Degmada Dabagalo

Degmada Dabagalo Halkani Waa Mareegta Rasmiga ah Ee Degmada Dabagalo Fadlan Nagusoobiir Like,Share.
(1)

Ku: Mohamed Abdi Mohamed “CIID”OG: Gudiga Xalinta Khilaafaadka.UJEEDO: Magacaabid Xubin kamid noqoneeysa xubnaha ururka ...
24/05/2024

Ku: Mohamed Abdi Mohamed “CIID”
OG: Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

UJEEDO: Magacaabid Xubin kamid noqoneeysa xubnaha ururka dhalinyarada Dabagalo.

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Reer xaaji ee deegaanka dabagalo mudane XASAN MACALIN MAXAMED XUSEEN Ayaa waxa uu magacaabay Gudoomiye kuxigeenka ahna madaxa maaliyadda ururka wuxuuna u magacaabay Mudane MAXAMED CABDI MAXAMED “Ciid”

FG:Magacaabidani waxeey keeni doontaa
firfircooni cusub insha Allah

Gudoomiye Xasan Macalin Maxamed Xuseen “Dirir”

Mahadsanidiin.

27/04/2024

Ururku wuxuu dib u bilaabi Doonaa Howlo cusub taas oo muhiim u ah dhalinyarada deegaanka kasoo jeeda
Waad mahadsan tihiin

Bismillah.Waxaa maantay oo taariiqdu kubeegantahay 8/11/2023 lafuray iskuulkii uu balanqaaday gudoonka ururka dhalinyara...
08/11/2023

Bismillah.

Waxaa maantay oo taariiqdu kubeegantahay 8/11/2023 lafuray iskuulkii uu balanqaaday gudoonka ururka dhalinyarada dabagalo.

Xilligan laga bilaabo waxaan diyaar unahay inaan diiwaan gelino dhalinyarada kasoo jeeda deegaanka dabagalo oo raba ineey wax kabartaan iskuulka aan furnay.

Waxaan sidoo kale soodhaweeyneeynaa qof walba oo wax kudarsanaya iskuulkaas sida inuu dhaqaalo kubiiriyo ama aqoontiisa kubiiriyo oo uu macalimiinta kamid noqdo si mutadawacnimo ah.

F.G: Iskuulka ardayda dhiganeeysa wax qarash ah lagama rabo.

Mahadsanidiin.

Ka: Ururka Dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo.

Warbixin kusaabsan Hoowlaha Horutabinta U leh Ururka Dhalinyarada Dabagalo.Hoggaanka Ururka dhalinyarada oo ladoortay 6/...
28/10/2023

Warbixin kusaabsan Hoowlaha Horutabinta U leh Ururka Dhalinyarada Dabagalo.

Hoggaanka Ururka dhalinyarada oo ladoortay 6/10/2023 ayaa asaga oo kaashanaaya xukuumaddiisa waxaa uu mudadaas kashaqeeyay inuu sameeyo ra,yi aruurin iyo in talada lawadaago si looga shaqeeyo qodobka ugu muhiimsan oo ururku kudhisan yahay kaasoo ah isdhexgalka dhalinyarada deegaanka kasoojeeda.

Kadib kulamo isdabajoog ah oo aan layeelannay qeeybaha kala duwan ee dhalinyarda oo aan ukala qeeybinay qeeybaha bulshadu kakoobantahay ayaa anagoo taladooda iyo ra,yigooda tixgelineeyna waxaan uban dhignay qorshaheena hortabinta inoo leh Ka Xukuumad ahaan weeyna nala qaateen waxna waa kudareen waxaana leenahay mahadsanidiin dhalinyarada.

Intaa kadib waxaa bishaan inoo furmi doona Schoolkii aan balan qaadnay kaasoo lagu baran doono maadooyinka.

