jarmalka ee Wilhelm-kii labaad oo ay la socoto xaaskiisii Booqday Magaaladda Dimishiq.

Waxa u soo baxay qaabilaaddiisa Maayarkii Turkiga ahaa ee Mustafa Caasim Baashaa.

Qorshaha Siyaasadeed ee aadka u badan ee horyaallay waxa bar-bar socday, qorshe tamashle iyo dalxiis ah oo socdaalkaas taariikhiga ah ku lammaanaa.
Markii uu Boqarkaas Wilhelm booqday Qalcadda Dimishiq, ayay arragtay Xaaskiisii Dameer cad oo beledi dad-yaqaan ah.

Inta ay ka heshay ayey boqorkii ka dalbatay in uu u gado si ay Jarmalka ugu qaadato.

Maayarkii ayaa Ninkii Dameerka lahaa raadiyay, waxana uu noqday nin maskiin ah oo Abul Kheyr la yiraahdo.

Waxa uu ka dalbaday in uu dameerkaas boqoradda u hadyadeeyo, balse wuu ka diiday, ninkii.
Waxa uu usoo bandhigay in uu ka gado, sidoo kale wuu ka diiday.

Waxa uu ku yiri: Maayarkii "Mudane masaladani lama xiriidho Dhaqaale, ee waxa aan leeyahay Faras Carbeed asal-dhalad ah, ee kaas qaado haddii aad doonto, laakiin dameerkan isaga maya ayaan taaganahay’’.

Maayarkii oo la yaaban ayaa weydiiyay sababta?

Abul-Kheyr waxa uu ku yiri: "Mudane haddii ay dameerkaas dalkooda u qaataan, Saxaafadda ayaa wax ka qoreysa oo dadweynaha ayaa ka sheekeesanaya, waxana ay ubixinayaan Dameerkii Shaamiga ahaa, waxana ay dadkoodu isla dhexmarayaan hadal ah,
miyaaney boqoraddu wax dameer dhaama Shaam kasoo helin.
Sidaa awgeed uma hadyadeynayo, kamana gadayo.

Jaceylka Waddanku ma aha maansooyin lagu Geeraaro iyo Khudbado kul kul oo lajeediyo midna.

Haddii aad dooneyso inaad ogaato halka uu Waddanku ka joogo qalbiga qofka, ha eeggin
waxa uu leeyahay, ee eeg waxa uu sameynayo.

W/Q: Yaasiin Aadan

01/05/2024

Waxa Uusan Boqorku Aqoon

Waxaa jiray xilli dhulka uu Juxa ku noolaa uu yeeshaya Boqor aad u ad-adag. Waxa uu amray in qofkii dembi sameeya si aad u daran loo garaaco (Jeedalo). Maalin ayaa Juxa oo agjooga Boqorka ayaa maqlay Boqorka oo amarro bixinaya oo dhahaya:

"Ninkaan ha lagu dhufto 700 oo jeedal. Midkaan kalena 1000 jeedal. Midkaan kalena 1200. Midkaas kalena 1500"

Juxa ayaa la hadlay Boqorkii:

"Boqoroow, wax walba ma taqaan?"

"Hubaal, waan aqaanaa wax walba" ayaa Boqorkii ku jawaabay.

Juxa ayaa markaas boqorkii ku yiri:

"Maya Boqoroow. Aniga ayaa kuu sheegayaa wax aaddan aqoon. Ama tirada 1500 ayaadan aqoon ama xanuunka Jeedalka."

Sheekaddan maxaa lagu fahmi karaa?.

W/Q: Yaasiin Aadan

‘’BRICS’’BRICS waa Urur dawladeed oo ka kooban Brazil, Russia, India, China & South Africa.waddamada BRICS waxay ku fadh...
30/04/2024

‘’BRICS’’

BRICS waa Urur dawladeed oo ka kooban Brazil, Russia, India, China & South Africa.
waddamada BRICS waxay ku fadhiyaan seddex meelod meel bedka dhulka adduunka una dhiganta 27% sidoo kale waxa ay matalaan 42% dadweynaha adduunka ku nool. Brazil, Russia, India & China waxay ka mid yihiin tobbanka waddan ee adduunka ugu dadka badan, bed ahaan iyo GDP-ahaan (Gross Domestic Product). Dhammaan shanta dawladood waxay xubno ka yihiin Ururka G20.

Xagee ayuu ka yimid magaca BRIC?

