Mogadishu Channel

Mogadishu Channel 24 hours

Trump, wuxuu albaabka u furay dagaal ganacsi oo caalami ah, kaddib markii uu saxiixay canshuur 25% ah oo uu ku soo rogay...
02/02/2025

Trump, wuxuu albaabka u furay dagaal ganacsi oo caalami ah, kaddib markii uu saxiixay canshuur 25% ah oo uu ku soo rogay Canada iyo Mexico , halkaa Shiinaha uu saaray canshuur 10% . Manalaha wax canshuur dhaaf ah.

Isla markiiba Mexico, ayaa ku jawaabtay inay alaabaha Mareykanka saartay canshuur 25% , waxaa xigtay inuu soo baxay ra’iisul wasaaraha xilka ka deggaya ee Canada , Justin Trudeau oo kaliya aan canshuur saarine badeecadaha Mareykanka , ee wuxuu ugu baaqay dadka Canada inay ka fogaadaan alaabaha Mareykanka , sidoo kalena halkii ay fasaxyada u aadi lahaayeen Mareykanka ay ku qaataan gudaha Canada.

Shiinaha si aamusnaan ah ayuu u daawanaya, mana bixin wax falcelin ah oo la xiriirta canshuurta 10% ee wax badan ka hooseysa midda Mexico iyo Canada.

~Iman Jama

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharac iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, Asaad Hassan al-Shibani ayaa ku socdaalaya diyaa...
02/02/2025

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharac iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, Asaad Hassan al-Shibani ayaa ku socdaalaya diyaarad gaar ah oo ay leedahay boqortooyadda Sacuudiga , si ay u geyso magaalada Riyadh oo booqashadii u horreysay ee dibadda uu ku tagayo.

Puntland ayaa ruqsaddii ay kaga soo degeysay garoomadeeda kala laabatay diyaaradda SKYward oo qaadka ka keeni jirtay dal...
02/02/2025

Puntland ayaa ruqsaddii ay kaga soo degeysay garoomadeeda kala laabatay diyaaradda SKYward oo qaadka ka keeni jirtay dalka Kenya; iyada oo ku eedeysey in ay raaci weyday awaamiirta dowladda.

Diyaaraddan waxa la sheegey in lagu beddeley mid kale balse ganacsatada qaadka ay diidan yihiin midda cusub, waxana ay ku eedeeyeen dowladda in ay qaadka u xidhay shaqsiyaad ka agdhow.

Suuqyada qaadka ayaa xidhan tan iyo shalay; waxaana qaadleydu ay sheegayaan in madaxda maamul-goboleedyada qaar ilaa Madaxda Qaranka ay lugaha la soo galeen qaadkooda.

~Mohamed Salh

Wakaaladda wararka Reuters, ayaa xaqiijisay inay Israa’iil jabsatay WhatsApp-ka boqollaal ruux oo ay ku jiraan suxufiyii...
01/02/2025

Wakaaladda wararka Reuters, ayaa xaqiijisay inay Israa’iil jabsatay WhatsApp-ka boqollaal ruux oo ay ku jiraan suxufiyiin.

Madaxtooyada Soomaaliya: "Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu Mareykanka uga mahadcelinayaa duqaymaha uu IS kula beegsaday Gob...
01/02/2025

Madaxtooyada Soomaaliya: "Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu Mareykanka uga mahadcelinayaa duqaymaha uu IS kula beegsaday Gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan ...
01/02/2025

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan xubno ka tirsan Argagixisada Daacish oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka Bari.

War saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegaya in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyntan la beegsadeen xubno badan oo ka tirsan Argagaixisada, waxaana duqeynta fuliyay labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya.

Duqeyntan ayaa ah tii u horreysay ee Mareykanka fuliyay, tan iyo markii Puntland ay howlgal ka billowday dhulka buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari

Isha. Abdiaziz Golfyare

Taliyaha guud ee ciidanka dalka Turkiga, Gen.Metin Gürak, ayaa ka degey magaalada Muqdisho; halkaasi oo uu kulamo kula l...
01/02/2025

Taliyaha guud ee ciidanka dalka Turkiga, Gen.Metin Gürak, ayaa ka degey magaalada Muqdisho; halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay madaxda Soomaaliya oo la sheegey in ay ka wada-hadlaan xoojinta iskaashiga amniga iyo tababarrada ciidamada Soomaalida.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, ayaa ku warrantay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidanka amniga Suuriya in lagu qab...
01/02/2025

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, ayaa ku warrantay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidanka amniga Suuriya in lagu qabtay Jen. Atef Najib, oo ay ilmo adeer yihiin Bashaar Assad, xilli uu ku dhuumaalaysanayay Latakia.

