31/05/2023
SIDEE LOO ABUURAA, LOONA BAXNAANIYAA GANACSI?
(Ka faa’ideeyso sirta guusha ganacsiga Sh. Axmed Nuur Jimcale, Mulkiilaha Barakaat Group)
------------------------------------------------------------------------
Bishii June 2020, kulan ay soo agaansintay madasha Murti-Doon ayaa waxaa lagu casuumay Mulkiilaha Shirkadaha Barakaat Group – Sh. Axmed Nuur Jimcale si uu ugu faa’ideeyo arday ka barata Cilmiga Ganacsiga Jaamacado ku yaala dalka gudahiisa iyo dibadiisa, kulankaan oo lagu qabtay barnaamijka fogaan aragga ee Zoom. Hadal Jeedinta Sh. Ahmed Nor Jimale waxaa uu ku saabsanaa sida loo abuuro ganacsi, iyo sida loo baxnaaniyo loona ilaaliyo jiritaankiisa. Hadal jeedintiisa waxaa uu ku saleeyay ‘Sirta guusha ganacsigiisa – His Success Story’. Marka aan soo koobo casharadii uu bixiyay, waxaa ugu muhiiimsanaa arimahaan hoose:
Qeybta 1aad: Baadigoobka Fursado Ganacsi (Finding Business Opportunities)
Su’aasha ugu h**eeysa ee uu isweydiiyay waxay aheyd: Sidee fursad ganacsi loo helaa?
Qofka raadinaya fursado ganacsi waa in laga helaa arimaha soo socda:
1. Alla ka cabsi: raadinta fursad ganacsi waxay la mid tahay raadinta ‘Risqiga’ maxaa yeelay danta loo ganacsado waa in laga helaa nolol (risqi). Sidaas darteed, si aad u heshid risqi waa in aad Allah ka cabsataa. Allah waxaa uu qur’aanka ku yiri: “Qofkii Allah ka baqa waxaa uu ka saaraa dhibka heysta, waxaa uuna irsaaqad ka siiyaa meel uusan ka filaneynin” (Al-dhalaq, 2&3).
2. Alla bari: Ducada wanagsan Alle waa aqbalayaa. Sidaas darteed, waxaa wanaagsan marka aad baadigoobeysid fursad ganacsi in aad Allah weydiisatid in uu ku waafajiyo fursado ganacsi oo wanaagsan oo aad ku ceeshi kartid.
3. Guurka: Sh. Ahmed waxaa uu kula taliyay dhalinyarada uu la hadlayay in ay guursadaan 1, 2, 3, 4 xaas, waxaa uu ku yiri guurka waxaa uu sabab u noqdaa helidda Risqi waasic ah. Wuxuu u cadeyay in asiga uu soo tijaabiyay arintaas si dhab ah.
4. Irsaaqadda raadi: Dalab risqiga oo dadaal badan samee, ka kac fadhiga - ogow qof fadhiya waxba lama siiyo.
5. Baro dad badan markasta oo aad heshid fursad aad ku baran kartid (Networking): si aad u baratid dad badan waa in aad tahay qof furfuran oo ku fiican dhexgalka iyo la falgalidda dadka kale. Ku dadaal in aad baratid dadka aad ku kulantaan shirarka, lana sameysatid xiriir. Kasbo kalsoonida dadka aad la macaamileysid. Si aad u heshid kalsooni iyo aaminaad, caawi dadka aad la falgaleysid. Tusaale, Sh. Ahmed Nor waxaa uu yiri “70kii waxaan ku noolaa dalka Sacuudiga, waxaan isku baranay, Allah ha u naxariistee, Hashi Weheliye Maalin oo ahaa ganacsade markii danbe noqday nin caan ah oo maal qabeen ah. Waan caawinjiray, wuuxu ii dirsan jiray wixii adeeg ah ee uu kaga baahdo dalka Sacuudiga, taasi waxay ii sahashay in dad badan ila soo xiriiraan oo adeeg ii dirsadaan, aniguna halkaas waxaan ka heli jiray ‘Commission’ iyo fursado ganacsi”.
6. Hel maalgelin: Su’aasha ugu badan ee uu is weydiiyo qofka rabo in uu ganacsado waa: xageed ka helee maalgelin? Waa sahlantahay in aad heshid maalgelin. Si aad u heshid maalgelin waxaa muhiim ah labo arin:
a. Waa in aad haysataa fikrad ganacsi oo lagu qanci karo, lagana gadi karo dadka.
b. Waa in aad tahay qof la aamini karo muuqaal ahaan iyo shaqsiyad ahaanba.