Jim O'Neill oo ah qabiir dhaqaal yahan Barrena ka ah Jaamacadaha ugu waaweyn Maraykanka sidoo kalena ka shaqeeya Hay'ado dhaqaale iyo Bankiyo, kadib weerarkii daaraha dhaadheer ee maraykanka waxa uu qoray warqad baaritaan oo cinwaankeedu ahaa dhisida dhaqaale caalami ah suuqyada soo koraya oo uu ku soo koobay kalmada: BRIC ee uu ula jeeday dalalka Brazil, Russia, India & China waxa uu ku sheegay baaritaankiisa in dhaqaalaha waddamadan uu aad u koraayo ayna heystaan fursad ay dhaqaalaha caalamka ku hoggaamiyaan.

Jim O'Neill waqtigii uu warbixintaan uu qoraayay 2001 ma jirin Urur la dhaho BRIC isaga ayaa iska saadaliyay, maadaama loo arkaayay dalalkaan kuwa dhaqaalahoda aad u soo koraya.

Dalalkani waxa ay diiradda saarayaan waxaa ka mid ah iskaashiga dhaqaalaha iyo kordhinta ganacsiga iyo horumarka dhinacyada badan leh.

2006 shirkii Qaramada Midoobay ee ka dhacay Magaalada New York oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka caalamka oo dhan ahna fursad ay isku arkaan Hoggaamiyaasha wadamada xubinta ka ah Qaramada Midoobay waxaana ku kulmay madaxda BRIC kullan is af-garad oo is bahaysi dhaqaale ah.

2009 Waxaa markii ugu horreysay la qabtay kullankii BRIC sannad kadib waa 2010 waxaa ku soo biiray South Africa waxaana magacii BRIC uu isku bedelay BRICS.

Kullankii ugu muhiimsananaa BRICS waxaa uu qabsoomay 2014 oo Brazil ka dhacay waxaa lagu kala saxiixday heshiis laba qaybood oo weyn.

1. Dhisida Bangiga horumarinta: waxaa loogu tala galay in lagu hormariyo waddamada ku soo biiraya ee dhaqaalahooda hooseya sida dhismaha wadooyinka, Garoomada, dhisma hoosaadyada IWM.

2. Sanduuqa kaydka: waa sanduuq ay balaayiin dollar ku jirto looguna tala galay haddii mid ka mid ah dalalka Ururka kujira dhaqaale xumo soo food saarto si kor loogu soo qaado dhaqaalihiisa sidoo kale sanduuqa kaydka waxa uu bixinayaa Deeyn la siinaayo dalalka ururka.

China iyo Brazil waxa ay bilaabeen in ay lacagahooda wax isku dhaafsadan sidoo kale Russia iyo India iyaguna waxay bilaabeen in ay lacagahooda wax isku dhaafsadan, Bangladesh iyo India waxa ay dhaheen damba dollar ma addeegsan doono.

Bishii Agoosto 2023, shirkii 15aad ee BRICS , Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa wuxuu ku dhawaaqay in Argentina, Masar , Itoobiya, Iran, Sacuudi Carabiya & Isutagga Imaaraadka Carabta lagu casuumay inay ku soo biiraan ururkan. Xubinnimada buuxda ee waddamadan ayaa la qorsheeyay inay dhaqan gasho 1da Janaayo 2024.

In ka badan 40 Waddan, oo ay ku jiraan Iran, Saudi Arabia, United Arab Emirates, Argentina, Algeria, Bolivia, Indonesia, Egypt, Ethiopia, Cuba, Democratic Republic of Congo, Comoros, Gabon, iyo Kazakhstan ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan ku biirista Ururkan.

Koonfur Afrika, oo ah xubinta ugu yar marka loo eego dhaqaalaha iyo tirada dadka, ayaa ahayd ka faa'iideystihii ugu horreeyay ee markii la balaarinaayay ururka 2010.

Iran l, oo hoy u ah ku dhawaad rubuc ka mid ah kaydka Saliida ee Bariga Dhexe, ayaa sheegtay inay rajaynayso in habka xubinimada cusub la go'aansado.

Miisaanka Saliida ee Sacuudi Carabiya wuxuu ka mid ahaa in ka badan 12 Waddan oo ka qayb galay "Shirkii BRICS" wadahadaladii Cape Town bishii June. Waxay taageero ka heshay Ruushka iyo Brazil si ay ugu soo biirto BRICS.

