Xarunta Dhaqancelinta Agoonta Farmaajo CBB

Xarunta Dhaqancelinta Agoonta Farmaajo CBB Waxaa halkan kala socon kartaa qoraalo, sheekooyin, muuqaalo iyo warbixino quseeyo Soomaalida iyo Caalamka.

Xaruntu waxa ay diyaar u tahay daqaynta xanuunka Farmajisim ka da iyo daryeelka CBBda.
19/05/2022

Xaruntu waxa ay diyaar u tahay daqaynta xanuunka Farmajisim ka da iyo daryeelka CBBda.

19/05/2022

Kusoo dhawaada xarunta Dhaqancelinta CBB- da

Baro Magacyada cayaartoyda Soomaalyeed ee dibada ka ciyaarta kuwaasi oo u badnaa ciyaartoydii ka adkaatay Zambabwe.Numbe...
06/09/2019

Baro Magacyada cayaartoyda Soomaalyeed ee dibada ka ciyaarta kuwaasi oo u badnaa ciyaartoydii ka adkaatay Zambabwe.

Number 2 Abdi Mohamed
Koox: Memphis 901 FC
Wadanka: USA
Booska: garabka midig, iyo garabka

Number 3 Yonis Farah
Booska: garabka bidix difaac
Koox: Trysil
Wadanka: Norway

Number 4 Mohamud Ali Mohamed
Booska: Difaac dhexe
Koox: Curzon Ashton
Dalka: England (UK

Number 5 Ahmed Said Ahmed
Booska: Difaac dhexe
Kooxd: Vantaan
Dalka: Finland

Number 6 Abd-El-Aziz Yousef
Booska: garab midig weerar
Koox: Halifax Wanderers FC Canadian Premeir League
Dalka: Canada

Number 7 Fahad Ishmail
Booska: Difaac Qadka dhexe
Koox: waa koox la.aan.

Number 8 Abdulsamed Abdullahi
Koox: FC Den Bosch
Booska. Qadka dhexe
Dalka: the Netherlands

Number 10 Omar Mohamed
Booska: weerar qad dhexe
Foot: Left
Koox: Greenville.
Dalka: USA

Number 12. Mohamed Abukar
Booska: weerar qad dhexe
Koox: koox la.aan

Number 15 Abel Gigli Mohamed
Booska: Difaac dhexe
Koox: hada waa koox la.aan lkn wuxuu ka soo ciyaaray Horyaalka Talyaaniga.

Number 16 Ahmed Ali Mohamed
Booska: Qadka dhexe
Koox: The Pearl Fc
Dalka: Qatar

Hambalyo Xulka qaranka Soomaaliya oo guul soo hoyiyay.
06/09/2019

Hambalyo Xulka qaranka Soomaaliya oo guul soo hoyiyay.

26/08/2019

WALAAL ILA TALIYA.

Gabadh baan jeclaaday 2010kii,

waxaan is iri u sheego Jacayl kaaga.

haddana waxaan is iri, waxaa suuragal ah inay nin kale is jecelyihiin adiganna kugu daadiso.

Ileen Gabadha sidaa u quruxda badan nin la'aan ma noqon kartee.

waan iska dhaafay anoo adkeysanaya jacaylkii haddana 2011 baa la yimi.

gabadhii lama guursan, lakiin anniga wali waxaa shaki iiga jiraa gabadha Magaalada dhan u shidan inay nin la'aan ahayn ee aanan isku ceebayn saacaan daadis diyaar uma tihide.

waxaa la soo gaaray 2012 waxaan is dhahay, waxaa suuragal ah inay midkii 2010 kala hareen lakiin hadda kii 2011 la socoto!.

Adigu yaanan war kugu daaline hadda waa 2019 oo gabagaba ah 2020 baa loo sii socdaa.

Wali suuragal ilama ahan inay gabadhaas boos ka banaan yahay,lkn wali lama Guursanin anniganna wali waa jeclahay!

maxaa tala ah.?

Cabdilagi Dhagaf

26/08/2019

Xikmada Soomaalida:
Soomaalidu waa dad aad u xikmad badan oo wiliba aragti dheer. Waxaan isleeyahay qoom sida ay suugaanta iyo maahmaahyaha ay wax ugu cibiraan ugu cabiri karaa waa yaryahay. Ayaan daro xikmadaas Rabi ugu deeqay k**a faa'iidaystaan. Bal eega waxa ay sii saadaaliyeen oo macnaha fog ee ay ula jeedeen ka sokoow sidii ay u yiraahdeen u dhacday:

1. Waxay yiraahdeen hadii qaylo yeerto xagee loo caraa. Masaajidka ayay ku jawaabeen. Intaa ugama harin ee waxay raaciyeen hadii masaajidka qudhiisu qaylo ka yeerto ka warama? Wakhtiga ay saas lahaayeen laguma fakari karin in masaajid qaylo ka yeeri karto lamana garan karo sababta ay ku keeneen. Waxaynu usoo joognay masaajidii oo la isku fariistay oo qaylo ka yeertay.

