Muhiyadiin mohamed

Muhiyadiin mohamed muhiyadiin

Fadeexad Xeer Oo Dul Hoganaysa ShirkaGolaha Dhexe Ee Xisbiga Gamaarayda ;Eeg Sawirka Koowaad Sida Uu Qabo Xeerka Kala Xa...
20/08/2023

Fadeexad Xeer Oo Dul Hoganaysa Shirka
Golaha Dhexe Ee Xisbiga Gamaarayda ;

Eeg Sawirka Koowaad Sida Uu Qabo Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda Iyo Haayadaha Madaxa Banaan Xeer Lr: 71/2015

Eeg Sawirka 2aad Waxa Uu Dhigayaa
Sida Ku Cad Warqada Labaad ⬇️

Qodobka 2aad.
Madaxda Hay'addaha, Wakaaladdaha, Shirkadaha Iyo Mashaariicda Xukuumadda, Marka Laga Reebo Xubnaha Golaha Wasiirradda, Waxaa Ka Reeban In Ay Si Uun Ugu Lug Yeeshaan Siyaasadda.

Sidaas Daraadeed Waxa Maanta Iyo Marar H**eba Dhacday Dastuur Jabin Iyo Xeer Kutumasho Qaran Bal U Fiirso Haayadaha Xeerku Ka Reebay Shirarka Ama Hawlaha Siyaasadeed Ee Madasha Joogay

1. Maareeeyaha Dakadaha Soomaaliland
2. Guddoomiyaha Haayadda Qoxoontiga
3. Guddomiyaha Qandaraasyada Qaranka
4. Gud: Kuxigeenka Qandarasyada Qaranka
5. Guddomiyaha Shaqaaraha Qaranka
6. Guddoomiyaha Hay'adda Tayada Qaranka
7. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco
8. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera
9. Hay'adda Madaarada Somaliland
10. Guddomiyaha Bangiga Somaliland

11. Sidaasanan Waliba Aad Tooshka 🔦
Ugu Qabanee Meesha Waa La Qudhmay

Goob Madaxweynihii Xeerka ilaalin Lahaa Fadhiyo Oo Xeerkii Lagu Kufsaday, Hadana Uu Ka Sheekeeyo Xeerbaan Raacayaa Iyo Waxaynu Dhiganaa Soconaaya, Walee Kulmiye Waddanka Waa Baabi’iyay Waana Gamaaraysa Waddanka Laga Qaban Doono Dhinac Walba Wadankii Ma Noola Waana La Dhafin
Muhiyadiin Mohamed Ismail

20/08/2023
Markaad marayso xaalad adag, waxa ugu caqliga badan ee la sameeyaa waa inaad ku dhaqaaqdo talaabo aad ku saxayso. Si kas...
20/08/2023

Markaad marayso xaalad adag, waxa ugu caqliga badan ee la sameeyaa waa inaad ku dhaqaaqdo talaabo aad ku saxayso. Si kastaba ha noqotee, marar badan ficilladan waxaa lagu fuliyaa iyada oo aan si habboon loo falanqeyn dhibaatada, ama sida aan u aragno. Si la mid ah, waxaan u nugul nahay fikrado xunxun oo si weyn u saameeya go'aannadayada. Si guul leh loogu wajaho dhibaatooyinka soo ifbaxa, waxaa lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyno horumarinta dabeecad wanaagsan; taasi waa sababta aan u diyaarinnay liistada fikradaha wanaagsan.

Fikradaha wanaagsan ee 160
Marwalba waxaa jiri doona xaalado qalafsan oo aan wajihi doono, kani waa nolosha. Si kastaba ha noqotee, isku-dubaridkan oo leh 160 fikradood oo wanaagsan ayaa kugu dhiirrigalin doona, kaa caawin doona inaad naftaada dhiirrigeliso oo aad dhiirrigeliso rajadaada. Intaas waxaa sii dheer, waxaan ku darnaa sawirro daliishanaya weedhahan si aad waliba ugula wadaagi karto shabakadahaaga bulshada.

