
03/02/2025
Senator Cabdi Qaybdiid ayaa diiday hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqan-geliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka.
"Dowlad-goboleedka Galmudug waxaa ka dhici doonta oo kaliya doorasho qaran oo lagu heshiiyay. Daneeyeyaasha dowlad-goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga arrinsan doona arrinkaa," ayuu yiri Senatar Qaybdiid.
Wuxuu dhaliilay socdaallada joogtada ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dibadda. "Ma habboona in muddo gaaban gudaheed dalba dal loo safro. Waxaan ugu baaqayaa labada gole ee baarlamaanka federaalka inay feejignaadaan oo ay u kuurgalaan jidka qaldan ee ay Soomaaliya cagta saartay," ayuu hadalkiisa kusii daray.
Senatar Qaybdiid oo h**ey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ah Senatarkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta hannaanka doorashada ee muranka dhaliyay.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hannaankan ka dhaqan-gelin doonto qaybo ka mid ah dalka, iyadoo laga reebay dowlad-goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyey Soomaaliya sannadkii 1998-kii.