2. Waxay yiraahdeen "Qofkaas dhuusadiisaa barafuun ah" yacni waa qof ladan. Hada waxaa igu maqaalaa in lasoo saaray kaniini qofkii muudsada neeftu markay kasoo baxdo meeshii la oran jiray uf maxaa uraya sanka lala raacayo oo sidii ubaxii ay usoo urayso.

3. Waxay yiraahdeen "Qofkaas badaa u macaan" yacni waa maalqabeen. Khaliijka lacagta badan haysta oo waxaynu aragnay bada inta xareed ka dhigay cabaya. See ku keeneen bad in la macayn karo.

4. Waxay yiraahdeen "Hadii Xaarku xoola lahaan lahaa jiljilic baa loogu yeeri lahaa" Macnaha qofka dadka ugu liita haduu xoola helo waa la amaani lahaa. Tan wili ma arag waxaanse ka baqayaa wakhti aan fogayn in la yiraahdo minidhicirka aadanaha ayaa wuxuu sameeyaa maado dheemanka ka qaalisan kadibna aynu aragno saxaradii oo suuliga loo quuri la'yahay oo laleeyahay jiljilic qolka jiifka halahu hayo.

24/08/2019

Dhaqan Carbeed
Waxay tiri waxan adeegto u ahaa reer Sucuudi ah oo Jidda deggan, ninku saddex xaasle ayuu ahaa, minweynta ayaan u adeegayey, reer ladan ayey ahaayeen oo cunnadoodu aad u badneyd, barwaqaadaas ayaan anna dhinac ka galay, ka dib hilib baa i fuulay, waxan goostay fiidkii marka reerku casheeyaan oo qolalkooda galaan inaan isla xaafadda ku soo lugeeyo ilaa hal saac.
Waxa reerka la deggan ninka hooyadiis, oo ninku markuu xaaskiisa soo wareejinayo suuqyada waaweyn ee magaalada hooyadiis waa ka tagaa, guriga oo ay curyaan ku noqotay ayey xanuun badan dareentaa, dhaqtarkaa la geeyaa waxa loo soo qoraa kiniiniyo kaar-jebiye ah, kuwaas bey iska qariirtaa.
Markaan isbaraneynay hooyada waxay tiri: Ummu maxaa laguugu daraa?
Iyada ummu hebel baa la yiraahdaa oo wiilkeeda magaciisa ayaa loogu yeeraa. Waxan iri " Annaga carruurtayada magacooda la nooguma yeero, balse waxa la iigu wacaa magacayga ama gabadhii hebel oo aabbahay ah, in carruurta loogu yeero hooyadood waa dhaqan Carbeed.
Waxay tiri ' Dadka Muslimka ah oo dhan baan u haystay in ay saas tahay"|
"Mayee waa dhaqan soo bixiddii Nebiga SCW ka horreeyey oo Carabta u gaar ah"
Iyadoo magacayga iigu yeereysa bey tiri "Waxbadan baa og tahay"
Habeenkii dambe ayey i weydiisay fiidkii halka aan aado, waxan u sheegay in aan xaafadda ku soo wareego si hilibku iiga dhaco. "Hadda ka dib ha iga tegin, anna aan soo majabaxsadee" ayey tiri.
Dhawr habeen markii ila soo lugeysay ayey dareentay caafimaad oo kiniiniyadii kaar-jebiyaha ahaa iska deysay.

Musiibo Caalamiya!Kaymaha Amazon ee dalka barazil ku yaal waxa ay ku fadhiyaan in ka badan kala bar bedka keymaha aduunk...
23/08/2019

Musiibo Caalamiya!

Kaymaha Amazon ee dalka barazil ku yaal waxa ay ku fadhiyaan in ka badan kala bar bedka keymaha aduunka,sidoo kale waxa ay soo saaraan 20% oxygenka aduunka halka ay qaataan(1tan trillion oo carbon dioxide ah) waxaana lagu naanaysaa sambabka koonka ama dhulka(Lungs of the planet).

Waxaa ku yaal 40 kun oo nooc oo dhir ah,sidoo kale waxaa ku nool 4270 xayaawaan kala duwan oo saabley ah,1296 nooc oo shimbiro ah iyo waliba 378 nooc oo kalluun ah.
Waa inta ilaa iyo wakhtigan la xaqiijiyey,walina waxaa jira dadaalo lagu ogaanayo noolayaal intaa ka badan oo la rumaysanyahay iney ku noolyihii kaynta.

