RNNGD Media

RNNGD Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from RNNGD Media, Social Media Agency, Wadada Wadnaha, Mogadishu.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Ka Dalbaday Maxkamadda Sare Waaran Soo Qabasho ah oo Loo Jaray Axmed Madoobe...
27/11/2024

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Ka Dalbaday Maxkamadda Sare Waaran Soo Qabasho ah oo Loo Jaray Axmed Madoobe oo Lagu Eedeeyay Khiyaano Qaran

27/11/2024

Raysal Wasaare Netanyahu oo digniin adag u jeediyay Xisbullah
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan uga digay inay carqaladeeyaan heshiiska xabad joojinta ee labada dal.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa xalay sheegay in Israel ay haysato xorriyadda ay ku weerari karto Xisbullah, haddii ay ku xadgudubto buu yiri xabad joojinta.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Xisbullah ay la gudboon tahay in ay si sax ah u dhaqangeliso heshiiska lixdanka maalmood, si uu bilow wanaagsan ugu noqdo xabad joojin waarta.

“Haddii Xisbullah ay jebiso heshiiska oo ay isku daydo inay dib isu soo hubeyso, waan weerari doonnaa. Haddii ay isku daydo in ay dib u dhisto kaabeyaasha militari ee xuduudda, waanu weerari doonnaa.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay tobanaan sano dib u dhigtay Xisbullah, ka dib markii ay dishay sida uu yiri Hassan Nasrallah iyo kumanaan ka tirsan dagaal-yahanadeeda, isla-markaana ay burburisay inta badan kaabeyaashii militari ee ururka.

Netanyahu ayaa ku waramaya in xabad joojinta ay awood u siin doonto lixdan kun oo Israeliyiin ah, oo ka barakacay waqooyiga Israel inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dadka qaar ayaa shaki ka qaba in xabad joojintan ay dhab ahaantii ka dhigan tahay in dhinacyadu ay soo afjari doonaan weerarada labada dal.

Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dagaalka Gaza, illaa laga wiiqayo awoodda Ururka Xamaas, lagana soo celinayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Netanyahu ayaan sheegin inay wax ka bedelayaan qaabka dagaalkooda, aan ka ahayn inay dardargelinayaan. Dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalkan ayaa ah dadka rayidka ah.

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa Khamiistii soo saartay waaran lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii h**e ee Difaaca, Yoav Gallant. Maxkamadda ayaa sheegtay in loo haysto xasuuq ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Dhanka kale heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xisbullah ayaa waxaa bilowgii si weyn uga horyimid Wasiirada xagjirka ah ee axsaabta midigta fog ku metela Xukuumadda Netanyahu, balse uu Netanyahu markii dambe ku qanciyay in aanu heshiisku ahayn mid dhameystiran, balse uu yahay mid KMG ah, si fursad loo siiyo dadaalada diblomaasiyadda, ayna eegayaan waxa ka fuli doona.

Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo Netanyahu uu la qaatay Wasiirada Amniga Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich uu ka dhaadhiciyay in muddada ay xabad joojintu socoto ay Israel xaq u leedahay inay garaaci karto goobaha ay khatarta u aragto ee dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Netanyahu uu mar kasta u nugul inuu tixgeliyo rabitaanka labadan Wasiir, bacdamaa xukuumaddiisa wadaagga ah ay ku tiirsan tahay taageerada xisbiyadooda midigta fog.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa marar badan Wasiiradan ku eedeeyay in ay diidan yihiin heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas. Siyaasiyiintan ayaa Netanyahu ku dhalleeceeyay in danta guud ee qaranka uu ka hormarinayo tiisa gaarka ah, isla-markaana ay xukuumaddiisu halis gelinayso nolosha la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

Xulafada Israel ee reer galbeedka, sida Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale labadaasi nin ku eedeeyay inay wiiqayaan wada hadalada nabadda ee Gaza, isla-markaana ay hurinayaan rabshadaha Israeliyiinta la deegaameeyay ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiiradan ayaa Netanyahu ku adkeeyay inaanu wax dheg jalaq ahi u siinin cadaadis ay sheegeen in Mareykanku uu ku saarayo in la soo afjaro dagaalka ka soconaya Gaza. Wasiiradan ayaa si joogta ah billihii la soo dhaafay qalabka Warbaahinta uga sheegayay in ay tahay in Xukuumadda Netanyahu ay sii waddo dagaalkan, inta laga burburinayo Xamaas, haddii kalena ay ka bixi doonaan xukuumaddiisa, tallaabadan oo soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Netanyahu oo adeegsanaya xeeladihiisa, si uu uga baxsado burbur ku yimaada xukuumaddiisa iyo dacwadda musuq-maasuq ee kaga furan maxkamadda gudaha ayaa dhowr jeer fashiliyay dadaaladii uu Mareykanku horkacayay ee la doonayay in xabad joojinta lagaga sameeyo Marinka Gaza, isagoo marba shuruudo cusub la imanayay miiska wada hadalka, ayna iska diiday Xamaas, keentayna in dagaalka Gaza uu sii socdo.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo billihii June illaa October arkayay in Ben-Gvir iyo Smotrich ay ka masuul yihiin horu-socod la’aanta hareysay heshiiskaasi ayaa waxaa haddana jirin wax tallaabo ah oo ay ka qaadeen.

