DANAB MEDIA

DANAB MEDIA Boggan waa bogga ciidamada KOMMAANDOOSKA SOOMAALIYEED Ee DANAB.

Waxaad kala socon kartaa xogta waxqabadka ciidamada sida gaarka ah u tababaran Ee DANAB oo aan si toos halkaan idin kaga soo gudbin dono

08/01/2024

Furitaanka tababarka dufcadda 10aad ee kumaandooska Danab (DAAWO)

Waxaa Dugsiga Tababarka G/LE Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan tuure) lagu Daah Furay Dufcadda 10’aad ee Ciidanka kumaandoosk...
08/01/2024

Waxaa Dugsiga Tababarka G/LE Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan tuure) lagu Daah Furay Dufcadda 10’aad ee Ciidanka kumaandooska Danab XDS .

Xafladda Furitaanka Dufacadda 10’aad ee
Ciidanka kumaandooska Danab ayaa Ka
Soo qeeyb galay Taliye Xigeenka Guutada
16’aad kumaandooska Danab G/Le Maxamed Axmed Maxamed Kuxigeenka Madaxa Hogaanka Tababarka CXDS Dhamme Abdirisaaq Abdulaahi Axmed Madaxa tababarka guutada 16’aad ee Kumandooska Danab Cabdiraxmaan Xuseen Xalane iyo Taliye xigeenka ururka 164’aad Xasan Aadan Axmad.

Waxaa Madasha Furitaanka Tababarka Dufacadda 10’aad ka hadlay Taliye Xigeenka Guutada 16’aad Ee kumaandooska Danab G/Le Maxamed axmed maxamed Isagoona ciidanka kula Dar Daarmey inay qaataan amaradda macalimiinta,

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Tababaradda Ka Caawiya Saaxiibada Caalamka Ayagoona Qeyb Muhiim ah ka Qaata Ciribtirka khawaariijta.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay 120 KM oo ah inta u dhexeeysa D...
08/07/2023

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay 120 KM oo ah inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

Howlgalkan oo uu hogaaminayey Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidamada daraawishata Jubaland iyo Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska danab, mudadii uu socday howlgalkan waxaa lagu bur buriyay saldhigyo waawayn oo ay lahaayen kooxaha Khawaarijta ah, sidoo kale waxaa la qarxiyay dhowr miino oo ay doonayeen in ay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee wadooyinka isticmaala.

Deegaanada ay ciidamadu ku baacsadeen Kooxaha Khawaarijta ah ee fariisimaha u aha waxa kamid ah Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag libaax iyo deegaano kale dhamaantood waxa ay fariisimo u ahaa khawaarijta.

10/02/2023

Ciidanka komaandooska danab xoogga dalka
Waa awoodda koobaad ee ka hortagta falalka
Argagixiso ee guran si ay u badbaadaan shacabka
Soomaaliyed loonawiiqo qawaariijta naflacariga ah

30/01/2023

GABAY CUSUB

Iyo abwaan boqraawi

DEGDEG:- In ka badan 136 ka tirsan khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay tiro kale oo ku dhow Boqol k...
29/01/2023

DEGDEG:- In ka badan 136 ka tirsan khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay tiro kale oo ku dhow Boqol kalana waa lagu dhaawacay Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Dhul kayn ah oo u dhaxeeya tuulooyinka Tawakal iyo Garas Jeereed oo 12 KM galbeed ka jira Degmada Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Meel war biyood ah oo Khawaarijtu ugu yeeraan Warta Badar.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday goobtaan oo mudo badan ay ku aruurinayeen maleeshiyaad badan oo ay ku doonayeen inay ku gaystaan weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogayaasha howlgalkaan lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah

1. Horjoogaha howlgala Xeebta, Salmaan-dheere.

2: Horjoogaha u qaabilsan weerarada Janaale, Qoryooley, Bariire iyo Awdheegle, Macalin Salaxey.

3. Horjoogaha guud ee Jabhadaha G/Sh/Hoose, Macalin Xaashi.

Intii howlgalka uu socday waxaa la burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ku jirtay goob u ahayd keydka hubka oo ku taala deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

Aagaan War biyoodka leh ee howlgalka laga sameeyay ayaa Khawaarijtu waxay ka samaysteen godod iyo teendhooyin ay isku qariyaan laakiin ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ku ayaa ku burburiyay dhammaan.