Hadaba ciwaanka aan ku soo laabtee waxaa asbuucii labaad socda dab xoogan oo kaynta ka kacay kaas oo xaddigiisa lagu qiyaasay in daqiiqadiiba ay gubanayso in bed ahaan ku fadhida garoon kubadeed.
Dayax gacmeedka hay'adda saadaasha hawada maraykanka ee NASA uu qaaday ayaa muujinaya awooda dabka iyo fididaankiisa xawliga ku socda.
Waxaa khatar ku jira 390 bilyan geed oo 16000 oo nooc geeda ah ka kooban in gabi ahaanba baaba'aan.
Qiiqa dabka ayaa sara u galay hawada latin america qiyaas dhan 3.2km oo isku weer ah taas oo sababtay magaalooyin badan in qoraxdu ka qarsoonto.
Dowladda brazil oo 60% kaymaha amazon ay ku yaaliin ayaa u caal weyday la tacaalidda musiibadan waxaana ilaa hada bas beelay kumanaan killometer oo ka mida bedka kaynta.

Arintan ayaa saamayn ku yeelanaysa guud ahaan caalamka maadaam ay tahay kayntani warshad soo saarta shan meeloodoo meel hawada aan neefsano,waxaana muuqanaysa in muhiimadaas ay dad badan ku baraarugsaneyn waxaana aad looga gaabiyey wax ka qabashada musiibadan caalamiga ah.

Ugu dambayn musiibadan ayaa sii fogaynaysa dadaaladii aduun weynuhu ku doonayey in waxa loo yaqaam isbedelka cimilada(Climate Change) wax looga qabto.


W/Q Abdalla daher.

Tani waa gabadha aduunka ugu awooda badan ee ka talisa wadanka Jarmalka waana marwo "Angela Markel". Marwo Angela Merkel...
23/08/2019

Tani waa gabadha aduunka ugu awooda badan ee ka talisa wadanka Jarmalka waana marwo "Angela Markel".

Marwo Angela Merkel hal warshad oo kaliya oo wadankeeda kutaala waxay kasoo saartaa 15 bilyan oo dollar , sidaa ay tahayna dawlada Jarmalku may siin gaadhi bilaasha, laydh bilaasha,gaas bilaasha,tigidho bilaasha ,xataa telefoon bilaasha oo lagu maamuso,maamuusid daayoo waxaa la cashuuraa mushaharkeeda iyo hantideeda gaarka ah, hal dollar oo dheerada hadey isticmaashana waa inay is casishaa maxakamdna lagu furaa. Sidaa awgeed waxaad garawsatey inay Angel markel u nooshay sida muwaadin caadiya oo Jarmal ah dhanka xaqa iyo xaquuqda.

Sawirkanoo Angela laga qaadey iyadoo ka adeeganaysa suuq ku yaal Baarliin waxay isticmaalaysey jeebadeeda maadama Angela rabtey inay samaysato cunto iyada u gaara oy jeclayd. Angela waxay u adeeganaysaa sida muwaadin caadiya oo Jarmal ah oo iyadaaba wadatey gaadhigeeda khaaska kuna shubatay shidaalkeeda oo hadey intey socotay jiidhi lahayd Trafic light si khaldan waxay bixin lahayd ganaaxa traffic-da ,mana jirto masuuliyiin dabo guuraya oo soo dayacey shaqadoodii iyo wado loo xanibayo ilbidhiqsi ama saacado sida dunida rogmatay.

Hadaba ninkii sawirkan ka qaadey Angela Markel ayaa ku yidhi" waxaan xasuusta inaan sawir h**e isla suuqan kaga qaadey 10 sanno kahor?

Waxay ugu jawaabtay " Mudane anigu waxaan u tagaanahay u adeegida shacabkeyga balse ma ahi gabadhaha maryaha xayeysiiya oo laga rabo sawir qurxan si loo arko quruxda maryaha ay xayeysiinayaan".

Dunida Islamkana waxay aad u qaadaa dhigeen sawiro baraha bulshada qabsadey oy ku sawirantay marwo Angel Merkel waxaa lagu haldhigay halku-dhag ahaa " Reer galbeedku waxay cunaan hilibka doofaarka waxaanay cabaan khamriga balse ma cunaan xoolaha ummadooda"


Akhriste masuuliyiinta Soomaalida barbardhig gabadhan ?

