Wardheere TV

Wardheere TV Soomaali-nimadu waa lama taabtaan. 24/7

16/12/2022

Dumar waxaa dhawri kara, nin darajadooda yaqaana.

Alle haka wada fogeeyo wax kasta oo murugo u keenaya.🀲🏽🫢🏾

13/12/2022

Farxadda qofka dhintay ayaa ah mid aan la rumaysan karin marka ay soo gaarto ducada dadka adduunka ku nool.

Alle ha u naxariisto dadkii ugu qaalisanaa ee naga baxay, jannadii ugu sareysayna ha ku abaal mariyo.

Geeridu waxay waydiisay nolol:"Waa maxay sababta qof kastaa kuu jecel yahay, laakiin aniga la ii neceb yahay?".Noloshu w...
12/12/2022

Geeridu waxay waydiisay nolol:

"Waa maxay sababta qof kastaa kuu jecel yahay, laakiin aniga la ii neceb yahay?".

Noloshu waxay ku war-celisay:

"Sababtoo ah aniga waxaan ahay beenta quruxda badan, adiguna waxaad tahay runta xanuunka badan".

14/11/2022

RAG iyo DUMAR ma noqon karaan saaxiib?

Ogoow, haddii aad ka tagto SALAADDA, in farxad iyo barako-ba ay noloshaada ka tageen.
26/10/2022

Ogoow, haddii aad ka tagto SALAADDA, in farxad iyo barako-ba ay noloshaada ka tageen.

Salaaddu waxay daawo u tahay xanuunada oo idil, walaal qaado daawadan shan jeer maalintii haddii aad doonayso in aad add...
25/10/2022

Salaaddu waxay daawo u tahay xanuunada oo idil, walaal qaado daawadan shan jeer maalintii haddii aad doonayso in aad adduun iyo aakhiro ku liibaanto.

24/10/2022

Carruurta aad dhashay ma aha inta badan kuwa dhagaysta hadalkaaga, laakiin waxay ku fiican yihiin inay nuqul ka sameeyaan waxa aad samaynayso.

Aan u noqono caruurteena tusaale wanaagsan.

20/10/2022

Waligaa qof si dhab ah uma baranaysid illaa aad aragto isaga oo xanaaqsan.

18/10/2022

Ka taxadar marwaliba in aad yeelato xiriir aan ka badbaadi karin isbedelka cimilada.

Dadka qaar waxay kugu jecelyihiin lacagtaada oo kaliya, laakiin marka xilliyadu isbeddelaan, ma kula sii joogi doonaan.

Dadka qaar waxay kugu jecel yihiin marka aad caafimaad qabto oo kaliya, laakiin marka ay wax is beddelaan way kaa tagi doonaan.

Walaal aad uga taxaddar dhisidda xiriirrada ku meel gaarka ah.

15/10/2022

Barbaarinta ubadka baryahaan aad ayey u adagtahay, maalmuhuna ma aha sidii waayihii h**e, dadkuna ma aha dadkii h**e.

Alloow nagu garab gal hagaajinta iyo barbaarinta ubadkeena.

13/10/2022

Marna lagama yaabo in aan qof u beddelo shakhsiyaddayda si aan u qanciyo.

In aad igu nacdo ama aad igu jeclaato, adiga ayaa leh go'aanka.

10/10/2022

Marnaba ma garan karno goorta iyo goobta uu khayrka inoogu jiro, laakiin waa in aynu rumeysannahay in khayrka inoogu jiro midka uu Alle nala doontay oo kaliya.

07/10/2022

Walaalka waa kan markuu horumar gaaro aad ku faraxdid. ☺️

Markuu dhib gaarana aad ka naxdid. ☹️

Markuu baahdana aad u gargaarto. πŸ₯Ί

Marka aad baahatana kuu gargaara. πŸ₯Ή

Laakiin maanta walaalaha qaar, waxay ku naxaan in aad wax qabsatay, waxayna ku farxaayaan jabkaaga.😦

07/10/2022

Wallaahi geeridu waxay noo eryanaysaa sida aynu u daba cararno adduunkaan asiga dhan ku meel gaadhka ah.

