𝟖 𝐀𝐫𝐢𝐦𝐨𝐨𝐝 oo uu Ku sifoobey Lafatagareen 4-ta Sano ee la soo dhaafay oo kala gayn kara Shacabka Wada dhistay Maamulka Koonfur Galbeed !!!
Maxay tahay 𝘀𝗶𝗱𝗲𝗲𝗱 𝘀𝗮𝗻𝗼 kadib mahadhooyinka ay reeben labadii muda xileed ee doorasho ee ka dhacay KGS ??
Madaxweyne Xasan Sheekh "Dagaalka ay ku jiraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, waxa uu u baahan yahay awood lagu xaqiijiyo hiigsaga aan uga golleenahay, hiigsigaas oo ah xaqiijinta Soomaaliya oo aan argagixiso joogin, xasillooni, amni ah, heshiis ah, dunidana heshiis la ah, doorkeedii firfircoonaa ee soojireenka ahna ku leh heer Carbeed, gobol iyo caalamba."
Xiritaanka Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran
Madaxweyne Xasan Sheekh “Illaahay idin kii Oktoober kale ma dhicidoonto. Dalka dagaal buu ku jiraa,saacadan aan idin la hadlayo dagaal baa socda, geesiyaasha Ciidama Qalabka Sida ayaa daba jooga Khawaarijta”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.
Khudbada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO JAAMACADDA NABADDA EE QARAMADA MIDOOBEY KA QAATAY SHAHAADADA SARE EE PhD
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.
Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Doorka Culummada Soomaaliyeed ee dagaalka aynu kula jirno argagixisada dowlad ugu hiilin maysaan,Xasan Sheekh ugu hiilin maysaan ee Umadda Soomaaliyeed in cisi iyo karaamo aduunka ugu noolaadaan ayaad ugu hiilinaysaa”
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa guddoomiyay Shirka guddi hoosaadka Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshadda oo looga hadlay yaraynta saboolnimada,dardar galinta gurmadka abaaraha, baraarujinta dhallinyarada ee kacdoonka lagu cirib tirayo argagixisada iyo sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladdaha bani’aadantimo ee labaatankii sanno ee u danbeeyey soo laalaabtay.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa soo xiray dood ku saabsanayd dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Mac-hadka Daraasaadka iyo Cilmi Baarista ee Heritage.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya ee lagu qiimeeyo adeegga hawada caalamaka.