W/T: Xamse Kaarshe

Oday waayeel ah ayaa wiilkiisa siiyey saacad qadiim ah Wuxuuna ku yidhi " Saacaddan waxaa lahaa awowgaagii saddexaad Wax...
22/08/2019

Oday waayeel ah ayaa wiilkiisa siiyey saacad qadiim ah Wuxuuna ku yidhi " Saacaddan waxaa lahaa awowgaagii saddexaad Waxaana la sameeyey mudo haatan laga joogo 200 sano ee bal marka h**e soo ogow qiimaheeda"

Wiilkii saacaddii ayuu qaaday wuxuuna u tagey dukaan lagu iibiyo saacadaha,waxaynu ku qiimeeyeen in saacaddan qiimaheedu uu yahay 5$ shan dolar maadama ay ahayd saacad duugowday.

Wiilkii markuu Aabihii u sheegay qiimaha Saacadda ayuu ku yidhi " Saacaddu qiimahaas ma joogtee Dukaan kale oo weyn u tag ama u gee"

Wiilkii hadana dukaan kale ayuu tagey waxeyna ku qiimeeyeen 5000$ shan kun oo dolar.

Haddana Odaygii ayaa ku yidhi wiilkiisii" Saacaddu qiimahaas ma joogtee waxaad geysaa Mad-xafka - meelaha la dhigo alaabta qadiimka ah - wiilkii wuxuu u tagay Mad-xafkii markuu u bandhigay saacadda wey baareen kadibna waxey ogaadeen in saacaddan ay tahay mid taariikhi ah oo qarniyo h**e la adeegsan jiray waxayna ku qiimeeyeen 100,000$ boqol kun oo dolar.

Dulucda sheekadan waxay tahay dadka qaar qiimahaaga dhabta ah ayey gartaan kuwo kalena qiimahaaga magaran karaan.

Haddaba marwalba ku dadaal inaad la noolaato oo soo dhaweysato kuwa qiimahaaga garan kara.

Qof aan qiimahaaga garaneynin kuma qadarin karo.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Mustaf Awil Hassan

Taliyaha Nabadsugida mudane Fahad Yaasiin
22/08/2019

Taliyaha Nabadsugida mudane Fahad Yaasiin

Cumar finish ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa muqdisho.
22/08/2019

Cumar finish ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa muqdisho.

22/08/2019

Dawada caloosha

22/08/2019
Geel dhalay ma maashaa?
22/08/2019

Geel dhalay ma maashaa?

Waligaa Ilmo ma mijosaartay?
22/08/2019

Waligaa Ilmo ma mijosaartay?

Maxaa u taqaanaa shaygaan? Magaciisa soo qor.
22/08/2019

Maxaa u taqaanaa shaygaan? Magaciisa soo qor.

Sidee u aragtaa Doorashada Kismaayo ee Axmed Madoobe?
22/08/2019

Sidee u aragtaa Doorashada Kismaayo ee Axmed Madoobe?

20/08/2019

Subax Wanaagsan.

"Hal arrin baan ka hadlayaa oo aan weligeed laga hadal"

Waa ficilo waxshinimo oo dadka reer Muqdisho amma hayb ahaan Muqdisho kasoo jeeda kala kulmaan Hargeysa.

Ganacsadaha Muqdisho u dhashay amma qofka loo aqoonsado inuu reer Muqdisho yahay wuxuu Hargeysa kala kulmaa falal waxshinimo iyo isir nacayb ah, Hargeysa oo dhan maaha cid gaar ah ayuu kala kulmaa, boqolaal ayaa loo xidhay reer Muqdishonimo, loo soo eryey iyadoo loogu soo dhuumanayo sheeko Soomaaliya iyo waxaan is khusayn, Ganacsigoodana lagu curyaamiyey.

H**e waxaad u ogaydeen oo baadigoobkii Internetka ku daawateen nin lagu magcaabo Jaamac oo ah Mulkiilaha shirkada internetka ee DELCOM oo kasoo jeeda "Beesha Hawiye" waxaa shirkadiisi Internetka Boqolaal milyan looga khasaariyey qabiilkiisa dartiis iyo cunsuriyad, mar kale waxaad og tihiin 9 hay'adood oo sagaalkaba wiilal reer Muqdisho ahi Madax ka yihiin ayaa Hargeysa looga hor istaagay qabiilka ay yihiin dartood.

Xiligaas shirkada Internetka iyo sababihii loo hor istaagay waxaan Baadigoob wax kaga waydiiyey Wasiirkii Boosaha joogay oo layidhaahdo Axmed Xaashi Oday, Axmed wuxuu toos u yidhi oo aad daawateen ninka shirkada lihi uma dhalan halkan sidaas baan u diidnay.

Arrintani halkaas waa kasoo gudubtay iminka waxay maraysaa wiil u dhashay qabiil ahaan Muqdisho "Hawiye" ku dhashay Hargeysa ku koray oo ku dhalay laguna magcaabo Saxafi Cabdifataax Mursal in lagu yidhaahdo Hargeysa ka bax umaad dhalane, runtii waa foolxumo.

