Bashiir Somali

Bashiir Somali Content creation
(6)

15/06/2024

Ciid mubaarak dhamaan umada muslimiinta ah meel kasta oy joogaan gaar ahaan shacabka soomaaliyeed alle ciidan mideeda kle nabad barwaaqo iyo wadajir haynagu gaarsiiyo

KHUDBADDII WADAACA EE Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu ka jeediyey (Xajatul-wadaac)Rasuulku calayhi salaatu ...
15/06/2024

KHUDBADDII WADAACA EE Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu ka jeediyey (Xajatul-wadaac)

Rasuulku calayhi salaatu wa salaam 23-kii sano ee uu dadka Diinta uu ugu yeedhayey toban ka mid ah wuxuu ku sugnaa Madiina, sannadkii ugu danbeeyey ayuu Rasuulku calayhi salaatu wa salaam wuxuu muslimiinta u sheegay inuu sannadkan soo gudanayo Xajka, markaas ayaa muslimiintii badankoodu is wada diyaariyeen inay Rasuulka sallaa Allaahu calayhi wa sallam la rafiiqaan si farxad badani ku jirto ayeyna arrinkaa ugu riyaaqeen.

Xajkaas oo ahaa kii ugu horreeyey uguna danbeeyey ee uu Rasuulku calayhi salaatu wa salaam guto, looguna magac daray Xajkii macasalaamaynta, ayaa wuxuu udgoonuhu calayhi salaatu wa salaam, uu carrafa ka jeediyey khudbad noqotay ma hadho. Khudbaddaa wuxuu Rasuulku calayhi salaatu wa salaam uga hadlay umuuro aad u fara badan, waxyaabihii uu khudbaddaa uga hadlayna waxaa ka mid ahaa isagoo leh:

《Dadyahow arrinkan aan leeyahay si fiican u dhegaysta oo u weeleeya waxaa laga yaabaa inaanan sannadka danbe idinla joogine. Dhiiggiinna, maalkiinna, iyo sharaftiinnaba Ilaahay wuu xurmeeyey sida uu u xurmeeyey maalintan oo kale, bishan oo kale iyo beledkan oo kale.

Hadda laga bilaabo wixii Islaamka ka horreeyey ee isu aaritaan ahi waa xaaraam, waxaanan ka bilaabayaa dhiiggii Ibnu Rabiica Al-xaarith. Ribadii aad jaahilayadda kala qaadanayseenna iyana waa xaaraam, waxaanan ka bilaabayaa middii Cabbaas Bin Cabdulmutalib.》

Waxaa kale oo ka mid ahaa hadalladii Rasuulka sallaa Allaahu calayhi wa sallam:

《Qofna k**a sarreeyo k**an fiicna qof kale inuu ka Allaah cabsi badan yahay ama ka camal wanaagsan yahay mooyee. Qofka muslimka ahi waa qofka muslimka ah walaalkii》

《Waxaad tihiin dad siman, qofna yaanu xaaraam ku qaadannin maalka walaalkii inuu raalli ka yahay mooyee, War idinku ha is dulminina》

《Ogaada inay idinka danbayso maalin la idinsoo taagi doono Ilaahay hortiisa oo la idin xisaabin doono. Sidaa daraadeed Ilaahay ka cabsada. Haka baadiyoobina dariiqa toosan, oo qaarkiin qaarka kale yeyna qoorta ka jarin. 》

《Waxaan idiinka tegey laba arrimood oo ah Kitaabka Allaah iyo Sunnadayda oo haddaad qabsataan aydnaan lumaynin weligiin"

《War midkiinna joogaa ha gaadhsiiyo kiinna maqan, waxaa dhici karta in midka loo gudbin doonaa uu ka fahmi ogyahay kii usii gudbiyey'e.》
《War dadoow ma idinsoo gaadhsiiyey.?》 Markaasey kumannaankii maqlayey waxay ku dhawaaqeen: Haa waad nasoo gaadhsiisey. Markaas ayaa Rasuulku calayhi salaatu wa salaam inta uu fartiisa kor u taagay wuxuu yidhi:《Ilaahayow markhaati ka ahow, Ilaahayow markhaati ka ahow.》

Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam sidii uu sheegay, khudbaddaa kadib wuxuu sii noolaa bilo yar.
صلي الله عليه وسلم♥️♥️♥️

Waxaa qoray Cabdiraxman Sh Biixi

Qabriyada waxaa ka buuxa dad badan oo ku fakiri jiray marka aan weynaado ayaad wax wanaagsan sameynaysaa ama sanadka dam...
12/06/2024

Qabriyada waxaa ka buuxa dad badan oo ku fakiri jiray marka aan weynaado ayaad wax wanaagsan sameynaysaa ama sanadka dambe ayaad is bedel sameynaysaa! Ma jirto qof lagula ballamay inuu sii noolaanayo ilaa uu waayeel noqdo. Ha sugin waqti kale, Hadii saaka waaga kuu baryay, Ilbiriqsi kasta aad neefsaneyso waa fursad kale oo Alle ku siiyay ee ka faa'iideyso.

