Tusmaal Media

Tusmaal Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tusmaal Media, Broadcasting & media production company, km4, Mogadishu.

Maxamad Cabdullaahi Xasan oo loo garan ogyahay (CAATOOLE) kana tirsan Ururka 7aad  Guutada 16 aad ee ciidamaka kumaandoo...
09/11/2023

Maxamad Cabdullaahi Xasan oo loo garan ogyahay (CAATOOLE) kana tirsan Ururka 7aad Guutada 16 aad ee ciidamaka kumaandooska danab ee ka hawl gala Airporka magaalada Jowhar.

Waxa uu dhawr maalin ka hor cadaadis iyo handadaad Kala kulmayay Tiliyaha Taliska Uu ka tirsanyahay Maxamed kaas oo lagu magacaabo Asad Cusmaan Faruur.

Maxamad oo Askari Qaran ah Sifo sharci daro ah ayuu laba maalin ugu xiranyahay xabsi ku yaala Magalada Jowhar.

Maxamad oo aan loo ogoleyn in xiriir uu la sameeyo ehelkiisa ayaa dareemaya Awood sheegasho kaga Imaanaysa taliye Faruur.

Si dhuumaalayso ah qaar kamid ah asxbtiisa oo uu la xiriiray ayaa inoo xaqiijiyay in Askariga heyb sooc iyo Awood sheegasho iyo handadaad xad dhaaf ah loogu geysanayo Xabsiga oo uu ku jiro labadii maalin ee u danbeysay.

Saraakiisha iyo siyaasiyiinta Ehelkiisa ah iyo xildhibaankiisa ayaan u direynaa cod dheer oo ah In askarigaas haddii uu qaldanyahay iyo haddii laga qaldanyahyba xuquuqdiisa Askarinimo muwaadino ee uu dastuurka Dalka iyo xeerka ciidanka Lala maro.

Lkn lama ogalaan karo in Askari Qaran nin shaar qabiil huwan Uu Xabsi isaga Xareysto.

01/11/2023

Suldaanka BEESHA SALEEBAAN oo ka tacsiyadeeyay Dilkii Labo ganacsade dhuusamareeb aano qabiil loogu geystay waxa uuna diray baaq nabadeed..

Taliya ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding ayaa hadda shir jara'id ku qabanaayo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho isa...
01/11/2023

Taliya ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding ayaa hadda shir jara'id ku qabanaayo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho isaga Ka ka hadli doona howlgalka ATMIS iyo safar uu maalinkii shalay aheed kaga yimid gobolka Shabellada dhexe.

31/10/2023

MATABAAN:- koox hubeysan ayaa goordhaw bartamaha Degmada matabaan ku dishey labo qof oo shacab ah, waxaa uuna dilkan salka ku hayaa aano qabiil oo mudooyinkanba ka taagneyd deegaanada degmadaasi hoostaga.

Million way dhaaftay Billion bay maraysaa Dhaadhacna Nagama soo gaarin See Waxyihiin hee 🤣
29/10/2023

Million way dhaaftay Billion bay maraysaa Dhaadhacna Nagama soo gaarin See Waxyihiin hee 🤣

Howl kaste oo Billaabata waxey leedahay Dhammaad Qurux badan . Arrintii aan shalay Billaawnay waxey mareeysaa. Hadda in ...
29/10/2023

Howl kaste oo Billaabata waxey leedahay Dhammaad Qurux badan . Arrintii aan shalay Billaawnay waxey mareeysaa. Hadda in gacanta lagu Haayo $200

Kaliya waxaa inoo harsan $2,100
Qofkasoow Tabartaada iyo Taagtaada
$1, $5 , $10 $20 $30 $40 $50 IWM

Maanta aan $1000 Gaarsiinmo ama ayada dhanba aan wada keenno Akhiyaareey Idam Alle

Deeqo cali . Waa xirfadle ku shaqeysata Xirfaddeeda waxey dhibbane u tahay *Dhac* ey kala kulantay Burcad xilli aroor ah ayadoo kusii wajahan Mid ka mid ah Howlaheeda Caadigaa ,

Deeqa waxaa laga dhacay Qalabkii shaqada oo eysan ayada laheyn . Waxaana jira Cadaadis xooggan oo ka heysta Teamkii Qalabka Shaqada lahaa , Camera iyo Iphone ey kusoo shaqo tagtay ayaana laga dhacay ,

Markii lasoo qiimeeyayna waxey gaarayaan Qarash dhan $2,300

Qof Waliba oo Awooda waxaan Cod dheer oo Dareen leh uga Codsaneynaa inuu nagala qeyb qaato Sidaan Garab usiin laheen Walaasheen Deeqa ,
Waxaadna kusoo hagaajin kartaan