Haddii qof kuu sheego inaadan awoodin, runti waxay ula jeedaan anigu ma sameyn karo. - Sean Stephenson.
Markaan wanaag sameeyo, waxaan dareemaa wanaag. Markaan khaldamo, waxaan dareemaa khalad. Taasi waa diinteyda. -Abraham Lincoln.
Qofka rajo xumada qaba wuxuu u arkaa dhib fursad kasta; yididiilada ayaa rajo u arka dhib kasta oo soo food saarta. - Winston Churchill.
Xaaladda ugu muhiimsan ee rajo laga qabaa waa inaad kalsooni buuxda ku qabtaa naftaada. - EW Stevens.
Fikradaha wax ku oolka ah ee aad u adeegsato inaad maskaxdaada ku quudiso, ayaa waxyaabo badan oo wanaagsan oo aad soo jiidan doontaa soo jiidan doonta. -Roy T. Bennett
Markaad leedahay aragti saamayn ku leh dabeecaddaada, markaa qaado aragtida wanaagsan ee halkii aad ka noqon lahayd tan rajo xumada ah. - Charles R. Swindoll.
Qofka rajo xumada qaba wuxuu ka cabanayaa dabaysha; Rajadu waxay rajeyneysaa inay isbedesho; Xaqiiqadu waxay hagaajisaa shumacyada. - William George Ward.
Fikirka togan waa fikirka ah hadaad leedahay fikrado wanaagsan, inay wax hagaagi doonaan. Yididiilo waa dareenka ah in wax waliba hagaagi doonaan oo rajo qabaan. - Martin Seligman.
Waqtiyada xun, wejiga wanaagsan. - Maahmaah.
Kuwa waalan ee ku fikiraya inay wax ka beddeli karaan adduunka waa kuwa sameeya. - Steve Jobs.
Maalin kasta waxay keentaa fursado cusub. - Martha Beck.
Madaxaaga ka dhig mid adiga kuu shaqeeya oo tartiib-tartiib ah waxaad u baran doontaa caado ah inaadan dhibsan naftaada markay wax khaldamaan. - Wayne W. Dyer.
Haddii fursaddu garaacdo, albaab samee. - Milton Berle.
Markaad la kulanto xaalad taban, ha ka fikirin. Ka dhig mid togan. - Yoko Ono.
Waan ka fog ahay inaan noqdo qof rajo xumo ah ... taa bedelkeed, inkasta oo nabarradayda, haddana waxaan cunciriyaa geeri maalin kasta. - Eugene O'Neill.
Anigu ma ihi qof rajo leh, waxaan rabaa in aan noqdo yididiilo. - Émile Zola.
Dhoola caddee wax badan, dhoolacadeynta ayaa kaa farxin karta naftaada oo keliya laakiin kuwa kale. - Roy T. Bennett
Iimaanku wuxuu qaadaa talaabada ugu h**eysa, xitaa markaad fuuli kari weydo salaanka oo dhan. - Martin Luther King, Jr.
Pessimist waa rajo-yare khibrad leh. - François Truffaut.
Jacayl naftaada u qaado daqiiqad kasta oo ka mid ah. - Qoraa aan la aqoon.
Sheekooyinka Faaligu waa run, laakiin maahan inay noo sheegaan in masduuladu jiraan laakiin waxay noo sheegeen inaan ka adkaan karno. - Gilberth Keith Chesterton.
Geesi noqo si aad ugu noolaato nolosha aad ku riyootay halkii aad ka noolaan lahayd nolosha dadka kale kaa filayaan inaad ku noolaato. - Roy T. Bennett
Rajo-qabasho joogto ah waa isku dhufasho xoog leh. - Colin Powell.
Waxa ugu fiican ee aad siin kartaa cadawgaaga waa cafis; qof ka soo horjeedaa, dulqaad; saaxiib, qalbigaaga; ilmaha, tusaale wanaagsan; aabe, waan qadariyaa; hooyadaa, si aad u dareento sharaf; naftaada jeclow; nin walba, sadaqad. - Benjamin Franklin.
Adduunyadu si xawli ah ayey u socotaa maalmahan oo ninkii dhaha wax la qaban kari maayo waxaa ka dhex gala qof sameynaya. - Elbert Hubbard