Wiilkani wuxuu nin Siyaasi ah oo lagu magcaabo Uurcade maalinimadii Doraad waydiiyey "Maxaa Muuse Biixi iyo weftigiisu ulahaayeen Passportka Somaliland baanu ku dhoofnay sawkaa sita kaadhkii Xujayda Soomaalida?" Keliya intaas baa lagu haysta.

Ogaada! Haddii arrintaas halkaas dhaafto oo qof dambe oo reer Muqdisho ah amma magaalo kale oo Soomaaliyeed u dhashay loola tago waxshinimadaas iyo Edeb daradaas, waxaad meel ku qorataan Ganacsatada Somaliland iyo dadka ka shaqaysta Muqdisho walaa Oomaar walaa Dahabshiil walaa Fulaan kale midna Magaalo Soomaaliyeed shaah dambe k**a cabayo ee dhengad baa lagaga soo saarayaa.

Ugu dambayn ku xisaabtan haddii laguu soo eryo ganacsatadaada haw malayn "Waan go'ayaa iyo waa lay dilay" in cid dambe lagu beerlaxawsanayo. Waayo! Siyaasad iyo Soomaalinimo wax iska khuseeyaa majiraan.

Sida aad u rabto inaad hay'addaha Muqdisho jooga madax uga ahaato, sida aad u doonayso in ganacsadaha Adeerkaa ahi Soomaali oo dhan dhaqaale uga helo ayay iyaguna u doonayaan.

Dadka halaga xishoodo walaalo ayaynu nahay iyo way cadhaysan yihiin intaa in kabadan dulmi looguma dulqaadan karo.

Hala Xishoodo!

Midna maankaaga ku hayn dadka reer Muqdisho amma Koonfureed waa meesha Ganacsatada Reer Hargeysa dhaqaalaha ugu xoogan kahelo.

18/08/2019

Ruuxda marka lagaa qaadayo malaa’ig ,40" gaarayso ayaa laguu soo diraa ku waa Oo lugaha ka soo bilaabaya soo saarista ruuxdaada, ayagoo marka ay marayaan xubin ay joojinayaa

Halkaa waxaa ka dhaceyso in xubinba xubinta ku xigto macsalaameyneyso ilaa laga soo gaaro kalxamaha.dhuunta.

Samada ayaa waxaa ka soo dageyso malaa, Wejiyadooda sida qorrxda Oo kale U ifaaya
Waxeey wadaan kafan eey jannada kala yimaadeen iyo cadar.jannada yaalay.

Malaa’igtaas waxeey U soo degeysaa Si ay qalbigaaga U dajiyaan Oo xasilooni U dareento maadaama daar aad ka guureyso mid kalena U socoto waxeey ku Oronyaan ha baqan.

Waxaa islamarkiiba imaanya Malakul-mowt isagoo dhoola cadeeynayo Suurad tan ugu qurux badan , waxaa uu kaa fadhiisanaa madaxaaga aktiisa meel wax yar u jirto isagoo ruuxdaada ku Oranyo.
("يا أيتها النفس المطمئنة إرجعي الي ربك راضية
مرضية)
Ruux yahay wanaagsan U soo bax alla dambi dhaaf badan raali ahaansha badan
Rabbi raali kaa ah Oo aan kuu careysneyn.

Ruuxdaada intaa markey maqasho waxeey jasadka kaga soo baxdaa sida xabad tin ah marka cajiin ku dhacdo sida looga saaro oo kale.

Malaa’igtii naxariista Ee meel halkaa fadhisay ayaa ruuxdaada la Carareyso ayadoo ku
duubeyso kafantii janada laga keenay cadar dusha laga mariyay.

Waxaas markeey dhacayaan waad dareemeysa laftigaadu Waxaa lagu korsiina Samooyiinka todobada ah ayadoo caraftaada samada ilaa arlada buuxineyso.

Samada ayeey mala’igtii ku siday garaacayaan, waxeey Oranayaan qofkaan waa hebel ina hebal yaa ka wanaagsan magac aduunka kaad ugu jecleed ayaa lagugu yeeraa waadna maqleysaa.

Allaah waa kii aduunka kugu karaameey Oo kugu naxariistay maxaad u maleeyneysa qiyaamaha Marka lagu geeyo Samada todobaad , Allaah ayaa malaa’igtiisa ku Oranya ((Adoonkeeyga/adoonteyda waan ka raali noqday Ee magaciisa ku qora kitaabka la yirahdo عليينCiliyiin)).!!