(1) Af-Soomaali.
(2) Carabi.
(3) English.
(4) Xisaab.
(5) First aid.(Gargaarka degdegga ah).
Iyo wixii kale oo dhalinyaro reer dabagalo ah ubaahadaan ineey kubartaan insha allah.

F.G: Waxaan diyaar unahay inaan diiwaangelino qof walba oo dhalinyarada deegaanka ah oo raba inuu wax kabarto iskuulkaas.


Ururka Dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

28/10/2023

Gabdhuhu waa laf dhabarta bulshada Gaar ahaan ka urur Ahaan boos weeyn ayeey noojoogaan gabdhaha reer dabagalo.

Mahadsanidiin intii joogtay kulanka intii maqneedna anagaa matalnay.

BISMILLAAH.Waxaa Kulan daba socday kulamadii h**e ee aan kudar dar gelineeynay isdhexgalka dhalinyarada Reer Xaaji Ee De...
28/10/2023

BISMILLAAH.

Waxaa Kulan daba socday kulamadii h**e ee aan kudar dar gelineeynay isdhexgalka dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo isugu yimid Xukuumadda iyo gabdhaha kasoojeeda Deegaanka Dabagalo.

Qodobada aan kawada hadalnay waxaa kamid ahaa ineey taladooda iyo aragtidooda nagu biiriyaan sidoo kalena naga garabsiiyaan shaqoonyinka horyaala ururka mudada 2 da sano ah insha allah.
Waxeeyna noo balan qaadeen ineey garabkooda Soobuuxin doonaan insha allah.

Ururka Dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo.

Mahadsanidiin.

21/10/2023

1. Ka Shaqeynta Iskuxirnaanta dhalinyarada iyo odayaasha Si joogta ah.

Waxaa bilaawday fulinta Qodobkii 1aad Oo kamid ahaa balanqaadkii Gudoomiyaha.

Shalay iyo Shiirkole.

Shaqaa Socota dhalinyaro.

21/10/2023

BISMILLAAH.

Waan idin salaanay dhammaan dhalinyarada reer dabagalo.

Shalay oo taariiqdu kubeegneeyd 20/10/2023 ayaan ka xukuumad ahaan waxaan bilaawnay shaqadii aan horay usii shaacinnay oo aheeyd isku xirka Dhalinyarada reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo taas oo kamid aheeyd qodobadii uu balan qaaday Gudoomiye Hassan Dirir.

Waxaan galabtay qaabilnay laba qeeybood oo kala ah Ganacsato/Suuqleey iyo mootaaleey waxaana kawada hadalnay qodobo ay ugu waaweeyn yihiin taladooda iyo ra,yigooda ineey nagu biiriyaan iyo iyo ineey naga garabsiiyaan hoowlaha adag ee nahoryaala oo aay kamidka yihiin School kii uu balan qaaday gudoomiyuhu sidii nalookaga garab siin lahaa i.w.m

F.g: Kulamadu waa sii socon doonaan qof walbana meeshiisa ayeey ugu imaan doontaa haduu alle idmo.


Ururka Dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo.

Mahadsanidiin.

Qodobadii Gudoomiyaha uu balan qaaday insha allah.1. Ka Shaqeynta Iskuxirnaanta dhalinyarada iyo odayaasha Si joogta ah ...
21/10/2023

Qodobadii Gudoomiyaha uu balan qaaday insha allah.

1. Ka Shaqeynta Iskuxirnaanta dhalinyarada iyo odayaasha Si joogta ah

2. Ka Warheynta dadkeena nugul xamar ama deegaankii meel kasta oo aay joogaan.

3. Caawinta dhalinyarada dhanka Waxbarashada qadar tabarteena ah
( Schools ama university) .

4. Furid ama kireyn goob dhalinyarada Cuslaatay wax lagu baro nuuc kasta oo waxbarasho.

5. Shaqo la,raadin dhalinyarada heer kasta oo shaqo oon heli karno ama aan awoodno.

F.G: Ururka Dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo.