Salaam Bank 34227915
Hormuud 0617656542

Mahadsanidiin Fadalan Farrintaan Meel Fog Nala gaarsiiya

28/10/2023

Deeqo cali . Waa xirfadle ku shaqeysata Xirfaddeeda waxey dhibbane u tahay *Dhac* ey kala kulantay Burcad xilli aroor ah ayadoo kusii wajahan Mid ka mid ah Howlaheeda Caadigaa ,

Deeqa waxaa laga dhacay Qalabkii shaqada oo eysan ayada laheyn . Waxaana jira Cadaadis xooggan oo ka heysta Teamkii Qalabka Shaqada lahaa , Camera iyo Iphone ey kusoo shaqo tagtay ayaana laga dhacay ,

Markii lasoo qiimeeyayna waxey gaarayaan Qarash dhan $2,300

Qof Waliba oo Awooda waxaan Cod dheer oo Dareen leh uga Codsaneynaa inuu nagala qeyb qaato Sidaan Garab usiin laheen Walaasheen Deeqa ,
Waxaadna kusoo hagaajin kartaan

Salaam Bank 34227915
Hormuud 0617656542

Mahadsanidiin Fadalan Farrintaan Meel Fog Nala gaarsiiya

Isku aadka tartanka Maamul goboleedyada SSC-Khaatumo iyo Gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyn kooxuhu isugu aaden sidanGalm...
26/10/2023

Isku aadka tartanka Maamul goboleedyada SSC-Khaatumo iyo Gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyn kooxuhu isugu aaden sidan

Galmudug vs Hirshabeelle
Banaadir vs Koofurgalbeed
Jubbaland vs Khaatuma

Waxaana lagu daahfuri doonaa Galmudug iyo Hirshabeelle waxaana gebi ahaanba tartanka aan ka qeyb ahayn doorkan maamulka Puntland oo isagu kol horay sheegay in Dowladda aanay kala dhaxeyn wax wada shaqeyn ah.

26/10/2023

Xildhibaan Cumar Cali Cabdi" Sannadkii h**e waxaan taageerayey Gobolka Banaadir laakiin sannadkaan waxaan si toos ah u taageeri doonaa Galmudug".

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya...
26/10/2023

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya dadaalo isku dhafan oo ay
qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.
Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban;

1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
10. Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
11. Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada
Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra'iisul Wasaaraha

Xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:
1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay'adaha Dowladda ee XRW.

Dhagaysiga dacwadda loo haysto Genaral Sheegow Ahmed oo 19kii bisihii August kadib dagaal saacado qaatay oo ay isku fara...
26/10/2023

Dhagaysiga dacwadda loo haysto Genaral Sheegow Ahmed oo 19kii bisihii August kadib dagaal saacado qaatay oo ay isku farasaareen ciidan taabacsan generallka iyo Ciidanka Xasilinta ee Polica Milatare dhageysiga maxk**adees ee generallka
Ayaa Muqdisho ka bilaabatay.

Si weyn waxaa isha loogu hayaa kiiskan oo ah mid dhawr eedood lagu qaadayo sheegow Ahmed oo horay afhayeenka booliska uu ku tilmaamay mid huwan darajo general balse ay tahay waxba k**a jiraan.

War murtiyeed laga soo saaray shirweyne qaran oo muqdisho uga socday Madasha qaran ee bulshadda Rayidka iyo Hay"addaha d...
25/10/2023

War murtiyeed laga soo saaray shirweyne qaran oo muqdisho uga socday Madasha qaran ee bulshadda Rayidka iyo Hay"addaha dawladda.

BISHAAR AXMAD CALI Gaarsii dadkayga  masuuliyiintayda iyo Qof kastoo damiir dudublanimo leh  waxaan ahay Nin dayacan,  M...
25/10/2023

BISHAAR AXMAD CALI

Gaarsii dadkayga masuuliyiintayda iyo Qof kastoo damiir dudublanimo leh waxaan ahay Nin dayacan, Magaciisa waa bishaar axmad cali
Bishaar waa nin
Duduble
habar awradeen
Aadan tuurcade
maxamad Aadan
reer cali gogol Yare

sidoo kale Waa askari qaran oo kamida ciidanka xooga dalka soomaaliyeed

QEYBTA 21AAD
GUUTADA 15AAD
URURKA 72AAD

15 BERI Ayuu yaalaa hospital-ka digfeer ee magaalada , muqdisho dhaawac kasoo gaaray dagaalkii bar-ujeed ayaa loo keenay halkaas kadib markii guriceel lakeenay oo waxba lakaga qaban waayay waxaa diyaarad kasoo qaaday guriceel isaga iyo dhaawacyo kale dhigtay isbitaalka digfeer oo uu iminkaba yaalo