Argentina ayaa sheegtay in bishii Luulyo 2022 ay heshay taageerada rasmiga ah ee Shiinaha si ay ugu biirto ururkan.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahooda sida aadka ah u kobcaayo ayaa bishii June sheegtay inay codsatay inay ku biirto ururka, Abiy Ahmed qoraal uu ku soo qoray barta Twitter oo hadda loo yaqaan X waxa uu yiri: Ethiopia diyaar ayay u tahay dhisida nidaam cusub oo caalami ah.
iyadoo Af-hayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda uu sheegay in waddanku uu sii wadi doono la shaqaynta Hay'adaha caalamiga ah ee ilaalin kara danihiisa.

Madaxweynaha Bolivia, Luis Arce, ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo ka mid noqoshada BRICS, Dawladdiisu waxa ay sheegtay bishii Luulyo inay go'aansatay inay joojiso ku tiirsanaanta dollarka Maraykanka ee ganacsiga shisheeye, taas beddelkeedana loo weecdo dhanka Shiinaha, iyadoo la raacayo ujeeddada Hoggaamiyeyaasha BRICS ee lagu dhimayo ku tiirsanaanta lacagta Mareykanka.

Algeria ayaa sheegtay bishii Luulyo inay codsatay xubinnimada BRICS iyo inay saami ku yeelato Bangiga Horumarinta, waxa loogu yeero BRICS Bank. Dalkan ku yaala Waqooyiga Afrika ayaa qani ku ah kheyraadka Saliidda iyo Gaaska, wuxuuna doonayaa inuu dhaqaalihiisa kala duwanaado oo uu xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Shiinaha iyo dalalka kale.

Kullankii furitaanka BRICS ee ka dhacay South Africa 23 bishii August ee sanadkii tagey 2023. Madaxweynaha Brazil Lula Da Silva waxa uu yiri: "Samaynta hal lacag oo ganacsi ahaan aan isku weydaarsano Annaga ka BRICKS ahaan waa talaabada ugu muhiimsan ee macquulka ah inaan qaadno" sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay sameynta lacag u gaar ah BRICKS balse wali la iskuma raacin.

Waxa ugu weyn ee Dollarka hoos u dhac ku keenaya waa in dalaalkaan lacagahooda wax isku dhaafsadan ayna yaraato dalabka la dalbanaayo lacagta dollarka.

Ku soo biirista wadamada Iran, sacuudiga iyo imaaraatka waxa ay ka dhignaan doonta in 80% uu BRICKS masuul ka ahaan doono wax soo saarka Shidaalka caalamiga .

Arragtidaada: Somalia maxaa la gudboon ku biirista Uurkan?

W/Q: Yaasiin Aadan

25/04/2024

Dhammaan Madaxweynayaashan waxa xilka ka tuurey ilaaladoodi oo Afgambi kula wareegey taladii dalalkaas.

1. Abdirashod Ali Sharmarke: Madaxweynihii labaad ee dawladii Somalia, waxa xilka ka tuurey Mohamed Siyad Barre oo Staff u ahaa isaga. 1969.

2. Milton Abote: Madaxweynihii horre ee Uganda, waxa xilka ka tuurey Idi Amin Dada oo Stafkiisa ahaa. 1971.

3. Thomas Sankara: Madaxweynihii horre ee Burkina Faso, waxa xilka ka tuurey Saaxibkii oo mar walba sida Stafkiisa u daba taagnaan jirey. 1987

4. Patrice Lamumba: Ra’iisul wasaare horre oo D.Repuplic Of Congo, waxa xilka ka tuurey Mabuto Se soko oo saalan siin jirey.1961.

5. Alpha Conde: Madaxweyne horre oo Gini Conakry, wax xilka ka tuurey mid ka mida ilaaladiisi oo mar kasta Dalada Cadceeda iyo Roobka layskaga dhigo u hayn jirey. 2021.

Ku darso intaad ka xasuusato.

W/Q : Yaasiin Aadan

Tariikhda Fikirka Dhaqaalaha.  ‎(تاريخ الفكر الاقتصادي)(يتعذر فهم علم الاقتصاد دون إدراك لتاريخه)FAHAM:Taariikhda fikirk...
22/04/2024

Tariikhda Fikirka Dhaqaalaha.
‎(تاريخ الفكر الاقتصادي)

(يتعذر فهم علم الاقتصاد دون إدراك لتاريخه)

FAHAM:
Taariikhda fikirka dhaqaalaha: waa laan ka mid ah laammaha dhaqaalaha, waxa uuna xoogga saaraa in la derso horumarkii dhaqaale iyo arragtiyihii dhaqaalaha dhisay oo ka dhigay sida uu hadda yahay iyo fikradaha ay soo bandhigeen dhaqaalayahanadda sida Ibnu Khalduun, Adam Smith, Karl Marx, John Maynard Keynes, David Ricardo iyo kuwo kale.