14/10/2023

Khudbadii Gudoomiyaha Gudiga Xalinta khilaafaadka iyo la Xisaabtanka Xukuumada Ustaad Shaafici Cali Shire (gaas)

13/10/2023

Khudbadii Nabadoon/Ustaad C/raxmaan Macalin Maxamed Xuseen Oo kamid ahaa Cuqaashii kasoo qeeyb gashay Xaflada Doorashada.

12/10/2023

Khudbadii Nabadoon Axmed Maxamed Cawaale UU kajeediyay Doorashadii Ururka Dhalinyarada Dabagalo.

12/10/2023

Kalsooni Siintii Gudoomiyaha La doortay Ee Ururka Dhalinyarada Reer Xaaji Ee Deegaanka Dabagalo.

11/10/2023

Kalimadii iyo balan qaadkii
Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Deegaanka Dabagalo Ee Ree Xaaji Saleebaan

REF.  NO: U.DH.R.D.D  / 001 /2023 Tr. 10/10/2023.KU: Ibrahim Abdi Hirsi(Kitte).KU: Abdifitah Nur Ali Barre.KU: Naima Ali...
10/10/2023

REF. NO: U.DH.R.D.D / 001 /2023 Tr. 10/10/2023.

KU: Ibrahim Abdi Hirsi(Kitte).
KU: Abdifitah Nur Ali Barre.
KU: Naima Ali Shire(Gaas).
KU: Omar Osman Mohamed(Xeeyle).
OG: Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

UJEEDO: MAGACAABID XUBNAHA FULINTA URURKA DHALINYARADA REER XAAJI SALEEBAAN EE DEEGAANKA DABAGALO.

GUDOOMIYAHA URURKA DHALINYARADA REER XAAJI SALEEBAAN EE DEEGAANKA DABAGALO.
-Markuu Arkay: Qod. 3aad faqradihiisa 1,2,3 iyo 4aad ee xeerka ururka dhalinyarada reer xaaji saleemaan ee deegaanada dabagalo.
-Markuu latashtay: Gudiga Xalinta Khilaafaadka iyo la xisaabtanka xukuumadda.
-Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in lasoo dhiso xubnaha fulinta ururka.

Waxa uu Magacaabay
Laga bilaabo xiligan oo aay taariiqdu kubegantahay 10/10/2023. xubnaha soosocda oo kala ah.

Ibrahim Abdi Hirsi(Kitte). Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Dhalinyarada Deegaanka Dabagalo.

Abdifitah Nur Ali Barre. Xoghayaha Ururka Dhalinyarada Deegaanka Dabagalo.

Naima Ali Shire(Gaas). Madaxa Wacyigelinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Ururka Dhalinyarada Deegaanka Dabagalo.

Omar Osman Mohamed(Xeeyle). Madaxa Maaliyadda Ururka Dhalinyarada Deegaanka Dabagalo.

Gudoomiyaha Ayaa Urajeeyay dhammaan xubnaha lamagacaabay in uu ilaahey masuuliyaddaas adag ufududeeyo isla markaana si daacad ah ugu adeegaan dadkooda iyo deegaankooda.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

GUDOOMIYAHA URURKA DHALINYARADA REER XAAJI SALEEBAAN EE DEEGAANKA DABAGALO
Mudane: Hassan M. Mohamed Hussein “DIRIR”

Maamulkaan Cusub oo aay iska dhex doorteen dhalinyarada reer xaaji saleebaan ee deegaanka dabagalo oo ka kooban Gudoomiy...
07/10/2023

Maamulkaan Cusub oo aay iska dhex doorteen dhalinyarada reer xaaji saleebaan ee deegaanka dabagalo oo ka kooban Gudoomiyaha ladoortay iyo xukuumadda uu soodhisi doono dhammaantood waxeey kashaqeeyn doonaan ama ay diiradda saari doonaan saddex hadaf ama ujeedo.

