30/01/2023
Telesom waa dhibbane sida shacabka Laascaanood dhibbanaha u yahay oo kale, saddexdii habeen ee u dambeeyey waxa aan arkayaa dad ganacsigan aad u haysta, waxa lagu haystaana waa gardarro, waayo Telesom markii shacabku magaalada la wareegay durba amarkiisa ayaa ay u hogaansatay oo halkaas waxa ka cad in markii h**e khasab lagaga damiyay adeeggii ay bulshada siin jireen!
Hawl wadeennada Telesom waliba kuwooda ugu sarreeya waa dad qaddiyadda deegaanka ku adag oo aan gorgortan marna ka gelin soomaalinimadooda, markaa madaxda noocaas ah isma lihi marnaba waxa ay ka shaqaynayaan wax dhib u gaysan kara kacdoonkeennan lagu doonayo hagaajinta danaha reer SSC.
Waxa aan dhallinyarada uga digayaa in kacdoonkeenna aynu ku doonayno hagaajinta taladeenna aynaan ka leexin waddada saxan ee uu qaaday, yaan gacacsiyada iyo goobaha dad waynaha dantooda ka shaqeeya la innagu jahayn ee cadawga aynu is hayno waa aynu garanaynaa e aynu iyaka gaadh ka hayno oo indhaheennu ha furnaadeen.
Bidhaan Media