12/06/2024

Ilaahey swt markii uu ka hadlayay aduunyada iyo tacabka wuxuu yiri*

فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ *

*" ku socda waddooyinkeeda oo cuna irsaaqadda Rabbi".

*Aakhiro markuu ka hadlayay wuxuu yiri*

وَسَارِعُوا إلى مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ *

*" u soo degdega dembi dhaaf xagga rabbi ka ahaaday". ilaa uu yiri "*

ففروا إلى الله *

*" u soo carara xagga Rabbi".

12/06/2024

Si fiican u dhagayso

Y"Fiid wanaagsan hooyo, waxaan doonayaa inaan kula hadlo, kuwa aan lajoogo, cuntada millix iiguma daraan, dharkana igama...
08/06/2024

Y"Fiid wanaagsan hooyo, waxaan doonayaa inaan kula hadlo, kuwa aan lajoogo, cuntada millix iiguma daraan, dharkana igama baddalaan, daaqadana igama furaan, leyrkana igama damiyaan habeenkii. Adigu miyaadan usheegin inaan ku gam'in iftiinka."

Hooyo dhibaatadaan masii xamili karo, waxaan rabaa carafta dhididkaada, halka aan daawada ka qaato. Habeen kasta waxay igu seexiyaan berri inaad ii imaaneyso, maalin kastana waxa aan ahaadaa kaligey. Waan ogahay inaan waxbadan ku daaliyay, guriguna oow la, aantayda yahay mid daggan, albaabadan aan si adag loo xirin, jaarkiina aanu iga soo caban, iskuulkiina iga raystay, laakiin hooyo, waxaan ahay wiilkaada oo dhimanaya oo cunnadiisa u doonaya wax yar oo milix ah."

08/06/2024

Dadka waxa isku haya waa akhlaaqda wanagsan waana halka ugu saraysa diinteena suuban oo ay tahay qofwalbaa inuu Nabiga (scw) kaga daydo.

Qofka marka uu cilmi ama afkaar kale gudbinayana kuma sii jirto oo waa inay waxaa uu umada u shegayo dhaqankiisa iyo akhlaqdiisa ka muuqataa, dadka uu la hadlayana caqligooda ixtiramaa.

Subax wanaagsan

07/06/2024

Maanta oo jimco ah taariikhduna tahay 07 jun 2024 / 1/12/1445. Waxaa inoo bilaabanaayo bisha(Dul- hijjah ama carafa waxaad u taqaanaba. Bisha Dul-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee xurmada u leh.

Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood, Wuxuuna yiri:

(والفجر وليال عشر)

Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri ma jiro maalmo uu ilaahey ka jecel yahay acmaal la sameeyo tobanka maalmood ee ugu h**eysa bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu h**eyso bisha Dul-Hijjah.

1) Maalinta laad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi yoonis CS isla markaasna laha soo bixiyey calooshsha malaayga, qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudaayey ilaahey oo aan ilBiriqsi ku caasin.

3) maalinta 3aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducadii Nabi zakariya CS, qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) maalinta 4aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi ciise CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka dheeraanayaa Quusitaan iyo Faqri.
5) Maalintii 5aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa cadaabta Qabriga

6) Maalinta 6aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada kheyrka, Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7) Maalinta 7aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato Tobanka maalin ee bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

8) Maalinta 8aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinaayaa ajir uusan ogeyn ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la istaagaayo Banka carafa, Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii h**e iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qu'aanka ee ) الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ ا
لْإِسْلَامَ دِينًا 10) Maalinta 10aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta ciidul

adxaa, qofkii Alle qurbaan ugu dhawaadana

wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

Lawadaag asxaabta kale ee aad khayrka la jeceshahy

07/06/2024

Ku sali Rasuulkaﷺ 🥰

Jimco wanaagsa

06/06/2024

Bini,aadamka alle ayaa sharfay qof qof ka qiima badan majiro🥲

06/06/2024

4 suuq ee la maal gashto ||Geele Gashiir

01/06/2024

will never die

" Dhiranaantu waxay qofka u tahay shidaalkii uu ku shaqayn lahaa, haddii qofka ay ka maqan tahay dhiiranaantu, wuxuu lam...
13/05/2024

" Dhiranaantu waxay qofka u tahay shidaalkii uu ku shaqayn lahaa, haddii qofka ay ka maqan tahay dhiiranaantu, wuxuu lamid yahay sida gaari aan shidaal lahayn oo kale".