20/08/2023

Xisbiyada soomaaliya markaan laba ukala qaadno Waqooyi iyo koonfur waxaa ka kala jira xisbiyo. Waqooyiga Soomaaliya (Soomaaliland) Waxay Leedahay Xisbiyo badan sida xisbiga Wadani, Ucid iyo Kulmiye Oo ka dhisan waqooyiga soomaaliya ee looqayaan somaliland waxaana talada hadda u haaya Xisbiga Kulmiye, dhanka kale Koonfurta soomaaliya waxa Kaloo ka jira Xisbiyo badan Sida: Xisbiga Wadajir, Xisbiga Nabadda iyo Horumarka, Xisbiga Himilo qaran iyo Xisbiga Nabad iyo Nolol waxaana talada hadda haaya Xisbiga Nabad iyo Nolol, Haddaba waxa Kaloo Laga yabaa In Wadanka xisbiyo Hor leh Ka aas aasmaan.

Siyaasadda Soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabad...
20/08/2023

Siyaasadda Soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabadan dawladdii Kacaanka kadib 1990, Soomaalida waxaa loo sameeyay Dastuur, Federaal ah iyo Maamul Goboleed kuwaas oo ku yimid qaabab kala duwan, waxaa samaysamay Somaliland taasoo sheegatay in ay tahay dawlad madax banaan kana go'day Soomaaliya inteeda kale, shacabka Soomaaliyeed raalli k**a noqon goosashada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya 1991. Waxaa sidoo kala samaysmay Puntland 1998 taasoo ay sameysteen beelaha dega Bari, nugaal iyo woqooyiga Mudug, waxaa sidoo kale la sameeyay Galmudug 2010. Horraantii 2000 waxaa la soo dhisay dawlad ku meel gaar ah waxaana madaxweyne ka noqday. Dott Cabdiqaasim Salaad Xassan (TNG) waxaa ku xigtay dawladii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee loo yaqiin (TFG)2004 waxaana madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo dalka galisay burbur horle waxayna soo galisay dalka ciidamada Itoobiya.[1] Midowga Maxk**adaha Islaamiga ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isku fidiyay taasoo ka caraysiisay Itoobiya una aragtay fusad ay kula dagaalami karto ficilada ay sameeyeen. Markii meesha laga saaray Maxaakiimta ayaa waxaa soo baxay kooxo la magacbaxay Muqaawamo kana aas aasamay magaalada Muqdisho intii ay socotay muqaawamada waxaa barbar socday wadahadal UN-ka loo maray kaasoo uu garwadeen ka ahaa Axmed Walad Cabadlla keentayna in laga saaro Itoobiya dalka Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009. Waxaa maxaakiimta ka farcamay kooxda Al-Shabaab taasoo dalka dhibaatadii ka jirtay sii murjisay, taasoo dagaal la gashay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Axmed 2010-2011 dagaal ba'an ku dhexmaray magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda, Madaxweyne Shariif xoogaa rajo ah ayay soo celisay Dawladdiisii loogu magacdaray Midnimo Qaran dawladdaas oo muqdisho ka fogaysay qatartii Al-shabaab iyadoo gacan ka helaysa AMISOM wuxuu diyaariyay doorasho aad loogu riyaaqay,[2] kaasoo xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana taa xigay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku guulaysatay isu soo dhoweyn Soomaalida dhexdeeda ah iyo dastuurka oo loo hogaansamo.

HAMMO WAXAY TIDHAAHDAA HADMO ORAD KU QAADE
20/08/2023

HAMMO WAXAY TIDHAAHDAA HADMO ORAD KU QAADE

Xisbiga ucd ayaa baq u diray madaxawaynaha somaliland Muse bixi oo uu dorashada madaxtoyada in uu qabto si qilafka loso ...
14/02/2023

Xisbiga ucd ayaa baq u diray madaxawaynaha somaliland Muse bixi oo uu dorashada madaxtoyada in uu qabto si qilafka loso afjaro

Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Somaliland muddo dheer laga soo shaqaynayey. Was...
13/02/2023

Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Somaliland muddo dheer laga soo shaqaynayey. Wasiirka Gaashaandhiga oo bartiisa Twitterka kaga hadlay ayaa ku eedeeyey Madaxwaynihii h**e ee Soomaaliya, Farmaajo ka shaqaynta iyo hurint colaada Somaliland, waxaanu intaa ku daray inay dagaalka qayb ka yihiin ciidamado lagu soo tababaray Ereteria iyo Turkey.