Fadeexaddii Xisbiga Dimoqraadiga ee Madaxweyne Biden ka qabsatay doorashadii 5-tii bishan ka dhacday dalkaasi ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay carrada shacabka Mareykanka ay ka muujinayaan xasuuqa ay Israel ku hayso dadka Gaza iyo sida aanu Aqalka Cad waxba uga qabaneynin.

Shacabka Mareykanka ayaa qayb ka ahaa bannaanbaxyadii waaweynaa ee bulshada caalamka ku muujineysay, sida ay uga soo horjeedaan isla xisaabtan la’aanta ee Israel.

Maamulka Biden ayaa dunida iyo shacabka Mareykankaba kala kulmay cambaareyn xoog leh, oo loogu jeedinayo taageeradooda indha la’aanta ah ee Israel.

05/05/2024

Naagta meher ma unoqdaa inaan lalaguursan?

Waxaa h**e loo yiri wixii soo daaho ayaa khayr kujira hada waxaa noo bilawday isbadalkii iyo horomarkii waqooyiga Muqdis...
16/02/2024

Waxaa h**e loo yiri wixii soo daaho ayaa khayr kujira hada waxaa noo bilawday isbadalkii iyo horomarkii waqooyiga Muqdisho
Horo usocda bahda MARINA BEACH STATE

22/01/2023
26/12/2022

Yuusuf Ciise Kaba ku Dukade oo Bud-bud kula hadlayay Khawaarijta u dagaalantay gaar ahaan Kuwa ka dhashay Beesha Abgaal ayaa u sheegay in bishan mushaar aan la heli doonin
Sidoo kale waxaa uu fasaxay lamacaamilka dowladda
Waxa uu u cadeeyay in Alshabaab iyo Mudulka kala Shakiyeen.

Waxa uu u raaciyay in ay xor u yihiin la safashada garabka ay doonaan.
Ayna soo dhamaatay waayahoodii gobalka shabeellada dhexe
Waxaa kale ee soo dhamaatay Xakamayntii ay isku dayday kooxda, waxa ayna xaqiiqsadeen in aan Xoog lagu dagaal geli karin

16/12/2022

Waxaa lasoo afjaray holgalki ka socday Deg.aadanyaabaal iyadoo maantay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ku dhawaadeen degaano hoostago Degmada Ruunirgood sida tuuladad Darulnimca, xawaalo kulan,buur cabdulle iyo ceelbacad iyo dhanka bari ee tuuladda cadcadeey.

howlgallada socda maanatay ayaa Todabaadka soo socda ku wajahan Deegaanka maraay suuleey oo ah xuduuda kala qeybiso Gobaladda sh.dhex iyo Galgaduud sida uu amarka amarka ku bixiyay Taliyaha Ciidanka Odawaay Yusuf Rage.

04/12/2022

Wararka naga soo gaaraya deegaanada kala ah xawaalo kulan iyo calasoowyaalo ayaa lagu duqeeyay alshabaabkii kusugnaa halkaas oo dhaw goobtii ay soo weerareen ee huurweyne mana cada jabka kasoogaaray duqdynta iyo dagaal ay kuqaadeen dadka deegaanka

20/11/2022

Wararka Naga soogaaray Deegaanka Nuurdugle In shalay khawaarijta alshabaab ah ay gubeen guryihii deegaanka mana jirto wax dhimasho ama dhaawac ah inkastoo aan lahelin cid xaqiijin karto waayo waxay hawada kasaareen isgaarsiintii intey kujireen gubida deegaanka iyagoo kuyimid si dhuumaaleysi ah

05/10/2022

المال يشتري السرير و لا يشتري النوم.
المال يشتري الساعه ولا يشتري الزمن.
المال يشتري الدواء ولا يشتري الشفاء.
المال يشتري كتاب الأخلاق ولا يشتري الأخلاق.
المال يشتري الطعام ولا يشتري الشهية.