"Ciliyiin" Waa kitaab lagu qoro magacyda dadka ehlu janaha ah.
:.اللهم إجعلنا منهم ومن يكتب أسماءهم كتاب عليون"

"Duco mustaajabo ah, inshllh

`Khaatumada allaah noo hagaajiyo
°Karaamadan Oo kale allaah noo kaso
`Kuwii ku waano qaato allaah naga dhigo.

Markaad dhameyso aqriska La wadaag Walaalahaga kale ee Muslimiinta ah.

Xigaasho....

18/08/2019

Prof/Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kuna taqasusay cudurada beerka iyo dheefshiidka, dhinaca kalena Barre ka ah kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Cagaarshowga.

Dhaqtarka oo sidoo kale ah Musharax u taagan abaal marinta caalamiga ah ee (Nopel Peace Price) qeybta arrimaha bulshada ayaa intaa ku daray in cudurka cagaarshowga uu yahay dilaa, isagoo faahfaahin ka bixiyey, noocyada cudurkan, sababaha keena, calaamadaha lagu garto, habka looga hortagi karo iyo daweyntiisaba, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan:-

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kaste 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2017 waa “Ciribtirka Cudurka Cagaarshowga “Eliminate Hepatitis”.

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta dadka waaweyn waa ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nooloyihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.

Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada , waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah ( Chronic). Wuxuu cudurkaan h**ey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 257 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

 Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.

 Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).

 Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,

 Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
 Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual In*******se).

 Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-

- Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

- Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.

- Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)

- Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka

- Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 71 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka h**eeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).
Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta H**e :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka waxuu qabaa calaamooyinka sida labolabo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, qun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midib cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicanaayaan calaamadihii h**e laakin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestey cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa , waxeyna qadaneysaa.

bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo.

Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestey , taasana waxey keeneysaa in bukaanku dib u bilaalbo socod iyo dhaqaaqiisi nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gubaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% - 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% - 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% - 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% - 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu h**een waa in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in lailaaliyaa nadaafada raashiinka lacuno.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa gooynta qungooynta gudniinka wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii h**e, waxaana loo qaataa marka h**e Bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6) ,Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.

Ugu h**eyntii waxaa la faryaaa:

1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.

2. Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabdidda khamiriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaadadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

W/D: Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle.

17/08/2019

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah Ee Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay
XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
2. Sahra Jaamac Saalax
3. Cali Jaamac Faarax
4. Cabdullaahi faarax Mire
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed
9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYAD DOWLADDA PUNTLAND.

6 mise 9
17/08/2019

6 mise 9

16/08/2019

Qoraalkan yar deggenaan ku akhri. W/Q: Khadar cabdi Cabdullahi

Eeddaday Jawaahir X. Xuseen Cali, aabbahay ina adeertii, waxa ay geeriyootay 10, Juun, 2019. Adeero Cismaan Cabdillaahi Cali ayaa isna geeriyooday 7, Ogos, 2019. Labadoodaba waxa lagu aasay xabaalaha Halleeya. Meelaha Hargaysa dadka lagu aaso waxa u waaweyn Halleeya, Baqiic (xaafadaha Sheedaha agtooda) iyo Masallaha meel ku taalla. Qubuurahaa, mid walba gaarkeeda, waxa loo sameeyey nidaam lagu diinwaangalinayo meytida lagu aaso. Nidaamkaa waxa la hirgaliyey, sida la ii sheegay, kolkii dad la dilay ee degdeg loogu aasay xabaalihii la iibin jiray. Xafaariinta ayaa sii qodi jiray, dabadeed dadka ka iibin jiray.

Iminka, meyd walba waa la diinwaangaliyaa oo tiro (number) ayaa la siiyaa. Tiradaa xabaasha dusheeda ayaa laga taagaa. Waa farsamo aad u wanaagsan oo ehelada ka caawinaysa, in ay si fudud u heli karaan xabaashii qofkoodu ku jiray. Waxa laga oddorrosi karaa, iyada iyo goobaha carruurtu ku dhalato, kobaca bulshadu kor iyo hoos dhanka uu u socdo.

Adeero iyo eeddo ku soo noqo. Geeridooda bil iyo toddoba & labaatan cisho ayaa u dhaxaysay. Si kale haddii aan u dhigo, 57 maalmood bay kala dambeeyeen. Lambarka adeero Cismaan loo soo jaray iyo kii eeddo Jawaahir lagu diinwaangaliyey baan isu eegay. Waxa aan xisaabiyey inta ruux ee u dhaxaysa. 230 ruux ayey noqdeen oo dhintay 57 cisho gudahood. Tiradan waxa lagu duugay oo kaliya, xabaalaha Halleeya. Qubuurahii kale ee Baqiic iyo Masallaha ku kala yaallay ma ogin inta qof ee lagu duugay 57-kaa dharaarood gudahooda. Waxa aynnu illaa hadda ku kooban nahay waa caasimaddii oo qudha. Dalka intiisii kale isla maynaan gaadhin.