QEYBIN: (مدارس الأفكار الاقتصاديه)
Fikirka dhaqaalaha waxa loo qaybin karaa qiyaas ahaan Saddex waji:
‎1. العصر الحجري (Roman, Hindi, Persian, Islamic, & Imperial Chinese).

‎2. الحديث المبكر (اقتصاد التجاري Macaash iyo اقتصاد الطبيعي Beeraleey).

‎3. والحديثة (laga bilaabo Adam Smith iyo dhaqaalaha qadiimiga ah illaa dabayaaqadii qarnigii siddeed iyo tobnaad), Waxana ka mid ah:

1. Classic Economy اقتصاد الكلاسيكي mufakiriintii hoggaaminaysay waxa ka mid ahaa Adam smith Aabbihii dhaqaalaha, David Ricardo iyo Thomas Robert Malts.

2. Marxist Economy اقتصاد الماركسي ( Hanti-wadaag ) Karl Marx .

3. Modern Classic الكلاسيكية الحديثة afkaartii hagaajisay classic horre waliba waa afkaartii horseeday horumarkii Warshadaha ee reer yurub, sidoo kale mufakiriintii ugu caansanayd waxaa ka mid ahaa: Karl Menger iyo Alfred Marshall.

4. Keynesian Economics الاقتصاد الكينزي afkaartii dhaqalyahanka Ingiriisiga ahaa ee John Maynard Keynes.

Waxaa jirta qeyb la yiraahdo المدرسة النقدية ama المدرسة شيكاغو oo soo shaacbaxday qarnigii 20-aad gaar ahaan 2008 kadib markii ay dhacday aafo lacageed si Caalami waxa hoggaaminayay mufakirkii waynaa Milton Friedman waxa uu barre ka ahaa jaamacada Chicago.

W/Q: Yaasiin Aadan

14/04/2024

Reer Galbeedku waxa ay aaminsanyahiin in Furaha Muslimiintu ay yahiin Carabta sidaas awgeed ayuu Moro Perger u yiri: “Tariikhd ahaan waxa sugan in Carabtu ay tahay awooda Islaamka Hadii La rabo in islaamka La burburiyana waa in marka horre iyaga la burburiyaa”.

Carab waa nimanka 800 Sano kaga talinaayay adduunka Shareecada Islaamka Amiiru Muminiin Cumar Binu Khadaab illaa Umawayiinti, Cabaasiyiinta.

Waa Ragga uu ka dhashay Salaaxudiin Al-Ayuubi, Haaruuna Rashiid, Boqor jinsiyada ka qaadi jiray Dalwadda Romaanka. 4,000 oo Asaxaabi in ka badan ayaa Nabbiga (NNKH) ballan ka qaaday inay diinta gaarsiinayaan Caalamka waanay gaarsiiyeen.

Balse Carabta Maanta joogta ma ahan Carabtii Shalay.

Yaasiin Aadan

22/03/2024

Cumar Bin Khadaab (RC) ayaa Shacabkii reer Xumus ka dalbaday in ay soo diiwaan geliyaan dadkooda fuqarada ah (waxba haysan). Waase uu yaabay markii uu liiskii ay soo gudbiyeen uu ku dhex arkay magaca Amiirkii Xumus ee Saciid Binu Caamir.

Wuxuu dadkii deeggaanka weydiiyey sababta uu Amiirkoodu ugu jiro liiskan waxayna u sheegeen in Amiirkoodu uu ka mid yahay kuwa ugu faqiirsan Xumus, maxaa yeelay ayey yiraahdeen, waxa uu Sadaqo ula baxaa dhammaan Mushaharaadka uu ka qaato Baytul maalka muslimiinta.

Mar labbaad ayuu Cumar Bin Khadaab dadkii weydiiyey "miyaad Amiirkiinna Saciid u haysaan wax dhaliil ah. Waxayna u sheegeen in ay jiraan Saddex dhaqan oo ay kaga cabanayaan Saciid Bin Caamir.
Waxay yiraahdeen.:
1: Wuxuu maalin kasta noo yimaaddaa xilli danbe oo barqada ah.
2: Guud ahaanba Habbeenkii nalama joogo mana aragno.
3: Todobaadkii hal maalin ayuu naga maqan yahay.