أللهَّمَ أرزقنا مالاً يُقَرِبُنا إليك ويكون فيه رضاك ويعيننا على طاعتك..

بمناسبة العام الهجري الجديد كل عام وانت بخير بمناسبة العام الهجري الجديد 1444
30/07/2022

بمناسبة العام الهجري الجديد
كل عام وانت بخير بمناسبة العام الهجري الجديد 1444

28/06/2022

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia Cabdikariin Cali Kaar ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacabka abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu tahay mid aad u fiican wax dhibaato ahna uusan dareemaynin balse keliya laga helay caabuqa Covid-19.

Waxaa uu sheegay beri Madaxweynuhu mari doono baaritaan Caafimaad, isagoo xusay in Madaxweynuhu shaqo maalmeedkiisa u gudanayo hab waafaqsan habraacyada loo dejiyey xakamaynta faafitaanka Covid-19.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo h**e loo qaban jiray Xafladdo waaweyn balse sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha dalka
Afhayenka ayaa sidoo kale kawar bixiyay caruurtii looqaaday dalka eleteriya oo mudo dhowr sano ah kumaqnaa asigo sheegay in ay socdaan howlihii lagu keeni lahaa wadanka looga faaiideysan lahaa aqoontooda iyo xoogooda.

20/06/2022

Nin Mushaarkisa ahaa 60,000 oo hadana dadka ku indhasarcaadinaayo lacag hala ii uruuriyo aan guri kudhisto bal aan eegno hogaamiyaashii mulimiinta sidey wax umamuli jireen.
Sida ku xusan taariikhda islaamka, xiligii uu Cumar Binu Khadaab (alle ha ka raali noqdee)ahaa amiirka muslimiinta, ayaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa dadkii dagaanka magaalada XAMIS oo imika ka tirsan dalka Suuriya,ayaa waxa uu ka dalbay bal hada inay u soo ururiyaan dadka fuqarada ah iyo masaakiinta ee ku nool dagmada si uu u siiyo saamigooda lacag u taalay baanka muslimiinta oo lagu magacaabi jiray(baytul-maal) lacagta ku soo dhacda baanka marka laga reebo lacagta danta guud lagu qabanayo wixii ka soo hadha dadkaa dib loogu qaybin jiray.

Masjidka Cumar Binu Khadaab ee ku yaal Magaalada Qudus ee caasimadda Dalka Falastiin
Cumar Binu Khadaab(alle ha ka raali noqdee) markii loo keenay liiska dadka fuqarada ah ee reer XAMIS waxa amakaag iyo u qaadan waa ku noqotay in liiska dadka fuqaradaa uu ku jiro (Siciid Binu Camir) oo ahaa khaliifkii loo xilsaaray magaalada XAMIS Cumar Binu Khadaab arintan aad ayuu ula yaabay, waxa uu u yeedhay wax garadkii magaalada XAMIS ee soo qoray magacyada, waxa aanu waydiiyay sababta ay ugu soo dareen Siciid dadkii waxa ay u sheegeen in Siciid caado ka dhigtay mushaharkiisa oo dhan inuu u qaybiyo dadka fuqarada ah,isaga oo ku calaacala “Maadaama oo alle hortiisa masuul uga ahay dadkan,jidka kaliya ee ii furan waa inaan sidaa yeelo”

Cumar Binu Khadaab isaga oo sii dabagaalaya arintan ayaa waxa uu u yeedhay dadkii reer XAMIS oo uu waydiiyay inay sheegaan ceebaha amiirkooda ee madaxda uga dhigay, waxaanay ugu jawaabeen waxa uu leeyahay saddex ceebood; inaan xiliga barqada dadka lagu dhex arag, inuu habeenkii aanu soo bixin oo aanu shaqayn, iyo in todobaadkii hal maalin uu is qariyo.

SomlegalAds
Cumar Binu Khadaab amiirkii XAMIS waxa uu weydiiyay ceebaha loo soo jeediyay, waxaanu ugu jawaabay waa run amiirkii muslimiintaw,Siciid Binu Caamir waxa uu tiriyay sababihii ku kalifay waxaanu yidhi:-