1) Isku xirka dhalinyarada saleeban reer dabagalo.
2) Hormarinta dagmada dabagalo.
3) Taakuleynta dadka danta yar ee reer dabagalo.

Ujeedooyinkaan waxeey kuxusan yihiin xeer-hoosaad loo sameeyay urukaan oo loogu talagalay in aay kushaqeeyso xukuumaddaan haduu alle idmo.

Ugu dambeeyn Gudoomiyaha ladoortay Hassan Moalim Mohamed Hussein(Dirir) wuxuu codsanayaa in dhammaan dhalinyarada,Cuqaasha iyo aqoonyahanka reer dabagalo aay kala shaqeeyaan masuuliyaddaan culus oo aay udhiibteen.

Mahadsanidiin.

“SHAACIN”Waxaa Shalay oo aay taariiqdu kubeegneeyd 6/10/2023 Noo qabsoomay doorashadii noo madlaneeyd ee aan horay ushaa...
07/10/2023

“SHAACIN”

Waxaa Shalay oo aay taariiqdu kubeegneeyd 6/10/2023 Noo qabsoomay doorashadii noo madlaneeyd ee aan horay ushaacinnay taas oo lagu dooranayay Gudoomiyaha dhalinyarada Reer Xaaji Saleebaan ee degmada dabagalo.

Doorashada Oo uu is soodiiwaangeliyay hal musharax kaasoo ah musharax Hassan moalim mohamed Hussein ducaale ayaa waxeey kudhacday hab gacantaag ah.

Doorashada oo aay kasoo qeeyb galeen dhalinyaro odoyaal iyo dhamaan bulshada qeeybaheeda kala duwan ayaa lagu Doortay Gudoomiye Hassan moalim mohamed Hussein oo ahaa halka musharax ee isi soodiiwaangeliyey.

WAXAA SI RASMI AH LOOGU DOORTAY GUDOOMIYAHA DHALINYARADA REER XAAJI SALEEBAAN EE DEGMADA DABAGALO HASSAN MOALIM MOHAMED HUSSEIN (hassan dirir) MAALINTII JIMCAHA TAR: 6/10/2023.

06/10/2023

Doorashadii ayaa si habsami leh noogu dhamaatay Alx.

“OGEEYSIIS”Waxaan Idin ogeeysiineeynaa dhamaan bulshaweeynta kasoojeeda deegaanka dabagalo gaar ahaan dhalinyarada,Odoya...
05/10/2023

“OGEEYSIIS”

Waxaan Idin ogeeysiineeynaa dhamaan bulshaweeynta kasoojeeda deegaanka dabagalo gaar ahaan dhalinyarada,Odoyaasha iyo dhamaan bulshada qeeybaheeda kala duwan In berito oo jimcaa tar:06/10/2023 abaaro 1:30pm ay noodhici doonto doorashada Gudoomiyaha dhalinyarada deegaanka dabagalo.

Wabillaahi Towfiiq.

Ka: Gudiga Kumeelgaarkaa Ee Hirgelinta Doorashooyinka Deegaanka Dabagalo.

SHAACIN Waxaan rajeyneynaa inaad caafimaad qabtaan annaga oo ah gudiga hirgalinta  doorashooyinka waxaan rabnaa inaan sh...
28/09/2023

SHAACIN

Waxaan rajeyneynaa inaad caafimaad qabtaan annaga oo ah gudiga hirgalinta doorashooyinka waxaan rabnaa inaan shaacino in aan qabaneyno *06/October/2023* oo ku beegan maalin jimco ah kulanweyne dhalinyaro oo ah *doorashada gudoomiyaha dhalinyarada ee degmada dabagalo* sidaasi darteed qofkasta oo raba inow qabto jagadaas soona buuxiya shuruudaha waxaan ogeysiineynaa in ow lasoo xiriiro iskana soo diiwaan galiyo gudiga kumeel gaarka ah ee hirgalinta doorashooyinka.