Jen. Atef, waxay dadka Suuriya u aqoonsanyihiin qofkii u horreyay muddadii uu socday xasuuqii nidaamka Assad, ee ku kacay dilal iyo falal arxan darro ah oo ay ku jireen carruur la dilay. Wuxuu markii u dambeysay ahaa madaxa amniga siyaasadda ee magaalada Darca. Waxaa loo gudbiyay maxkamad si loogu qaado dambiyadiisa.

~Iman Jama

Shirkadda gaarka ah amniga ee Mareykanka , PMC ayaa geysay isgoyska Rafax ee isku xira marinka Qasa iyo Masar — ciidan l...
01/02/2025

Shirkadda gaarka ah amniga ee Mareykanka , PMC ayaa geysay isgoyska Rafax ee isku xira marinka Qasa iyo Masar — ciidan lagu sheegay inay la soconayaan dhaqdhaqaaqa halkaa ka dhacaya , iyagoo sidoo kale baaritaanno ku sumeynaya gaadiidka.

Fiiro gaar ah;

Mid kasta oo ka mid ah calooshood u shaqeysayaashan ayaa saacadii qaadanaya wax ka badan kun dollar ($1,000) oo ay u dheertahay adeegyo caymis oo laga yaabo celcelis inuu saacadihii helayo lacag kor u dhaafaysa $11,000 . Joogitaankooda wuxuu ku egyahay muddada lagu jiro xabbad-joojinta, sida ku cadka heshiiska.

Shirkadaha amniga Mareykanka ee isugu jira kuwa hubka soo saara iyo calooshood u shaqeysataasha ayaa lagu sheega kuwa ugu badan ee ka faa’iiday xasuuqa Qasa , iyagoo maalintii maalaayiin dollar uga howlgalla Qasa.

Isha. Iman Jama

Diyaarad Ambulance ah oo sidday ilmo yar  iyo hooyadii iyo afar qof oo kale ayaa ku bur-burtay magaaladda Philadelphia e...
01/02/2025

Diyaarad Ambulance ah oo sidday ilmo yar iyo hooyadii iyo afar qof oo kale ayaa ku bur-burtay magaaladda Philadelphia ee dalka Maraykanka.

Diyaaraddan oo ah nooca looyaqaano Learjet 55 ayaa ah mid qaadda dadka bukaanadda ah waxaann saarna afar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ilmo yar iyo hooyaddii, waxayna ku socatay dalka Maxico oo dhammaantood ay u dhasheen dadka saarnaa diyaaradan. Shlkan ayaa dhacay habbeenimaddi xalay.

Diyaaradan yar ayaa ku burburtay kuna qaraxday magaaladda Philadelphia, mas'uuliyiinta diyaaradda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ilaa iyo hadda aan lahayn war raysmiya, baadhisna ay socoto.

Shilkan ayaa yimi laba maalmood uun ka dib markii ay dhacday diyaaradda American Airlines oo ay saarnaayeen 64, taasi oo ay foodda is dareen diyaarad Helicopter ah oo Black Hawk loo yaqaano oo iyaduna sidday 3 ka mida ciiddamada dalka Maraykank.

Shilkan ayaa ka dhacay hawada garoonka Ronald Reagan ee Washington DC.

~Khaalif Foodhaadhi

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, oo waraysi uu siiyay wargayska caanka ah ee washington post ayaa ka hadla...
31/01/2025

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, oo waraysi uu siiyay wargayska caanka ah ee washington post ayaa ka hadlay dagaalka ka dhan ah Argagixisada, aqoonsiga Somaliland, howlgalka Midowga Africa, amniga iyo qodobo kale.

𝐀𝐦𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚.

Xasan Sheekh: Maraykanku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka AS. Taageerada milateri ee Maraykanka iyo tababarada la siiyo ciidanka Soomaaliya waxay naga caawiyeen inaan dib u dhisno awooddeenna amniga. Waxaan filayaa in xukuumadda Trump ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada si loo xaqiijiyo nabadda gobolka.

𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚.

Xasan Sheekh: Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waa kuwa nagu caawiyay sidii aan u xaqiijin lahayn ammaanka. Ujeeddada Soomaaliya waa in mustaqbalka ay yeelato ciidan qaran oo si buuxda u sugi kara ammaanka dalka, si aanan ugu baahnayn ciidamo shisheeye. Laakiin inta aan taas gaarayno, waxaan u baahanahay taageerada caalamka.

𝐋𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐒.

Xasan Sheekh:- Kadib laba sano oo dagaal joogto ah, waxaan dareemeynaa daal heerkii ugu sareeyay, Laakiin waxaan dib u habeyn ku sameyneynaa ciidamadeenna, waxaana socda olole cusub xilligan aan kula hadlayo lagula dagaalamayo argagixisada.

𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡

Xasan Sheekh:-Waxaan rajeynayaa in Maraykanka iyo beesha caalamka ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya. Xasilloonida Soomaaliya waxay muhiim u tahay guud ahaan nabadda gobolka iyo aduunka. Soomaaliya waxay rabtaa inay noqoto dal ay ka hana-qaadaan dimoqraadiyad iyo horumar.

𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo qiray in ay jiraan xubno ku dhow Madaxweyne Trump, oo ku cadaadinaya inuu Somaliland u aqoonsado dal Madax bannaan ayaa yiri:- Haddii xuduuddaha Afrika wax laga beddelo, taasi khatar weyn ayey ku keenaysa Waddamada Afrika, waana sababta aqoonsiga Somaliland lagu diidan yahay".

Isha. Hassan Noor

31/01/2025

Ciidamada koofiya Casta ee ilaaliye Madaxtooyada ayaa rasaas xoog leh ku riday diyaarad drone ah oo dhowr habeen ku martay Villa Soomaaliya.

Saraakiil kuwa amniga ah ayaa sheegay in diyaaradda ay ka shakiyeen maadaama aysan jirin cid la ogyahay oo leh diyaaradda dronka ah.

Dadka degan agagaarka Villa Soomaaliya ayaa maqlay rasaas xooggan oo maalmahaan aysan ka maqlin gudaha Muqdisho.

Xigasho. Abdulkadir Ok

Wasiir Aadan Barre Ducaale oo diiday in 'Dhul Soomaaliyeed' loogu yeedho Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera."Deegaanka Soomaa...
31/01/2025

Wasiir Aadan Barre Ducaale oo diiday in 'Dhul Soomaaliyeed' loogu yeedho Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

"Deegaanka Soomaalida aa? Macne xumo; Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, waxa ay ku jiraan xuduuudda dhuleed ee Jamhuuriyadda Kenya oo ah hal dal oo midoobay." - Ducaale ayaa yidhi isaga oo ka falcelinaya warbaahinta Kenya oo ugu yeedhay Deegaanka Soomaalida.

Dadweynaha Masar ee ku sugan albaabka laga galo ee marinka Qasa ee Rafax ayaa kordhay, iyagoo isaga imaanaya gobollada d...
31/01/2025

Dadweynaha Masar ee ku sugan albaabka laga galo ee marinka Qasa ee Rafax ayaa kordhay, iyagoo isaga imaanaya gobollada dal Masar, si ay uga mudaharaadaan qorshaha Trump ee barakicinta dadka Qasa, iyagoo ku dhawaaqaya inaysan oggolaan doonin iskuday kasta oo lagu barakicinayo dadka Qasa.

Boqollaal Masaari ah ayaa billaabay inay u guuraan xadka Rafax, iyagoo ka soo horjeeda qorsheha Trump ee barakicinta dad...
31/01/2025

Boqollaal Masaari ah ayaa billaabay inay u guuraan xadka Rafax, iyagoo ka soo horjeeda qorsheha Trump ee barakicinta dadka reer Qasa. Dadka reer Masar waxay sheegeen dunidda oo dhan haddii ay iskudaydo inay barakiciso dadka Qasa inay ka hortagi doonaan.

30/01/2025

Xamaas, ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu geeriyooday taliyihii guud ee guutooyinka hubaysan ee Qasaam, Maxamed Dayf ( Abu Khalid).

Ku dhawaaqistan, waxaa kalo uu ku shaaciyay afhayeenka Qasaam, Abu Cubayda inay sidoo kale geeriyoodeen inta dagaalka lagu jiray ; Marwaan Ciise oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka Qasaam, taliyihii garabka ciidanka qalabka sida ee Qasaaam, Ghazi Abu Tama'a, taliyaha guutooyinka gargaarka deg deg ah, Raed Thabet, iyo taliyihii guutada Qasaam ee Khan Yunis, Rafi' Salama.

Xigasho. Iman Jama

Trump ayaa saxiixay sharci madaxweyne oo waaxda difaaca iyo hay'adaha amniga gudaha ku amraya inay diyaariyaan xabsi lag...
30/01/2025

Trump ayaa saxiixay sharci madaxweyne oo waaxda difaaca iyo hay'adaha amniga gudaha ku amraya inay diyaariyaan xabsi laga dhisayo jasiiradda Guantanamo Bay ee dalka Cuba, kaasoo lagu heyn doono muhaajirinta sharci darrada kusoo galay Mareykanka ee lasoo qabqabto.

Wuxuu sheegay Trump, inay jiraan muhaajiriin halis ah oo aan xataa lagu celin karin dalalka ay ka soo jeedaa, taa beddelkeedana la geyn doono Guantanamo, si ay xabsi ugu qaataan.

Isha. Iman Jama

Xamaas ayaa maanta sii deysay 5 qof oo u dhashay dalka Thailand oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay howlgalkii 7...
30/01/2025

Xamaas ayaa maanta sii deysay 5 qof oo u dhashay dalka Thailand oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay howlgalkii 7-dii Oktoobar, iyadoo Al Jazeera ay ku warrantay sii deyntooda inuu ka qeybqaatay Turkiga.

Address

Mogadishu
HOTELWEHLIYEAREA

Telephone

+252616957630

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share