" Jooji inaad ka cabsatid in wax qaldamaan ku dadaal inaad diiradda saartid wixii saxma wixii qaldamana cashar ka baro kana sii soco, maxaa yeelay meelaad taagnaatid ma jirto".

06/05/2024

Isku soo noqosho wanaagsan asxaabta

Ciid mubaarak umada muslimiinta ah gaar ahaan shacabka soomaaliyeed meel walba ood joogtaa عيد مبارك كل عام وانتم بخير
09/04/2024

Ciid mubaarak umada muslimiinta ah gaar ahaan shacabka soomaaliyeed meel walba ood joogtaa عيد مبارك كل عام وانتم بخير

08/04/2024

اللهم Aamiin

03/04/2024

Abaal raaga ragbaa le || ila dhagayso qisadan

HIJRADII U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAYSidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka s...
02/04/2024

HIJRADII U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAY

Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay.

Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu marayso iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya dadkii islaamka qaadanayey siiba kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo uu ka talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii Nabi ciise magaciisana la oran jirey Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa baxay bishii Rajab ee sannadkii ee sannadkii shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida. Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa hoggaaminayey Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya labadooda waa ehelu-beytkii u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Luud. Waxay kooxdaasi ku baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay ogaadeen in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si loo soo qabto, maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u joogo iyo meel kasta oo u joogo waa isku af, raallina ugama ahan xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba.

Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla markiiba tageen baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar ah oo meesha marayey, waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba. Ciidankii gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu markay halkaas marayso laba bilood ka dib, bishii Ramadaan ee isla sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu yimid madaxdii qureysheed oo kacbada gabren, markaasuu sidii caadadiisa ahaan jirteyba inuusan xaqa cidna uga cabsoon cid walbana gaarsiiyo diinta Alle ha yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad cajiib u ah. Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa is hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen uguna khushuuceen, maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney quraanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen iney maqlaan wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey akhriskii suuraddaas ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo.

Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey hal mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay sujuuddii ka soo kaceen ayey is haaraameen waliba kuwii meesha ka maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey kuna yiri: ma maantaad quraankiisii iyo ilaahiis u sujuuddeen!?. Odeyaashii waxay isla markiiba degsadeen jawaab been ah si ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen: ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri kuwaasu waa asnaamtii sarreysey, shafeecadoodana la rajaynayey, sidaa darteed ayaannu u sujuudney. Waxaa kale oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey sujuudeen.

01/04/2024

DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM

Daarta Arqam binu abii Arqam waxay ahayd rugtii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta ku bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna kala war qaadan jireen intii Makka la joogey.

In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi) aheyd, haddana xikmadda dacwadu waxay keentay in meel qarsoodi ah la isugu tago oo ay diinta ku bartaan howlahoooda khaaska ahna ku qabsadaan, maxaa yeelay haddii ay bannaanka ku shiri lahaayee ama ay diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa soo food saari lahaa, sidii dhacdayba maalin ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu tageen buuraha Makka oo ay ku tukanayeen, waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal ku soo qaadday halkaasoo dhibaatooyin la isku gaarsiiyey sida saxaabiga la yiraahdo Sacad ibnu abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa uu laf madaxa ugu jeexay nin mushrikiinta ka tirsanaa oo caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa dhiiggii u horreeyey oo Alle dartiis loo daadsho intii Rasuulka SCW la soo diray.

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, b**b, iyo aflagaaddo ayaa dadkii asxaa...
31/03/2024

Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, b**b, iyo aflagaaddo ayaa dadkii asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii taagta darraa ee cid difaacaysa aysan jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle iyo Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay dhibka ku samraan oo taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aysan samyn ee ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle, marar badanna waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida dhacday maalin in Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen Rasuulka kuna dheheen: Nabi Allow markaan shirkiga ku jirnay awood baan lahayn, markaan iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay. Markaasaa Nagibu SCW ku yiri: waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana la dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii Rasuulka SCW uguna samreen dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle, Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku boorrinayey, Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu yiri: Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey, way dili jireen ama wa cadaabi jiree.