Waxaba k**ay dhicin arinkaasina waa Ben abur waa wakhti h**e sharcigan wa lamariyay cadaymihina waxay ku jiran social me...
13/02/2023

Waxaba k**ay dhicin arinkaasina waa Ben abur waa wakhti h**e sharcigan wa lamariyay cadaymihina waxay ku jiran social media

Dhalashaddii dagaaladii lagaga horyimid rajiimkii6 April, 1921 waxaa London lagu aas-aasay ururkii SSDF ee ay taageeraya...
13/02/2023

Dhalashaddii dagaaladii lagaga horyimid rajiimkii
6 April, 1921 waxaa London lagu aas-aasay ururkii SSDF ee ay taageerayaasha u ahaayeen Qaar kamid ah Soomaalida aqoonyahanadeeda iyo ildheer garadkooda. July, 1982Ciidamada Milateriga Itoobiya oo ay caawinayaan Jabhaddii SSDF ayaa weerar kusoo qaaday bartamaha Soomaaliya.Itoobiya waxay danaynaysay in ay Soomaaliya laba u kala goyso. Balanballe iyo Goldogob waxay u gacangaleen Itoobiya. Waxaana xukuumaddu ku andocootay in magaalooyinkan lagu xasuuqay shacab badan oo Soomaali ah. Isla xilligaas mucaaradku waxay ku doodeen in shacab badan oo Soomaali ah ay xukuumaddu ku xasuuqday gobolka Mudug, gaar ahaan agagaarka Galkacyo. Xilligan wadamada Reer-galbeedku waxay kaalmo milateri iyo mid dhaqaalaba siiyeen Xukuumaddii Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre. 1984kii waxaa socdaal qarsoodi ah ku tagey Soomaaliya wasiirkii Arimaha Dibadda ee Koonfur Afrika, Roelof Botha. Wuxuu ballan qaaday kaalmo milateri haddii diyaaradaha Koonfurta Afrika ay kusoo degaan Soomaaliya. 1986kiiSoomaaliya waxay wax ka aas-aastay urur goboleedka IGAD oo lagu aas aasay Djibouti. Xilligan Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre wuxuu kula kulmay Djibouti Mangistu Haile Mariam, madaxweynihii Itoobiya xukumayey. 23 May, 1986 madaxweyne Maxamed Siyad Barre wuxuu galay shil baabuur oo uu si xun ugu dhaawacmay. Madaxweynaha waxaa loo qaaday wadanka Sucuudiga oo lagu soo daaweeyey. November, 1986 Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa loo caleema saaray 7sano oo kale. 99% codayn dhan ayuu ku dooday in loogu codeeyay ereyga "HAA." Laakiin xilligaas waxaa dalka ka socday dagaallo sokeeye, dad badan oo Soomaali ahina waxay ka horjeedeen nidaamkii Xukuumaddii Milateriga. 1987kii hay'adda u dooda xuquuqda bini'aadamka ee Amnesty International, waxay ku eedaysay rajiimkii Maxamed Siyaad in uu ku xadgudbay xuquuqda bini aadamka. Tani waxay keentay in author: muxiyadiin maxamed

DEGDEG;; Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye Ayaa shaaciyay in Madaxweynihii H**e ee Soomaliya Farmaajo ...
13/02/2023

DEGDEG;; Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye Ayaa shaaciyay in Madaxweynihii H**e ee Soomaliya Farmaajo uu muddo dheer soo waday qorshaha dagaalka ka socda Laascaanood oo ciidamada Soomaliya ee lagu soo tababaray Turkiga iyo Criteria loo adeegsanayo dagaalka ka socda Sool.

Sidoo kale hubkii Soomaliya loogu deeqay loo adeegsanayo Somaliland.

Xukumadda Somaliland ayaa Madaxwaynihii h**e Somalia ku eedaysay in uu in mudo ah ka shaqaynayay Colaada ka socota Laasc...
13/02/2023

Xukumadda Somaliland ayaa Madaxwaynihii h**e Somalia ku eedaysay in uu in mudo ah ka shaqaynayay Colaada ka socota Laascanood

Sidaasi waxa sheegay Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Abdiqani Caateeye.