30/09/2022

Xog ay heshay warbaahinta ciidamada Qalabka Sida ayaa Sheegeysa in Dagaalkii Shalay ka dhacay Deegaanka Ceel-qooxle ee Gobolka Hiiraan, dhaawac culus uu kasoo Gaaray Afhayeenka Maleeshiyaadka Arxanka daran Dhagar qabe Cali Maxamuud raage Cali Dheere, waxaana dhaawiciisa oo ah mid Culus argagxisadu u qaadeen Dagmadda Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale Ciidanka xoogga iyo dadka Deegaanka ayaa dagaalkaas ku dilay horjooge lagu magacaabo Qoorgaab oo Argagxisada u qaabilsana waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysta Shabeelooyinka.

21/07/2022



Alshabaabku waa Cudur
Waa Caabuq daranoo
Ciideena dagayoo
Cidna aanan dhaafin
Dadoow ma iska Celinnaa

Careey iyo wireey iyo
Cabaad qeylo dhaaniyo
Mayaqaano Cabashoo
Calaacal kuguma dhaafee
Dagaal Culus ma qaadnaa

Cabsi ma iska deynaa
Ciidamada ma qorannaa
Hub casriya ma gurannaa
Cudud ma isku geynaa
Miyaan Cirib tirnaayoo
Cawa qura ma leynaa

Cillad weeye Uguskuyee
Inta uu Cirooliyo
Dummar iyo Caruuriyo
Culumiyo uqaal iyo
Caaqiliyo wax garad gubin

Carigeena wacan iyo
Ciiddeena hodankaa
Cadow aan itaal heyn
Caqli xumo daraadeed
Miyaan uga cararnaa

Cabsi ma iska deynaa
Ciidamada ma qorannaa
Hub casriya ma gurannaa
Cudud ma isku geynaa
Miyaan Cirib tirnaayoo
Cawa qura ma leynaa

Ciidanka Kumaandooska qaran ee Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay ho...
18/07/2022

Ciidanka Kumaandooska qaran ee Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab ka sameeyey degaanka labi kuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Degaankan oo Aragagixisadu ku lahayeen bar kantaroon oo ay lacag baad ah uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankaas.

Waxana sidoo kale goobtaas ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhaan sakawad oo ah
Dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii uu socday waxaa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsanaa sanaa dhinaca maaliyadda ee degaankaas oo lagu soo koobay magaciisa ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaaday goobtaas hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.

Hawlgalkan ayaa Qayb ka ah Hawlgalada
Guud ee lagu baacsanayo Aragagixisada

Ciidaka kumaandooska qaran ee danab XDS gaar ahaan hurinta gaadiidka gaashaamanEe (DANAB M.U)oo howlgal qorsheysan ku da...
24/06/2022

Ciidaka kumaandooska qaran ee danab XDS gaar ahaan hurinta gaadiidka gaashaaman
Ee (DANAB M.U)
oo howlgal qorsheysan ku daaday deegaanka
Lafoole ee duleedka magaalada muqdisho.

Kumaandooska ayaa howlgal kaasi kusoo
Qabtay labo kamid ah horjoogayaasha
shayaadiinta argagixisada al.shabaab.

Sidoo kale kumaandooska ayaa soo burburiyay
Goobo ay si qorsoodi ah qawaariijtu ugu
Keydsan jireen waxyaabo ay dadka ku mara
Habaabiyaan sida buugaag diinta ka been
Sheegaya cajalado isugu jira DVD KAASEED
IYO waliba MAANKEYD oo ah (memory).

Sidoo kale kumaandooka danab ayaa gacanta
Ku soo dhigay aqoonsiyo ayka mid yihiin
TEESARAYAAL
PAASABOORO
IYO DUKUMIINTIYO KALE.

Howgalkaan oo si guul ah kusoo dhamaaday
Subax nimadii h**e ee saaka ayaa mid kamid ah
Howlgalada qorsheysan ee kumaandoosku
Kawadaan guud ahaan GOBALADA DALKA
Iyagoo kaashanaya shacabaka iyo xirfadohoda
Kumaandoos nimo.

Hadaba muwaadin sideed u aragtaa
Dadaalada lagu cirib tirayo argagixisada
Ee sida wada jirka ah ay ufuliyaan qeybaha
Kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo
Shacabka soomaaliyeed ee guulaha
Waaweyn laga gaaray.

