Garaad Abdisalan hassan

Garaad Abdisalan hassan madax dhaqamed somaliyeed

17/11/2024

Wasiir fiqi aad iyo aad ayaan kuugu hambalyeynayaa sida masuuliyadda iyo wadannimada ah ee aad u difaacday Soomaalinimada iyo wada jirka ummadda soomaaliyeed, cayayaanku waxba kaa qaadi mayaan.

Garaad Abdisalaan.

Maanta oo ay tariikhdu tahay 25-10-2024, waxaan ka qayb galay baaq nabaddeed ay soo jeediyeen Isimada, Cuqaasha iyo culi...
25/10/2024

Maanta oo ay tariikhdu tahay 25-10-2024, waxaan ka qayb galay baaq nabaddeed ay soo jeediyeen Isimada, Cuqaasha iyo culimada reer SSC-Khaatumo oo ku saabsan colaadda kasoo cusboonatay deegaanka saaxmaygaag. Waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo wada noolaansho labada beelood ee tolka iyo deriska ah.

Garaad Abdisalaan.

Maalintii saddexaad ayaanu ku jirnaa hawl gal aannu kula dagaalamayno dad caadaystay gubista dhirta oo dhuxulaysato ka n...
07/10/2024

Maalintii saddexaad ayaanu ku jirnaa hawl gal aannu kula dagaalamayno dad caadaystay gubista dhirta oo dhuxulaysato ka noqday deegaamo hoos yimaada degmada God'aalo ee Gobolka xalaysimo .

Hawl galkan waxaa igu weheliyey ciidanka xasilinta maamulka SSC-Khaatumo, Cuqaasha iyo Odayaasha degmada God'aalo, wuxuuna noogu soo dhammaaday si nabad ah.

Garaad Abdisalaan

Wefti balaadhan oo aan hoggaaminayo ayna i weheliyaan Jiif Caaqil Maxamud Caaqil Cabdikariin, taliya ciidan xasilinta Ma...
05/10/2024

Wefti balaadhan oo aan hoggaaminayo ayna i weheliyaan Jiif Caaqil Maxamud Caaqil Cabdikariin, taliya ciidan xasilinta Maamulka SSC-Khaatumo taliye siciid, taliyaha boolis degmada God'aalo Jaamac-Boos ayaa maanta gaadhay degmadda god'aalo ee Gobolka Xaysimo

Weftiga ayaa socodkoodu ahaa u kuurgelidda arrimaha nabadgelyada Gobolka, gaar ahaan cidhibtirka kooxaha caadaystay gubista dhirta (dhuxulaysato) iyo arrimo la xidhiidha nabad-gelyada.

Garaad Abdisalaan.

Waxaan maanta booqanay aniga Isimadii ila socday dekadda Garacad oo ah dekad si qiimo badan loo dhisay tacab badanna la ...
26/09/2024

Waxaan maanta booqanay aniga Isimadii ila socday dekadda Garacad oo ah dekad si qiimo badan loo dhisay tacab badanna la geliyey, waana uga mahadcelinayaa madaxdii iyo maamulkii halkaa nagu soo dhaweeeyey.

Garaad Abdisalaan.

Caawa waxaan kulan soo dhaweyn iyo is xog-waraysi ah la qaadanay bulshada reer Gaalkacayo oo aannu ayaamahan safarkii ma...
21/09/2024

Caawa waxaan kulan soo dhaweyn iyo is xog-waraysi ah la qaadanay bulshada reer Gaalkacayo oo aannu ayaamahan safarkii mahadcelinta ee "Mahadsanid walaal" kula joognay.

Garaad Abdisalaan.

19/09/2024

DHAMAAN BULSHADA RER BACAAD WAYN WA MAHADSAN TIHIIN

19/09/2024
19/09/2024

Wa mahadsantihiin rer mudug bila cagaran

Waan u mahadcelinayaa bulshada reer Burtinle oo maanta si diiran oo gobanimo leh noogu soo dhaweeyey aniga iyo Isimadii ...
17/09/2024

Waan u mahadcelinayaa bulshada reer Burtinle oo maanta si diiran oo gobanimo leh noogu soo dhaweeyey aniga iyo Isimadii ila socday magaalada Burtinle. Safarkayagu wuxuu daba socdaa safarkii h**e ee mahadsanid walaal, waxaana ku mari doonaa dhammaan degmooyinka iyo gobollada Puntland intii aannu ka gaadhno. Waxaana kulamo la qaadan doonnaa Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Isimada Dhaqanka ee deegaamadaas.

Garaad Abdisalaan.

Waan u mahadcelinayaa bulshada reer Jalam oo saaka si diiran noogu soo dhaweeyey aniga iyo Isimadii ila socday magaalada...
17/09/2024

Waan u mahadcelinayaa bulshada reer Jalam oo saaka si diiran noogu soo dhaweeyey aniga iyo Isimadii ila socday magaalada Jalam ee hoos tegta degmada Burtinle. Safarkagu wuxuu daba socdaa safarkii h**e ee mahadsanid walaal, waxaana ku mari doonaa dhammaan degmooyinka iyo gobollada Puntland intii aannu ka gaadhno.

Garaad Abdisalaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelka iyo guud ahaanba b...
13/09/2024

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelka iyo guud ahaanba bulshada reer SSC-Khaatumo oo caawa ka geeriyooday abti Barkhadle Diiriye Ciise oo ku dhintay magaalada Laascaanood.

Garaad Abdisalaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelka iyo guud ahaan sha...
13/09/2024

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Garaad Abdisalaan.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garaad Abdisalan hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category