*Shuruudaha musharaxnimada*

*1)* Inuu ka wayn yahay ama jiro 25 sano
*2)* Waa in wax barashadiisu gaarsiisan tahay heer jamacadeed wado ama dhameeyey.
*3)* Waa inow yahay qof yaqaana inta ugu badan dadka kasoo jeeda
deegaanka dabagalo.
*4)* In ow soo jeediyo kalimad/khudbo ow uga hadlaayo wax qabadkiisa

*Fiiro gaar ah:* qabashada codsiga musharaxnimada waxa ow ku eg yahay maalinta *isniinta ah 02/October/2023* .
Xiriirka gudiga hirgalinta doorashooyinka what's app number : +252 61 7753564

Dhalashada Nabiga ﷺ waxey u aheyd adduunka oo dhan isbeddel dhanka wanaagga ah, wuxuu ahaa noole kan ugu fadliga badan, ...
27/09/2023

Dhalashada Nabiga ﷺ waxey u aheyd adduunka oo dhan isbeddel dhanka wanaagga ah, wuxuu ahaa noole kan ugu fadliga badan, wuxuu ahaa tusiyaha waddada xaqa iyo hanuunka, waxaanan bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa iney weyneeyaan maalintaan oo kale, islamarkaana ay badiyaan salliga Nabiga ﷺ.

Waxaan sidoo kale farxadda dhalashada Nabigeenna Muxammed ﷺ la wadaagayaa ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee furinta u jooga iney difaacaan dhaxalkii Nabigeenna ﷺ.

‎اللهم صلِّ علي سيدنا محمدعبدك ونبيك ورسولك النبي الامي بقدر عظمة ذاتك في كل وقت وحين.

16/09/2023

Inaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Allaha unaxariisto marxuumad Cowralo Culusow Geedi, oo ku geeriyootay Muqdisho.

DABAGALO ama "Dahab-galo" waa magaalo ku taal koonfurta gobolka Mudug. Dabagalo, waxey 40km dhanka waqooyi galbeed kaga ...
14/09/2023

DABAGALO ama "Dahab-galo" waa magaalo ku taal koonfurta gobolka Mudug.
Dabagalo, waxey 40km dhanka waqooyi galbeed kaga beegantahay dagmada XARAR-DHEERRE. Dahab-galo waa deegaan ku caan ah BIYO aad u macaan, kuwaas oo taariikhdu sheegto in xilligii abaartii 1974 uu booqday Allaha u naxariistee Madaxweyne kuxigeenkii xiligaas mudane "Xuseen Kulmiye Afrax" kadibna lugu marti qaaday biyahas dabiiciga ah uuna uqaadan wayey in ey yihiin dabiici kadibna uu hadal layableh ku yiri "war xilli abaar ah yaa lajoogaa maxaad biyaha ugu darteen sokorta" kadibna loo sheegay in ey yihiin biyo dabiici ah oo Allah ku maneystay magalada dabagalo. hadalkaa ayaa noqday mid taariikhda gala , hadaba magaalda Dabagalo waxa eey ka tirsantahay degmadda Xarardheere ee gobolka mudug. Dabagalo waa deegaan eey ku noolyihiin dad aad u jecel Diinta Islaamka.

Dabagalo waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo jecel Nabadda iyo Dowladnimada. Waxaa xusid mudan in reer Dabagalo aad u ilaaliyaan goobaha danta guud kuwaasoo eey udhistay Dowladii Soomaaliya burburkii kahor sida Suuqa Magaalada oo bartamaha Dabagalo kuyaal. Waxaana horjoog ka ah ilaalinta goobaha danta guud kuna amaanan Cabdi Faarax iyo Maxamuud Afrax(Dhuxul).

Dabagalo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka koboca sameeyey mudooyinkii dambe waana magaalo aad u ballaaran.