Xabaalaha Halleeya, celcelis ahaan maalintii, saddex qof baa la geeyaa. Caasimadda inta ka dhimata afar iyo labaatankii saacadood, celcelis ahaan, adiga ayaan kuu daayey. Laakiin, aniga qiyaastayda, waa sagaal. Labada xabaalood oo kale intaa in leeg uun (min saddex) baa maalintii lagu aasaa. 3×3 waa 9. Waxa jira laba meelood oo kuwaa h**e ka yaryar, oo iyagana dadka lagu aaso. Waa Xaraf iyo Boqoljire. Kaba soo qaad, in isugayntooda, hal qof lagu xabaalo maalintii. Wadarta qiyaasteennu iminka waa toban. Way ka badan kartaa, kana yaraan kartaa xaqiiqadu intaa.

Illaa carruurnimadaydii waxa aan maqlayey; dadku xoog bay u dhimanayaan, waa la socdaa iyo hadallo la mid ah. Sababta wedku marna dadka toban-toban ugu xantoobinayo mar kalena u midha-midhaysanayo sida lawska, waxa ay ahayd su'aal igu soo roorta mar kasta oo aan hadalladaa maqlo. Aniga iyo carruurihii aannu wax isu ahayn, dadka waalidka noo ahi maalinta ay cadhaysan yihiin, way na la jiidhi jireen. Marka ay ugu yar tahay, qaylo iyo canaan baannu kala kulmi jirnay. Macallimiintii wax i soo bartay ayaa iyaguna sidaa u badnaa. Waan hubaa in aad adna taas oo kale la soo kulantay oo wax ii gaar ah ma aha.

Aniga oo waayo'aragnimadaa maanka ku haysta, ayaan ku fikiri jiray, in mawlakulmeedku wakhtiyada qaar iskubuuqsan yahay (stressed), oo uu bini'aadanka kula duldhaco cadhada. Sidaas baan u macnaysan jiray dhimashada la hadalhayaa in ay u korodhay. Warwar baa i gali jiray. Goorta uu igu cadho-burburayo wedku, sidii macalliminta, ee uu dunida iga kaxayn doono. Ma illoobin ducooyinkii aan Eebbe gacmaha hoorsan jiray. "Ilaahaw ninkaa iga celi," baa ka mid ahayd.

Sheeko-baralydaas goor aan ka waynaaday mooyi, laakiin su'aalo iyo werwer kale ayaan khaati billaahi ka taagan ahay iminka. Aayad Quraan ah wuxuu Eebbe weyne ku sheegay, in uu wax walba sabab u yeelay. Ma jirto geeri iska badata marna iska yaraataa, iyo, malag "stress" ku dhaco oo dadka iska xasuuqaa.

Maalin dhaweyd waxa uu nin dhallinyaro ahi inna la wadaagay, ilma yar oo uu abti u yahay in afar cisbitaal oo la isu mariyey waxba loogu qaban waayey. In Hargaysa oo la tuhunsanaa loo la soo cararay, dabadeed lagu qalay, dabadeed haddana dib loo tolay oo la yidhi, iska qaata waxba idiinma qaban karnee! Markan, xataa lacagtii waa laga dhammeeyey qoyska.

Caasimadda ay qayb yar oo ka mid ah maalintii ka dhimanayaan tobanka qof, waa meesha dalkii, dadkii iyo dawladnimadiiba isugu soo ururtay. Waa meesha wasaaradda iyo haya'adaha caafimaadku saldhigga ka dhigteen, ama looga dhigay. Waa meesha dhakhaatiirta ugu badan, muwaaddin iyo ajaanibba, ay ka hawlgalaan. Waa magaalada ugu badan ee arday caafimaad soo baratay ka soo baxdo sannad walba. Caasimad ay 10 ruux maalintii god galaan anigu ma ogi, oo sida Hargaysa milyan ruux ku dhaqan yihiin. Haddii aad garanayso ii faa'iidee.

Waxa ay xukuumaddu 09, Abriil, 2019, dalka ka saartay boqol iyo dhawr & soddon ajaanib ah. 60 ka mid ah caddayntii (shahaadadii) dhakhtarnimada ay sheegteen ayaa laga waayey. Boqolka iyo jarjarku, muddo dheer in ay dalka xirfadaha caafimaadka, oo been ah, kaga shaqaysan jireen ayaa la raaciyey warka. Waa waxqabad, marka si loo eego, in kasta oo aanay dawladdu sideeda u soo ogaan ee haya'adi u soo sheegtay. Si kale haddii loo dhigo se, waa fadeexad iyo afkalaqaad.

