26/06/2024
DEG DEG: Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa hadda hadlay , wuxuu la noqday sharcigiisii Maaliyadda, kaddib mudaaharaadyo ka dhan ah canshuuraha oo dalka oo dhan ka dhacay.
"Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan , dadku way hadleen…. Annigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga Maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa.”
Fiiro gaar ah;
Ruto , muddo dheer oo uu ku adkaysanayay in sharcigan la meelmariyo, kaaso sare u qaadaya canshuuraha, dadweynaha waxay ku qasbeen inuu joojiyo, sababtoo ah waxay u arkayeen mid aysan xamili karin, waana dharbaaxadii u horreysay oo gudaha uu kala kulmayo Ruto , marxalad ku qasbaysa inuu dib ugu laabto siyaasadiisa gudaha ee la kulmaysa burburka, wuxuuna maray tijaabadii u horreysay ee ka dhan ah codka diiddan ee gudaha Kenya.