21/04/2022

GABAY CUSUB: KOMAANDOSKA DANAB BAAN NAHAY

30/03/2022

Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ayaa gaarsiiyey Deeq Raashin ah oo ay ugu tala galeen in ay ku Afuraan Qaar ka mida Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Dhaxe.

Tabiye Shillaawe Cabdilaahi Xero

 waxaa abaal marin ladul dhigayHagayaasha maafiyada UGUSCid allaaliyo cidii meelku sheegtoAma xog rasmi ah ka keento wax...
24/03/2022


waxaa abaal marin ladul dhigay
Hagayaasha maafiyada UGUS
Cid allaaliyo cidii meelku sheegto
Ama xog rasmi ah ka keento waxaa la guddoon siin doonaa
Abaal marintaas oo dhan $6M

Ururka 4aad & Horinta Gaadiidka Gaashaman MU ee Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa Hawlgal Qorshaysan k...
23/03/2022

Ururka 4aad & Horinta Gaadiidka Gaashaman MU ee Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa Hawlgal Qorshaysan ka sameeyey degaano kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka Hawlgalka ayaa ahaa burburinta Fariisimaha Argagixisada Alshabaab ee degaanada kala ah Dhanaane oo Argagixisada ku lahayd baro kantarool ,dhulka buuraha oo ay ku dhuntan horjoogayaasha Argagixisada & degaanada shaam gare Sabib iyo canole,mareeray kuwaas Ay Argagixisadu shacabka si dhumaalaysiya ugu wax yeelaynaysay,Sida uu Xaqiijiyey Taliyaha Ururka4-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab XDS Dhame Mohamed Abduqaadir Cali.

Kumandooska Danab XDS ayaa wacad ku maray in ay meelkasta uga daba tagi doonaan Ururada Argagixisada ah ee Dhibaatada ku Haya Dadka Shacabka een Waxba Galabsan.

Muwaadin hadii haayso wax macluumaad Ah oola xariira argagaxisada Alshabaab fadlan Nagala soo xiriir Telefoonka hoos ku qoran 061-280-44-51

16/03/2022

Ciidankayga Danabow
Hal Ban idin Dareensiine.
Dusha Waxaad ku Qaadeen
Xilwayn Oo laydin diraye

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16aad Kumandooska Danab &  Ciidanka Nabadasugida, Dar...
16/03/2022

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16aad Kumandooska Danab & Ciidanka Nabadasugida, Darawiishta Maamulka jubbaland ayaa howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen degaanada Gabdhoole,Beerxani oo qiyaasti 40 km ujira magaalada Kismaayo kuna qabtay gaari nooca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa ay kooxda nabadiidka Al-shabaab ku rareen iyagoo toogtay dhagar qabihii gaariga waday.
Sidookale ciidanka waxeey dileen laba dhagarqabe oo maleeshiyaad Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada dhulka lagu aaso iyagoo soo saaray sadax miino oo nabadiidka ay dhulka ku aaseen

Kumaandooska xoogga dalkaee DANAB waa ciidan mar walbagarab taagan umaa somaaliyeed.Marka laga reebo ladagaalankaCadaawa...
11/03/2022

Kumaandooska xoogga dalka
ee DANAB waa ciidan mar walba
garab taagan umaa somaaliyeed.

Marka laga reebo ladagaalanka
Cadaawaha dalka waxey ciidanka
danab fuliyaan dhaqdhaqaaqyo
Ku aadan taakuleynta shacabka.

Sida Wax barashada biyo dhaanka
Xiliyada abaaraha uqeybinta raashin
dadka tabaaleysan caafimaadka
iyo fayo dhowrka.

Taliye Ku-xiggeenka
Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab XDS
G/le Aadan Jeelle Cali ayaa
Booqasho ku tagay dugsiga hoose
ee balidogle oo ay hir galiyeen
Ciidanka Kumandooska Danab.
kaasoo Wax lagu baro Caruurta
ku nool degaanka balidoogle.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka talis
Ahaan tageeri doonaan dugsigaan
wax barasho isla markana taliyuhu waxa
uu kula dardaarmay macalimiinta
Hawshaan wax barista caganta
Ku haya in ay dadaalka halkaasi ka sii wadaan.

hadaba muwaadin sideebaad
u aragtaa wax qabadka muuqda
ee Kumaandooska DANAB

Taliye Ku-xiggeenka Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab XDS G/le Aadan Jeelle Cali ayaa maanta tababar usoo xir...
10/03/2022

Taliye Ku-xiggeenka Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab XDS G/le Aadan Jeelle Cali ayaa maanta tababar usoo xiray xubno ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab, oo mudo tobobar ku qadanayey Xerada Tobobarka Kumandooska Danab ee balidoogle kaas oo kor loogu qaadayey Heerkooda Aqooneed.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay Ciidanka Tobabarka Dhamaystay in Si Daacada ugu adeegan bulshada isla markaana laga dareemo wixii halkan ay ku soo barteen shaqadooda ka dib markay ku laabtan Fadhiyadooda.

