Abwaan Hareeri

Abwaan Hareeri Baahinta barnaamijyada waxtarka leh

24/01/2025

Waar ninku waa gacan galay !!!

20/01/2025

Carab inaan nahay ma cid baa diiddan ?.

11/01/2025

Waar ninku muxuu yidhi ?

02/01/2025

Muuqaal qiiro leh, carruur falastiiniyiin ah oo Soomaalida uga mahadcelinaya gargaar aan sidaa u baruurnayn oo ay ka heleen.

Soomaaliya mar kale Cuna-qabatayntii hubka hala saaro ayuu ydhi Juxa !!!!!!!
11/12/2024

Soomaaliya mar kale Cuna-qabatayntii hubka hala saaro ayuu ydhi Juxa !!!!!!!

08/12/2024

Dadka reer baledxaawo waxay garwaaqsadeen in qarannimada iyo qofka markaas talada hayaahi ay laba kala yihiin, islamarkaana wax kastoo dhaca aysan qaadan karin dullinimada Itoobiya la damacsantahay.

02/12/2024

Sooyaalkii aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Riiraash AUN

Allaha u naxariistee waxaa dhowaan magaalada Hargeysa ku geeriyooday qoraagii weynaa ee Maxamed Cabdullaali Riiraash oo sidoo kale ahaa suugaanyahan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida muddo dheer aruurinayay.

Maxamed Cabdullaahi Riiraash wuxuu kamid ahaa macallimiintii qaranka ee ka baxay kulliyadda Lafoole, wuxuu ahaa qoraa arrimaha Soomaalida iyo taariikhda geeska Afrika wax badan ka qoray, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Abwaanadii ka qeyb-galay silsiladdii Siinley.

Maxamed Cabdilaahi Riiraash waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee waxbarashada iyo dhaqanka Soomalida hormariyay, waxaana lagu xasuustaa barnaamijyadii uu TV-ga Jabuuti ka qaban jirey ee kala ahaa Tixmaal, Sirta erayga, iyo dhaqanka iyo suugaanta.

waxa uu sanadkii 1945-tii ku dhashay deegaanka Jameecada oo hoostaga magaalada Gabiley, isaga oo waxbarashadiisa ku qaatay dugsiyada Shiikh iyo Camuud, marki danbena wuxuu ku biiray kulliyaddii Lafoole isaga oo muddo dheer ku shaqeynayay macalinimo.

Dugsi ku yaalla magaalada Baydhabo aya kamid ahaa meelihii uu macallinka ka ahaan jirey sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay intuu noolaa, sidoo kale wuxuu mar noqday madixii Manaahiijta Soomaaliyeed

Intaas ka dib wuxuu ku biiray jaamacadda ku taalla dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka diyaariyay shahaadada Master-ka oo uu ku qaatay taariikhda Soomaalida iyo Sooyaalka Geeska Afrika, wuxuuna intii uu Ingiriiska joogay BBC-da ka baahin jirey barnaamijyo uu kamid ahaa taariikhda Halgamaa Axmed Gurey.

Dhammaadkii 80-tameeyadii wuxuu u wareegay dalka Jabuuti, wuxuuna ka shaqo billaabay TV-ga dowladda, asagoo qaban jirey barnaamijyadii caanka ahaa ee dhaqanka, Tixmaal, iyo Sirta erayga, kuwaas oo lagu marti-qaadi jirey Abwaanada iyo Aqoonyahannada waaweyn.

Barnaamijyadaas waxaa lagu wareystay Abwaanadii waaweynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, maxamed Xaashi “Gaarriye”, Cabdilqaadir Xirsi yamyam, Cabdi qays, Miicaad miigane, Ibraahim Gadhle iyo Suugaanyahanno kale.

Allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Riiraash ayaa qoray buugaag badan oo uu kamid yahay buugga Fatuuxul Xabasha oo ku saabsan taariikhdii iyo halgankii Axmed Gurey, buugga birma-gaydada, iyo kuwo kale.

Sidoo kale Riiraash waxa uu curiyay aragtida miisaanka Maansada Soomaalida, oo markii dambe noqatay laan kamid ah qeybaha muhiim u ah barashada suugaanta, ayadoo asaga Abwaan gaarriye ay ugu horreeyeen aqoonyahannadii hal-abuuray aragtidaas.