Culumaa udiinka dadka diinta bara.

—Sh. C/kariim Maxamed Barre

—Macalim Aadam Maxamed Baree

—Macalim Cumar Maxamed Xeyle.

—Macalim Cali Salaad

Nabadoonadda magaladda.

—Xaaji Cabdi Xersi Kitto(Xaaji kooysto)

—Axmed Nuurre Cabdi

—Maxamed Cabdi Axmed

—C/laahi Muxumud Jimcaalle(Madoobe)

—Cali Shire Cali( Cali Gaas)

—Xaaji Cabdi maxamuud Cosoble (Cabdi Manan/Guumbe)

—Cali Cabdi Faarax

—C/llaahi Carab Maxamud

Hada oo ah 2023 dabagalo waxeey uqalantaa degmo dhameeystiran maxaa yeelay waxeey buuxisay shuruudihii degmanimo sida ineey leedahay goob caafimaad,waxbarasho iyo astaamaha kale ee looga baahanyahay degmada.

Marka lajoogo Degmada dabagalo wuxuu lahaa oraah caan ka aheed deegaanka Soosheega Reer dabagalo asalka ah.
05/09/2023

Marka lajoogo Degmada dabagalo wuxuu lahaa oraah caan ka aheed deegaanka Soosheega Reer dabagalo asalka ah.

Waxaan Mudo kooban kugaarnay 1,000 Followers ah dhamaantiin waad mahadsantihiin bulshada halkaan kuxiran.🙏🏿🇸🇴✅
05/09/2023

Waxaan Mudo kooban kugaarnay 1,000 Followers ah dhamaantiin waad mahadsantihiin bulshada halkaan kuxiran.🙏🏿🇸🇴✅

Subax wanaagsan Bulsha weeynta dabagalo.Waa salaaman tihiin dhamaan bulshada boggan kuxiran.Bulshada reer dabagalo iyo d...
04/09/2023

Subax wanaagsan Bulsha weeynta dabagalo.

Waa salaaman tihiin dhamaan bulshada boggan kuxiran.

Bulshada reer dabagalo iyo deegaanada udhow dhow waxaa kashaqeeyn jiray gaadiidkan oo hada sii dabar go,aya waxaa leeyska rabaa magaciiisa iyo hadii ay qiso kaasoo martay inaad nala wadaagtid mahadsanidiin.

Ka: Gudiga kumeel gaarka ah ee hirgalinta doorashooyinka.                                           Warbixin kooban.dhal...
03/09/2023

Ka: Gudiga kumeel gaarka ah ee hirgalinta doorashooyinka.

Warbixin kooban.

dhalinyarada reer dabagalo ayaa 1/9/2023 isugu yimid kulanweyne ey uga tashanayaan aayahooda, isku duubnidooda iyo sidii loo hormarin lahaa deegaankii ey kasoo jeedeen ee dabagalo.
Kulankaan oo ahaa kii ugu h**eeyey ayaa xooga lagu saaray isbarasho guuud iyo ra'yi aruurin kusaabsan sida ugu hooboon ee loo dhisikaro xukuumad ey dhalinyaradu yeelato oo kashaqeysa sidii loo gaari lahaa ujeedooyinkaas waaweyn ee dhalinyaradu leedahay.

*Waxaa kasoo baxay kulankaas:*

1) In laraadiyo dhamaan dhalinyarada kasoo jeeda deegaanka ee aan kalanka ugu h**eeya iney yimaadaan usuurta galin si ey talooyinkooda ugu biiriyaan madashaan oo u furan dhamaan dhalinyarada kasoo jeeda deeganka oo aan la'aantood wax badan la'qaban karin

2) Dhisida guddi kasoo tala bixiya qaabka ugu haboon ee doorasho loo dhanyahay loo qaban lahaa hadana sii wada lahaa masuuliyada ururka gudigaas oo ka kooban 7 xubnood.
Marka ow soo dhamaaday shirweynaha dhalinyarada waxaa kulan dagdag ah yeeshay gudigii ladhisay ayagoo doortey gudoomiye iyo ku xigeenkiis kadibna waxey gudaha ugaleen shaqooyin kii loo igmaday.