22/02/2022

Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ayaa dagaal Culus ku dilay in ka badan 60 Maleyshiyaad ah iyo Horjogihii Jabhadaha Nabadiidka ee gobolka Hiiraan

DEG DEG Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan iyo 60 dhagar Qabe oo lagu Dilay Howlgal Qorsheysan.Ciidanka Xoogga Dalka ee gu...
22/02/2022

DEG DEG Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan iyo 60 dhagar Qabe oo lagu Dilay Howlgal Qorsheysan.
Ciidanka Xoogga Dalka ee guutada 16Aad Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan waxay ku dileen in ka badan 60 dhagar qabe oo ka tirsan argagixisada Alshabaab.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ururka 7aad ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa hogaaminaye Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan tuure ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Horjoogihii Jabhadaha ee Hiiraan, iyaddoo lagu burburiyey Xarumo Qaraxyada lagu farsameyn jiray iyo Goobo ay Argagixisada ku qaadan jireen lacago Baad ah.

Ururka 4aad Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa Hawlgal Qorshaysan ka fuliyey Degaanka Goobaale ee Gobol...
20/02/2022

Ururka 4aad Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa Hawlgal Qorshaysan ka fuliyey Degaanka Goobaale ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Hawlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa Burburinta Goobo Cadowga Argagixisada alshabaab ay ku dhumalaysanayeen degaankan.
Argagixisada Arxanka Daran ee alshabaab ayey caaado u tahay in ay isku dhex qariyaan Dadka shacabka maadama anay ka hortagi karin awood Ciidanka
kumaandooska Danab balse Ciidanka oo Tobobaran Baacsiga Argagixisada ayaa cagta cagta u saaray Haraadiga Argagixisada oo la meel ay ku gabadaan.
Hawlgalkana waxa uu qayb ka yahay Halwgalada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga Naflacaariga Alshabaab & Daacish

Muwaadin hadii aad haayso wax macluumaad ah oola xariira argagaxisada Alshabaab fadlan nagala soo xiriir Telefoonka hoos ku qoran
061-280-44-51

Howlgal Qorsheeysan Oo Ay Si wada Jira U Fuliyeen Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska  Danab Ee XDS Iyo Ciidanka Na...
19/02/2022

Howlgal Qorsheeysan Oo Ay Si wada Jira U Fuliyeen Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab Ee XDS Iyo Ciidanka Nabad Sugida Jubaland ayaa dhacay Degaano ka mida Gobolka Jubba Hoose.

Howlgalkan Oo ayaa Lagu Burburiyay Goobo ay Gabaad ka dhiganayeen Kooxda Nabadiidka Al Shabaab waxana ka mida Degaanada,Muduloow Qutu'to waareey Buulohareeri Iyo Dhanlojo Waxaana Lagu Dilay Intuu Socday Howlgalkani 4 Katirsan Maleeyshiyada Al Shabaab Uu Mid Kamidi Yahay Horjoogihii Watay Maleeshiyadka Waxana lagu dhawacay 7 Katirsan Maleeyshiyada Al Shabaab.

Kumaandooska Danab Waxaa Kago'an Ciribtirka Kooxaha Nabadiidka Ah

16/02/2022

62 guuradii ciidamadii ciidama cirka ee xoogga dalka oo lagu xusay afisiyoone

14/02/2022

Arxan laawayaashii oo qarxiyay shacab aan waxba galabsan

Ciidanka kumaandooska Danab ee XDS Gaar Ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal Qorsh...
14/02/2022

Ciidanka kumaandooska Danab ee XDS Gaar Ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyey Aroortii h**e ee saakay Agagaarka Deegaanka torotorow.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa nabadiidka Arxanka daran ee Al-shabaab meel walba eey Joogaan inaa ku ugaarsano
Intoo howlgalka socday waxaa lagu soo qabtay 10 katirsan Argagxisada Al-shaabaab oo ku lug lahayeen falal xun oo
ay ugeesteen shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa udhacay sidi loogu Talagalay wax dhibaabto ahna k**a soo gaarin Shacabka Soomaaliyeed.