13/02/2023

Dagalada lasoo waariday ee somalidu iska garan ladahay iyo sida laysugu jabinayo ee Dusha looga dawanayo mise qabilada ayaa mid kasta lo samaynayaa dawlado

Xigasho
13/02/2023

Xigasho

Dagaalka Laas-caanood maaha mid maanta bilaabmay ama saddexdan cisho ku eekaa, balse in Fitnadan la dhex dhigo dawlad iy...
13/02/2023

Dagaalka Laas-caanood maaha mid maanta bilaabmay ama saddexdan cisho ku eekaa, balse in Fitnadan la dhex dhigo dawlad iyo shacabkeedii waa mid in badan ay ka shaqaynayeen Cadawga Somaliland ee gudaha iyo dibaddaba teedsan, gacan waynna ay ka gaysteen awoodo ka mid ah dawladaha/maamul-goboleedyada Jaarku. Waxa se qaddarta Alle ka sokow fursad siiyay in maanta ay qaraxdo furfurka ku yimid beelihii Somaliland wada deggenaa taasoo loo aanaynayo inaan lagu wada qanacsanayn wixii Somaliland wada lahaansheheeda xaqiijin lahaa oo ay ka mid tahay saami qaybsiga awoodaha maamul iyo khayraadka dalku.

Ilaahay waxan ka baryaynaa inuu Colaaddaa inoogu beddelo degenaansho iyo isfaham degdeg ah oo laga gaadho arrinta Laascaanood.

5 qodob ayan jeclahay inaan halkan kala dardaarmo cid kasta oo ay khusayso anigoo metelaya inta ila fikirka ah.

1. Xukuumadda Somaliland, waxa la gudboon oo aan kula talinaynaa in ay mar walba tudhaale muujiso, laba dariiq oo kasta ka dhibtu ku yar tahay ay qaadato, waayo cidda meesha ku baaba'aysa ama ku barakacaysaa waa dadkeennii oo la khalday.

2. Reer Laas-caanood: Aqoonyahanka, waxgaradka iyo Culimada ka soo jeedda Gabolka Sool waxa la gudboon in ay caadifadda meel iska dhigaan oo is waydiiyaan halkan meel idiin dhaantaa miyay jirtaa, hadday se jirto sidee ayay idiinku dhaantaa, oo ay qodobeeyaan kana fikiraan mustaqbalka ubadkooda (Ilama eeka maanta meel u dhaantaa inay jirto)
Fiiro gaar ah: Tabasho way jiri kartaa idinka oo kaliya maahee gobolka kasta iyo degmo kasta cabasho ayaa kasoo yeedhaysa, waxa se ila qumanayd 100kaas Garaad intay ku talinayeen waxa maanta dhacay inay ka talin karayeen sidii dhibaatada jirta looga talaabsan lahaa oo dawladda lagala shuruutami lahaa tabashoooyinkooda, balse xalkii ugu danbeeyay ayay ugu soo horraysiiyeen, taasoo arrinkood ka dhigaysa "baroortu orgiga ka wayn".

3. Guud ahaan Umadda reer Somaliland: Waxa mudnaanta 1aad leh in afka laga dhawro odhaahda ah waxa dagaallamaya (Reer hebel iyo Reer hebel) haddii reer Laascaanood ay cadhada iyo xamaasadda garaaddaddoodu ku beereen ka keenayso inteena kale afka aan ka dhawrno, waxay sii hurinaysaa ficiltanka, waxayna wiiqaysa in reer Laascaanood dib uga tashadaaan waxa soconaya iyo khaladaadka jira.

4. Waxa la gudboon qof kasta oo si uun uga hadlaya xaaladda Laas-caanood inuu ka dheeraado erayada cunfiga abuuraya, ama cabsi, xasillooni darro iyo werwer ku beeraya walaalaha iyo saaxiibbada gobolka Sool kasoo jeeda ee meel walba ku sugan.
Xassuusin: Umadda Somaliland ku wada dhaqani iyagoo beelo kala ah haddana waa wada xidid, xigaal, ilmaadeer, ilmaabti, asxaab, shaqo wadaag iyo shuraako ganacsi, sidaasoo ay tahay meel walba waa la wada joogaa oo nabadii aan ku soo caano maalnay ayaa ina walaalaysay oo qof waliba naftiisa iyo hantidiisa ku aaminay meel kasta oo Somaliland ka mid ah.