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

31/03/2024

Sheekh Cali Aldandaawi (IHN) ayaa waxa uu yidhi maalin ayaa waxa aan arkay inantayda oo qaadaysa in digir ah iyo in bariis ah kadib waxa ay ku ridday saxan naxaas ah iyada oo saxanka dhinaca kasaartay in khudaar ah markii ay damacday in ay baxdo ayaan ku idhi cuntada xagaad uwadaa yaase iska leh ? waxa ay tidhi waxaa leh ilaaliyaha guriga sidaana waxaa igu amartay ayaydey oo igu tidhi ugee cunto kadib inanti waxa aan ku idhi aabe soo qaad dhowr saxan oo saxan kasta ugu rid wax gooni ah oo kala saar cuntada sidii ayay samaysay markii ay ugeysey cuntadi ee ay soo laabatay ayaa waxa ay iwaydiisey aabe waa maxay sababta aad ii tidhi sidaa samee ? waxa aan ku idhi aabe dacaamku waa sadaqada maalka
laakiin habaynta iyo wanaajintu waa sadaqo kalgacal leh macnnaha qofka dareensii qiimihiisa oo waynee aabe taa h**e waa sadaqada maalka oo caloosha ayay buuxisaa ta labaadna waa sadaqada kalgacaylka oo qalbiga ayay buuxisaa taa h**e waxa ay dareensiinaysaa ilaaliyaha guriga in uu yahay dawarsade aynu udirnay hadhaaga cuntada halka ta labaad ee ah wanaajinta wax siintu ay dareensinayso in uu yahay saxiib inoo dhow iyo marti karaamadiisa leh waxaana jira farqi wayn oo udhexeeya siinta maalka iyo siinta nafta waana ta ugu wayn xagga Ilaahay iyo xagga faqiirka naxariistaadu haku duuduubnaato deeqsinimo iyo kalgacayl oo yaanay ku duuduubnaan dulinimo iyo dulayn.

–Abdulla Farah

Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo da...
30/03/2024

Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku yiri: Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo.

Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer Madiina.

Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta dhexdooda shanlo bira, arrinkaasna k**ana kala dhambali jirey, k**ana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waait oo ka mid ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay oo ku yiri: isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku siin mahayo ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo, Caas wuxuu yiri: ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay haa, waxa uu yiri: halkaasna waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah tilmamaya waxa uu Quraankiisa ku yiri:

((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO) LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU SHEEGANAYO (EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO KALIGIIS AH)), (Suuratu-Maryam 77-80).

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU HAYEY Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhas...
29/03/2024

DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU HAYEY

Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.

Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xarig qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin. Bilaal wuxuu ku dhihi jirey AXAD oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa, dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: maad Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah, markaasuu yiri: wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee, markaasuu Abuubakar yiri: waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa, sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo geliyey inuu axsaan h**e ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:

Wuxuu Alle SW yiri: ((Waxaa ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21).

Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa jannee, Odeygii Yaasir iyo habartii Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku dheheen hadaad Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:

Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE, RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)), (Suuratu-Naxli 105-106).

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

‏﴿إنّ الله وملائكته يصلّون على النَّبِيِّ يا أيها الذين آَمَنُوا صَلّواعليه وَسَلّمِوا تَسْلِيمًا﴾‏اللهم صلّ وسلّم على ن...
29/03/2024

‏﴿إنّ الله وملائكته يصلّون على النَّبِيِّ يا أيها الذين آَمَنُوا صَلّواعليه وَسَلّمِوا تَسْلِيمًا﴾

‏اللهم صلّ وسلّم على نبيّنا محمد❤️

Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu quraankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA X...
28/03/2024

Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu quraankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)

Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna quraankiisa ku yir:

((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAAIKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).

Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka Alle u bar. Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay muminiiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:

((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan: 10-14).

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam max...
27/03/2024

Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.

Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh, Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale. Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba ibnu Muceydh.

Waxa uu Bukhaari ka werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya. Markaasay dheheen yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka saaraya, waxaa si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii markey arkeen qosol ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW sujuuddiisii ayuu iska sii watay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri: arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma dhaqaajin karin, sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri saddex jeer Allow qureysh qabo, dabadeedna mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: Allow qabo Abii-Jahal. Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh, markaasey naxeen maxaa yeelay waxay rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri waxay ahaayeen toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada, Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa Muslim weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri weli ma dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa markaasey dheheen haa, wuxuu yir Laata iyo Cussa ayaan ku dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si fiican u booreynayaa. Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu goaankiisii u fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay dheheen: maxaa kugu dhacay, wuxuu yiri god naar ah ayaa dhexdayada ka samaysmay. Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey wuxuu yiri haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaaigta yaa xubin xubin u kala dafi lahayd.

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

27/03/2024

10 arimood oo alle ku masaxo dambiyada ? Sheikh dirir

Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii r...
26/03/2024

Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo goaamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.

Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yiri halaag ha kuu sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey. Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan). Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tiri: meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa, intaas keliya kuma harine waxay tirisay gabay yar oo leedahay Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney. mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii;

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:          ((KUWII DAMBAABAY WAXA...
25/03/2024

Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:

((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN))


3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay quraanka iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii ummadihii h**e laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey taariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey Maxammed igama sheeko qurxoona.

Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu marna tanaasul oggoleyn.

Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN, IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay Rasuulka SCW u soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.

Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)

Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa.

KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)

By CALIKHADAR

Address

Mogadishu

Telephone

+252611541927

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bashiir Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bashiir Somali:

Videos

Share



You may also like