Muwaadin hadii aad haayso wax macluumaad Ah oola xariira argagaxisada Alshabaab fadlan nagala soo xiriir Telefoonka hoos ku qoran
061-280-44-51

Aragagixisada  Al-shabaab ayaa Qarax Miino ay dhulka ku aaseen ku Xasuuqay mooto ay saarnayeen dad shacab ah kuwaasi oo ...
14/02/2022

Aragagixisada Al-shabaab ayaa Qarax Miino ay dhulka ku aaseen ku Xasuuqay mooto ay saarnayeen dad shacab ah kuwaasi oo ku marayey Degaanka Xanshooley oo dhacda duleedka Magaalada jowhar ee Gobolka Shabellada dhexe.
Inta la xaqiijiye waxaa Qaraxa Miino ku dhintay 4 ruux oo shacab ah
Kooxda Arxanka Daran alshabaab ayey cado u tahay in xasuusaqan Dadka Shacabka ah ee aan waxba Galabsan.

Muwaadin hadii aad haayso wax Macluumaad ah oola xariira argagaxisada alshabaab fadlan nagala soo xiriir Telefoonka hoos ku qoran
061-280-44-51

 Difaaca dadka dalka & diintaWaa waajibaad keena.Daryeelka ummadeena marwalba Waa dabeecad deena.Dilka cadaawaha soomaal...
10/02/2022


Difaaca dadka dalka & diinta
Waa waajibaad keena.
Daryeelka ummadeena mar
walba Waa dabeecad deena.
Dilka cadaawaha soomaaliyeed
Ee ugus Waa dhaqan keen.
Kahortagga waxyelada shacabka
Waa hamigiyo ujeedkeena.
Dulqaadka heeganka iyo
adkeysiga waa tababarkeena.
Halista haraadka dhaawaca
Waxaan ugu adkeysanno waa
Waa Halyeey nimadeena.
Qatar walbana waxaan ugu
Dhiirano waa geesi nimadeena.

Kaliya waxa aan u baahannahay
Waa taageerada shacabkeena.
Ee qeybta komantiga noogu muuji taageeradaada 🗨

07/02/2022

Mexey tahay habka kala sareynta
Ciidamada iyo darajada ciidan

Ururka 7 aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Ayaa Deeq Raashin Ah Waxay Gaarsiiyeen Qoysas Dan Yar ah oo Ku Dhaq...
06/02/2022

Ururka 7 aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Ayaa Deeq Raashin Ah Waxay Gaarsiiyeen Qoysas Dan Yar ah oo Ku Dhaqan Deegaanka cadalow oo Hoostagta degmada mahaday ee gobolka shabelaha dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ku Sugan Goobta Raashinkan Lagu Qeybinaaye Ayaa muujiyay sida ay Ciidanka Kumaandooska Danab ay ugu Taaganyihiin Difaaca Dalka iyo Garab Istaaga Shacabkooda Soomaaliyeed.

Qaar Kamid ah Dadkii gargaarka La gaar siiyay Ayaa uga Mahad Celiyay Ciidanka Danab sida naxariista badan ee ay garabka usiiyeen.

Waxa ayna dadkaasi sheegeen in Uuu gargaarkaan ku Soo beegmay xiligii loo Baahnaa.

Sidoo kale wexeey carabka ku dhufteen in Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Danab Ay Wax Badan Kaqabteen Magaalada jowhar iyo Tuulooyinka Ku Teedsan.

Ciidanka Kumaandooska Danab Wexeey Mar Walbo U Taagan yihiin Difaaca Dalka iyo U Kaalmeenta Shacabkooda Soomaaliyeed.

Maxaad Oran laheyd adigu

Ciidanka Kumaandooska Danab Ee Argagixisada Hoyaadka Iyo Harka U Diiday [ Libaaxyada Africa ]🇸🇴💪
06/02/2022

Ciidanka Kumaandooska Danab Ee Argagixisada Hoyaadka Iyo Harka U Diiday [ Libaaxyada Africa ]🇸🇴💪

Address

615165554
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DANAB MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share