Cumar Bin Khadaab ayaa u yeeray Saciid wuxuuna weydiiyey eedaha loosoo jeediyey Saciidna wuxuu sheegay in dhammaan 3-daas dhaliiloodba ay run yihiin sababtoo ah ayuu yiri:

1: Subaxii waxaan u addeegaa Xaaskayga oo xanuunsan oo shaqada gurriga ayaan soo qabtaa ka hor inta aanan Masaajidka imaannin, maadama aanay ii joogin gabar addeegto ah.
2: Maalinkii inta qorraxdu soo jeeddo iyaga ayaan u shaqeeyaa habbeenkiina akhiradayda ayaan u shaqaystaa. Sababtaas ayaysan habbeenkii ii arkin.
3: Todobbaadkii hal mar ayaan dhaqdaa labbadayda go'. inta ay ii qalallayaanna masoo baxo sababtoo ah ma hayso labba kale oo aan ku beddelo.
Wuu ooyey Cumar Bin Khaddaab markii uu dhageystay hadalada Saciid Bin Caamir.
Waxay ahayd madarasaddii Nebiga (NNKH) taas oo rabbaysay jiil Allahooda ka cabsanaya ficilkoodana u fiirsanaya.

W/Q: Yaasiin Aadan

17/03/2024

Dal kasta oo Adduunka ka mid ah wuxuu leeyahay xeerar iyo nidaam u gaar ah. Diinta islaamkuna waa ay dhiirrigelisay in bulsho walba ay samaysato xeerarka ay ku wada noolaanayaan, si gaar ah xeerarka umadda Islaamka waa in uusan ka hor imaanaynin Kitaabka iyo Sunadda Nabiga (NNKH). Waxaana ka mid ah nusuusta ay ku dhiirri gelisay:

(وَالَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ)

(أنتم أعلم بأمور دنياكم) حديث

Haddaba, xeer kasta oo dal leeyahay waxa uu ka jawaabaa saddex su'aalood, kuwaas oo ah dabarrada fura ama xira dhaqangalkiisa. Si la mid ah xeerarka kale ee Dalka, Xeerka Ciqaabtu waxa uu ka jawaabaa saddexda su'aalood ee u aasaaska ah xeer walba. Kuwaas kala ah:

1. Goorta uu dhaqangalayo.
2. Goobta uu ka dhaqangalayo
3. Cidda uu ku dhaqangalayo.

Waxa uuna kaga jawaaba sidan hoos ku xusan:

1) wakhtiga: goorta uu dhaqangalayo waxa ay ka bilaabantaaa maalinta uu dhasho, waxa aanay ku egtahay maalinta la tirtiro xeerkaasi.

2) Goobta: goobta uu ka dhaqangalayo waxa ay ku egtahay inta ay gaarsiisantahay gobannimada Dalku.

3) Qofka: Xeerka Ciqaabtu waxa uu qabanayaa qof walba oo ku nool Dalka gudihiisa. Marka laga reebo xaaladaha xeer qeexay (sida qofka Waalan, qofka aan qaangaarka ahayn iyo qof walba oo xaalad sharcigu oggolyahay ka reebtay masuuliyadda dembi.

W/Q: Yaasiin Aadan

Intii uu socday Dagaalkii qaboobaa ee Mareekanka iyo Midowgi Soofiyeed-ka Mareekanka ayaa isku dayay inuu bisad tabbabar...
09/03/2024

Intii uu socday Dagaalkii qaboobaa ee Mareekanka iyo Midowgi Soofiyeed-ka Mareekanka ayaa isku dayay inuu bisad tabbabaro si loogu basaaso Safaaradaha Midowga Sofiyeed iyo caasimada Moosko iyo sidoo kale ajaanibta Mareekanka timaado, waxaana la bilaabay mashruuc loogu magac daray ''Operation Acoustic Kitty'' mashruucaan CIA-da Mareekanka ayaa wexey ku bixisay $20 milyan.

Bisad ayaa qaliin lagu sameeyay iyadoo qeebta dhegta loo galiyay cod qaade halka qolfoofta hoosteeda loo galiyay gudbiye iyo Batari intaas kaliya maahane dhogorteeda danbe waxaa la mariyay Fiilo ku xariirsan cod qaadaha iyo gudbiyaha taas oo toos utagayso Anteeno lagu beeray Seenta Bisadda (fiiri sawirka 2-aad).