Alloow Alle! πŸ₯ΊπŸ₯Ή

04/10/2022

Guurku ma aha mid qof kasto oo dumar ah loogu talo galay. Eedo haddii aad iskala weyn tahay in aad ixtiraamto ninkaaga, oo weli ku sii jirto maskaxdaada ama ku wareeganayso fikirka ah "Sinaanta Jinsiga"

Fadlan gurigaaga iska joog keligaa oo ha guursan. 🫑

Naagtu weligeed lama simanaan karto nin. πŸ€—

03/10/2022

Weydiin:

7 sano ka hor waxaan jiray 7 sano, 7 sano kadib; imisa jir baan ahay?

Sif-fiican ula soco weydiinta. πŸ‘ŒπŸ½πŸ˜…

03/10/2022

Xidhiidhku wuxuu ku bilowdaa:

"Ma wada hadli karnaa" 😍πŸ₯°πŸ˜˜

Hadana waxaa ku xigta:

"Waa in aan wada hadalno" πŸ˜πŸ˜”πŸ™„πŸ˜³

Wuxuuna ku dhamaadaa:

"Ha ila hadlin" 😱πŸ₯ΊπŸ₯ΉπŸ˜°

03/10/2022

Inta aanad dadka ka hadlin, bal marka h**e iyaga la hadal.

02/10/2022

Geesigii layga beeroow.
Wanaag igu gardaadiyoow.
Aabahay Maxamuud gacaloow.
Go' jannaad lagu huwi.
Waxa bahal gurguurtiyo.
Aboor guule kaa celi.
Ku hurud gogol xariireed aabbe.
Geedaha firdawsiyo jannadii.
Aayar lagu geeyoo.
Ku guulayso aakhiro.
Ifkaad ugu go' roonaydee.
Alloow gadaashaa anagana.
Rabbiyoow hana fidneyn.

Xaaska shaqaysa markii ay adeecdo ninka maamulaha ka ah goobta ay ka shaqayso waa xirfadnimo miyaa, laakiin haddii ay ni...
25/09/2022

Xaaska shaqaysa markii ay adeecdo ninka maamulaha ka ah goobta ay ka shaqayso waa xirfadnimo miyaa, laakiin haddii ay ninkeeda adeecdo waa addoonnimo.

Adduunkaan Allihii abuuray waa la Baal maray.

Waxaan aad ugu fiirsaday dadka hadalka badan in ay yihiin dadka inta badan qalad ka dhaca marka ay hadlayaan.
20/09/2022

Waxaan aad ugu fiirsaday dadka hadalka badan in ay yihiin dadka inta badan qalad ka dhaca marka ay hadlayaan.

Gabareey si kasta oo aad u tahay qof aqoon sare leh ama aad guulo ka gaartay noloshaada, mar haddii aad guursato oo aad ...
16/09/2022

Gabareey si kasta oo aad u tahay qof aqoon sare leh ama aad guulo ka gaartay noloshaada, mar haddii aad guursato oo aad carruur dhasho, doorka ugu weyni waa in aad noqoto guri-joogto.

Sidaa darteed, waxaa wanaagsan in aad barato xirfadaha guri-samaynta, sida cunto karinta, nadaafadda iyo barbaarinta ubadka, oo aad waliba ku faanto in aad si wanaagsan u daryeesho gurigaaga iyo qoyskaaga.

Boqoraddii Ingiriiska waa ay dhimatay laakiin wax baa laga baran karaa geerideeda.Waxay addunka uga tagtay Boqortooyo dh...
09/09/2022

Boqoraddii Ingiriiska waa ay dhimatay laakiin wax baa laga baran karaa geerideeda.

Waxay addunka uga tagtay Boqortooyo dhan iyo hanti adduun, laakiin dhammaan waxba ma qaadan doonto, xataa xabbad yar oo dheeman ah lama geli doonto xabaasha, aan ka ahayn iyada iyo karfanteeda cad.

Marka waa taas haddii boqortooyo iyo hanti adduun wax tarayso.

Dadkii ugu hantida badnaa sida Qaaruun iyo Nimruud, xoolihii uu Alle siiyay maxay tartay, aanan ahayn in ay ku caasiyaan Allihii siiyay hantida.

Allaah ha ina waafajiyo in aan ku dhimanno iimaan.

Marka walaal jooji adduunyada aad eryanayso.

Xusuusnow marwaliba:Wararka waxa wareejiyo suuqyada waa nacabka. Waxaana sii faafiya nacaska.
03/09/2022

Xusuusnow marwaliba:

Wararka waxa wareejiyo suuqyada waa nacabka. Waxaana sii faafiya nacaska.

