Telefishinka Xisbiga UPD

Telefishinka Xisbiga UPD Telefishinka Xisbiga Upd - Codka Bulshada
(41)

Ka qeyb galayaasha dooda caawa ee Side loo hirgalin karaa hannaanka Xisbiyadabadan ee Dalka?
21/06/2023

Ka qeyb galayaasha dooda caawa ee Side loo hirgalin karaa hannaanka Xisbiyada
badan ee Dalka?

22/03/2023
20/12/2022

Hambalyo Sanad guurada 79-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed❤️❤️🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴

Waxaan Hambalyo ku aaddan munaasabdda Sanad guurada 79-aad Aas-aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed u dirayaa Guud ahaan Sareeye-yaasha, Saraakiisha sare, Saraakiil hoose, saraakiil xigeennada, Alifleyda iyo Dabkeyda Booliska Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda intaba Waxaan Alle ugu rajeynayaa in sanadkaan sanadkiisa ay Bashbash iyo Barwaaqo ay ku gaaraan.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran 🇸🇴 iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa la asaasay 20-kii Diseembar 1943-dii, waxaa xiligaasi lagu magacaabi jirey Somali Police Corps, halka kuwa gobolada Waqooyi lagu magacaabi jirey Somaliland Police Scouts.

Sanadii 1960 kii markii uu dalka qaatay xornimada ayaa waxaa la’isku daray labadaasi unug , waxaana si rasmi ah loo dhisey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka koobnaa 3700 oo arkari.

Waajibaadka Ciidanka Boliiska🇸🇴

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo marna ah hey’adda ugu weyn ee fulinta sharciga madaniga,waxaa ka mid ah waajibaadkiisa

1-la dagaallanka dambiyada
2-la-dagaallanka argagixisada
3-difaaca dalka
4-Sugidda amniga Gudaha dalka
5- Ilaalinta sharciga dalka

Hoggaamada Ciidamada Boliiska🇸🇴

1-Hoggaanka Maaliyadda
2-Hoggaanka Saadka
3-Hoggaanka Tababarada
4-Hoggaanka Dab damiska.
5-Hoggaanka Caafimaadka
6-Hoggaanka Isgaarsiinta
7-Hoggaanka Dhismaha
8-Hoggaanka Gaadiidka
9-Hoggaanka Nabad-sugidda
10-Hoggaanka Ciidanka
11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.
12- Hoggaanka barista dembiyada .
13-Hoggaanka Ilaalinta waddooyinka
14-Hoggaanka Dib u dhiska ciidanka

Bashir Moallim Ali Hassan

14/12/2022

Xildhibaan Abdurahman Odowaa “Dowladdu waxay u naxariisataa Shacabkeeda, qofkii sharciga ku xad gudba way Xirtaa ee Ma disho mana Gowracdo, Laakiin Khawaarijta Al-shabaab Ciqaabtooda waxay ka bilaabataa inay Dadka dilaan waxayna ku dhamaataa inay Dadka Dilaan sidaas darteed Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay Dowladda ku garab istaagaan cirib tirka Kooxda Arxan-laawe yaasha ah ee Al-Shabaab”

01/10/2022

Al-shabaab waa cadawga Noloshaada!

25/09/2022

Political Power 🇸🇴Somalia 🇺🇸USA

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa casuumaad heer sare ah u sameeyay Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud, waxay ku tusineysaa Awoodda Siyaasadeed iyo Heerka tixgelinta Mareykanka u heyso Dowladda Madaxweyne Xassan Sheikh.

Kii h**e ee meesha laga raacdeeyay Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxu Malaayiin doollar oo laaluush ah ku bixin jiray in uu ka kulmo Donal Trump.

18/09/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud “Hal sano kadib, Dalka waan ka tirtireynaa Al-shabaab”

18/09/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud “Dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu hayaan haloo gurmado, Macquul ma ahan in caruurteennu ay haystaan Quraac, Qado iyo Casho; kuwa kalana ay baahi u dhimanayaan”

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” wuxuu qoyska, qaraabada iyo dhamma...
18/08/2022

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” wuxuu qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo tiir muhiim ah u ahaa wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed ee dhaqanka iyo afka hooyo, sidoo kalena ku asteysnaa horumarinta fanka iyo suugaanta ummadda Soomaaliyeed.

Abwaanka waxaan ilaahay uga baryeynaa in uu Jannooyinkiisa ku casuumo, qoyska, ehelka, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

إنَّ لِلَّه ما أَخَذ ولَهُ ما أَعطَى، وكلُّ شَيءٍ عِنده بِأجَل مُسمَّى

17/07/2022
04/07/2022

Xasillooni Siyaasadeed, Dowlad-wanaag iyo kasbashada Kalsoonida Bulshada waxay ka tarjumeysaa oraahdii ahayd “SOOMAALI HESHIIS AH , DUNIDANA HESHIIS LA AH”

Nabadoon Waaya-Arag Siyaasadeed ah ayuu ku suntanyahay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud

25/06/2022

Waa Alle Mahadiis; Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha aad ayay u wanaagsantahay.