Todobaadyo arrintaas la waday kadib bisaddi ayaa la howl galiyay iyadoo bisadda loo diray dhanka labo nin oo sheekeesaneesay hase yeeshee inti ay wadada sii socotay ayaa Baabuur Taksi laamiga la simay ama dardaray halkaas ayayna bisaddi labaatanka milyan ee doolar lagu bixiyay kusoo afjarmantay.

W/Q: Yaasiin Aadan

DAROOGADA IYO DILALKADhakhaatiirta cilmu nafsigu waxay sheegaan in ay jirto xiriir ka dhaxeeya Mukhaadaraadka iyo Dilalk...
01/03/2024

DAROOGADA IYO DILALKA

Dhakhaatiirta cilmu nafsigu waxay sheegaan in ay jirto xiriir ka dhaxeeya Mukhaadaraadka iyo Dilalka gaar ahaan dilalka ka dhex dhaca Qoysaska.

Cilmi baaris ay sameeyeen Khubaro Maraykan ah ayaa lagu sheegay in 86% dadka geysta dilalka iyo kufsiga ay yihiin dad isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Waxay sheegeen in daroogada oo uu qofku isticmaalo ay sababto inuu qofku noqdo cudwaani aan u dulqaadan karin wax yar oo canaan ah, taasina ay sababto inuu waxyeelo u geysto dadka qofka ugu dhow maadaama uu damiirkiisu dhintay.

Maalmihii u dambeeyey waxaa aad u soo batay dilalka qoysaska ka dhex dhaca, haddii arrintaan si dhab ah loo baaro waxay salka la galeysaa waxyaabaha maanka dooriya iyo daroogada nooc walba leh ee ay Ganacsatadu dalka soo geliyaan.

Dalka waxaa la keenaa noocyo badan oo daroogo ah oo dunida mamnuuc ka ah, kuwo Cirbado ah, Kiniiniyaal, kuwo la cabbo iyo kuwo Sanka laga qaato intaba.

Haddaba waxaa la gudboon Dawladda inay wax ka qabato daroogadan sababayso fal dambiyeedyo dilal iyo dhaawac ba leh. Sidoo kale dhammaan Shacabka, Ganacsatadda, Warbaahinta iyo dadka wax-garadka iyo dhammaan bulshadda qaybaheeda kale duwan inay arrintaas ka hadlaan bulshada ka wacyi geliyaan.

W/Q: Yaasiin Aadan

18/02/2024

Nasiibku (Calafku) inuu jiro ma aminsantahy
(Does Luck Exist) mise waxaad qabtaa in Af-caasha ay ka dhalato Natiijadu oo wax Nasiib la yiraa aanu jirin.

W/Q: Yaasiin Aadan

02/01/2024

Hoggaamiyihii Magooliga (Tataarka) ahaa ee Jinkis-khaan markuu weeraray magaaladda "Bukhaara" wuxuu awoodi waayey inuu magaaladda furto oo gudaha u galo, sababtoo ah magaaladdu waxaa ku wareegsanaa derbi iyo dhufeysyo addag.

Markaas ayuu Jinkiis khaan waraaq u qoray dadkii magaaladda degganaa isagoo leh: Qofkii na garab istaaga naftlisa iyo maalkiisa waan u badbaadin doonnaa".

Dadkii magaladda degganaa ee markii horre difaaca ku jiray laba qeybood ayey u kala jabeen:

Qeyb codsiga jinkiis khaan diidday oo ku adkeysatay inay magaaladdooda sii difaacdaan, iyo Qeyb
ogolaatay dalabka jinkiis khaan.

Qaybtii ogolaatay dalabka jinkiis khaan haddana fariin kale ayuu u soo diray isagoo leh: haddii aad noogu kaalmeysaan dagaalka kuwa diidan inay is dhiibaan, markaan guleysanno magaaladda idinkaa madax ka noqon doona.

Waxaa hubka qaatay oo safka ciidamadda Maguulka ku biiray daba-dhilifyo iyo kuwo caada-qaatayaal ah,
kadib waxaa bilowday dagaal u dhaxeeya dadkii
walaalaha ahaa ee magaaladda degganaa oo labo Koox noqday, ciimaddii maguulkuna kor ayey ka daawanayeen.

Ugu dambeyntii Kooxdii daba-dhilifka aheyd ayaa
guuleysatay, Maguulku iyagoon dagaal gelin ayey
magaaladii qabsadeen, kuwii daba-dhilifka ahaana
Hubkii ayey ka uruuriyeen kadibna intay meel fagaare ah isugu keeneen ayey qoorta kawada jareen.
Markaas ayuu jinkiis khaan yiri: Erayadii taarlikhda
galay: " Hadday kuwo la aamini karo yihiin walaalahood ma khiyaameen".