Qof walba oo Muqdisho ku nool dil toogasho ayuu ku xakumanyahay. Dad Xalay farxad ku seexday, ayaa ku waabareystay dhawa...
01/09/2022

Qof walba oo Muqdisho ku nool dil toogasho ayuu ku xakumanyahay.

Dad Xalay farxad ku seexday, ayaa ku waabareystay dhawaq ee dhagahooda Xamili karin.

Guri Xalay farxad loogu seexday ayaa Subaxdaan laga barooranayaa.

Dad Nolosha ladaala dhacaya ayaa subaxdaan dhaawac u yaalo, kadib markii tirro hoobiyaal ah lagu soo turay madaxtoyada iyo xaafadaha ku teedsan ee magaalada muqdisho.

Alloow adaa magan kuu nahay.

Suuratu Yuusuf waa Suurad aad u qurux badan.Waxay Suuraddu ina baraysaa dadka kuugu dhow in ay ku khiyaami karaa.Qalbiga...
25/08/2022

Suuratu Yuusuf waa Suurad aad u qurux badan.

Waxay Suuraddu ina baraysaa dadka kuugu dhow in ay ku khiyaami karaa.

Qalbiga jaban waxa uu ku bogsan karaa jacayl.

Fudaydku waxa uu yimaaddaa dhibka ka did.

In aad murugsan tahay iyo in aadan mahadin, isku mid ma aha.

Dadka dulqaadka badan dhamaadkoodu waa qurux badan yahay.

13/08/2022

Nabaddu waxay dan iyo muhiim u tahay noole kasta.

WUQOOYI cashir haka bartaan KOONFUR.

11/08/2022

Wali ma arkin xilli uga dhow xilligaan oo ay xalaasha iyo xaaraanta isku dhex milan yihiin!

Wadaad Quraan ka dhex aqrinaayo xaflad aroos ah oo ay gabadho qaa-qaawan iyo rag jaasaayo isku dhex milan yihiin.

Wadaad fadhiya Teleefishin oo ay waraysanayso naag qaawan oo wariye ah, kadibna ka hadlaayo in hoos u dhigaan ragga indhahooda iyo waajibinta xijaabka.

Niman jimicsanaayo ama kubbad ciyaaraayo hadana farxad darteed la sujuudayo, iyaga oo ay cowraduudu muuqato.

Waalidiinta oo ooyaya una sujuudaya Alle farxad darteed, wiilashooda ama gabdhohooda oo ku guuleystay tartamada heesaha.

Alle ayaa ina leh, isaga ayaana u noqonaynaa. 😒 😭

11/08/2022

Haddi aad rabto in Alle kuu naxariisto:

U naxariiso cid kasta oo kugu ag xeeran.

U naxariiso waalidkaaga oo u noqo baarri iyo in aad u adeegto.

U naxariiso xaaskaaga naxariis iyo daryeel.

U naxariiso ubadkaaga naxariis iyo jaceyl.

U naxariiso deriskaaga naxariis iyo dhaqan wanaag.

U naxariiso dadka oo dhan naxaris, hadal wanaagsan, dhaqan qurxoon iyo akhlaaq wanaagsan.

10/08/2022

Abaal malaha walaalkaaga miiy iyo naag magaalaade, labaduba marka ay mootka iyo noolkaba kaa dhameeyaan, maalin qudha ma moodid in aad meel isku aragteen.

07/08/2022

Hal qof oo aan wax isku qabanay ama aan is af-dhaafnay, qabiilka uu ka dhashay oo dhan uma aflagaadeyn karo ilaaheey baa i lehe.

Dadka laguu sheegaayo ee qabyaaladdu dillootay waxa kaliya ee ugu fudud oo lagu gartaa waa adiga oo Cali ama Caasho ah markaa is qabataan uu qabiilkii aad ka dhalatay oo dhan u aflagaadeeyo adiga dartaa.

Bal maa Caliyoow ama Caashooy waad qaldan tahay ama waa gardaran tahay ku ekaado, intii uu qabiil dhan oo aan isaga wax u dhimin u aflagaadeynaayo.

Alloow naga kori qabyaaladda. Aamiin 🀲🏾

Ugu dambeyn waxaa gebi ahaanba la laalay alwaaxyadii ku hor xeernaa Kacbada horteeda maanta oo Arboco ah, muddo laba san...
03/08/2022

Ugu dambeyn waxaa gebi ahaanba la laalay alwaaxyadii ku hor xeernaa Kacbada horteeda maanta oo Arboco ah, muddo laba sano iyo badh ka dib.