Rabbi ha u siyaadiyo Caafimaadka, Cimrigiisana Allaha Barakeeyo . Aamiin Aamiin

24/05/2022

Madaxweynaha JFS. Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa Siyaasiga Abdirahman Abdishakur Warsame u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Dalka.

C/raxman Cabdishakur ayaa si mutadawac-nimo ah uga shaqeyn doono Abaaraha baahsan ee Dadka Soomaaliyeed wajahayaan xilligaan adag.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda 1aad siin doonta badbaadinta nolosha muwaadiniinta iyo Shaqaaleysiinta Dhalinta si loola dagaalammo baahida iyo Amni darada.

SOOMAALI HESHIIS AH
DUNIDANA HESHIIS LA AH

14/05/2022

Hormuudkii Hormarka Markale Hassan Sheikh Mohamud

14/05/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Somaliland
Soomaali heshiis ah, Dunida heshiis la ah

13/05/2022

Hirgalinta federaalka waxay dalka ka badbaadisay burbur iyo dagaal. Daadajintiisana waa howl uu dhameystiri doono Xasan Sheekh

13/05/2022

Soomaali heshiis ah ayaa dunida la heshiin karta. Hagaajinta xiriirka dibbadda waa mid kamid waxyaabaha lagu yaqaano Madaxweyne Xasan Sheekh

13/05/2022



Taageerada Bulshada Koofur Galbeed;
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud

HOGGAAN TOOSAN HA FADAANNO ***
HASSAN MAXAMUUD HORSAYDKEENNA WAA DOORANNEE*****

13/05/2022

Soo saarista jiil aqoonyahan ah waxa ay kamid tahay waxyaabaha uu dalkeena u baahan yahay. Aan dib u milicsano barnaamijkii aada dugsiyada

08/05/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud - Awood siinta Dhalinyarada & Aabaha Demoqraadiyadda



08/05/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud “Anigoo intaan ka waayo-aragnimo iyo khibrad yar ayaan ka quusan waayay Soomaaliya, maanta oo aan ahay oday Soomaaliyeed oo xog-ogaal ah, sideen uga quusan karaa?

“Si aan uga kabano dib-u-dhaca, usoo celino isku duubnida ummadda iyo xasilloonida Dalka waxaa loo baahan yahay Siyaasad Dulqaad, Demuqraadiyad Damqasho leh oo horseedda dhameystirka dhismaha Qarannimadeena”

SOOMAALI HESHIIS AH
DUNIDANA HESHIIS LA AH






  Dib u doorashada Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud waxay Dalka u horseedi doontaa: 1. Ilaalinta Karaamada Muwaadinka So...
08/05/2022



Dib u doorashada Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud waxay Dalka u horseedi doontaa:

1. Ilaalinta Karaamada Muwaadinka Somaliyed.

2. Dib u hishiisiin Bulsho & Nabadeyn.

3. Dib u Xoreynta Deegaannada AS. haysato.

4. Horumarinta Tayada Dadka (Human capacity)

5. Sare u qaadista Tacliinta iyo wacyiga Bulshada

6. Dhameystirka Dhismaha Hay’adaha Dastuurka (Garsoorka & Cadaaladda)

7. Dhimaha Kaabayaasha Dhaqaalaha & Fulinta Mashaariicda Horumarineed.

8. Dib u eegista, Turxaan bixinta & Dhameystirka Dastuurka Dalka.

9. Dib uso celinta iyo Hagaajinta xiriirka Caalamiga ah.

10. Shaqo Abuurka iyo Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dowlad Qaanuunku sarreeyo &
Muwaadin Qiimo leh





07/05/2022

"Waxaan ahay oday Soomaaliyeed oo xog ogaal ah, Soomaaliyana k**a quusan karo" Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo sheegay sababta uu isku sharraxay

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud   "Waan soo dhawaynayaa muddaynta doorashada Madaxtinnimada Soomaaliya oo loo asteeyay ...
05/05/2022

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud "Waan soo dhawaynayaa muddaynta doorashada Madaxtinnimada Soomaaliya oo loo asteeyay 15-ka May, Guddoonka Baarlamaanka & Guddiga Qabanqaabaduna waa ku mahadsan yihiin.
Dalkeennu waxa uu muddaba ku jiray hubanti-la’aan doorasho. Waxa la joogaa wakhtigii laga gudbi lahaa siyaasadda dib u socodka ah, la qaban lahaa doorasho xor & xalaal ah, dalkana laga hirgelin lahaa isbeddel waxtar leh."

Address

Abdiaziz
Mogadishu

Telephone

+252615905666

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka Xisbiga UPD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category