W/Q: Yaasiin Aadan

14/12/2023

Madaama Soomaaliya lagu cafiyey Deyntii lagu lahaa malaga yaaba in ay Canshuurteeda uga maaranto Caawinaada Dawladaha Shisheeye?

𝗙𝗔𝗛𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗖𝗔𝗡𝗦𝗛𝗨𝗨𝗥𝗧𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗔𝗬 𝗗𝗢𝗪𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗨 𝗟𝗘𝗘𝗗𝗔𝗛𝗔𝗬.

Fahamka canshuurta: "Canshuurtu waa isha ugu muhiimsan ee dowladda uu daqli ka soo galo, waana tabarucaad waajib ku ah muwaadiniinta dalka taas oo ay sifo sharci ah ugu soo rogto xukuumadda dalka" Dr. Dalton.

Sidoo kale "Canshuurtu waa kharashaad kooban oo qof kasta ay waajib ku tahay in uu bixiyo isaga oo siinaya dowladda si wax looga qabto danaha guud ee dowladda ay shacabka u hayso, balse uu san qofku si shaqsi ah uga sugayn faa’ido gaar ah. Professor Seligman.

Sidoo kale "Canshuurtu waa wax aan ku macnayn karno taakulaynta ku anfacaysa oo inta lagaa qaado dib ay dowladdu wax kuugu qabanayso" -Prof Yahye Amir.

𝗡𝗨𝗨𝗖𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗖𝗔𝗡𝗦𝗛𝗨𝗨𝗥𝗔𝗛𝗔

Waxaa jirta nuucyo kala duwan oo ah canshuuraha ay dowladuhu qaadaan waxaase ugu muhiimsan ama ugu caansan kuwaan:
1) Canshuurta daqliga (Income-Tax) waa tan ugu badan ee dowlad dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay.
2) Canshuurta iibka (Sales-Tax).
3) Canshuurta mulkiyadda (Property-Atax).
4) Canshuurta xuduudaha (Custom-Tax) oo iyana kamida kuwa ugu badan ee dowladuhu daqliga ka soo galo ah.

𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗔𝗬 𝗗𝗢𝗪𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗨 𝗟𝗘𝗘𝗗𝗔𝗛𝗔𝗬

Casrigaan dambe dowladaha jira badankood waxay noqdeen kuwo ku tiirsan daqliga ka soo gala shacabkooda isla daqligaas ayay dib ugu celiyaan bulshadooda iyagoo habab kala duwan wax ugu qabanaya. Marka laga hadlayo canshuurta "Dawladba tii ay ka canshuur qaadis badan tahay sidoo kalena ka maarayn wanaagsan tahay ayay ka hormarsan tahay waqtigaan".

Marka la soo koobo muhiimadda canshuurta ee ay dowladda u leedahay waxaan ugu mudan shaqooyinka ay ku qabato kuwaan:

1) Waa isha daqliga dowladda ka soo galo.
2) Dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure) wadanka.
3) Horumarinta waxbarashada.
4) Ciribtirka cudurada iyo horumarinta hannaanka caafimaadka.
5) Sugidda amniga shacabka iyo guud ahaan dalka.
6) Daryeelka bulshada iyo bixinta adeegyada asaasiga ah.
7) Yaraynta xadiga saboolnimada wadanka.
8)Xakamaynta shirkadaha dalalka shisheeye.
9) Illaalinta tayada badeecadaha dalka yimaada.
10) Sare u qaadidada GDP waddanka.
Intaas iyo in kasii badan oo muhiimad ah ayay dawladda u leedahay canshuurtu.

W/Q: Yaasiin Aadan

12/12/2023

Adduun isku dheelitirnaan lagama helo oo qofku marba xaalad ayuu ku jiraa, marku uu mashaakil xaliyana mid buu ugud baa illaa uu ka dhinto.
W/Q Yaasiin Aadan

Sharciga & Dhaqaalaha ( Law & Ecnomics) Sharcigu waa xakameeyaha caadooyinka iyo habdhaqanada bulshadda, wuxuu farayaa f...
11/12/2023

Sharciga & Dhaqaalaha ( Law & Ecnomics)

Sharcigu waa xakameeyaha caadooyinka iyo habdhaqanada bulshadda, wuxuu farayaa faritaano ay waajib tahay in la raaco, haddii la raaci waayana ay ka dhalaneyso ciqaab (Punishment).