Waa run barqadii uma soo baxo si aan ugu garnaqo, waayo xaaskayga ayaa bukaan ah gabadh saqaale ahina guriga ma joogto lacag aan ku dabarana ma hayo sidaa awgeed marka aan shaqada guriga dhameeyo ayuun baan soo baxaa
Sababta aad habeenkii isaga qariyo waxa aan go’aansaday in aan maalinkii u shaqeeyo umada habeenkiina aan cibaadada alle u istaago
In todobaadkii hal maalin aan is qariyana sababtu waxa weeye waxa aan leeyahay hal isku joog oo maryo ah, todobaad marka aan xidhnaado waa aan maydhaa waxa aanan sugaa inta uu qallalayo oo dibada uma soo baxo
“Amiirkii muslimiinta oo laga soo cawday gudoomiyihiisan ayaa si aad iyo aad ah u ooyey. “ kadib waxa uu Siciid siiyay lacag si uu ugu dabaro arimihiisa gaarka ah, Siciid lacagtii la siiyay maqaadan ee waxa uu si dhakhso ah ugu qaybiyay dadkii fuqarada ahaa iyo masaakiinta ahaa reer XAMIS

Waa darsi aynu ka baranayno anshaxa iyo hab-dhaqanka looga baahan yahay hogaamiyaha muslimiinta ama masuul kasta oo umada muslimiinta loo dhiibay.

Qaramada Midoobay oo Baaq kasoo saartay xadgudubyada loo geesto Haweenka SoomaaliyeedWar  saxaafadeed kasoo baxay xafiis...
19/06/2022

Qaramada Midoobay oo Baaq kasoo saartay xadgudubyada loo geesto Haweenka Soomaaliyeed
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xadgudubyada loo geesto haweenka Soomaaliyeed, waxa ayna ku baaqday Qaramada Midoobay in la joojiyo xadgudubyadaasi soo noqnoqday .

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swam ku baaqday in la xoojiyo hababka sharci iyo kuwa bulsho ee lagu ilaaliyo dadka ka badbaaday rabshadahaas oo kale, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Halkan ka Akhrso Qoraalka QM kasoo saartay tacadiyada haweenka Soomaaliyeed

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha, QM ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in la xoojiyo hababka sharci iyo kuwa bulsho ee lagu ilaaliyo dadka ka badbaaday rabshadahaas oo kale, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

“Xuquuqda aadanaha ee dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo, si ay tani u dhacdana waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hanaanka ilaalinta sharcidejin iyo midka bulsho ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loogu talagalay haweenka iyo carruurta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.


“Waxaan sidoo kale ku boorinayaa hay’adaha iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay xaqiijiyaan in agabka lagu taageerayo dadka ka badbaaday rabshadaha galmada ee la xiriira colaadaha ay ku jiraan fursado dhaqaale. Iyadoo loo marayo awoodsiin dhaqaale ayaa ka badbaadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay naftooda iyo qoysaskooda wax ku taraan, oo ay ciribtiraan ceebaha la xiriira in loo geystay rabshadahaas oo kale,” ayaa yiri Md. Swan.

Si taas loo gaaro, dadaallada QM ee Soomaaliya ee dhinaca xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxaa ka mid ah in la furo xarumo gaar ah oo taageero buuxda siiya haweenka h**ey loola xiriirin jiray Al-Shabaab, halkaasoo ka dib marka la siiyo la-talin billow ah iyo taageero nafsi-bulsheed, haweenku ay qaadanayaan muddo tababar xirfadeed oo farsamo gacanta ah iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado fursadaha ay ku heli karaan isku filnaansho dhaqaale iyaga iyo qoysaskooda.

Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2015kii ku dhawaaqay maalinta 19-ka June ee sanad kasta inay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Xilliga Colaadaha. Xuskaas ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga ku aaddan baahida loo qabo joojinta xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha, in la sharfo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee ku nool adduunka dacalladiisa iyo in ammaan loo jeediyo dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda ugu huray naftoodana ku waayay u istaagidda ciribtirka dembiyadaas.

Mawduuca Maalinta sanadkan waa ‘Ka-hortag oo ah Ilaalin: Sare u qaadidda ka-hortagga qaab dhismeed iyo hawlgal ee rabshadaha galmada la xiriira colaadaha.’

Social media agency

18/06/2022

Somalia oo qiimeynta awooda milateri kaga sare martay dal ka tirsan Isbaheysiga NATO
Qiimeyn uu sameeyey Bogga Global firepower oo soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa daabacay warbixintisii sanadlaha aheyd.

Sida caadiga ahayd, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.
Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.

Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.

Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad uu ka sii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.
Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.

Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.

Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.

Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.

Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka.

23/05/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu h**e u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa La Taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin oo horay ahaa la taliyihii ugu h**eeyey amniga Qaranka ee Madaxweynihii xilka ka degay Farmaajo

Address

Wadada Wadnaha
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RNNGD Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share