Shalay ayaan anigoo booqasho ku tagay isbitaalka oo qof ehelka kamida u socda waxaan iabitaalka kuwada kulanay isbitaal digfeer bishaar axmad cali isbitaal digfeer waxaw ila wadaagay in dayac badan aw ku heeysto isbitaal digfeer Gacanta ayaa i burbursan xidido waa i go anyihiin dhaymo ma helo laftaydu waa kala taala xili la i kabayo ma ogi ma arkin wax dhaqtar oo i dhaho mudadaas ayaa lagu kabayaa waxaan ka baqaaa in gacantaydu u go,do daryeel la aantaas oo hadaba ur badan ayaan ka dareemaa habeen dhaaf ayaa kalkaaliso ii timaad cirbado xanuun baa,bi iye ah uun ayay iku dhuftaan ma haysto garab Qoys iyo Qaraabo iyo masuuliyiin dowladeed ee i matalayay

FADLAN FARIINTAYDA II GAARSII CIDII WAX KA QABAN KARTO WAXAAN AHAY BUKAAN DAYACAN WAX UGU WAYN AAN U BAAHANAHAY WAA IN ISBITAALKA LA IIGU YIMAAD SI DARYEEL LA IIGU SAMEEYO HA NOQOTO KAB IYO DHAYMO IYO ADEEG DHAMAYSTIRAN DADKII LA ILA KEENAY 6 QOF AYAY AHAAYEEN HAL WIIL OO KUJIRA ISNA ADEEG DHAMAYSTIRAN HEESTA MOOYEE INTII KALE WAA BOGSADEEN WAANA LAGA BIXIYAY ISBITAALKA

Kala xariir Bishaar : TEL 770907008

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra'iisulwasaarayaal h**e ayaa war-saxaafdeed ay soo saareen ...
19/10/2023

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra'iisulwasaarayaal h**e ayaa war-saxaafdeed ay soo saareen eedeyn ugu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh kana digay in dalka uu ku hoggaamiyo kala qeybsanaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqd...
18/10/2023

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah AS.

18/10/2023

DAAWO:-.Boqolaal qof oo ku dhintay duqaynta Isbitaalka Gaza Habeenkii Madoobaa ee Qasa ee tiradii ugu badneyd

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoo...
16/10/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka AS, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Maanta waa maalintii calanka Soomaaliya ee buluuga khafiifka ah xiddigta shangeeska ah ee cad dhexda ku leh. Asaaskii ca...
12/10/2023

Maanta waa maalintii calanka Soomaaliya ee buluuga khafiifka ah xiddigta shangeeska ah ee cad dhexda ku leh. Asaaskii calanka qarankeena waxaa ka soo wareegay 69 sano markii la asaasey.

Calanka Waxaa la sameeyey taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana hindisa calanka buulugan ee dhexda xiddigta ku leh iska lahaa ilaahay ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan. Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii h**e diiday Calanka Buluuga ah.

"Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  Shirka gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hir...
12/10/2023

"Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shirka gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Aafooyinka ka dhalankara Fatahaadaha iyo duufaannada elnino, Maamul u sameynta deegaanada la xoreeyay iyo dardargelinta dhismaha goleyaasha deegaanka, Caqabadaha ku xeeran dhaqangelinta iyo la socodka deeqaha duufaannada iyo fatahaadaha elnino.

Madaxweynaha ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay kaalintiisa kaga aadan hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta alshabaab, isagoo xusay in socdaal qaatay mudo ku dhow labo-bilood uu ku sugnaa furimaha h**e ee dagaalka si loo dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan deegaanada Nuur-dugle, Cadaanlaxeey, Cadcadeey, Daaru-nicma, iyo Ceel Cali Axmed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay booqasho iyo kormeer ku tagay Degmooyinka Aadan-yabaal, Alkowsar, Cali Gaduud iyo deegaanada Guulane iyo Maxaa saciid oo bulshada magaalooyinkaas uu kala hadlay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta isagoo xusay inay kasoo jawaabeen baaqii la dagaalanka khawaarijta oo ay soo diyaariyeen ciidamo badan oo ka qeyb noqonayo xoogga dib u xoreynta deegaanka dhowaana ay xoreyn doonaan deegaanada aan wali xoroobin.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlgal maalmihii ugu dambeeyay ka socday dhulka howdka ah ee deegaanada ciidciidka iyo jembiloow oo saaka ciidankeenna geesiyaasha ah ay u dhaadhaceen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta arxanka daran.