Dhaqaaluhu waa meesha ugu badan ee lagu jabiyo Sharciga isla markaana si daran looga xadgudbo.
Cilmi baaris la sameeyay Sannadihii lasoo dhaafay ayaa tilmaamaysa kiisaska Maxkamadaha lakeeno in ay ugu badanyihiin Dambiyada Dhaqaalaha (Financial Crimes).
Sharcigu wuxuu si adag isugu dayaya inuu xakameeyo
A. Heshiisyada Ganacsiga
B. Habraacyada dhoofinta iyo soo dhoofsashada
C. Kirada iyo Amaahda
D. Suuq geeynta(Marketing) iyo Xayeeysiinta.
E. Badqabka Badeecadaha iyo qiimahooda
F. Xasilinta sicirka suuqa iyo lasocoshadooda

Ganacsatada waxay ku kacaan dambiyo aad u balaaran oo lid ku ah Sharciga isla markaana ay adagtahay in si fudud loo ogaado.

Mafia Groups: waa kooxo abaabulan oo sameeya waxyaabo sharciga uu reebay, dhanka ganacsiga waxa ay sameeyaan heshiisyo sharci daro ah iyagoo ku qasbaya ganacsatada yar-yar inay galaan heshiisyo qasab ah oo hal xagal ah.
Mafia Groups waxay ku xooganyihiin Suuqaqa Caalamka waxayna had iyo jeer ka ganacsadaan Daroogada, lunsashada Canshuuraha, khayaameynta, Xadida (Theft). Dambi baarayaashu waxay u taag waayeen in Mafia Groups ay sharciga hor keenan sababo la xiriira falalkooda, sababta oo ah ma sahlanaa in si fudud lagu ogaado kooxahan .

Tartanka Suuqyada (Market Competition) waxaa ka jira xadgudub sharci oo ballaaaran, ganacsatada ya-ryar had iyo jeer waa lagu cabburiyaa waana la handada si suuqa looga saaro taasna wa sharci daro ay gaystaan ganacsatada .

Dambiyada dhaqaalaha waxa kamid ah
A. Musuqmaasuqa(Correption)
B. Maalgalinta argagixisada (Terrorist Finincing)
C. Khayaamaynta (Fraud)
D) Xadida (Theft)
E. Dhaqida Lacagaha (Money Laundering)
F. Lunsashada Canshuuraha (Tax Evasion)

Dambiyadan baaxada wayn ee ay ku kacayaan ganacsatada iyo maalqabeenada suuqaqa waxay aafo ugaysanayaan sharciga iyo nidaamka dalka.

Dalalka hormaray ee caalamku wuxuu gacan adag ku qabtay dhaqaalaha iyo ganacsatada isla markaana wuxu ku soo rogay ciqaabo adag si looga dheerado dambiyada ka dhanka ee sharciga .

/Q: Yaasiin Aadan

05/12/2023

Al-Ca’ishi Bin Qais (الأعشى بن قيس wuxuu kamid ahaa Gabayaagii ugu waa waynaa ee waagii Islaamka ka hor
Wuxuu ammaanay Rasuulka (صل الله عليه وسلم ) wuxuuna Maalin usoo baxay Rasuulka, si uu u Islaamo,
Balse Quraysh ayaa ka hortimid oo ku tir: waa Diin kaa reebaysa sinnada.
Wuxuu yiri: Sinnadu berri horre baan ka tagay, ayaduna iga tagtey.
Waxay kaloo ku yiraahdeen: wuxuu kaa reebayaa Khamriga.
Wuxuu yiri: wax kale buu iigu bedeli doonnaa khamriga.

Waxay yiraahdeen: Waxay kaa reebaysaa ribbada
Wuxuu yiri: layguma lahan wax ribba ah waxna kuma lihi.

Markaasay ayay soo bandhigeen boqol neef oo Geel ah, waxayna ka codsadeena in uu 1-Sano dib u dhigo Islaanimadiisa, wuuna ka yeeley.
Markii Sannadkii dhammaadki 1 Maalin qura ay ka harsantahay ayuu geeriyooday isgo oo aan islaamin.

W/Q: Yaasiin Aadan

Address

Mogadishu
VERIFIED

Telephone

+252615696459

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yaasiin Aadan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yaasiin Aadan:

Videos

Share

Category


Other Publishers in Mogadishu

Show All