Qeybta 2aad: Sidee loo baxnaaniyaa ganacsigaada (How can you sustain your buniness)?
Si aad u baxnaanisid una hormarisid ganacsigaada, samee arimaha soo socda:
1. Shukriga Alle: Markasta u mahadceli Allah ficil iyo qowlba. Si aad Allah ugu mahadceliso si ficil ah waa in aad bixid Zakada, Sadaqada, caawinta dadka dhibaateysan, waa in aad ka qeybqaadatid howlaha kheyriga ah.
2. Waa in uu kugu jiraa rabitaan xad dhaaf ah (be highly interested in your Business): waa in aad u leedahay rabitaan xad dhaaf ah howlaha ganacsi ee aad ku jirtid. waa in aad gelisaa waqti badan shaqadaada, waa in aad ku bixisid ganacsigaada dhammaan awoodaada, gaar ahaan awoodaada qarsoon (your potential power) si aad u horumarisid.
3. Ka taxadar xulashada shaqaalaha: Howlahaada ganacsi markasta oo ay sii balaartaan waxaad u baahanee dad kale oo kula shaqeeya. Waa in aad qaadata dad aqoon leh, aaminna ah.
4. Degdegsiimo: Waa in aad macaamishaada si deg deg ah ugu adeegtaa. U fududee dadka noloshooda (Make peoples’ life simple). Si aad u kasbatid macamiil waa in aad dareensiisaa in aad dantooda ka shaqeyneysid. Waa in aad la timaadid alaab tayo sare leh, qiimo jaban, howlahaadana aad si degdegsiimo leh ugu qabatid macaamisha.
5. Isticmaal nidaam maaliyadeed oo hufan: waa in aad ku dadaashaa hirgelinta nidaam maaliyadeed oo hufan. Waa in la adkeeyaa xisaabaadka, la isticmaalaa miisaaniyad, iyo in si joogta ah loo dabagalo howlaha xisaabaadka iyo maaliyadda.
6. Shaqaalahaada dareensii lahaanshiyo (ownership): Shaqaalaha hadii la siiyo mushaar kaliya ma dareemayaan in ay shirkadda wax ka leeyihiin. Annagu waan joojinay mushaar (salary), taas badalkeeda waxaan shaqaalaha siinaa “Commission” ku xiran wax qabadka shirkadda. Faa’iidada la helaa ayuu qofkastaa saami ku leeyahay, taasi waxay keentay in shaqaaluhu ay dareemaan in shirkadda wax ka leeyihiin.
7. Ha noqon qof damac badan (don’t be greedy): dareensii shaqaalahaada iyo macamiishaada in aadan damaaci (daneyste) aheyn. Hadii dadka kugu xeeran ay dareemaan in aad daneyste tahay, cid kula sii joogeysa ma jirto.
8. Qaabiil, Haabiil Syndrome: Shaqaalaha waxaa ka mid qof sida Qaabiil oo kale ah, oo rabo in uu laayo shaqaalaha wanaagsan ee leh aqoonta iyo waayo aragnimada. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo dhaheysa “Qoori xero kuma heshiiso”. Waxaan ula jeedaa arintaan in shaqaalaha laga warhayo, lagu kala dhex jiro, la kala celiyo. Shaqaalaha waxaa ka mid qof rabo in uu ku tagri falo awoodiisa, geeska geliyo cidkasta oo u arko in ay khatar ku tahay danahiiisa gaarka ah. Sidaas darteed, ku kala dhexjir shaqaalaha, waana iyo tusaaleyn sii xili kasta.
9. Samee sahan joogta ah (R & D): Marnaba ha dhihin waan wanaagsanahay ee si joogta ah u raadi si ka sii fiican sida aad hadda tahay. Si joogta ah u hormari Technology-da aad isticmaaleysid, raadi suuqyo cusub, fursado cusub, iyo qaabab kale oo ka wanaagsan sida aan hada u shaqeyneysid. Isha ku hey isbelada la xiriira technology-ga, lana jaanqaad.
10. Ha quusan: mararka qaar waxaad la kulmeysaa caqabado iyo jab. Marka ha quusan, kana leexo jiidkii aad shalay ku jabtay, qofka muuminka ah god laba mar lagama qaniino.
Xigasho Dr. Hussein