Ugu dambeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ayaa golaha u faahfaahiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in maamulo loo sameeyo deegaanada la xoreeyay iyo muhiimada ay dowladda u leedahay dhismaha goleyaasha deegaanka".

12/10/2023

DAAWO:- Isreal oo shuruud ku xirtay sii deynta biyihii iyo korontadii ay Qasa ka jartay
Walaaca Qaramada Midoobay..

11/10/2023

DAAWO:-Hogaamiyaal Aan Muslim aheyn oo Falastiiniyiinta Taageero umujiiyay

Ali Quusiye

10/10/2023

Tagtadii, joogtada iyo timaadada tabin taban bay inooga fadhiyaan..

Min Faashil Ilaa fadhiid Fadhigaan ka kicin

NAGU SOO BIIR.

Diyaarada Turkish Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel ilaa amar dambe iyadoo ay jirto xiisada...
10/10/2023

Diyaarada Turkish Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel ilaa amar dambe iyadoo ay jirto xiisada u dhaxeysa Israel iyo palestine.

"Doorashada Puntland ee soo socota degaanada SSC-Khaatumo k**a qaybgalayaan, anaga iyo Puntland waxaanu nahay laba maamu...
10/10/2023

"Doorashada Puntland ee soo socota degaanada SSC-Khaatumo k**a qaybgalayaan, anaga iyo Puntland waxaanu nahay laba maamul oo walaalo ah wax badana ka dhaxeeyaan".

Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Abdikadir Ahmed Aw-Cali.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta booqday cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya gaar kuwa badda, (Sp...
09/10/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta booqday cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya gaar kuwa badda, (Special, Marines & Air Force) oo tababar ku qaadanaya dalka Eritrea, madaxweynaha ayaa la hadlay ciidamada isagoo u sheegay in aan looga maarmin dagaalka dowladdu kula jirto AS.

QAZA: Dhimashada dadka Falastiin ayaa korortay oo gaadhay 436 ruux oo ay ku jiraan 91 carruur ah iyo 61 haween ah, dhaaw...
09/10/2023

QAZA: Dhimashada dadka Falastiin ayaa korortay oo gaadhay 436 ruux oo ay ku jiraan 91 carruur ah iyo 61 haween ah, dhaawucu waa 2271 qof - tani waxa ay imanaysaa xilli Israa'iil ay duqeymo aan loo meeldayin ku hayso Qaza.

Beesha Awradeen ee Duduble oo maalmihii danbe shir uga socday Magaalada caasimadda u ah maamulka Galmudug ayaa ugu danbe...
08/10/2023

Beesha Awradeen ee Duduble oo maalmihii danbe shir uga socday Magaalada caasimadda u ah maamulka Galmudug ayaa ugu danbeyn maanta soo gabagaboobay iyadoona laga soo saaray war-saxaafadeed ilaa 5 qodob ka kooban.

Qodobada kasoo kasoo baxay shirka beesha awradeen ee Duduble ayaa intooda badan ah kuwo lagu taageerayo dagaalka ka dhanka Alshabaab iyo in beeshu ay isla qaadatay in meel looga soo wada jeesto ka shaqeynta midnimada garab istaagga Ciidanka Xoogga dalka.

08/10/2023

Daawo War-saxaafadeedka shir Beesha Awradeen ee Duduble dhuusamareeb uga socday muddo 5maalin ah..

War murtiyeedkan Ayaa laga soo saaray Shir maalmihii ugu danbeeyay dhuusamareeb uga socday Beesha Habar Awradeen ee Dudu...
08/10/2023

War murtiyeedkan Ayaa laga soo saaray Shir maalmihii ugu danbeeyay dhuusamareeb uga socday Beesha Habar Awradeen ee Duduble

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay ...
08/10/2023

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Safarka Madaxweynaha uu ku qotomo adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo kasoo jawaabay hadalki muraaradilaca ahaa ee Xildhiban maareyeDanjirayaashii kala goynta uma...
06/10/2023

Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo kasoo jawaabay hadalki muraaradilaca ahaa ee Xildhiban maareye

Danjirayaashii kala goynta umadda Soomaaliyeed muqdisho u fadhiyi jirey waxay bilaabeen Cabaad iyo masayr

“Wax Somaliland la yiraahdaa ma jiraan”

Gobolada waqooyi ee xilligii Ingiriisku waxay u qaybsanaayeen qayb Ingiriiska la dagaalantay oo xoriyadda umadda Soomaaliyeed u halgamay illaa diyaarado lagu duqeeyey iyo qayb Ingiriiska dabodhilif u ahayd oo awoowayaashood uu sida awrta u raran jirey oo xataa waqtiyada gaaladu safrayaan dusha ku qaadi jirey.