Ujeedooyinka loo aasaasay ururka
1) Isku xirka dhalinyarada reer dabagalo
2) Hormarinta dagmada dabagalo
3) Taakuleynta dadka danta ee reer dabagalo


Mahadsanidiin.

Subax wanaagsan dhamaan reer dabagalo.Waxaan rabnaa inaan halkaan kucadeeyno in dhalinyarada degmada aysan ku koobneeyn ...
02/09/2023

Subax wanaagsan dhamaan reer dabagalo.

Waxaan rabnaa inaan halkaan kucadeeyno in dhalinyarada degmada aysan ku koobneeyn kaliya inta kulantay shalay oo aad muuqooda aragteen balse wax walba oo laqabanaayo waxeey leeyihiin bilaw.Bilawgana kuma bilaawdaan sida ugu qurxoon waa qirsanahay in dhalintu intaan kabadantahay oo aay maqan yihiin dhalinyaro waxtar leh oo kasoojeeda degmada.

Dhalinyarada maqneed waxeey isugu jiraan kuwo kulanka ogaay oo cudurdaartay,kuwo aan ogeeyn oo aan kawarqabin iyo kuwo dalka dibadiisa kumaqan oo aan kasoo qeeyb geli karin kulanka.
Dhalinyarada aan la,ogeeysiin ee ee dalka joogtay waxaan leenahay leeydinkama tagin leeydin kamana maarmo lkn bilawga noo suurtagalay ayaa intaa noqday waana naga tabar intaas.

Sidoo kale hada ayaa leeysku baahanyahay in lawada midoobo gacmahana leeys qabsado laysku duubnaado Waatii soomalidu dhahday gacmo wadajir beey wax kugooyaan far kaligeedna fool madhaqdo hada iyo wixii kadanbeeya aan umidoowno hormarka degmada.

Mahadsanidiin.

Dad mida iyo deegaan horumarsan i.a.

Bismillaah.Tar: 1/9/2023.                  Goobta: Mogadishu.Waxaa maanta kulan yeeshay Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ...
01/09/2023

Bismillaah.

Tar: 1/9/2023. Goobta: Mogadishu.

Waxaa maanta kulan yeeshay Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee kasoojeeda degmada dabagalo kulankaas oo looga arinsanayay sidii loodhisi lahaay Urur dhalinyaro oo kashaqeeya horumarka degmada.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii dhalinyaradu u taakuleeyn(Caawin) lahaayeen dadka danyarta ah ee kasoojeeda degmada dabagalo.

Waxaa xusid mudan in qodobka ugu muhiimsan ee dhalinyaradu kahadleen uu yahay in aay abuuraan madal kashaqeeysa isku xirka iyo mideeynta dhalinyarada kasoojeeda degmada dabagalo
Si,ay uga shaqeeyaan horumarka deegaanka sida waxbarashada,Caafimaadka iyo bilic soocelinta degmada Xoreeynta kadib i.a.

F.G: Intaan kaliya kuma koobna dhalinyarada degmada.

Hadafkeenu waa degmo horumarsan.

Dad mida iyo deegaan horumarsan i.a

Mardhaw naga filo 👁️👁️👀👀war farxad leh insha Allah 👁️👁️👁️👀👀👀Kuna Saabsan Degmada.
01/09/2023

Mardhaw naga filo 👁️👁️👀👀war farxad leh insha Allah 👁️👁️👁️👀👀👀Kuna Saabsan Degmada.

Address

Xarardheere
Mogadishu

Telephone

+252617753564

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Degmada Dabagalo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Degmada Dabagalo:

Share



You may also like