دروس رمضانية- الدرس الأول
Waa duruustii Ramadaanka cashirkiisii 1aad iftiinka Ramadaanka waxaana inoo soo jeedin doono insha Allaah walaalkeena Daaciga weynaa Allaha xifdiyee :
الشيخ عبد الفتاح حسن أحمد شمبروا
Ka Faaideysi Wacan Walaalaha Kheyrka Jecel ee Ku Xiran beejkaan insha allaah.
Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka hadlaayo fadaaisha bisha Ramadan Allaha ku xifdiyo.
Sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari oo ka hadlaayo Fadaaisha bisha Ramadan Allaha ku xifdiyo.
#Addow Islamic Productions waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxaristo qabrigana allaha u waasiciyo walaalkeena Maamule Ustaad Sheekh Maxamed Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa Ducaadii naf iyo maalba u horey u adeegida diinteena suuban waxa kaloo ka mida ahaa shaqaalaha مؤسسة الصفا sidaa kale Baràaasha Machadu Sunna waxa uu ahaa Howl kar Maamul iyo Bareba ka soo noqdey Machadu Sunna haatana ahaa Maamulka Xarunta dhexe qeybta khamiis iyo jimcaha ee Sheekh cali suufi
فضيلة الشيخ محمد حسن عبدلي رحمه الله تعالى وأسكنه الفردوس الأعلى من الجنة
إنا لله وإنا إليه راجعون اللهم اجرنا في مصيبتنا واخلف علينا خيرا منه
ووالله إن العين لتدمع وإن القلب ليحزن ولا نقول إلا ما يرضي
ونسأل الله أن يخلف علينا بخير وهو حسبنا ونعم الوكيل
Waxaan geerida xanuunka badan la qeybsanayaa walaalkeena استاذ مصطفى حسن عبدلى السلفي
Ustaad Samir iyo imaan allaha naga wada siiyo qalbigana allaha kuu qaboojiyo Aamiin Aamiin Aamiin
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalin Badalanayeen Ardayda dufcadii 8 aad ee qeybta Akhriska iyo Qoraalka oo ka dhacdey xarunta dhexe ee Dugsiga xifdinta Quraanka kariimka iyo mutiinta ee imaamu naafic oo ku taalo Degmada Yaaqshiid xaafadda Suuqa Xoolaha maalintii Talaadad aheyd Galinka dambe taariikhduna aheyd 27/06/1445 oo waafaqsan 09/01/ 2024
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Culimo, Aqoonyahano sida Sheekh C/raxmasn siciid aada oo ah gudoomiyaha jamciyadda qur,aanka kariimka ah ee soomaaliya sidoo kale Asaasihii Dugsiga imaamu naafic Dr: Sheekh Maxamuud Macalin cumar Cabdi ahna maamulaha xarunta ibnu xajar ee diyaarinta culumada iyo Ustaad Maxamed Maxamuud Caddow Maamulkii Hore Dugsiga.
Culumada ayaa Waxay ardayda Ku booriyeen xifdinta Qur,aanka kariimka ah, tarbiyada wanaagsan iyo Ku Dadaalidda barashada diinta islaamka.
Sidoo kale xafladda waxaa kasoo qayb galay Waalidiin, Arday iyo marti Sharaf kale.
Ugu dambeyn Maamulaha Dugsiga macalin Daahir Maxamed Cali ayaa u mahad celiyay Culumadii, Marti sharaftii Waalidiintii, Ardayda iyo dhmaan kasoo qayb galayaasha, isagoo u rajeeyay Ardayda Horumar iyo Mustaqbal Wanaagsan.
Waxaad kala xiriiri kartaan Arimaha waxbarashada Dugsiga xafiiska Maamulka ama ka wac :
Wa.me/+252615318229
Ascad sheekh Naxamuud Macalin cumar oo Ka mid ah Ardada wax ka barata Dugsiga imaamu naafic ayaa ka mid ardeydii soo bandhigey Dugsiga Duruusta lagu barta qeyb ka mid ah waxa uuna akhrinaya abtirkii Nabigeena Muxamad CSW
Siirada nabiga scw barashadeedu waa cimiga ugu muhiimsan ee lagu tarbiyeeyo bulshada,gaar ahaan caruurta.
Allaha inoo xifdiyo Caruurteenna Aamiin Aamiin Aamiin, tarbiyadoodana waa mas'uuliyad waa ina saaran
Waxaa soo dhaweyn aad u sareysa loo sameeyey maalintii shaley aheyd sheekh Maxamed Cabdi Umal uu soo gaarey kuufur afrika waxaana soo dhaweeyey musasatu Bayaan ee ka dhisan halkaas sheeka ayaa ka tagey magaalda neyroobi oo uu halkaas dhawaan hadal qiima leh ka jeediyey kulankii 6aad ee Ansaaru Sunna Trust oo la soo gabagabeeye
Sheekh Maxamuud iyo sheekh Cabdi Risaaq (Janaraal jiir) Oo walaal kiinyaan ah Towxiidka u qabteen Allaahu Akbar Alxamdulilaahi magaciisuna maanta wixii ka dambeeyo waa ibraahim
Kalmadii sheekh Cabdi Raxmaan Dhawiil ee kulan diimeedkii 6aad ee Mu’asasada Ansaaru Sunna
Kalmadii sheekh Xuseen Cali Jabuuti ee kulan Diineedkii 6aad ee Mu’asasada Ansaaru Sunna Trust
Kalmadii sheekh Maxamuud Abuu sheybah ee kulan diimeedkii 6aad ee Ansaaru Sunna Trust
Kalmadii Xildhibaan Bilow keerow ee soo dhaweynta aheyd ee uu shalay ka jeediyey kulan diimeedkii 6aad ee Ansaaru Sunna Trust magaalada Nairobi
Janaraal jiir oo soo dhaweyn iyo mahad u jeediyey culimada soo xaadirta kuwa uu waqtiga u saamixin lkn jeclaa in ay ka soo qeyb galaan kulanka sidoo kale dadka aadka u tirade badan ee ka soo qeyb galey iyo kuwa wanaaga jecel ee maalkooda ku bixiyey qabsoomida kulankaan qiimaha badan
Kulan Diineedkii 6aad ee Mu’asasada Ansaaru Sunna - Nairobi ayaa si habsami leh uga socda,
Waxaa Aayadaha Quraanka ku daah-furey kulanka ilaahay Ajir badan ha siiyee Qaarii Sh. Maxamed Xasan
Kulan Diineedkii 6aad ee Mu’asasada Ansaaru Sunna - Nairobi ayaa si habsami leh uga socda, waxaana dhegeysanaya dadweyne gaaraya 22 kun oo bulshada soomaaliyeed ka mid ah.
Sidoo kale waxaa daawanaayo malaayiin muslimiinta caalamka ku nool gaar ahaan bulshada soomaalida.
Waxaa furey janaraal jiir guddoomiyaha mu'asasada
Insha allaah waxaan idiin soo daynayaa kulan diimeedkii 6aad ee Ansaaru Sunna Trust oo galey maalintiisa labaad hor u dhac astaanka kulunka .
Waxaa uu soconayaa ilaa 4 cisho insha allaah ka faaideysi wacan.