Abwaan Riiraash wuxuu kamid ahaa raggii silsiladdii Siinley uga qeyb-galay maansooyinkii ugu miisaanka cuslaa sida uu sheegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, waxaana geeridiisa lagu tilmaamay Ileys ka damay geyiga Soomaaliga.

30/11/2024

Dadka reer Puntland iyo hoggaankooda isku xukun ha saarin .

Taariikh nololeedkii wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed SiraadWaxaa saacado ka hor Isbitaal magaalada Hargeysa ku yaalla k...
24/11/2024

Taariikh nololeedkii wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad

Waxaa saacado ka hor Isbitaal magaalada Hargeysa ku yaalla ku geeriyooday wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi rugcaddaa ah oo in ka badan 50 sano ku soo dhex jirey warbaahinta Soomaalida iyo midda caalamkaba.

Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada Sheekh, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa iyo midda dugsiga sareba ku qaatay magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Soomaaliland.

Sanadkii 1969-kii ayuu waxbarasho jaamacadeed u tagey dalka Ingiriiska, asagoo bartay cilmiga chemistry-ga, muddo yar ka dibna wuxuu shaqo ka helay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da oo xilligaas ahayd warbaahinta keliya ee ay Soomaalidu dhagaysan jirtay, markii laga reebo Radio muqdisho iyo Radio Hargeysa oo afka dowladda ku hadli jirey.

Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu kamid ahaa wariyaashii ugu codka wanaagsanaa shaqaalaha BBC-da , ayadoo lagu jeclaa war akhrintiisa deggan iyo erayada xulka ah ee uu xogaha ku gudbin jirey.

Cabdirasaaq wuxuu laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ka tagey sanadkii 2019, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay u dhexeeyay magaalooyinka London, Sheekh, iyo Hargeysa oo uu maanta ku geeriyooday.

waxyaabaha lagu xusuusan doono wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Sirad ayaa waxaa kamida in warqad warka ku qorani uu Af-ingiriis yahay uu toos Af-soomaali ugu akhrin jirey, asagoo sadarka uu akhrinayo midka ka dambeeya sii turjuman jirey intuu hawada ku jiro, sida uu sheegay madixii h**e ee laanta Af-soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi Shiikh oo ay muddo dheer wada shaqaynayeen.

13/11/2024

Muuqaalkan ilaa dhammaadkiisa daawo adigaa yaabi doonee

08/11/2024
07/11/2024

Farsamo afrika seegan.

06/11/2024

Maxaad ka taqaan taariikh nololeedka yaabka leh ee Trump?

Sidani waa cuquubo, dowlad aan dadku qeymo u lahayn !!!!!!!!
05/11/2024

Sidani waa cuquubo, dowlad aan dadku qeymo u lahayn !!!!!!!!

Dowladda Lubnaan oo shaacisay tirada dadka ku dhintay duullaanka Israa'iilKu dhowaad 3 kun oo ruux ayaa ku geeriyooday d...
02/11/2024

Dowladda Lubnaan oo shaacisay tirada dadka ku dhintay duullaanka Israa'iil

Ku dhowaad 3 kun oo ruux ayaa ku geeriyooday duullaanka maamulka Israa'iil ee dalka Lubnaan, waxaana xog ay dowladdu soo saartay ay tilmaamaysaa inay dad badani ku naf waayeen duqeymaha iyo duullaanka dhulka ah ee Israa'iil

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa shaacisay in 2,968 oo qof ay ku shahiideen duqeymaha iyo dagaalka tooska ah ee Israa'iiliyo, halka dhaawacyadana ay ku sheegtay 13,319 tan iyo bilowgii weerarka Israa'iil.

Dagaalka Ururka Xisbullaahi iyo maamulka Israa'iil ayaa haatan meel adag maraya, ayadoo Israa'iil qudheeda khasaare milari iyo rayid oo baaxad lihiba ay gaareen, islamarkaana gantaallada Xisbullaahi ay koonfurta iyo bartamaha Israa'iil joogto ugu hoobanayaan.

01/11/2024
31/10/2024

Nin isku ekaysiiya Cumar bin Khadaab oo Hargeysa lagu arkay k*k.

Address

Mogadishu

Telephone

+252617644205

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Hareeri posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share