Boqolkiiba imisa ayey dileen tolow tobankaa maalinlaha ahaa? Imisa kalaa wali dhuumanaya oo dadkeenna naf iyo lacagba ka tirsanaya maalin kasta? Maxak**ad in la saaray dowladdu inoo ma sheegin. Kii la mustaafuriyey, ka warran haddii uu barri soo diro walaalkii, ina adeerkii amaba saaxiibkii? "War haddii lagugu qabtana waa lagu soo tarxiili uun oo wax kale amba la igu ma samayn, haddii kalena lacag baad inoo soo shaqayne tag meesha," sow kuma soo odhan karo?

Dawooyinka iyo cuntooyinka dalka soogala, inta dawladdu soo mariso qaybta hubinta tayada (quality control), inta aan loo marin baa saddex jeer ka badan. Anigu ma odhan ee dad dalka joogay oo iga xogogaalsan baan ka qoray. Farmasiiyada Hargaysa ka furani waa kun iyo konton (ciddii ii sheegtay baan waliba ka soo hubin doonaaye). In badan oo ka mid ahi waxa ay leeyihiin qaybta soodejinta dawooyinka dibadda. Boqolkiiba laba (2%) ayaa oggolaaday in ay dawladda ka diinwaangaliyaan waxa ay soodejiyaan. Intii kale way iska diideen, dawladduna in ay is jiidjiidtaan way iska diidday oo malaha way ka xishootay. Waxa se qofka ii warramayey ii raaciyey, caddaaladdarradu waa camal sheyddaane, in xukuumadda Biixi waddo qorshe xishoodka lagu laalayo.

Goorta qorshaha la waday waa sannadkii h**e. Haddii lagu dhaqaaqay saxaafadda ayeynu faanka ka maqli lahayn. Su'aalxumida haba la igu cadaabee, tolow imisa muwaaddin baa dawooyinkaa ku dhintay, xanuunno ka qaaday, intii qorshahaa la dhiraandhirinayey ee xishoodka meel la iska soo dhigayey?

Haddii aad la sheekeysato qof Itoobiya caafimaad u doontay, kaddib markii gudaha dalka waxba loogu qaban kari waayey, toddobaadka u horreeya dawooyinkii h**e ayey dhakhaatiirta Itoobiya ka maydhaan qofka. Gabadh aannu asxaab nahay iminka waxba ma maqasho, waayo diktoor baa si qaldan ugu muday irbad. Gabadh Boorama joogtaa waxa ay ii sheegtay, in ay hadda wadaan xog-ururin HIV/AIDs-ka ku saabsan, oo dalka oo dhan ah. Hordhaca ay ii sheegtay qalbixanuun buu igu riday. Idaacadda VOA-du waxa ay toddobaadkii h**e baahisay, in dhiigkarka iyo macaanku Soomaalida aad ugu soo bateen. Taawarrada shirkadaha isgaadhsiinta iyo xadhkaha argaggaxa leh ee Hargaysa hawada sare ka haysta, waligay dareen iyo dood baan ka qabay. Xanuunka faaliggu muxuu marba marka ka dambaysa u sii badanayaa?

2009 ayeyday baan geeyey xarun caafimaad oo Hargaysa ku taal, si looga soo saaro gaws ay ka joogi wayday. Kii aannu farta ugu fiiqnay mooyee ilig kale ayuu ka saaray nin da' yar oo biro sitay. Imisa qiso oo dhakhaatiirta Soomaalilaan ku saabsan baad maqashay adigu?

Xanuuno basiid ah baa dad badani nafahoodii u waayeen marar badan. Wali waa caasimaddiiye, afarta koonaba booyad baa dadka waraabisa. Ceelasha ay ka soo dhaamiyaan qaarkood, waa biyo adag ama dhadhan xun. Midkeenna ma yaqaan waxa intaa u dheeraan kara.

Cunto hagaagsan iyo dawo tayo leh midna ma haysid. Sidaas oo ay tahay, Cirro, Muuse iyo Faysal haddii aan soo hadalqaado, madaxa ayaa buur ku leekaada, dulqaadkana hal mar baad iska waydaa. Waad harraadan tahay, adeerkaa oo agaasime waaxeed ahna kalmad gar ah laga ma odhan karo. Adiguna yeelkadaa, carruurtaadana damaanad uma haysid, danta guud qofkii u hadlaana agtaada waa ka cadaw ama reer hebel oo xin ka hadlinayo. Oo ma jiraa xin iyo cadaw aan caqligaaga ahayni?

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Dhaqancelinta Agoonta Farmaajo CBB posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category