5. Cid kasta oo af, addin iyo adduunba kaga qayb qaadanaysa hurinta colaadda ha ogaadeen in ay cadho iyo ciqaab Alle ku mutaysan doonaan, taas beddelkeedana waxa loo baahan yahay in bulshada qaybaheeda kala duwani mid walba doorkiisa uu bulshada kaga jiro ka qaato sidii colaadda loo damin lahaa is af-garadna loogu soo dabaali lahaa.

Ilaahay laascaanood colaadda ka jirta ha inoogu bedello xasillooni iyo isfaham waara.

True or false. What do you believe them???
13/02/2023

True or false. What do you believe them???

Maxay tahay ma is waydiisay usually???
13/02/2023

Maxay tahay ma is waydiisay usually???

26/11/2022

XASUUQI SHACABKA SOMALILAND 11 AGUST BISHI 8.2022

22/11/2022

Waa warey

SIDAD U ARAGTAA WAXA BARASHADA SCHOOLADA JAMURIYADA IYO BARAYASHA
21/11/2022

SIDAD U ARAGTAA WAXA BARASHADA SCHOOLADA JAMURIYADA IYO BARAYASHA

𝐍𝐚𝐱𝐝𝐢𝐧 𝐫𝐚𝐠!!Fooqyada waawayn ee nimanka leh cusbitaaladu dhisteen, naxdin rag ayaa laga dhistay.Xanuunka lalama ballamee...
20/11/2022

𝐍𝐚𝐱𝐝𝐢𝐧 𝐫𝐚𝐠!!
Fooqyada waawayn ee nimanka leh cusbitaaladu dhisteen, naxdin rag ayaa laga dhistay.

Xanuunka lalama ballamee qof ayaa kaa xanuunsan, markaas ula carari cusbitaal adiga oo xaaladahu kaa jeexjeexanyihiin waa halkii ninkiiye, markaas ayay iyaguna kusii jeexjeexi.

Imisa nin oo iska faro madhan ayaa ula orday xaaskii oo ka foolatay, oo iyagii kala kulmay xanuun kii fooshaba ka daran markii lagu yidhi waa la qalayaaye hadda shub lacag gaadhaysa $600.
Hadda laga yaabaa taxiilihii soo qaadayba inuu moobilkiisii dhiibay.

Midbaa soo helay lacagtii qalliinka iyo tii dawadaba, waxa se laga diiday in lacagtaa laga qabto hawshiisana la gallo illaa inta uu shubayo kirada qolka ay afarta cisho jiifayso xaaskiisu marka la qalo.

Isaga oo ciil, warwar iyo cabsi wax aad ukala garanwaayayso oo is huwan dareemaya, shucuurtiisana ay ka muuqato habrashada laga arko dambiile askari jiidayaa kusii wado xabsiga ayuu yidhi
“inaadeer markaad qashaan lacag mahayee gurigaygii ayaan u qaadanayaa”, waase laga diiday.

Waa qolal halkii habeen lagu seexdo $40.

Saacad ka dib, islaantii oo fool ahina meel u fadhido, waxa uu soo helay 2 habeen qolka kiradiisii, Waase laga diiday illaa uu afarta habeenba lacagtooda soo shubayo.

Ogow hudheelada lagu raaxaysto 20 dollar ayaa lagu seexdaaye.

20/11/2022

Cod:sir ah wasiirka arimaha gudaha

Wefti uu hogaaminayo Murashaxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cal...
03/11/2022

Wefti uu hogaaminayo Murashaxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Iyo Masuuliyiin Kale oo Ka Tirsan Xisbiga Wadani ayaa gaadhay Magaalada Ceerigaabo, iyadoo si weyn halkaas loogu soo dhaweeyey.

Address

Mogadishu

Telephone

+2524546126

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muhiyadiin mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies



You may also like