Haddii aad socdaalayso ama wax kasto oo uu ku saabsanaado socdaalkaaga, cidna ha u sheegin.Haddii aad xiriir guur gabadh...
02/08/2022

Haddii aad socdaalayso ama wax kasto oo uu ku saabsanaado socdaalkaaga, cidna ha u sheegin.

Haddii aad xiriir guur gabadh la samaysato, oo aad guul iyo gudarraba kala kulanto, cidna ha u sheegin.

Haddii aad nolol farxad ku dheehan tahay haysato, dad baan haysan e, cidna ha u sheegin.

Haddii aad la timaaddo mashruuc adiga dan kuu ah, cidna ha u sheegin.

Sababtoo ah, dadka intooda badan, waxa quruxda badan ayay burburiyaan.

Waligaa ceebta iyo cilladaha uu ninkaaga leeyahay hala wadaagin qoyskaaga. Waxaa suurtagal ah in aad adigu iska cafiso n...
21/07/2022

Waligaa ceebta iyo cilladaha uu ninkaaga leeyahay hala wadaagin qoyskaaga.

Waxaa suurtagal ah in aad adigu iska cafiso ninkaaga markii aad hishiisaan kadib, laakiin qoyskaaga ma cafin doonaan qaladka uu kaa galay ninkaaga.

Gabareey wanaaji xiriirka reerkaaga iyo ninkaaga, go'aanka adiga ayuu gacantaada ku jiraa e.

Si kasta oo aad u dembowday, weligaa haka caajisin in aad u laabato Alle xaggiisa iyo in aad dib u bilowdo sixidda dembi...
20/07/2022

Si kasta oo aad u dembowday, weligaa haka caajisin in aad u laabato Alle xaggiisa iyo in aad dib u bilowdo sixidda dembigii kaa dhacay.

Dib u bilow salaadihii aad maalmo iyo sanadooyin ka hor aad ka tagtay.

Dib u biloow akhriska Quraanka oo aad in muddo ah marna kala furin.

Alle albaabkiisa mar walba waa kuu furan yahay, ee hal tallaabo u qaado xagga Alle.

Weligaa ha isku seexan, adiga oo waxa ugu dambeeyay ee aad samaysay uu ahaa dembi, samee camal wanaagsan oo seexo!Ka war...
18/07/2022

Weligaa ha isku seexan, adiga oo waxa ugu dambeeyay ee aad samaysay uu ahaa dembi, samee camal wanaagsan oo seexo!

Ka warran haddii aanad mar dambe ka soo kicin hurdada?

Ciid Mubaarak!Ciid wanaagsan dhammaan walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan.Ilaahay hanaga dhigo...
11/07/2022

Ciid Mubaarak!

Ciid wanaagsan dhammaan walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan.

Ilaahay hanaga dhigo kuwii ku gaara Ciiddaan Ciiddeeda nabad gelyo iyo barwaaqo joogto ah.

Aamiin 🀲🏽

Marka aad bilowdo in aad ka fikirto mustaqbalkaaga, xasuusnoow in qaddarkaaga uu h**e u qoray Alle.Ogow wax kasta oo lag...
03/07/2022

Marka aad bilowdo in aad ka fikirto mustaqbalkaaga, xasuusnoow in qaddarkaaga uu h**e u qoray Alle.

Ogow wax kasta oo laguu qadaro in ay adiga kuu dhici doonaan, wixii aan kugu dhicinna, kuguma dhici doonaan.

Haddaba samir oo daji naftaada adigoo xasuusanaya in ay dhammaan qornaayeen.

La saaxiib kaliya qofka astura ceebtaada, sirtaadana kuu ilaaliya, khaladkaagana kaa saxaa, wanaaggaagana faafiya.Haddii...
27/06/2022

La saaxiib kaliya qofka astura ceebtaada, sirtaadana kuu ilaaliya, khaladkaagana kaa saxaa, wanaaggaagana faafiya.

Haddii aad qofka noocaas ah weyso, la saaxiib naftaada.

Ogoow haddii aad faafiso xumaanta iyo ceebaha walaalkaa, in uu adigana Alle kugu sallidi doono kuwa xumaantaada iyo ceeb...
26/06/2022

Ogoow haddii aad faafiso xumaanta iyo ceebaha walaalkaa, in uu adigana Alle kugu sallidi doono kuwa xumaantaada iyo ceebahaaga faafiya.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615713187

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wardheere TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wardheere TV:

Share