Kuwa cabaadaya waxaa ku jira qaar aan dhulka ay ka hadlayaanba garanayn oo gargaarkii 1974 kurtuwaarey iyo Sablaale la keenay iyagoo feedho qaawan oo maro qayd ah Guntan dibna aan ugu noqon.

Dadka SSC khaatumo dhulkoodu waa ku filan yahay haduu u yar yahay iyo haduu u weyn yahayba, Samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo qalbigana ha idinka reebo.

Waxaan idin leeyahay Soomaali waa idin fahantay, waana ogaatay inaad kala goynteeda Muqdisho u joogtaan idiinmana suurto gelayso hadaad haysataan degmooyin aad Muqdisho la timaadaana soo dhowaada.

Mar kale waxaan idin leeyahay Edeb Hala yeesho haddii la yeelan waayo ogaada WAXBAA BAALAHIINA YAACAYA.

SSC Khaatumo Guul

Midnimada Soomaaliya waa muqadas

Xildhibaan Sahra Bundubte oo ka jawaabta hadalki Xildhibaan Mareeye“Shaleyna microfonka golaha ayuu madaxa la dhacayey m...
06/10/2023

Xildhibaan Sahra Bundubte oo ka jawaabta hadalki Xildhibaan Mareeye

“Shaleyna microfonka golaha ayuu madaxa la dhacayey maantana telfoonkiisa qeybta qoraalka ayuu madaxa la dhacayaa xildhibaanka laakiin taasi nafis u noqonmeyso!

Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada ...
06/10/2023

Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi.

Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka.

Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya. Waar halkan bay ka dhowdahay, inta Muuse Biixi joogaan anna degmaan xoreysanayaa.

Waa Bartiisa Facebook ku daabacay Xilibaan Maxamed A Xayir Maareeye

Xildhibaan Xayir Maareeye: "Maxaa sidan oo dhan loogu soo dhoweynayaa Firdhiye, ma DFS baa beddeshey siyaasadeedii Somal...
06/10/2023

Xildhibaan Xayir Maareeye: "Maxaa sidan oo dhan loogu soo dhoweynayaa Firdhiye, ma DFS baa beddeshey siyaasadeedii Somaliland..."

DEG-DEGGudoomiye Aadan Madoobe iyo guddi ka socda Xubanaha isbedel doonka Koonfur Galbeed ayaa shir uga bilowday Villa H...
25/09/2023

DEG-DEG

Gudoomiye Aadan Madoobe iyo guddi ka socda Xubanaha isbedel doonka Koonfur Galbeed ayaa shir uga bilowday Villa Hargeysa.

Xubnaha isbedel doonka waxaa kamid ah; Gudoomiyaashii h**e ee Baarlamaanka, Jawaari, Mursal, Sharif Hassan, Wasiiru Dowlihii h**e Arimaha Gudaha Senator Ilyas Ali Hassan iyo Agaasimihii Madaxtooyada Villa Somalia, Senator Hussein Sheikh Mohamud.

Mas’uuliyiintan ayaa lagu waddaa in ay warbaahinta madaxa-banaan ay la hadlaan kadib wadahadalkan muhiimkan.

25/09/2023

Ra'iisul wasaaraha XFS Xamsa cabdi Barre ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ugu baaqay in ay doorweyn ka qaataan dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay MinneapolisRa’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...
25/09/2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Minneapolis

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.

25/09/2023

Daawo:- DOODDA MAWLIIDKA EE SUUFIYADA IYO WAHAABIYADA OO MEEL ADAG GAARTA MARKASTA OO LAGAARO BISHA MAWLIIDKA...

U diyaar-garowga xuska munaasabadda barakaysan ee Mowliidka Nebiga NNKH ayaa maalmahan laga dareemaya guud ahaan Soomaal...
25/09/2023

U diyaar-garowga xuska munaasabadda barakaysan ee Mowliidka Nebiga NNKH ayaa maalmahan laga dareemaya guud ahaan Soomaaliya.

Address

Km4
Mogadishu

Telephone

+252617555598

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tusmaal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tusmaal Media:

Videos

Share


Other Broadcasting & media production in Mogadishu

Show All

You may also like